Hyperthyroidism
Hyperthyroidism
Hyperthyroidism waa marxalad uu tayroodhka soo saaro intii loo baahnaa ka badan hormoonno. Sidoo kale waxa loo yaqanaa kororka teyroodhka. Ciriqa ugu muhiimsan ee tayroodhka waa T3( triiodothyronine) T4 ( thyroxine). Kororka shaqada tayroodhka waxay saameyn ku yeelaneysa jirka oodhan, marxaladi waxay u baahan tahay daaweyn dhaqso leh.Qanjidhka Tayroodhka la yidhaahdaa wuxuu ku yaal cunaha halka Ka horaysa hunguriga inta aan laabta ama sakaarka la gaadhin ,qanjidhka lama arki karo marka uu caadiga yahay se marka uu xanuunku dhaco taabasho ayaa lagu dareemi karaa amaba wuuba muuqdaa oo fiix ayay soomaalidu u taqaan .
Waxa uu maamulaa awoodda jidhku adeegsado wakhti go'an waxaanuu ka qayb qaata maamulka wadnaha ,muruqyada, dheefshiidka ,koritaanka maskaxda iyo dhismaha lafaha .Shaqadiidu waxay ku xidhantahay hadba inta iodine ah ee jidhku Ka helay cuntada uu qaato.
Marka qanjirka tayroodhka uu sidii loogu tala galay u shaqeeyo, jidhkana waxa uu noqonayaa mid isku dheellitiran, dhammaan habdhiska shaqada jirka si wanaagsan ayay u shaqeynayaan. Haddii tayroodhka uu u shaqeeyo sidii loogu tala galay soo deynta hormoonnada tira badan ama tiro ka yar intii loo baahnaa waxay saameyn ku yeellaneysaa dhammaan jirka.
Yuu ku dhaci karaa hyperthyroidism?
Qof kastaa wuu yeelan karaa hyperthyroidism, laakiin waxay ku badan tahay dumarka.
Sidee ayuu u shaqeeyaa qanjirka troodhka?
Qanjirka troodhka waxaa kontroola qanjir kale oo ku yaalla maskaxda laguna magacaabo "Pituitary Gland", qanjirkaan wuxuu awood u leeyahay inuu yareeyo ama siyaadiyo hawsha qanjirka tayroodhka, hadii hormoonnada ay ku yaryihiin dhiigga wuxuu farriin u diraa qanjirka tayroodhka si hawsha loo kordhiyo iyo sida kalaba.Isla qanjirka (pituitary) waxaa sii xakameeya qanjir muhiim ah kana mid ah maskaxda loona yaqaanno "Hypothalamus".
Qanjirka Hypothalamus wuxuu soo daayaa hormoon loo soo gaabiyo (tyrotropin releasing hormoon) macnihiisuna yahay hormoonkii soo deyn lahaa hormoonnada tayroodhka, wuxuu sameeyaa qanjirka Pituitary, waxuuna ka soo daayaa hormoon kale oo loo soo gaabiyo (tyrotropin stimulating hormone) oo macnihiisu yahay homoonkii kicinta ama falgilinta tayroodhka. Markaas ayuu qanjirka hawsha billaabaa soona daayaa hormoonnada T3 iyo T4. Marka haddii ay jirto mushkilad keensanaysa in qanjirka si aad ah u shaqeeyo, waxay ka imaan kartaa mid ka mid ah 3-da qanjir.
waa maxay calaamadaha hyperthyroidism?
Waxaa jira calaamado badan oo hyperthyroidism, waxayna saameyn karaan jirka oo dhan. Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto qaar ka mid ah calaamadahan oo aanad la kulmin kuwa kale, ama qaar badan oo iyaga ka mid ah isku mar. Calaamadaha hyperthyroidism waxaa ka mid noqon kara:
Calaamadaha lagu garto.
Waxa jiria calaamado badan oo uu leeyahay kororka shaqada tayroodhka, waxay saameyn ku leeyihiin jirka oodhan.
1:Inuu siyaado garaaca wadnaha
2: Qofka inuu dareemo gariir.
3: Miisaanka hoos u dhaca.
4: Cunista oo korodha( increase appetite. )
5: Shuban (diarrhoea)
6: Araga oo isbeddela.
7: Qofka oo dhuubta, jirkiisuna diirimaad yeesho, haragiisuna qoyaan yeesho.
8: Caadada isbeddel ku yimaada( dumarka).
9: Qofka aan u dulqaadin karin kulka, iyo dhidid badan.
10: Barar iyo weynaansho xaga qoorta, taasoo ka imaneyso bararka tayroodhka( goiter/kuus).
11: Qofka timaha oo ka bida.
12: Tabardari xagga muruqa.
13: Qofka indhaha bannaanka u soo kuusta(Graves’ disease).
Maxaa keenna hyperthyroidism.
Waxa keenna xaalado caafimaad darro.
Waxa ka mid ah.
1: Graves’ disease: waxa keenna habdhiska difaaca jirka soo weerara qanjirka tayroodhka kaa soo badaniya in la soo daayo hormoon badan. Xanuunka waxa ku yimaadaa dhaxal. Haddii uu jiro qof qaba qoyska waxa sahlan Kanshaha uu cudurkan ku gudbin karo qofka waxa ka faracmaya.
2: teyroodhka kuus ka soo baxa(thyroid nodule) waa ka soo ka soo baxa tayroodhka ama inay bataan unugyada qanjirka tayroodhka. Waxay soo saarayaan hormoonno badan inta uu jirka u baahan karo ka badan. Ka soo baxo waa mid aad ugu yar inuu noqdo mid isku beddeli kansaro.
3: Ololka tayroodhka ( thyroiditis) waa olol ku dhaca qanjirka tayroodhka, waxa uu noqon karaa mid xanuun leh ama aan lahayn(aamusan), Waxa kaloo keeni kara, caabuq ku dhaca ama caabuq dhalmada dabadii ku yimaada jidhka sidaana kor u qaada hoormoonnada. Waxa laga yabaa in aanu kabasho sameyn tayroodhka taasoo keeneysa in uu hoos u dhac ku yimaado qanjirka tayroodhka (hypothyroidism).
4:Hormoonka kicinta troodhka oo si xad dhaaf ah loo soo daayo, taasoo badanaa ka timaado buro ka soo baxdo qanjirka Pituitary.
5: isticmaalka xaddi badan aayodhiinta.
Haddii qofka halis ugu jiro kororka shaqada qanjirka (hyperthyroidism) qofkuna qaato wax badan aayodhiin ah ( iyado cunna ahaan ama dawo ahaan) waxay keeneysaa in tayroodhka uu soo saaro hormoono badan. Aayodhiinta waa macdan uu isticmaalo qanjirka tayroodhka si u sameeyo hormoonka qanjirka. Daawada amiodorone waxa ku jirta cadad badan aayodhiin ah sidoo kale waxay keeneyaaa hyperthyroidism.
Sidee lagu ogaadaa Kacsanaanta Qanjirka Troodhka.
1:In la fiiriyo calamadaha aan kor ku soo xusay sida gariirka gacmaha, dhidid badan, maqaarka jirka oo saliix noqdo, tinta oo khafiif noqoto, wadnaha oo aad u garaacmo iyo qanjirka troodhka oo bararo.
2:Baaritaan dhiiig oo lagu fiirinayo hormoonnada kala ah T3, T4, TSH
3:Raajo-saaris qanjirka ah "Thyroid Scan"
4:Thyroid ultrasound:
Daaweynta.
Waxa jira habab loo dooran karo Daaweynta hyperthyroidism waxay ku xidhan tahay hadba waxa keenay.
1: lidiga tayroodhka:methimazole (Tapazole) or propylthiouracil (PTU): dawooyinka waxay xidhayaan awoodda uu wad badan ku soo saari lahaa qanjirka tayroodhka hormoono badan. Si dagday ayay u xakameynayaan tayroodhka.
2:Radioactive iodine: waa dawo afka laga qaadanayo unugyada tayroodhka si qumman u soo nuugaan. radioactive iodine waxay dhaawac gaarsiineysaa unugyada iyo iyadoo tayroodhka ku keeneyso inuu shiiqo heerka soo deynta hormoonka uu hoos u dhaco isbuucyo gudahooda.Tani waxay badanaa keentaa burburka joogtada ah ee tayroodhka
kaas oo daweyn doona hyperthyroidism.
Inta badan dadka qaata daaweyntan waa inay qaataan daawooyinka hoormoonka tayroodhka inta noloshooda ka hadhay si ay u ilaaliyaan heerarka hoormoonka isku dhellitirka caadiga.
3:Qaliin( surgery) in laga saaro qanjirka tayroodhka (thyroidectomy) waxay saxeysaa in hoos badnaanta shaqada tayroodhka, laakiin waxay keentaa badanaa in hoos u shaqada tayroodhka hoos u dhacdo ( hypothyroidism) qofkana waxa u baahanayaa inta noloshiisa ka dhiman inuu qaato dawooyinka tayroodhka.
4:Beta blockers: kooxdan dawooyinka ah waxba kama beddelayaan heerka hoormaanka ee dhiigga, balse waxay caawinayaan inay yareeyaan garaaca wadnaha, gariirka taas oo uu keenay kororka shaqada tayroodhka (hyperthyroidism).
5:Ma jirto cunto gooni ah oo loo qaato xaaladdaan, laakiin haddii kacsanaantaadu ka timid in uu kugu badan yahay cunsurka Iodine waxaa iska yareyneysaa cunnooyinka uu ku badanyahay.
Tixraaca:https://www.mayoclinic.org/diseases-conditions/hyperthyroidism/symptoms-causes/syc-20373659
https://my.clevelandclinic.org/health/diseases/14129-hyperthyroidism. Somalidoc.com. ku-dur.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment