Hypothyroidism
Hypothyroidism?
Waa xanuun ku dhaca tayroodhka, taasoo aanu soo sii daneyn karin hoormonno ku filan jirka si uu ugu shaqeeyo si sax, haddii hormoonka loo baahnaa hoos u dhac ku yimaado waxa hoos u dhac ku imaanaya dheefsashada( metabolism) waxay saameyn ku yeelaneysaa jirka oodhan. Sidoo kale waxa loo yaqaan xanuunka hoos dhaca tayroodhka(hypothyroidism).
Tayroodh hormoonka hoos u dhac aad u hooseeya ku yimaada waxa loo yaqaana hoos u dhac aad u daran(myxedema). Waa xaalad aad u daran taasoo keenta calaamado qatar ah waxa ka mid ah: heerka kulka oo hoos u dhaca, dhiig yari, isku qasnaan, koomo inuu galo qofka. Noocan aadka u daran hoos u dhaca tayroodhka (hypothyroidism) waxa uu halis galin karaa nafta qofka. Guud ahaan, hoos u dhaca tayroodhka waa mid la daaweyn karo, waxa lagu maareyn karaa daawooyin joogta ah.
Sidee ayuu u shaqeeyaa qanjirka tayroodhka?
Qanjirka tayroodhka waa xubin yar oo balanbaalis u qaab eg oo ku taal xagga hore ee qoorta oo ka hoosaysa qulaanqulshaha (larynx). Baalashiisa waxay ku dhagan yihiin hunguri cadaha(trachea).Shaqada ugu weyn ee tayroodhku waa in la xakameeyo dheef-shiidka ( metabolism).
Dheef-shiid kiimikaadka waa habka uu jidhka u isticmaalo si uu cuntada ugu beddelo tamarta jidhka u isticmaalo una shaqeeyo. Qanjirka 'thyroid' wuxuu soo sii daayaa hormoonnada T4 iyo T3 si loo xakameeyo dheef-shiid kiimikaadka.
Si qanjirka thyroid-ka u shaqeeyo, wuxuu dhambaal hormoon ah ka helaa qanjir maskaxda ku jira oo loo yaqaano Pituitary kaasoo soo daayo hormoon loo yaqaanno "Thyroid Stimulating Hormone" loona soo gaabiyo "TSH", macnihiisuna yahay "homroonka ka shaqeysiiyo thyroid-ka".Markuu hormoonkaasi soo gaaro lana falgalo qanjirka thyroid-ka, wuxuu qanjirka thyroid-ka soo daayaa hormoon loo yaqaano "T4", kaasoo jirka lagu baahiyo, kaddibne markuu unugyada jirka la falgalayo waxaa hormoonka "T4" isu beddelaa hormoon kale oo loo yaqaano "T3" si jirka uga faa'idaysto.
Haddii hormoonka "TSH" uu kacsan yahay, hormoonka "T4" iyo "T3" ay hooseeyaan wuxuu qofka qabaa "Holwgabka qanjirka thyroid-ka". "T4" iyo "T3" sababta ay u hooseeyaan waa qanjirka thyroid-ka oo shaqeyn la'a sidaas awgeed qanjirka Pituitary ee maskaxda ku jira wuxuu dareemayaa in thyroid-ka shaqeyn la'a yahay, markaasi wuxuu soo deynayaa "TSH" badan si qanjirka thyroid-ka looga shaqeysiiyo. Haddii hormoonka "TSH" kacsan yahay, "T4" iyo "T3" ay dabiici yihiin, waxay tilmaamaysaa in howlgabka qanjirka thyroid-ka uu kugu soo socdo, laakiin uusan soo shaac bixin, xaaladaasoo loo yaqaano "Subclinical hypothyroidism", in markaan daawo laguu qoro iyo in kale waxay ku xiran tahay astaamaha aad uu dareeymayo bukaanka iyo muddada aad xanuunsanaa.Haddii seddexda hormoonba "TSH", "T4" iyo "T3" ay wada kacsan yihiin, waxay cilladu ka jirtaa qanjirka maskaxda ku jira ee Pituitary, sababtuna waa buro loo yaqaano "Adenoma" oo qanjirka shaqadiisa la wareegtay, xalkiisuna badanaa waa qalliin, daawo waxba kama tarto.Hormoonnadani waxa uu ka shaqeeyaan jirka oo dhan si ay u sheegaan unugyada jirka inta ay le'eg tahay tamarta ay isticmaalaan. Waxay xakameeyaan heerkulka jidhka iyo garaaca wadnaha.Marka qanjirka tayroodhku si sax ah u shaqeeyo, wuxuu si joogto ah u sameeyaa hormoonno, sii deynaya kasdibna samaynta hormoonno cusub si uu u beddelo wixii la isticmaalay.
Tani waxay ilaalinaysaa dheef-shiid kiimikaadka iyo dhammaan nidaamyada jidhka.
Cadadka hoormoonka tayroodhka ee dhiigga waxa maamula qanjirka pituitary, kaas oo ku yaala bartamaha madaxa ee maskaxda ka hooseeya. Marka qanjirka pituitary-ga uu dareemo yaraanta hoormoonka tayroodhka ama aad u badan, wuxuu hagaajiyaa hoormoonka (hormoonka kicinta tayroodhka, ama TSH) wuxuuna u diraa tayroodhka si uu isku dheellitiro cadadka. Haddii cadadka hormoonka uu yaraado qofkaasi waxa uu qabaa hoos u dhaca tayroodhka (hypothyroidism). Waxa uu sameyn karaa xanuunkan da'a walba, gaar ahaan waxa uu ku badan yahay dumarka. Dumarka waxa yu inta badan ka soo muuqdaa xilliga dhalma dayska.
Maxaa keenna.
Hypothyroidism waxa uu yeelan karaa sabab asaasi ah(Primary)ama sabab labaad( secondary). Sababta aasaasiga( Primary) ah waa xaalad si toos ah u saameysa tayroodhka waxayna sababtaa inay abuurto hoos u dhac hormoonnada tayroodh ah.
Sababta labaad( secondary) waxa sababa qanjidhada pituitary in uu fashilmo, taas oo la macno ah in aanay u diri karin hoormoonka tayroodhka farriin (stimulating) (TSH) ee tayroodhka si uu iskugu dheellitirto hoormoonka tayroodhka.
Sababaha asaasiga ah ee hypothyroidism ayaa aad ugu badan(comman).
Sababta ugu badan ee sababta ah waa xaalad difaaca uu is weeraro oo loo yaqaan cudurka Hashimoto.
Sidoo kale loo yaqaan Hashimoto's thyroiditis ama qanjirka 'lymphocytic thyroiditis', xaaladdan waa mid la iska dhaxlo (oo la iskugu gudbiyo qoys ahaan). Cudurka Hashimoto, habdhiska difaaca jidhku wuxuu weeraraa oo waxyeelleeyaa tayroodhka. Tani waxay ka hortagtaa tayroodhka inuu soo sii daayo hoormoonka (tayroodh ku filan).
Waxyaabaha kale ee keeni kara waxa kamid ah.
1: Ololka ku dhaca tayroodhka ( inflammation thyroiditis).
2: Daaweynta kacsanaanta tayroodhka ( hyperthyroidism) sida in la saaray ama shucaac( radiation)lagu daaweyeeyay.
3: Aayodhiinta oo yaraata( iodine deficiency) oo ku filnaan weysa,macdanta waxa u isticmaalaa inuu sameeyo hormoonno.
4: Waxa keeni karta xaalad dhaxal la xidhiidha qoyska.
Maxaa keena hypothyroidism uurka?
Inta badan, haweenka qaba hypothyroidism xilliga uurka waxay qabaan cudurka isweerarka difaaca(Hashimoto). Is weerarka difaaca jirka ah ayaa sababa in habdhiska difaaca jirka uu weeraro oo uu dhaawaco tayroodhka. Marka taasi dhacdo, tayroodhku ma soo saari karo oo ma soo sii deyn karo heerar sare oo hormoonnada tayroodh ah, oo saameyn ku leh jidhka oo dhan.
Hooyada uurka leh ee qabta hypothyroidism waxaa laga yaabaa inay dareemaan daal badan, waxayna dareemaan murqo xanuun.Hormoonka tayroodhka ayaa muhiim u ah koritaanka uurjiifka. Hormoonnadani waxay caawiyaan horumarinta maskaxda iyo habdhiska dareenwadka.
Haddii ay hooyada uurka ay qabto hypothyroidism, waxaa muhiim ah in la maareeyo heerarka tayroodhka.
Haddii uurjiifku aanu helin hoormoon ku filan tayroodh inta lagu jiro korriinka, maskaxdu waxa laga yaabaa in aanay si sax ah u kobcin.Hypothyroidism oo aan la daweyn ama aan si ku filan loo daweyn xilliga uurka waxay u horseedi kartaa dhibaatooyin ilamaha soo daata( abortion).
Hypothyroidism ma keeni karaa cillad kacsi la'aan( erectile dysfunction).
Xaaladaha qaarkood, waxaa jiri kara xiriir ka dhexeeya hypothyroidism-ka aan la daweyn iyo cillada kacsiga la'aanta.
Marka hypothyroidism ay sababto arrin la xiriirta qanjidhada pituitary, waxaad sidoo kale ay keeni kartaa hoos u dhac Ku yimaada testosterone.
Calaamadaha.
1- Caajis Iyo daal (haweenka qaarkood, daal iyo tabar darri awgeed, markay xoogaa socdaan waa in ay nastaan oo ay fadhiistaan!!)
2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajisku aad kuugu bato.
3- Calool-istaag.
4- Miisaankaaga oo kordha adigoo aan cunin cunto badan.
5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan yahay ama daamankaagu noqdaan kuwo sidii buufimada bararay, dadkuna u maleeyaan in aad naaxday.
6- Codka Oo xabeeb yeesha
7- Murqo xanuun iyo tabardarri aadan si sahlan fadhiga uga istaagi karin Illaa inaad wax qabsato ama aad afarta ku kacdo mooyee.
8- Is goysyada xaglaha oo xanuun ama barar aad ka dareento.
9- Caadada oo kaa wareerta ama siyaado noqoto socodkeedu.
10- Timaha oo khafiif noqda ama inay kaa gogo’ayaan aad dareento
11- Maqaarka jidhkaaga oo cawlaan noqda ama qallayl noqda.
12- Hilmaan aadan horay u qabi jirin ama caajis maskaxeed.
13- Qanjidhka oo soo kuusma ama barara, qofkane uu dareemo in dhuunta laga cadaadinayo (xanuun-ka howlgabka qanjirkani qasab uma aha in qanjidhku uu bararo).
Baadhitaanka ( diagnosis).
Baadhitaanada muhiimka ah sida in la eego heerka hoormoonnada T3,T4, ee dhiigga oo hoosayn doonna ,iyo TSH oo kacsanaan doonna marka xanuunkani qofka hayo.
Dawaynta .
Dawaynta waxa la siiyaa bukaanka xanuunkan laga helo dawada la yidhaahdo “Levothyroxine”taasoo hoormoonadii jidhku u baahnaa ee hoos u dhacay halkoodii buuxinaysa calaamadihii qofku dareemi lahaana meesha ka saaraysa waana inuu dawada qofku noloshiisoo dhan qaato ,dawadan waxay tahay inuu qofku qaato calooshiisoo madhan isagoon la qaadanayn wax dawo kale ah ama faytamiinno ah.
Tixraaca:my.clevelandclinic. Dr mawlid ku-dar.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment