Nutcracker syndrome
Nutcracker syndrome
Waa xaalad saameysa xiddidka killida bidix( left renal vein). Xiddidkani waa midka dhiigga ka qaada isagoo ka keenaya kilida bidix kuna celinaya wadnaha. Waa nooc kamid cadaadiska fuula xiddidka. Nutcracker syndrome waxa uu saarayaa cadaadis mid kamid ah xiddidada.Haddii uu qofka qabo xanuunkani labo halbowle caloosha ku yaala ayaa cadaadinaya qeyb ka mid ah xiddidka quudiya kilida bidix. Cadaadiska fuulaya xiddidka kilida bidix ayaa keenaya qulqulka dhiigga in uu aado jiho qaldan. Natiijada Ka dhallaneysa waxay tahay xiddidada u dhow inay noqdaan kuwa bararsan, waxay keeneysaa in dhibaato xoog leh ka dhallato.
Qaabdhiska xiddidka kilida bidix.
Si loo fahmo xanuunka(nutcracker syndrome) waxa innaga caawinaya xiddidka kilida bidix halka jirka uu ka maro. Xiddidka waxa uu ka soo baxaa kilida bidix isagoo ku safraya dhanka xiddid waynaha dhiigga wadnaha uga soo qaada addimaha hoose( inferior vena cava). Xiddid waynaha waxa uu soo ururshaa dhiig bilaa ogsijiin ah isagoo ka soo qaadaya xiddidada addimaha hoose, dibna ugu soo celinaya wadnaha.
Si u gaaro xiddid waynaha hoose xiddidka kilidda bidix waa inuu dhex maraa inta u dhexeysa labada xiddid ee ku yaala ubucda(abdomen). Kuwaasi waa halbowlaha ubucda( abdominal aorta) iyo laan ka imaneysa oo quudisa xiidmaha( superior mesenteric artery ). Caadiyan xiddidkan waxa jira meela badaan uu dhex mari karo.
Laakiin haddii qofka uu qabo xanuunka(nutcracker syndrome) ma jiro fogaan ku filan uu hellayo xiddidka taas ayaa keeneysa inuu cadaadis fuulo. Badanaa ubuc halbowleedka iyo quudiya xiidmeedka(superior mesenteric artery)isku cidhiidhsama ayaa keena in cadaadis uu fuulo xiddidka kilida bixid. Inta badan cadaadiska waxa uu ka dhacaa xagga danbe ee halbowlaha, xiddidka kilida bidixn u safrayo inta u dhexeysa halbowlaha iyo winiinta(spine).
Xanuunkan waxa uu keeni karaa in xinjir xidho xiddidka kalyaha. Waxaa kale uu keeno karaa in kalyaha dhaawac soo gaadho, inuu siyaado cadaadiska xiddidada kalyaha. Ragga iyo dumarka waxa uu ku keeni kartaa dhalmo la'aan.
Maxaa keenna.
Waxa sababo isbeddel ku yimaada xiddidka qaabdhis ahaantiisa(anatomical structure). Wax kale oo keenna isbeddelka ku imaada ilmagaleenka xilliga ay sameysmayaan xiddidada. Wax kale keeni kara miisaanka qofka oo noqda mid saa'id u hooseeya taasoo ugu wacan xanuun qofka ku dhaca sida: Aydhiska, kaankarada( cansarka) xanuunada keena cunna diidmada taasoo keeneysa in qofka miisaankiisa hoos u dhaco.
Calamadaha.
1: Qofka waxa uu yeelanayaa dawaqaad marka uu istaagayo.
2: Xanuun qofka ka dareemo dhinaca bidix.
3: Kaadida oo dhiig lagu arko.
4:La labo iyo matag.
5: Ragga waxa lagu arkayaa galaha (varicocele).
6:Dumarka xilliga galmada xanuun ay dareemayaan.
7:Kaadida gubasho keenta.
8: Miska xanuun.
Waxa kale lagu arki kara.
1: Dhiigyaraan(anemia).
2: kaadi oo borotiin badan lagu arko.(protouria)
Sidee loo baadhaa.
1:Qofka in la saaro humaag( ultrasound), MRI, C-SCAN.
2: baaritaan dhiigga ah.
3: In kaadiida laga baadho.
4: Hirarka dhawaqa laga fiiriyo xiddidka guduhiisa isagoo innoo tusaya humaag ahaan( intravascular ultrasound).
5: Hab lagu ogaanayo qulqulka dhiigga humaaq ahaan ( venogram).
Daaweynta
Daaweynta waxay ku xidhan tahay darnaanshaha iyo da'da.
1: Waxa la siinayaa qofka dawooyin la isku yiraahdo ACE inhibitors. si ay shaqada kilida uga caawiyaan.
2: Asprin .
3: In miisaanka qofka sarre loo soo qaado.
4:Haddii ay daran yihiin caalamadaha qofka, uma baahna wax daawo ah qofka waxa loo diyaarinayaa qaliin.
Tixraaca: https://my.clevelandclinic.org/
W/Q:Indha_caad
Mahadsanid Ustaad
ReplyDelete