Prolactin hormone:

 Prolactin hormone:


Prolactin (PRL) waa hoormoon ka samaysan borotiin adag 

wuxuuna ka howlgalaa xubnaha taranka ee haweenka sida ugxaan sidaha(ovary) sidoo kale waxay shaqadiisu tahay sameynta caanaha jirka ilmaha marka ay dhashaan kaddib haddii uu jirka ku badato waxaa kor u kaca caanaha jirka lagu arko oo noqda kuwa xad-dhaaf ah, sidoo kale hoormoonkaan wuxuu saameyn  ku leeyahay in lasoo daayo estrogen iyo progesterone.


Xagee laga soo daayaa prolactine?


Waxa laga soo daayaa unugyada luteotropic hormone ee ku yaala qeybta hore pituitary glan.  Sameysan keeda waxa keena hormoon loo yaqaan TRH marka laga soo daayo bu'da( paraventicular nucleas) waxay keeneysaa in ay dhiigga soo gasho ay carin(kicin) ku sameyso luteotropic hormone si ay u soo daayaan prolactine.Waxaa laga amrayaa hypothalamic si loo soo daayo hormoonka prolactine waxa laga soo deynayaa qeybta hore qanjirka pituitary.  Marka u horreysa Hypothalamus  waxa uu xakameynayaa prolactin-ka soo sii deyntiisa( inhibition). Halka hypothalamic ay xakameyso hormoonka soo deyntiisa qeybta kale ee hore qanjirka pituitary waxa uu sameynayaa isagana nashaadin( stimulating).


Hoormoonkaan loo yaqaan prolactin-ka mararka qaar kor ayuu 

u kacaa macnaha wuxuu noqdaa mid siyaado ku ah jirka laakiin

markaas waxa loo fiirinayaa hadba xaallada taagan markaas.

Tu'saale ahaan hoormoonka prolactin-ka wuxuu siyaado noqdaa marka ay haweenayda ay uur qaado macnaha inta ay uurka leedahay iyo marka ay dhasho kaddib labadaas marba 

hoormoonka prolactin-ka wuxuu ku siyaadaa dhiigga sidaasi darteed hooyada marka ay dhasho waxaa naasaheeda kasoo buuxsamaayo caano.Waxaa jirta xaallad kale uu ku badan karo hoormoonka 

prolactin-ka waa marka uu jiro cudur, hoormoonka prolactin-ka marka uu dhiigga  uu ku badato waxaa loo yaqaanaa hyperprolactinemia.


Hyperprolactinemia 


Waa xaalad ay sareyso heerka prolactin ee dhiigga,  caadi ahaan ka badan xaddigii laga rabbay ee caadiga ahaa.

Waxa ugu caansan keena waa ka soo bax ka soo baxa( buro)  prolactine( prolactinoma) oo ku jira qanjirka bituriga ( pituitary glan).Waxaana sababa inta badan in uu kansar ku dhaco qanjirka soo daayo hoormoonkaan ee loo yaqaan pituitary glands,waxaa kaloo jira daawooyin qaar oo ka qeyb qaata in uu siyaado hoormoonkaan waxaana kamid ah daawooyinkaas daawadda loo isticmaalo waalida (psychiatric drugs )sida daawadda risperidone iyo haloperiodol waxayna 

sababi karaan labadaan daawo in uuu siyaado hoormoonka prolactin-ka waxaa kaloo jira daawo kale u siyaadin karta 

prolactin-ka sida daawadda metaclopramide.Sidoo kale in uu prolactin-ka ku siyaado dhiigga wuxuu keeni karaa madhaleysnimo ama in ay haweenayda ku adkaato in ay 

uur qaado sababtoo ah hoormoonkaan wuxuu ka qeyb qaataa in 

la soo daayo labo hoormoon oo kala ah estrogen iyoprogesterone labadaan hoormoon waxay shaqadoodu tahay in 

ay joojiyaan hoormaanka loo yaqaan FSH-ka si aan loo saarin 

ukun cusub sababtoo ah FSH-ka wuxuu shaqadiisu yahay in uu 

ka qeyb qaato howsha bacrimnta gaar ahaan xubnaha taranka ee 

haweenka iyo ragga.


Prolactin (sidoo kale loo yaqaan lactotropin) waa hoormoon inta badan mas'uul ka ah horumarinta qanjidhada naasaha gudaha unugyada naaska, waxa uu soo saaraa caanaha.Prolactin-ku waa hormoon laga soo daayo qanjir maskaxda ku jira oo loo yaqaano "Pituitary gland" howshiisa ugu wayn waa korriinka naasaha xilliga uurka iyo caano soo saarista, howlo kalane jirka wuu u qabtaa. Sidaan kor ku soo sharaxnay.


Guud ahaan xaddiga caadiga(normal)  prolactine waa:


Ragga  heerka prolactin waa in ka yar 2 ilaa 18 ng/mL.


Dumarka  aan uurka lahayn in ka yar 2 ilaa 29 ng/mL.


Dumarka uurka leh ama nuujinaya waxa uu gaarayaa 10 ilaa 200 ng/mL.


Maxaa keena.


1:Qanjidhka ku yaal maskaxdsa hoosteeda ee la yidhaahdo “pituitary” ku sameysma kuus ka soo bax loo  yidhaah”Prolactinoma”

2: Daawooyinka qaar ayaa keenna sida: dawooyinka lidiga ( xiraya) dopamine, dawada kale keeni kartaa waa metocolpromide, 


3:Dawooyinka liddiga qulubka:sida  risperidone and haloperidol.


4: Dawooyinka liddiga ku qalalka. Sida: Brivaracetam ,Cannabidiol,Carbamazepin.


5: Dawooyinka dhiikarka sida: methyldopa.


6: Waxa jira waxyaabo kale oo keenna balse aan la aqoon.


7:  Waxa ugu caansan keenna waa Burada ka soo baxda qanjirka pituitary.  Buradaasi ma aha kansar( noncancerous) waxay keeneysaa in wax badan oo hormoonka prolactine la soo saaro.

8: Dawooyinka lagu daaweeyo dhalmadeyska: sida estrogen threpy. 

9: Dawooyinka  aadka u xooggan ee xanuun baabi'iyaasha.

10: Dawooyinka looga hortago dhalmada( birth control pillis).


Xanuunada keenna in  uu sare u kaco prolactin. 


1: Shaqada tayroodhka in ay hoos u dhacdo(hypothyroidism).

2: Xanuunada Killida ku dhaca(kidney disease).


3: In xabadka qofka dhibaato ka soo gaadho ama feedh jabto iyo laf sakaarta oo jabta.

4: Fiix ka soo baxda ugxaan sidaha( polycystic overy syndrome).


Calaamadaha


1: Dhalmo la'aan.

2: Hamada dareenka oo Luma.

3: Ibta horaadada oo caana ka socda.

4: Isku taga( galmada)  gabadha ay dareento xanuun,  qeylayl awgiisa saxaha.

5:Haweenka :Waxa ugu badan ee la arki karaa waa naaskoo caano yeesha iyadoo haweenaydu naas nuujinayn sidoo kale kor u kaca prolactinta een caadiga ahayn waxay sababi kartaa inay hoos u dhacaan FSH/LH kuwaasoo sii sababi kara hoos u dhac ku yimaada hoormoonnada Estrogen iyo progesterone  taasoo keeni karta caado wareer ama caadada oo ay iska wayso haweenaydu haddaan la dawayn waxa ku xigaaba waa ma dhalaysnimo qalqal  hoormoonkan ku dhacay oo haddii la daweeyo xaaladu caadi ayay ku soo noqon kartaa. 

6:Ragga: intaan baadhitaan qalabeed la bilaabin waxa la arki karaa naasaha oo waynaada maadaama hormoonkan shaqadiisu tahay kobcinta unugyada caanaha soo daaya ee naasaha se ragga laguma arko caano inta ka soo baxa (glactorrhea), hoormoonkan prolactin sida aynnu xagga hore ku soo  sheegnay wuxuu hoos u dhigaa hoormoonnada FSH/LH la yidhaahdo kuwaas oo ka qayn qaata soo saarista Testosterone  ninkuna wuxuu isku arki karaa hoos u dhac rabitaanka ku yimi ama hamada, kacsi la'aan, sidoo kale hoormoonnadan hadday hoos u dhacaan soo saaristii manida ayaa iyana istaagaysa ama yaraanaysa xadiga prolactin-ta kacsan tahay ayay ku xidhan tahay waxa ku xigga waa madhalaysnimo ku kooban inta xaaladani taagan tahay haddii la daweeyana caadi ayay ku soo noqon karaan hoormoonadani. 


Sidee loo baaraa?


1:In la baadho heerka prolactin.


2:In la saaro MRI.


Daaweynta.


1:Hadii aanay wax calaamado ahi jirin dawo uma baahna se hadday jiraan calaamadaha aan soo sheegay waxa qofka qaba la siiyaa dawooyinka loo yaqaano dopamine agonists sida (cabergoline)  


2:Haddii ay  waxba u tari waydana qaliin ayaa lagu taliyaa.


In aad wax uun ka fahantay ayaann rejeynayaa.


Tixraaca: https://my.clevelandclinic.org/ Dr mawliid, buugga barashada qanjirada.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad