Yaraanshaha dareeraha ilmaha uurka ku jira ku yimaada(oligohydramnios)
Yaraanshaha dareeraha ilmaha uurka ku jira ku yimaada(oligohydramnios)
Xaaladani waxay dhacdaa inta lagu gudda jiro uurka waa marka ku yaraadaan dareeraha ilmaha uurka ku jira. Dareeraha ( amniotic) waa dareere ku hareereysan uurku jirka. Waxa uu u yahay ilmaha uurka ku jira diifaac ka ilaaliya caabuqa iyo cadaadiska xuddunta.
Xabka sidoo kale waxa uu ka caawiyaa inay horumaraan habdhiska dheef shiidka, habdhiska hawamareenka, waxay isku nidaamiyaa heer kulka. Waa nooc kamid ah dareeraha ku jira dumarka gaar ahaan marka ay uur leedahay hooyada, dheecaankaan wuxuu gaar u yahay dumarka uur ka leh, dheecaankaan wuxuu ku jiraa inta u dhexeysa uur-jiifka iyo xuubabka daboola, xuubka daboola waxa loo yaqaanaa halka ilmaha ku jiraan (amniotic cavity).
Dheecaankaan wuxuu ka kooban yahay 98% biyo halka 2% uu ka kooban yahay waxyaabo adke (solid) ah sida karataniin (creatinine), urea, aashitada kaadida(uric acid), borotiin( protein), sokor (glucose), ciriq (hormone), fal-dajiye(enzymes), gudbiye-milme (electrolytes) iyo difaaca jirka(antibody), wuxuu difaac u yahay uur-jiifka.Deccaankaan shaqooyinka uu qabto waxa kamid ah: Dheccaankaan wuxuu difaac u yahay ilmaha ku jira caloosha hooyada.
Dheecaankaan wuxuu ka qeyb qaataa koritaanka uur-jiifka caloosha ku jira.Dheecaankaan wuxuu isku dheellitiraa heer kulka ilmaha ku jira caloosha hooyada.Dheccaankaan wuxuu ka qeyb qaataa in uu uur-jiifka ku dhex socdo macnaha dhaq-dhaqaaq ku dhex sameeyo, waxay ka qeyb qaataa koritaanka lafaha uur-jiifka iyo murqihiisa.
Caadi ahaan inta laga rabo dheecaankaan in uu ku jiro uurka hooyada waa 600 ilaa iyo 800ml, wuxuu siyaadaa marka ay hooyada uur ka leh ay gaarto bilaha ugu dambeeya ama ilaa ay ka dhasho marka ay dhasho kaddib waxaa hoos u dhacaayo dheecaankaan ilaa ay hooyada uga soo laabato sideedi hore. Laakin bilaha ugu horreeya ee hooyada uur-ka leh dheecaanka ku jira waxa lagu qiyaasaa ilaa iyo 35ml, muddo seddax bilood kaddib dheecaankaan wuxuu ku siyaadaa hooyada uur ka leh sababtoo ah dheecaankaan intiisa ugu badan wuxuu ka yimaadaa cunuga caloosha ku jira kaadidiisa iyo habdhiska sambabada dheecaanka ku jira.Dheecaankaan waxaa ku dhaca is beddel waa marka uu kusoo darsamo uur-jiifka caloosha ku jira kaadidiisa sababtoo ah biyaha ugu badan wuxuu ka yimaadaa uur-jiifka sidaasi darteed waxa badanaayo ribanaanta (concentration-ka) karatiinka(creatinine)-ta urea, aashitada kaadida( uric acid)-ka sidoo kale waxa hoos u dhacaayo borotiinka, iyo sokorta ku jirtay dheecaanka. Yaraanshaha xabka oo aad u yar waxa uu keeni karaa dhibaato ku timaada ilmaha, waxay calaamad u tahay inay jirto xalaad keentay inay yaraadaan dareeraha.Waxay saameyn ku yeelaneysaa koritaanka ilmaha iyo dhibaato xilliga foosha hooyada la kullanto. Yaraanshaha biyaha waxay saameyn ku yeelan kartaa 4% dumarka uurka leh.
Maxaa keenna?
Waxa jira waxyaabo badan ka qeyb qaadanaya yaraanshaha biyaha.
1:In ilmaha uu noqdo mid xubnihiisa aan dhammeystireen saameyn ku yeelata sida ilmaha hal kili leh ama habdhiska kaadi mareenka oo xiran iyo in aanu si habboon u sameysmin. Xanuunka uu keeno dhaxalka (polycystic kidneys) kiliida ay ka buuxsamaan kuus kuus dheecan badan(bocoolo).
2:Dhibaato ka jirta mandheerta. In mandheerta guddaha ku dilaacdo dhiig bax yimaado inta aanu dhallan ilmaha.
3:Dhiikarka uurka(preeclampsia) iyo Macaanka.
4:Fuuqbax
5:Inuu dilaaco xuubka dhalmada ka hor.
6:Inay hooyada isticmaasho daawooyinka la isku yiraahdo angiotensin-converting enzyme (ACE) inhibitors(Benazepril,Captopril.Enalapril).
7:Placental abruption: waa marka mandheerta ka soo fuqdo gidaarka makaanka ilmaha oo wali makaanka ku jira waxaanay badanaa dhacdaa bilaha ugu danbeeya gaar ahaan todobaadka foosha soo dhowdahay. Waxa la arkaa 6.8% .
8:In ay shaqo gab ku timaado unugyada soo deynaya dheecaanka (amniotic fluid) ku meegaarnaa mandheerta.
9:In aysan mandheerta u abuurmin si qumman ama uu dhaawac soo gaaro.
10:Waxyaabaha keenna badanaa lama yaqaanno(aidopathic)
Caalamadaha lagu garto.
1:Qoyaan ka yimaada saxaha(vigina).
2:Ilma galeenka oo yaraada.
3:Ilmaha aan dhaqdhaaqin.
4:Miisaanka uureyda oo yaraada.
5:Hoos u dhac ku yimaada garaaca wadnaha uur-jiifka.
Sidee loo baraa.
1:In la ogaado caddadka ku jira dareeraha minka iyadoo la isticmaalayo altrasound.Cabiraad lagu sameeyo heerka dareeraha ay yihiin.
2:Comprehensive ultrasonographic examination:In la qiimeeyo in ilmaha isbeddel qaabdhismeed uu jiro.
3:Baaritaan in loo sameeyo hooyada waxa keenay arrintani.
4:Fetal blood sampling: waa xirfad la sameeyo waqtiga hooyada foosha ay billowdo taasoo ah in dhiig laga soo qaado xididada madaxa ilmaha caloosha ku jira si loo ogaado haddii aasiidhka ku jira dheecaanka ilmaha ay tahay mid ka badan ama ka yar qiyaastii la rabay oo ah inta u dhexeeyso 7.25 ilaa iyo 7.45 haddii ay yaryihiin qatarta ilmaha ku jiraan ayaa aad u badato waxa qasab ah in foosha la joojiyo sababtoo ah ilmaha halis ayey ku jiraan.Sidoo kale waxaa jira qalab kale oo loo adeegsado in ilmaha uurka ku jira waqtiga u dhexeeya 18 sbuuc ilaa iyo 20 usbuuc lagu baaro si loo ogaado haddii ay jiraan cuduro dhibaato u keeni kara inta ay caloosha ku jiraan ama marka ay dhashaan. Ilmo galeenka ayaa tubbo kaamiro wadato la geliyaa taasoo ka caawisa in si toos ah loo arko uur jiifka, haddii loo baahdana dhiig laga soo qaadi karo inta uu qalabkaas ku jiro ilma galeenka, waxaa loo yaqaana qalabkaas fetoscopy.
Maxaa ka dhallan kara xaaladan( completion)
1: In ilmuhu dhinto.
2:Intrauterine growth restriction: ilmaha oo bila dhammeystay balse ka yar miisaankii laga rabbay( normal 3.5/4kg).
3: Inay soo daahaan qaan-gaarka sambabada.(maturation lungs).
4:In ilmaha ay si caadi u dhallan waayaan taasoo keenta in la qaliin loo sameeyo hooyada.
5: Qatarta ka dhallan karta waxay ku xiran tahay inta dareere uu u baahan yahay( uurjiifka) iyo waxa sababay.
Daaweynta.
1:Hooyada in la dhalliyo.
2:amnioinfusion: waa hannaan loogu darayo dareere ( amniotic fluid) minka xilliga foosha. Inta badan waxa la sameeyaa xilliga foosha marka uur-jiifka uu muujiyo caalamadaha garaaca wadnaha hoos u dhaca ama aan joogta ahayn garaaca wadnaha sabab la xidhiidha dareeraha (amniotic fluid) oo yar awgooda. Waxa la isticmaala faleebada Normal saline ama Lactated Ringer's solution. Sababta loo isticmaalayo waxay tahay in la siyaadiyo dareeraha.
3: hydration:in hooyada biyo cabto iyo in ay nasiinno qaadato.
4:In hooyada qaliin loo sameeyo si loo badbaadiyo iyada iyo ilmaha(C-SECTION).
Tixraaca: https://my.clevelandclinic.org/health/body/23310-amniotic-fluid. Book fluid body. Mayo clinic
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment