Acromegaly

 Acromegaly.


Badanaa waa xaalad dhif ah in la arko haddana sidaas ay tahay waa marxlad qatar ah qofka gaarsiin karta heer dhimasho.  Xaaladani waa marka aad u sareeyo ciriqa koritaanka jirka.  Caadi ahaan qanjirka pituitary waxa uu soo saaraa ciriqa koritaanka jirkeenna, laakiin  burooyin ka soo baxa qanjirka ayaa keenaya inuu ka bato heerkii loo baahnaa.

Haddii uu aad u bato ciriqa koritaanka jirka dadka waa wayn waxa ka dhallanaya  labo aan qaab lahayn waxa siyaada  cabirka lafaha, xubnaha jirka, nudayaasha kale, astaamaha kale ee isbeddelka leh waxa kamid ah gacmaha oo weynaada, cagaha, dhagaha, faruuraha iyo sanka,  qalka oo weynaada, waxa badanaya sokorta dhiigga( hyperglycemia). Ciriqa koritaanka waxa farriin u dirayaa beerka, beerka waxa uu soo saarayaa ciriq la yiraahdo insulin-like growth factor 1 (IGF-1) hormoonka waxa sababayaa in lafaha iyo nudayaasha jirka ay koraan sidoo kale waxay saameyn ku yeelanayaan sokorta dhiigga iyo dufanta.  Sarre u kaca ciriqa koritaanka jirka  waxa  ka dhalaneysa in ay sare u kacdo insulin like growth factor-1 iyada waxay keeneysaa macaanka qeybtiisa labaad,  cadaadiska dhiigga sare u kaca, xauunada wadnaha( left hypertrophic ventricle).


Dheecaanka koritaanka wuxuu yaraynayaa in la isticmaalo sokorta 

maxaa yeelay wuxuu u diidayaa in sokorta laga qaato dhiigga oo la 

galiyo murqaha iyo unugyada cadiinta sidaas ayuu sokorta dhiigga ugu 

badanaa laakin gannaca wuxuu isku dayayaa in uu xalliyo arrinkaas 

wuxuu soo daynaa dheecaan insulin si dhiigga looga qaado sokorta 

laakin kuma filna oo sokortii lagama dhuuqi karo cadiimanka iyo murqaha sidaasi daraadeed ayaa dadka qaba cudurka Acromegaly ku 

dhacdaa cudurka sokorta.


Hadii aan soo koobno cadiinta ayuu gubayaa murqahana wuu 

wayneenaa sababtoo ah murqaha waxay u baahan yihiin borotiinno iyo 

dheecaanka koritaanka mar walba oo uu cunuga sii waynaado soo 

dayntooda way sii badanaysaa ilaa qofka uu ka qaangaaro oo marka ugu 

badan ay tahay oo la soo daynaayo, maxaa yeelay qofka marka uu 

qaangaar yahay murqahiisa waa badan yihiin marka loo fiiriyo 

cadiintiisa marwalba uu qofka sii waynaado waa sii yaraanayaan.


Sidee u shaqeeyaa hormoonka koritaanka jirka (Growth hormone).


Hormoonka koritaanka waa koox hormoonno ah oo ka kooban ilaa iyo 

seddex ciriq( hormoon) oo kala ah growth hormone, prolactin, iyo human 

placenta lactogen.Si hormoonka koritaanka loo soo daayo waxa amarka guud uu ka imaannaa hypothalamus-ka sababtoo ah hypothalamus-ka wuxuu 

soo daynayaa labo hormoon oo kala ah growth releasing hormone factor

waa ciriq ( hormoon) masuulka ka ah soo daynta hormoonka koritaanka 

waxaa loo soo gaabiyaa GHRF iyo growth hormone inhibiting factors 

waa hormoonka qaabilsan joojinta hormoonka koritaanka waxaana loo 

soo gaabiyaa GRIF sidoo kale loo yaqaan somatostain.


Labadaan hormoon waa iska soo horjeedaan sababtoo ah midna wuxuu aad u shaqeeya habeenkii waa ciriqa loo soo gaabiyo GHRF

midna wuxuu aad u shaqeeya maalintii waana ciriqa GRIF.Marka uu rabo in uu jirka sameeyo koritaan wuxuu soo daynayaa dheecaanka loo yaqaan GHRF hormoonka ayaa aadaya hypothalamuska oo wuxuu ku amraa hyopyhsis-ka in uu soo daayo hormoonka

koritaanka jirka (growth hormone).

Hypophysis-ka ayaa growth hormone-ka ku sii daynaya dhiigga oo qaar 

ka mid ah waxay ka sii aadayaan beerka si uu beerka u sii daayo 

Hoormoonka loo yaqaan somatomedine howsha uu qabanaayana waa isla 

howsha hormoonka koritaanka qaar kalena waxay si toos ah u aadayaan qaabilaha (recebtor)  qaabilayaasha sida caadiga ah waxay leeyihiin labo qeybood oo kala ah qeyb waxay u baxsantahay banaanka unugga waa qeybta la qaabileyso hormoonka iyo qeyb gudaha u fulinaysa howsha loo baahan yahay ama qaabileyso maado kale oo gudaha unugga ku jirta si howsha la rabo loo 

fuliyo.


Habka uu hormoomka koritaanka jirka u koriyo.


Qofka marka uu cunno raashiin ama cunto waa la jajabinayaa ilaa laga 

soo saaro waxa ugu yar ee uu ka samaysan yahay waxa uu cunay ha 

ahaado borotiin ama dufan ama sokor howshaas jajibiska waxa lagu magacaabaa burburin dheefeed(catabolism), laakin wixii la jijibayay ee mindhiciirada laga nuugay haddane galay dhiigga haddane ka sii aaday unugga oo dhexgalay 

waa laysku keenayaa oo waxaa laga samaynayaa waxyaabaha uu 

markaas jirka u baahan yahay sida dheecaanno iyo dheecaano arrintaan 

dhisida waxaa lagu magacaabaa dheef sameyn( anabolism ) labadaan arrin ee dhisida iyo jajibinta waxaa laysku dhahaa dheefsasho (metabolism).


Unugyada cadiinta (adipocyte-ka) wuxuu ka samaysan yahay Triglyceride oo ah glycerol iyo three fatty acid oo isku xiran marka uu  koritaanka hormoonka (growth hormone) la kulmo wuxuu gudaha unugyada xeydha (adipocyte)-ka howl galinayaa faldajiyayaasha (enzymes) lagu magacaabaa growth hormone sensitive lipase.Dheecaankaan wuxuu glycerol-ka ka jarayaa seddexda fatty acid-ka 

seddexda free fatty acid-ka waxay galayaan dhiigga waxayna uga sii 

gudbayaan beerka, beerka ayaa ka sii dhigaya Acetyle-co-A sidaasi 

darteed Acetyle-co-A ayaa jirka wuxuu u isticmaallaa tamar  ahaan 

(energy) sidaas ayaa unugyada cadiinta lagu burburinaa, laakin dheecaanka koritaanka haddii uu dhiigga ku bato oo uu si xoog leh u jijibinaayo unugyada cadiinta oo beerka ay ku bataan aysiidh dufaneed xor ah( freefatty acid)-ka beerka wuxuu noqonayaa mid cadiin leh waxaa la dhahaa (steatosis).Laakin marka loo fiiriyo borotiinka wuxuu ka qeyb qaadanayaa  howsha 

dhisida ah (anabolism) sababtoo ah wuxuu samaynayaa dheecaanno iyo 

dheecaanno cusub oo ka qeyb qaadannaayo difaaca iyo dhisida jirka.


Hormoonka koritaanka (Growth hormone)-ka wuxuu dhisaa lafaha in uu wayneeyo uuna dheereeyo sababtoo ah lafaha waxay ka samaysan yihiin seddex shey Epiphysis, Diaphysis iyo Metaphysis.Qeybta metaphysis-ka waa qeybta korta oo ka samaysan chondrocyte,dheecaanka koritaan wuxuu chondrocyte u beddelayaa chondroblast

mid tarmaayo sidaas ayay lafta ku waynaanaysaa kuna ballaaranaysaa, 

laakiin haddii uu dheecaanka ka tira bato lafaha qofka wuxuu u dheeraanayaa si aanan dabiici ahayn cudurkaas waxaa lagu magacaabaa Acromegaly.


Maxaa sababa( cause).


Waxa ugu badan ee sababa Acromegaly buro ka soo baxda qanjirka pituitary( pituitary Adenoma) taasaa keeneysa in qanjirka uu xaddi ka badan inta loo baahnaa hormoonka koritaanka jirka uu soo saaro.


Burada ka soo baxda qajirka badanaa ma aha buro kaankaro ah( (noncancerous).  Badanaa burada qanjirka ka soo baxda ayaa keenta kororka hormoonka koritaanka jirka. Cilbi baarayaasha  waxay sheegaan waxa keenay burada keeneysa in hormoonka koritaanka jirka aan la aqoon, waxyaabaha loo aaneeyo ay yihiin arrin la xidhiidha hidda dhaxaleedka.

Wax kalo keeni kara  soo baxdo badan kala duwan kuwaasoo ku iman kara  dhaxal ahaan.


Waxa kaloo keeni karta dawada koritaanka iyadana si toos ah loo qaato( iatrogenic).


Calaamadaha 


1:Gacmaha iyo cagaha oo waawaynaada.


2:Wajiga oo qaabkiisu is beddelo sida daamanka oo waawaynaada iyo lafta gadhka,carabkoo waynaada.


3: Codkoo qofka waynaada ,dhididka oo qofka ku bata,madaxa iyo muruqyadoo qofka xanuuna,xubnaha sida wadnaha,beerka,kalyaha,sanbabada oo qofka marka danbe waawaynaada waana arrinta dhimashada keenta kama dambaysta.


4:Qofka waxa ku dhaca ,macaan,khalkhal dhanka caadada ah dumarka,dhiig kar,sidoo kale qofka waxa ku imanaya xiiso la’aan dhanka galmada ah, aragtida oo xumaata oo labada dhinac waxba ka arki waayo. 


5:Waxa uu keenayaa in hormooma prolactin uu kordho.


6: Qofka marka uu seexdo in naqaska ku dhago( sleep apnea)


7: Calool istaag(constipation).


8:Sokorta dhiigga inay kacdo.


9: qofka in cumaacumaha(carpals) uu cadaadis ka dareemo.


Baadhitaan.


Goormee loo baahan yahay baaritaankaan lagu ogaannaayo hoormoonka koritaanka jirka in la sameeyo?


Baaritaankaan waxaa la samayn karaa marka uu dhaqtarka soo codsado oo uga shakiyo qofka bukaanka ah in uu qabo xanuunka loo yaqaan Acromegaly waa xanuun qofka ku sababa in ay si xad dhaaf ah u koraan xubnaha jirkiisa gaar ahaan murqaha iyo lafaha.Marka laga baaraayo qofka bukaanka ah waxaa loo baahan yahay in uusan waxba soo cunin ha noqoto daawo ama cunto uusoo cunay sidoo kale loo baahna in uu soo sameeyo jimicsi qofka waxaa la rabaa asigoo sooman in dhiigga laga qaado. Labo baaritaan ayaa loo samaynaa qofka oo kala ah in laga baaro sokorta iyo in laga baaro hoormoonka koritaanka (GH) haddii uu siyaado yahay iyo haddii kale.


Marka hore waxaa la baaraa waxa loo yaqaan insulin growth factor-1, insulin growth factor-1 waa hoormoon xiriir la leh hoormoonka koritaanka jirka sidaasi darteed growth hormoonka wuxuu jirka u sheegaa in la sameeyo hoormoonkaan IGF-1 si uu uga qeyb qaato koritaanka jirka laakin qofka aan qabin cudurka loo yaqaan Acromegaly marka uu ku badto growth hormone-ka waxaa jirka lagu amraa in la joojiyo in la soo daayo growth hormone hasayeeshee qofka qaba cudurkaan waxaa dhiiggiisa ku siyaado growth hormone-ka taasoo sababaysa in uu koro xubnaha jirkiisa sida lafaha iyo murqaha.Haddii uu ka yaraado growth hormone-ka ama uu ka hoos mari waayo cabirka sax ah lee loogu talagalay wuxuu qofkaas qabaa 


Acromegaly laakiin haddii uu growth hormone-ka uu ka falceliy ofkaas waa caadi oo wax cudur ah ma qabo. Cabirka saxda ah ee laga rabo ragga waa < 5 ng/mL ama < 226 pmol/L.Cabirka saxda ah ee laga rabo dumarka waa < 10 ng/mL ama pmol/L.Cabirka caruurta laga rabo waa 0.20 ng/m Lama 0.904 pmol/L.


Baaritaannada kale.


Humaagyada( images)


1:MRI: Isaga ugu badan waxa la isticmaalo.

2:CT SCAN. 

3:ECG: sababta loo saarayo waa in aadnaha la eego maadaama uu yeelan karo cillad la xidhiidha xagga wadnaha.

4:Hubsasho dhaxaleed( genetic test).


Daaweynta. 


In Qaaliin lagu sameeyo ka soo baxa qanjirka pituitary (transsphenoidal surgery.).


In la siiyoo daawooyin.


1: Dawooyinka lagu yareeyo hormoonka koritaanka jirka(somatostatin analogues).  Waxay xidhayaan hormoonka maskaxda laguma caawo somatostatin  dawooyinka shaqada hormoonka ayay xidhayaan. Daawooyinka waxa kamkd ah:octreotide (Sandostatin) and lanreotide.


2: Dawooyinka hormoonka hoos u dhiga( dopamine agonists).  Afka ayaa laga qaadanayaa( oral medication) waxa kamid ah  cabergoline iyo bromocriptine. Waxay yareynayaan hormoonka koritaanka iyo insulin growth factor-1.  Sidoo kale waxay yareynayaa burada cabirkeeda


3:Radiation threpy:  haddii daawooyinka wax tari wayaan in unugyada la burburyo.


Tixraaca: Buugga habdhiska shaqada jirka.  mayoclinic.org/diseases.

https://my.clevelandclinic.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad