Yaraanshaha qanjir kelyeedkA( adrenal insufficiency).
Yaraanshaha qanjir kelyeedkA( adrenal insufficiency).
Magaca kale ee loo yaqaan waa Addison’s disease: waa marxlad muddo dheer ah aanu qanjir kelyeedka soo saareyn hormoonno ku filan sida kortisoolka iyo aldosteron.
Qanjir kelyeedka sidoo kale waxaa loo yaqaan suprarenal gland, waa mid aad u yar qaabkiisa waa seddex xagal kuna yaala qeybta sare labada kelyood. Waana qeyb kamid ah endocrine system.
Kortisoolka waa ciriq( hormoon) kaaso innaga caawinaya in jirka uu ka jawaab celsho qalqalka xanuunka ama dhaawacyada. Sidoo kale isku dheellitira cadaadiska dhiigga shaqada wadnaha, habdhiska difaaca, sokorta dhiigga heerkeeda. Kortisoolka waxa uu muhim u yahay nolosheenna.
Jidhka waxa uu leeyahay nidaam faahfaahsan si uu u habeeyo heerarka cortisolka. Qeyb la yiraahdo hypothalamus-ka ku taala maskaxda ayaa ku hawl leh habbeynta hormoonnada iyo qanjirka pituitary, qanjirka yar oo ku yaala qeybta hoose maskaxda ayaa habbeynaya in laga soo saaro kortisool qanjir kelyeedka. Waxa laga soo deynayaa qanjirka Adrenal gaar ahaan Zona faciculata waxa uu soo deynayaa kortisool waxa uu amraya in la soo daayo Hypothalamus waxa uu soo deynayaa corticorelesing hormoon isagana waxa uu armayaa qanjirka pituitary gland waxa uu soo saarayaa Adrenocorticotropic hormoon waxa uu tagayaa qanjir kelyeedka (adranal glan) marka uu tago waxa uu tagayaa diir hoosaha (cortex) waxay ka sii tageysaa qeybta faciculata waxa la soo saarayaa kortisol( cortisol).
Waxa uu ka qeyb qaataa door muhiim.
1:Inuu isku nidaamsho isku buuqa jirka ka dhaca.
2: Inuu xakameeyo isticmaalka jirka uu isticmaalayo dufanta, borotiinka, iyo kaarbohaydareedka ama dheefshiidka(metabolism).
3:Yareynta ololka( inflammation).
4: Nidaaminta cadaadiska dhiigga.
5:Nidaaminta sokorta jirka.
5: Nidaaminta habadhiska neef mareenka.
6: Siyaaditaanka giigsanka. murqaha(muscle tension).
7: Isku dheellitirka cusbada jirka.
8: In cunnada uu u beddelo tamar.
Cortisol waxa kale oo ay caawisaa in ay si ku meel gaadh ah u xidho nidaamyada aanu jidhka u baahnayn inta lagu jiro wakhtiyada walaaca badan, sida dheefshiidka iyo taranka.
Aldosterone waa ciriq( hoormoon) kaasoo isku dheellitira cusbada( Sodium) iyo botasiyaamta( potassium) dhiigga ku jirta. Waxa uu xakameeyaa xaddiga ay kelyaha ay saarayaan, mugga dhiigga, cadaadiska dhiigga.Aldosterone-ka waa hoormoon ka samaysan dufan (steroid)
waxaana laga soo daayaa qanjirka ku yaala kelyaha qeybtiisa loo yaqaan diirka qanjir kelyeedka (adrenal cortex) gaar ahaan waxaa laga soo daayaa qeybta loo yaqaan zona glomerulosa waxayna shaqadiisu tahay in uu ka qeyb qaato isku dheellitirka biyaha iyo macdanta jirka.
Sidee Aldosterone-ka ugu qeyb qaadataa isku dheellitirka biyaha iyo macdanta jirka?waxaana si guud u sharxi doonnaa sida uu u shaqeeyo aldosterone-ka waxaan sharxi doonnaa habka loo yaqaan renine-agiotensin-aldosterone system (RAAS).Hab dhiskaan wuxuu qabtaa shaqooyin badan oo ka dhaca jirka
bani’aadamka laakiin waxaan kasoo qaadaneynaa shaqada ugu
muhiimsan ee uu qabto.
Marka laga hadlaayo habkaan loo yaqaan RAAS waxyaabaha uu qabto waxa kamid ah in uu isku dheellitiro macdanta jirka sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa isku dheellitirka cadaadiska dhiigga
iyo in uu ilaaliyo tirada ama xaddiga dhiig ee ku jirka guud ahaan
jirka bani’aadamka run ahaantii waa hab dhis aad muhiim uga ah jirka bani’aadamka marka laga hadlaayo shaqada jirka. Xubnaha ka qayb qaata habkaan loo yaqaanno RenineAgiotensin-Aldosterone System waxaa kamid ah xubinta
beerka, kelyaha, sambabka, xubinta ku taala kellida korkeeda ee loo yaqaan diir hosaadkan qanjir kelyeedka (adrenal cortex) iyo hab dhiska dareen wadka dhexe ee maskaxda (CNS).
Renine-Agiotensin-Aldosterone System waxay shaqadiisu bilaabantaa marka uu qofka cadaadiska dhiigga hoos u dhaco
taasna waxaa sababi kara in uu qofka dhiig baxo ama uu galo xaalad halis ah sida in uu qofka ogaalkiisa beelo( shock) taas waxaa ka dhalan kartaa in uu yaraado cadaadiska
dhiigga.
Siduu u shaqeeya habkaan loo yaqaan Renine-AngiotensinAldosterone-System?Tusaale ahaan qofka marka uu dhiig baxo waxaa hoos u dhacayo dhiiggii soo gaari lahaa kelyaha taasi waxay
sababaysaa in ay kellida soo dayso maado loo yaqaan renine
gaar ahaan waxaa laga soo deynaa meesha loo yaqaan juxtaglomerular cell.
Renine-ta waa maado ka samaysan borotiin taasoo masuul ka
ah in ay kor u soo qaado cadaadiska dhiigga.Marka lagu soo daro maadada renine-ta wareega dhiigga waxay
la falgaleysaa maado kale oo laga soo daayo beerka waxaana loo
yaqaannaa Angiotenogen marka ay kulmaan maadada renine-ta
iyo maadada laga soo daayo beerka ee lagu magacaabo Angiotenogen waxaa samaysmaayo waxa loo yaqaanno
Angiotensin-1, marka uu samaysmo kaddib waxay tagayaan wareegga dhiigga marka uu gaaro wareegga dhiigga uu tago sambabada, sambabada waxay kusoo darayaan dheecaan loo
yaqaan Angiotensin Converting Enzymes kaasoo shaqadiisu tahay in Angiotensin-ka kowaad u beddelo Angiotensin-2 shaqada uu qabto waxaan kusoo koobnaa ilaa iyo seddex. Angiotensin-2 wuxuu si toos ah u tagayaa qeybta dhexe ee laga maamulo maskaxda oo ah( Central nerous system)-ka
wuxuuna sare u qaadayaa ama uu kicinayaa sympathetic
neruous system taasoo shaqadiisu tahay ka warqabka dhaqdhaqaaqa ka socda jirka sida garaaca wadnaha iyo in
uu kor u kaco cadaadiska dhiigga. Angiotensin-2-ka wuxuu immaanayaa kellida gaar ahaan qeybta nephron-ka wuxuuna qabanayaa ilaa iyo seddex
shaqo oo ay kamid tahay in uu sodium-ta ku soo celiyo jirka potassium-tane uu ka saaro jirka sidoo kale wuxuu
jirka kusoo celinaa biyaha.
Angiotensin-2-ka sidoo kale shaqada uu qabto waxaa kamid ah in uu kellida ku amro in ay soo dayso
hoormoonka lagu magacaabo Aldosterone-ka waxaana laga soo daynayaa qeybta sare ee kellida ama qanjirka ku yaala kellida korkeeda ee loo yaqaan diirka qanjir kelyeedka( adrenal cortex).Adrenal glands-ka marka uu soo daayo hoormoonka loo yaqaan aldosterone-ka jirka wuxuu kusoo laabnaa sidiisa hore ama sidii caadiga ahayd macnaha haddii uu cadaadiska dhiigga uu hoos ahaa waxaa loo soo qaadayaa kor sababtoo ah
aldosterone-ka ayaa qabanaayo shaqadaas wuxuu jirka kusoo celinayaa biyaha iyo macdanta kale ee u baahan jirka.Hoormoonkaan shaqada uu qabto waxaa kamid ah in uu isku
dheellitiro cusbada iyo biyaha ku jira jirka bani’aadamka.Waxaa kaloo jira hoormoon kale oo qabta shaqada uu qabto
hoormoonka loo yaqaan aldosterone-ka laakin waxay ku kala duwan yihiin midna wuxuu jirka ku soo celiyaa oo kaliya biyaha midna wuxuu jirka kusoo celiyaa biyaha iyo macdanta kale ee u
baahan jirka waxay kaloo ku kala duwan yihiin halka laga soo daayo hoormoonkaan magaciisa waxaa la yiraahdaa Anti-duretic hormone.
Anti-duretic hormone waa hoormoon farriin wade ah oo ka samaysan borotiin waxaana laga soo daayaa xubinta ku taala maskaxda oo lagu magacaabo hypothalamus-ka laakiin waxaa
lagu keydiyaa oo laga sii daayaa qanjirka lagu magacaabo pituitary glands, waxay shaqadiisu tahay in uu biyaha ku soo
celiyo jirka si uu iskugu dheellitiro biyaha ku jira jirka.Qofka bani’aadamka biyaha ku jira jirkiisa waxay uga bixi karaa
ilaa iyo seddex qaab oo ah in qofka uu fuuqbaxo macnaha inuu matago ama uu shubmo ama ay kaadi ahaan uga baxdo sidoo kale waxaa dhici karta in uu dhidid ahaan uga baxo biyaha ku
jira jirkiisa.Goormee loo baahan yahay in la soo daayo hoormoonkaan ADH-ka?
Hoormoonkaan waxaa la soo daayaa marka uu yaraado cadaadiska dhiigga ama uu yaraado mugga dhiigga sabatoo
ah hoormoonkaan waxaa laga soo daayaa hypothalamus-ka, hypohalamus-ka wuxuu leeyahay waxa loo yaqaan lakulme (osmo-receptors) waxayna ilaaliyaan osmolarity-ka dhiigga, dhiigga marka ay ku yaraadaan biyaha waxay noqdaan mid cukan macnaha mid dheg-dheg noqda ribanaantooda( concentration)badata kaddib ayaa hypothalamus-ka waxaa loo diraa farriin waxaana u diraya osmo-receptorka kaddib hypothalamus-kawuxuu soo amraa qanjirka lagu magacaabo pituitary glands si loo sii daayo ADH- hoormoon.
ADH-ka marka uu kellida yimmaado gaar ahaan qeybta nephron-ka wuxuu ku amraa in biyaha dib loogu soo nuugo
kaadida kaddibna jirka lagu soo celiyo, marka lagu soo celiyo
biyaha jirka dhiigga wuxuu kusoo laabnaa sidiisa hore macnaha waxaa isku dheellitirmaayo biyaha ku jira jirka, sidaasi darteed hoormoonkaan waxaa la soo daayaa marka uu hoos u dhaco
cadaadiska dhiigga iyo mugga ka dhiigga macnaha cadadka dhiigga oo ka yaraada intii loogu talagalay.
Addison’s disease sidoo kale isaga waa loo yaqaanaa yaraanshaha qanjir kelyeedka asaasiga( Primary adrenal insufficiency).Ciladda la xiriirta ku filnaan la'aanta qanjirka kelyeedka waxay dhacdaa marka qanjirka 'pituitary gland' uu soo dayn waayo hormoonka adrenocorticotropic (ACTH), kaas oo ka shaqaysiiya qanjidhka adrenal si ay u soo saaraan cortisol.
Maxaa keenna.
1:Waxa ugu caansan keenna xanuunkan is weerarka difaaca jirka. Marka uu uu dhaco is weererka difaaca jirka difaaceenna waxa uu weererayaa qanirka sababtana lama yaqaanno. Difaaca waxa uu weerayaa qeybta kore ee qanjir kelyeedka( diirka hoose qanjir kelyeedka) kuwaasoo sameeya aldosterone-ka iyo kortisoolka.
2:Waxa kaloo keeni kara in dhaawac soo gaadho, sida in qaliin lagu sameeyay.
3:Xiddidka qanjirka dhiigga geeya inuu xirmo ama inuu dhiig ku furmo.Waxa kaloo keeni kara in xinjirow( thrombosis). Haddii uu xirmo waxa la weynayaa ogsijiinta haddii igsijiinga la waayana unugyada ayaan heleyn dhiig ku filan, haddii aysan helin dhiig ku filan, waxa dhacaya in ay unugyada dhintaan.
4:Waxa kaloo keeni kara caabuq sida qaaxadda( tuberculosis).
5:Waxa kaloo keenni kara dawooyinka loo qaato in lagu yareeyo kortisoolka. Sida ketoconozol.
Calaamadaha.
1: Daal joogta ah
2: Haraga ooo madow noqda gaar ahaan ciridka iyo meela nabarada kuus yeesha( scars).
3: Abuc xanuun( abdominal pain).
4: Hunqaaco iyo Lallabo.
5: Shuban.
6: Cunista oo yaraata. Iyo miisaanka oo yaraada.
7: Murqo xanuun iyo kala goys xanuun.
8: fuuq bax.
9: Cadaadiska dhiigga hoos u dhaca.
10: Qulub( depression).
11: sokorta dhiigga oo dhacda.
12: Cadaada oo is beddesha.
13:Qofka oo cusbada janta.
14: Timaha jirka oo daata iyo hamada galmada hoos u dhacda.
15:Miyir doorsan.
Baadhitaan.
1: Kortisolka hoos u dhacda.
2:ACTH( Adrenocorticotropic hormone) waxa uu noqonayaa mid sare u kaca. Qofka waxa la siinayaa insulin induced hypoglycemia 0.1 per/kg waxay keeneysaa kaalsiyaamta oo hoos u dhacda (0.3mm/l).
3:Waxa badanaya Ranin
4: Aldosterone-ka hoos ayuu u dhacayaa
5: CT SCAN IYO MRI. Si loo hubiyo in qanjir kelyeedka.
Daaweynta
1: In la siiyo qofka haddii kortisoolka ay yartahay. Daawada hydrocortisone.
2: In la siiyo qofka haddii uu yar yahay aldosterone-ka daawada:fludrocortisone.
3: waxaa kaloo la siinayaa calcium channel blocker maadaama uu cadaadiska dhiigga uu hoos u dhacsan yahay. Daawada waxa kamid ah: Amlodipine
Waxaan rejeynayaa in aad wax uun aad ka fahantay?
Tixraaca. https://my.clevelandclinic.
https://www.mayoclinic. Buugga barashada qanjirada. Drmawliid.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment