𝐀𝐤𝐡𝐫𝐢- 𝐬𝐢'𝐚𝐚𝐝 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐮 𝐝𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐭𝐨!!

 𝐀𝐤𝐡𝐫𝐢- 𝐬𝐢'𝐚𝐚𝐝 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐮 𝐝𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐭𝐨!!


Sawirka MRI oo laga qaaday maskaxda dad akhriyaya sheekooyin mala-awaalka ah (fiction stories) ayaa muujiyay in akhrinta sheekooyinka mala'awaalka ahi ay kordhiyaan isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta unugyada labada dhican ee maskaxda. Qaybta maskaxda ee akhriska sheekooyinka mala'awaalka ahi cariyeen waxay ahayd qaybta la yidhaa "somatosensory cortex" taas oo ah meesha lagu dareemo dareennada muuqda sida dhaqdhaqaaqa, kulka, kaarka. Howl-gelinta korodhay ee qaybtan waxay akhriyeyaashii karsiisay dareen sare u gudbiyay jiritaanno ka baxsan deegaankii ku xeernaa iyo adduunyooyin kale oo barbar yaal adduunkeenna. 


Akhrisku waxa uu leeyahay awood bogsiineed oo xoog badan. Waxa uu suuro geliyaa in qofku dareenkiisa barto iyo isu deexasho xeel dheer oo maskaxda ka furfurta dabarka iyo seetada afkaarta baaliyoobay ee xornimada garaadkiisa soo koobaya. Guud ahaan akhrisku, waxa la xaqiijiyay, in uu yareeyo xagjirnnimda, isla-qummanaanta iyo xaglinta taban. 


Daraasaduhu https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC3868356/ waxay sheegayaan in dadka akhriya sheekooyinka mala'awaalka ah ee la fal-gala dareenka jilayaasha sheekadu ay ku fiican yihiin fahanka bareenka dadka ay la dhaqmaan isla markaana ay u fududahay in ay ka garaabaan dhaqanka dadka kale iyagoo aan xukun degdeg ah ku ridin.  Waxay xirfadan ku magacaabeen "the theory of mind" oo ka kooban xirfado qofku u baahan yahay si uu u maareeyo, u saameeyo, u wanaajiyo, ugana faa'iido xidhiidhadda u dadka la leeyahay.Waa laga yaabaa in aad maqashay odhaahda tidhaa "the rich get richer and the poor get poorer." Sida lacagta loogu cabiro, ayaa ereyadana loogu adeegsadaa. Carruurta yaraanta ku bilowda akhriska joogtada ah, waxa la xaqiijiyay in ay ka ereyo badan yihiin, ka cabiraad fiican yihiin, kana aftahan sanaadaan kuwa la da'da ah ee aan waxba akhriyin. Dabcan aftahanimdu waxay saamayn wayn ku leedahay dhinacyo badan oo noloshaada ah: shaqo helidda, darajada dugsiga sare iyo jaamacadda, iyo horu-marinta xirfadaaduba waxay xidhiidh adag la leeyihiin awoodda ereyga aad adeegsado. 


National Institute of Aging oo maraykan ah waxay dadka da'doodu ka wayn tahay lixdan kula talinayaan in ay joogto u akhriyaan buugta sheekooyinka ee qisadoodu kakan tahay. Waxay leeyihiin maskax carintu waxay ilaalisaa garaadka qofka, waxaanay ka dhigtaa qof soo jeeda; waxaana laga yaabaa in ay hakiso asaasaqa iyo hoos u dhaca shaqada maskaxda ee da'da la socota. 


Daraasad kale oo 2013 ka daabacay ayaa tilmaamaysay in dadka wax akhriska joogteeyay sannado badan maskaxdooda waxa ku yar amaba aan ku samaysmin xashiishka, qolofta, iyo barootiinnada da'da ee lagu arko dadka uu ku dhaco xanuunka asaasaqu (dimentia) https://n.neurology.org/content/81/4/314.short?sid=a1bfa954-8377-4c64-bb4f . Mid kale oo xiiso badan ayaa tilmaantay in sodon daqiiqo oo aad maalin kasta wax akhridaa ay hoos u dhigi karto garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga, isla markaana ay yarayn karto isku buuqa (stress)-ka iyo qulubka. Waxa saamayntaas oo kale leh yoogada iyo bandhigyada majaajilada. https://www.researchgate.net/publication/229431397_Stress_Management_Strategies_For_Students_The_Immediate_Effects_Of_Yoga_Humor_And_Reading_On_Stress Dhakhtarada qaybta hurdadda ee Mayo clinic ayaa iyaguna macmiilkooda kula taliya in ay hurdada ka hor sodon daqiiqo akhriska buug ay jecel yihiin siiyaan. Waxay aaminsan yihiin in akhrisku maskaxda u diyaariyo hurdo aad u macaan. Kawarran haddii akhriska maqre Qur'aan ahi caado ku noqdo. 


Waxaynu kusoo koobi, fircoonkii la odhan jiray Ramses II ayaa maktabadii uu masar ka dhisay waxa uu ku qoray "the house of healing of the soul." Waa hal qabsiga goob akhris lagu xardhay ugu da'wayn, waase run dabiibi karta in badan oo bukaanadeena ka mid ah. 


Akhri si'aad jiritaankaaga u dareento.


Dheegasho:Dr Abdikarim D Hassan


Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad