Cushing syndrome
Cushing syndrome.
Waa xalaad jirka uu ku kordho hormoonka loo yaqaan kortisoolka(cortisol). Kortisoosha waa istiiroyd hormoon waxa lagu magacaaba hormoonka walaaca ( stress) jirka waxa uu soo deynayaa xaddi ka badan intii loo baahnaa. Kortisoolka waa hormoon muhiim ah kaasoo saameyn ku leh xubbinkasta iyo cad walba jirkeenna. Waxa uu ka qeyb qaataa door muhiim.
1:Inuu isku nidaamsho isku buuqa jirka ka dhaca.
2: Inuu xakameeyo isticmaalka jirka uu isticmaalayo dufanta, borotiinka, iyo kaarbohaydareedka ama dheefshiidka(metabolism).
3:Yareynta ololka( inflammation).
4: Nidaaminta cadaadiska dhiigga.
5:Nidaaminta sokorta jirka.
5: Nidaaminta habadhiska neef mareenka.
6: Siyaaditaanka giigsanka. murqaha(muscle tension).
7: Isku dheellitirka cusbada jirka.
8: In cunnada uu u beddesho tamar.
Cortisol waxa kale oo ay caawisaa in ay si ku meel gaadh ah u xidho nidaamyada aanu jidhka u baahnayn inta lagu jiro wakhtiyada walaaca badan, sida dheefshiidka iyo taranka.
Sidee loo soo daayaa?
Waxa laga soo deynayaa qanjirka Adrenal gaar ahaan Zona faciculata waxa uu soo deynayaa kortisool waxa uu amraya in la soo daayo Hypothalamus waxa uu soo deynayaa corticorelesing hormoon isagana waxa uu armayaa qanjirka pituitary gland waxa uu soo saarayaa Adrenocorticotropic hormoon waxa uu tagayaa adranal glan marka uu tago waxa uu tagayaa diir hoosaha (cortex) waxay ka sii tageysaa qeybta faciculata waxa la soo saarayaa kortisol( cortisol).
Waxa jira qeybo loo qeybiyo.
Qeybta kowaad waa marka uu jirka gudihiisa uu ka yimaado in ay siyaado heerka kortisoolka sida xanuunka cushin syndrome .
Qeybta labaad: waa marka ay kaga yimaadaan banaanka sida dawoooyin qaarkooda.
Xanuunka waxa uu saameyn ku leeyahay inta badan carruurta, dadka waa wayne da'aada u badan yahay waa 25 ilaa 50 sanno. Dadka qaata daawooyinka kortisoolka kuwaasoo lagu daaweeyo neefta iyo xanuunka kala goysyada(rheumatoid arthritis).
Haddii aan la daweyn maxaa ka dhallan kara kororta kortisoolka jirka.
1: Caabuq( infections).
2: Xinjirow gaar ahaan sambabadda iyo lugaha.
3: Qulub( depression).
4: Wadna qabad( heart attack).
5: Miisaanka oo kordha.
7: Xusuusta qofka adkaata.
Maxaa keenna( cause)
1: Waxa jira waxyaabo badan sabab u lahaan kara kororka kortisoolka jirka
Waxa ka mid ah isticmaalka dawooyinka la isku yiraahdo glucocorticoid tusaale haddii aynnu mid ka soo qaadann dawada loo yaqaan prednisone: waxa lagu daaweeyaa xanuunada isweerka difaaca jirka( autoimmune diseases) sida raagitaanka neefta ( chronic asthma). ololka kala goysyada.
lupus ( Systemic Lupus Erythematosus) waa xanuun keenna qandho, kala goys xanuun, iyo dhaawaca xubnaha, maqaarka finan yar yar ay ka soo baxaan. Ololka ragga muddo( chronic inflammation).
2: Fiix ka soo baxda qanjirka pituitary gland (pituitary tumor) burada waxay sameyneysaa Adrenocorticotropic hormone oo badan (waxa uu markaas amrayaa qanjirka qanjir kelyeedka si u sameeyo kortisool badan).
3: Fiix ka soo baxdo qanjir kelyeedka adrenal( cortical tumor). Burada ka soo baxda isla qudheeda ayaa keeneysa in qanjir kelyeedk (adrenal ) uu sameeyo kortisool badan. Badanaa ma aha mid faafta. Si kastaba waa ay yarta in ay noqoto kaankarada qanjir kelyeedka ( adrenal cancer).
4:Adrenocorticotropic hormone oo meel qaldan ku sameysa aan ahayn qanjirka pituitary sida ganaca iyo sambabadda.
Calaamadaha.
1: Misaanka wajiga oo dagdag u kordha, qofka inuu yeesho wajigiisa qaabka bisha( Moon face). Qofka oo yeesha tuur( Buffalo himp).
2: Wajiga oo casaada.
3: Nabaradda qofka aan si wanaagsan u reysan.
4: Cadaadiska dhiigga oo kordha.
5:Koritaanka timaha oo xad-dhaaf noqda, sida wajiga, qoorta, xabadka, caloosha, naasaha, bowdaha.
6: Miisanka oo kordha.
7:Murqaha aadimaha oo caata noqda.
8: Nabaro ka soo baxa gacmaha iyo lugaha.
9: Daciifnimo iyo daal qofka uu dareemo.
10:Murqaha oo daciifa iyo gacmaha iyo lugaha caata noqda.
11: Dareenka (sex) iyada isbeddel ku yimaada ( hoos u dhac xagga galmada).
12: Carruurta oo kori waayaan.
13: Aragtida oo yara xumaata iyo dawakhaad qofka dareemo.
14: Hurdo xumo.
15: Madax xanuun.
16: Lafaha oo daciifa oo sifud ku jaba.
17: sokorta oo siyaada.
18: Qulub( depression)
19:Caloosha jeex jeex yeelata.
20:Gabadha oo caadada iska weysa.
Sidee loo baadhaa?
1:Caadiyan kortisoolka waa 138 ilaa 690nmol/L.(normal)
2: ACTH iyana caadiyan waa 2,2 ilaa 13.2nmol/L.(normal).
1:Marka aynna caadiga ahayn( abnormal) waxay noqoneysaa kortisoolka mid sareysa.
2:Waxa kaloo la sameeyaa tijaabo lagu sameynayo dexamethasone(dexamethasone test) 1mg ayaa la siinayaa, haddii kortisoolka ay ka hooseyso 50 nml/l cushin syndrome ma aha. Sababta wax kale ama aha haddii qofka la siiyo dexamethasone waxa badanaya xaddiga kortisoolka jirka, waxa uu farriin u diyarayaa qanjirka pituitary kaddib waa ay joojineysaa sababtoo ah waxay arkeysaa inay sarreyso kortisoolka. Haddii ay 50 ka badan waxa uu noqonayaa cushin syndrome.
3:ACTH:Haddii uu ka hooseeyo 2.2 ml/l waa Cushing syndrome.
4:Iskaan la saaro iyo MRI. Si loogu eego inuu yahay mid kansar ah iyo in aanu ahayn.
5:Unugyada cad cad kor ayay u ka cayaan.
Daaweynta.
1: Haddii burada ka soo baxdo pituitary waa qaaliin haddii ay buro ku taallo.
2:Haddii qanjirka adrenal uu yahay waa qaaliin haddii buro ku taallo.
3: Haddii meel qaldan uu ka soo baxay iyadana waa qaliin( Ectopic ACTH). Qalliinka waxa uu ku xiran yahay burada halka ay ka soo baxday ( adrenalectomy).
Haddii la jaro ama qaaliin uu galo qofka. Waxa la siinayaa liddiga kortiisolka sida daawada hydrocortisone.
Daweynta kale loo sameynayaa si kortisoolka hoos loogu dhigo waa in la siiyo.
1: ketoconozol.
2: Metryaporn.
Labada daawo waxay xidhayaa qaabilaha ( receptor) ay ku dhagayaan.
3: Mike priston
4:Haddii uu kaankaro(cancer) jiro waa in qofka la siiyaa chemothe.
Tixraaca:https://my.clevelandclinic.org/
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment