Gigantism
Gigantism
Gigantism sidoo kale waxa loo yaqaan carruurta jir-weyninka[ pediatric acromegaly} waa xaalad aad dhif u ah in la arko waxay dhacdaa marka carruurta ama carruurta soo qaan gaareysa uu noqdo mid sareeya ciriqa{ hormoonka} koritaanka jirka. Qanjirka pituitary waxa uu soo saaraa sida caadiga ah hormoonka koritaanka, laakiin buro ka soo baxda qanjirka ayaa keeneysa in uu soo saaro xaddi ka badan inta loo baahnaa. Hormoonka koritaanka waxa uu nidaamshaa koritaanka inta lagu gudda jiro carruurnimada, waxa uu kor u qaadaa cabirka lafta, muruqa,koritaanka nuddaha. Sidoo kale waxa uu ka caawiyaa inuu xakameeyo dheefsashada. Marka lagu gudda jiro xilliga qaan gaarka.
Calaamadaha lagu arko.
1: Madaxa oo weynaada iyo qalka.
2: Gacmaha iyo cagaha oo weynaada.
3: Xubnaha guddaha oo weynaada gaar ahaan wadnaha.
4: Dhiddid badan.
5: Aragtida oo labo nooc noqota.
6:Suulasha iyo faraha oo adkaada.
7:Madax xanuun.
8:Kala goys xanuun.
9:Qaangaarnimada oo daahda.
10:Caadada oo isbeddesha( gabadha).
11:Hurdada oo xumaata sida qofka marka uu seexdo naqaska ku dhago.
12:Murqaha oo daciifa.
Maxaa keena.
Waxa ugu badan ee keena waa buro aan kansar ahayn, taasoo soo deyneysa xaddi badan hormoonka koritaanka. Carruurta qabta gigantism badanaa had iyo jeer waxay lee yihiin burada qanjirka pituitary lagu magacaabo burada wayn { macroadenomas} dhexroorkeeda uu gaarayo 10millimitor ama ka wayn. Waxa kaloo keenii kara in ay bataan unugyada qanjirka { pituitary hyperplasia} waxa uu noqonayaa mid weynaada.
Badanaa carrurta xanuunkan qabta waxa keena xaalado la xiidhiidha hidda sidaha, taasoo keeneysa in qanjirka buro ku sameysmato. Waxa jira xaalado la xiddhiidha hidda sidaha waxa kamid ah;
1:Corney complex: waa xaalad hidda side ah taasoo saameysa midabka haraga, ku sababtana burooyin aan kansar ahayn, maqaarka, wadnaha, iyo habdhiska qanjirada. Taasi waxay keeneysaa in la soo daayo hormoonka koritaanka jirka qaabilsan 10% ilaa 13%.
2:McCune-albright syndrome: waa xaalad dhaxaleed saameyn ku yeelata lafaha, maqaarka, habdhiska qanjirada. Xaddi badan oo hormoonka koritaanka oo gaaraya 20% ilaa 30% ayuu keenayaa xanuunka la soo daayo.
3:Multiple endocrine neoplasias type one or type four: waa hidda dhaxaleed taasoo hal iyo wax ka badan uu ka shaqeysiinayo habdhiska qanjirada ama ku sameysma buro. Sidaasna lagu soo daayo xaddi badan hormoonka koritaanka.
4:Neurofibromatosis: waa kooxo hidda dhaxaleed loo yaqaano neurocutaneous disorder taasoo saameysa haraga, habdhiska dareenwadka. Noocyada xanuun waxay keenaan si aan habbooney inay u koraan unagyada. Natiijada ka soo baxdana waa sameysanka burooyin dhammaan jirka , sidaana saameyn ah ku timaado inuu kordho hormoonka koritaanka jirka.
Baaritaan
1:Growth hormone and IGF-1{insulin like growth factor 1} blood test. Hubitaannada waxa lagu cabiraa heerarka hormoonka kala duwan ee dhiigga carruurta, iyadoo laga soo qaadayo dhiigga muunad{ sample}. Haddii uu ka sareeyo heerka caadiga hormoonka cunugaasi waxa uu qabaa xanuunka gigantism.
2:Glucose tolerance test: hubintani waxa lagu qiimeeyaa heerka hormoonka koritaanka carruurta uu kaga falceliyo sokorta sida ay tahay.
3:In la eego haddii uu ku dhagayo naqaska xilliga hurdada{ sleep study testes}.
4:MRI: Isaga ugu badan waxa la isticmaalo.
5:CT SCAN.
6:ECG: sababta loo saarayo waa in wadnaha la eego maadaama uu yeelan karo cillad la xidhiidha xagga wadnaha.
7:Hubsasho dhaxaleed( genetic test).
Daaweynta.
1:In Qaaliin lagu sameeyo ka soo baxa qanjirka pituitary (transsphenoidal surgery.)
2:La isticmaalo radiation si markaa loo yareeyo xaddiga burada( radiation therapy).
3: Dawooyinka lagu yareeyo hormoonka koritaanka jirka(somatostatin analogues). Waxay xidhayaan hormoonka maskaxda laguma caawo somatostatin dawooyinka shaqada hormoonka ayay xidhayaan. Daawooyinka waxa kamkd ah:octreotide (Sandostatin) and lanreotide.
4: Dawooyinka hormoonka hoos u dhiga( dopamine agonists). Afka ayaa laga qaadanayaa( oral medication) waxa kamid ah cabergoline iyo bromocriptine. Waxay yareynayaan hormoonka koritaanka iyo insulin growth factor-1. Sidoo kale waxay yareynayaa burada cabirkeeda.
Tixraaca: my.clevelandclinic.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment