Hyperaldosteronism
Hyperaldosteronism
Waa marxalad uu soo saarayo xaddi ka badan qanjir kalyeedka aldestrone. Ciriqa aldosterone waxa uu innaga caawiyaa inuu nidaamsho cadaadiska dhiigga, isagoo xakameynayo heerka botaasiyamta iyo soodiyamta dhiigga ku jirta. Qanjirka wax uu ka mid yahay habdhiska la isku yiraahdo endocrine. Waxa uu sameeyaa hormoono ka qeyb qaata shaqada jirka si joogto ah. Qofka caadiyan waxa uu leeyahay labo qanjirkalyeed kuwaasoo ku yaala kelyaha dushooda.
Waxa jirta labo qeybood oo waa weyn oo loo qeybiyo.
1: primary Hyperaldosteronism{ conn’s syndrome] waa marxalad ka timaada qanjirka kalyeedka qudhiisa, taasoo keeneysa in uu soo saaro xaddi badan oo aldosterone ah.
2: secondary Hyperaldosteronism: waa marxalad ka imaneysa meel kale oo jirka mid ah taasoo keeneysa in uu soo saaro xaddi badan.
Hyperaldosteronism waxa uu keenaa in cadaadiska dhiigga uu sare noqdo iyo in ay hoos u dhacdo botaasiyamta dhiigga ku jirta.
Calaamadaha
Calaamadaha uu leeyahay Hyperaldosteronism waxay ku xidhan tahay darnaanshaha{ severity} , dadka qaarkiisa ma yeeshaa wax calaamad ah . calaamada ugu caansan Hyperaldosteronism
1:Cadaadiska dhiigga oo sare noqda{ hypertion}.
Calaamadaha cadaadiska dhiigga sare.
1:Madaxa xanuun.
2Dawaqaad.
3:Aragtida oo isbeddesha.
4:Neefsashada oo adkaata.
Calaamadaha yaraanshaha botaasiyamta.
1:Muruqa oo daciifasa taasoo keeni karta inuu qofka noqdo faalij ( baralaays}.
2:Muruqa oo koga{ muscle spasams}.
3:Daal.
4:Oon fara badan.
5:Kaadi badan
Maxaa keenna?
1:primary Hyperaldosteronism{ conn’s syndrome] waa marxalad ka timaada qanjirka kalyeedka taasoo keeneysa in uu soo saaro xaddi badan oo aldosterone ah. Kasoo bax ka soo baxa qanjir kalyeedka{ adrenal adenomas} aan ahayn kaankaro{ cancer} ayaa keeneysa inuu kordho aldosterone. Primary Hyperaldosteronism waa xaalad dhif ah. Qanjir kalyeedka waxa uu noqonayaa mid weynaada{ hyperplasia}. Waxa kaloo keeni kara xaalad hidda-dhaxaleed { familial Hyperaldosteronism type 1}.
2: secondary Hyperaldosteronism: waxa yaraanaya ququlka dhiigga ee kelyaha ayaa keeneysa secondary Hyperaldosteronism. Si aad u fahanto aynnu isla eegno sida uu cadaadiska dhiigga u nidaamsho aldosterone.
Aldosterone waa ciriq( hoormoon) kaasoo isku dheellitira cusbada( Sodium) iyo botasiyaamta( potassium) dhiigga ku jirta. Waxa uu xakameeyaa xaddiga ay kelyaha ay saarayaan, mugga dhiigga, cadaadiska dhiigga.Aldosterone-ka waa hoormoon ka samaysan dufan (steroid)
waxaana laga soo daayaa qanjirka ku yaala kelyaha qeybtiisa loo yaqaan diirka qanjir kelyeedka (adrenal cortex) gaar ahaan waxaa laga soo daayaa qeybta loo yaqaan zona glomerulosa waxayna shaqadiisu tahay in uu ka qeyb qaato isku dheellitirka biyaha iyo macdanta jirka.
Sidee Aldosterone-ka ugu qeyb qaadataa isku dheellitirka biyaha iyo macdanta jirka?waxaana si guud u sharxi doonnaa sida uu u shaqeeyo aldosterone-ka waxaan sharxi doonnaa habka loo yaqaan renine-agiotensin-aldosterone system (RAAS).Hab dhiskaan wuxuu qabtaa shaqooyin badan oo ka dhaca jirka
bani’aadamka laakiin waxaan kasoo qaadaneynaa shaqada ugu
muhiimsan ee uu qabto.Marka laga hadlaayo habkaan loo yaqaan RAAS waxyaabaha uu qabto waxa kamid ah in uu isku dheellitiro macdanta jirka sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa isku dheellitirka cadaadiska dhiigga
iyo in uu ilaaliyo tirada ama xaddiga dhiig ee ku jirka guud ahaan jirka bani’aadamka run ahaantii waa hab dhis aad muhiim uga ah jirka bani’aadamka marka laga hadlaayo shaqada jirka. Xubnaha ka qayb qaata habkaan loo yaqaanno RenineAgiotensin-Aldosterone System waxaa kamid ah xubinta beerka, kelyaha, sambabka, xubinta ku taala kellida korkeeda ee loo yaqaan diir hosaadkan qanjir kelyeedka (adrenal cortex) iyo hab dhiska dareen wadka dhexe ee maskaxda (CNS). Renine-Agiotensin-Aldosterone System waxay shaqadiisu bilaabantaa marka uu qofka cadaadiska dhiigga hoos u dhaco taasna waxaa sababi kara in uu qofka dhiig baxo ama uu galo xaalad halis ah sida in uu qofka ogaalkiisa beelo( shock) taas waxaa ka dhalan kartaa in uu yaraado cadaadiska dhiigga.
Siduu u shaqeeya habkaan loo yaqaan Renine-AngiotensinAldosterone-System?Tusaale ahaan qofka marka uu dhiig baxo waxaa hoos u dhacayo dhiiggii soo gaari lahaa kelyaha taasi waxay
sababaysaa in ay kellida soo dayso maado loo yaqaan renine
gaar ahaan waxaa laga soo deynaa meesha loo yaqaan juxtaglomerular cell.
Renine-ta waa maado ka samaysan borotiin taasoo masuul ka ah in ay kor u soo qaado cadaadiska dhiigga.Marka lagu soo daro maadada renine-ta wareega dhiigga waxay la falgaleysaa maado kale oo laga soo daayo beerka waxaana loo yaqaannaa Angiotenogen marka ay kulmaan maadada renine-ta
iyo maadada laga soo daayo beerka ee lagu magacaabo Angiotenogen waxaa samaysmaayo waxa loo yaqaanno
Angiotensin-1, marka uu samaysmo kaddib waxay tagayaan wareegga dhiigga marka uu gaaro wareegga dhiigga uu tago sambabada, sambabada waxay kusoo darayaan dheecaan loo
yaqaan Angiotensin Converting Enzymes kaasoo shaqadiisu tahay in Angiotensin-ka kowaad u beddelo Angiotensin-2 shaqada uu qabto waxaan kusoo koobnaa ilaa iyo seddex. Angiotensin-2 wuxuu si toos ah u tagayaa qeybta dhexe ee laga maamulo maskaxda oo ah( Central nerous system)-ka
wuxuuna sare u qaadayaa ama uu kicinayaa sympathetic neruous system taasoo shaqadiisu tahay ka warqabka dhaqdhaqaaqa ka socda jirka sida garaaca wadnaha iyo in
uu kor u kaco cadaadiska dhiigga.
Angiotensin-2-ka wuxuu immaanayaa kellida gaar ahaan qeybta nephron-ka wuxuuna qabanayaa ilaa iyo seddex
shaqo oo ay kamid tahay in uu sodium-ta ku soo celiyo jirka potassium-tane uu ka saaro jirka sidoo kale wuxuu
jirka kusoo celinaa biyaha.
Angiotensin-2-ka sidoo kale shaqada uu qabto waxaa kamid ah in uu kellida ku amro in ay soo dayso
hoormoonka lagu magacaabo Aldosterone-ka waxaana laga soo daynayaa qeybta sare ee kellida ama qanjirka ku yaala kellida korkeeda ee loo yaqaan diirka qanjir kelyeedka( adrenal cortex).Adrenal glands-ka marka uu soo daayo hoormoonka loo yaqaan aldosterone-ka jirka wuxuu kusoo laabnaa sidiisa hore ama sidii caadiga ahayd macnaha haddii uu cadaadiska dhiigga uu hoos ahaa waxaa loo soo qaadayaa kor sababtoo ah
aldosterone-ka ayaa qabanaayo shaqadaas wuxuu jirka kusoo celinayaa biyaha iyo macdanta kale ee u baahan jirka.Hoormoonkaan shaqada uu qabto waxaa kamid ah in uu isku
dheellitiro cusbada iyo biyaha ku jira jirka bani’aadamka.Waxaa kaloo jira hoormoon kale oo qabta shaqada uu qabto
hoormoonka loo yaqaan aldosterone-ka laakin waxay ku kala duwan yihiin midna wuxuu jirka ku soo celiyaa oo kaliya biyaha midna wuxuu jirka kusoo celiyaa biyaha iyo macdanta kale ee u
baahan jirka waxay kaloo ku kala duwan yihiin halka laga soo daayo hoormoonkaan magaciisa waxaa la yiraahdaa Anti-duretic hormone.
Anti-duretic hormone waa hoormoon farriin wade ah oo ka samaysan borotiin waxaana laga soo daayaa xubinta ku taala maskaxda oo lagu magacaabo hypothalamus-ka laakiin waxaa
lagu keydiyaa oo laga sii daayaa qanjirka lagu magacaabo pituitary glands, waxay shaqadiisu tahay in uu biyaha ku soo
celiyo jirka si uu iskugu dheellitiro biyaha ku jira jirka.Qofka bani’aadamka biyaha ku jira jirkiisa waxay uga bixi karaa
ilaa iyo seddex qaab oo ah in qofka uu fuuqbaxo macnaha inuu matago ama uu shubmo ama ay kaadi ahaan uga baxdo sidoo kale waxaa dhici karta in uu dhidid ahaan uga baxo biyaha ku
jira jirkiisa.Goormee loo baahan yahay in la soo daayo hoormoonkaan ADH-ka?
Hoormoonkaan waxaa la soo daayaa marka uu yaraado cadaadiska dhiigga ama uu yaraado mugga dhiigga sabatoo
ah hoormoonkaan waxaa laga soo daayaa hypothalamus-ka, hypohalamus-ka wuxuu leeyahay waxa loo yaqaan lakulme (osmo-receptors) waxayna ilaaliyaan osmolarity-ka dhiigga, dhiigga marka ay ku yaraadaan biyaha waxay noqdaan mid cukan macnaha mid dheg-dheg noqda ribanaantooda( concentration)badata kaddib ayaa hypothalamus-ka waxaa loo diraa farriin waxaana u diraya osmo-receptorka kaddib hypothalamus-kawuxuu soo amraa qanjirka lagu magacaabo pituitary glands si loo sii daayo ADH- hoormoon.
ADH-ka marka uu kellida yimmaado gaar ahaan qeybta nephron-ka wuxuu ku amraa in biyaha dib loogu soo nuugo
kaadida kaddibna jirka lagu soo celiyo, marka lagu soo celiyo
biyaha jirka dhiigga wuxuu kusoo laabnaa sidiisa hore macnaha waxaa isku dheellitirmaayo biyaha ku jira jirka, sidaasi darteed hoormoonkaan waxaa la soo daayaa marka uu hoos u dhaco
cadaadiska dhiigga iyo mugga ka dhiigga macnaha cadadka dhiigga oo ka yaraada intii loogu talagalay.
Haddii dhiigga kelyaha uu hoos u dhaco waxa la arkayaa Halbowlaha kelida oo xirma { renal artery diseasese}. Dheecanka dib loo soo nuugo iyadoo ay keeneysa barar, wadnaha oo talax gaba{ heart failure, xanuunka mar xaladda uga danbeysa ee saameysa beerka { liver cirrhosis, kelyaha oo soo saara xaddi badan oo borotiin, borotiinkaas lagu arko kaadida{ nephrotic syndrome}.
Baadhitaanka.
Xaddiga caadiga {normal}
1:Aldosterone { 5-20ng/dl}
2:Sodium { 135-145 mEq/l}
3:Potassium{ 3,8-5,5 mmol/l}
4:Plasma RENIN ACTIVITY{ 0,7-3,3 ng/ml/ hr}
Intani waa marka ay tahay xaddiga caadiga ah ee jirka.
1:Plasma RENIN ACTIVITY{ PRA} haddii ay hooseyso waa primary haddii ay sareysana waa secondary.
2:Plasma aldestrone waxay noqoneysaa mid sareysa.
3:Aldosterone Renin ratio haddii ay ka sareyso 750 waa primary hyperaldesterosim.
4:In la saaro sawir humaageed{ CT SCAN}. Waxa lagu baarayaa burada ka soo baxday qanjirka{ adrenal adenomas} .
5:Hibsiinno dhaxaleed{ genetic test}.
Daweynta
In loo sameeyo qaliin haddii ay jirto ka soo bax qanjirka uu jiro(Adrenalectomy)
Dawooyinla la siinayo.
1:Spirononlactone: waxay keeni kartaa in ay weynaadaan horaadada ragga, hoosnay ay u dhacda hamada galmada, kacsi la’aan. Waxay xidheysaa testosterone.
2:Epilerenone
3:Amiloride
Dawooyinka waxay hoos u dhigayaan cadaadiska dhiigga.
Tixraaca. my.clevelandclinic. https://www.pennmedicine.org/for-patients-and-visitors/patient-information/conditions-treated-a-to-z/hyperaldosteronism. Book of hormoon.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment