Hyperparathyroidism
Hyperparathyroidism
Waa xaalad qanjirka parathyroid uu soo saarayo xaddi ka badan hormoonnada uu qaabilsan yahay soo deyntooda. Tani waxay keeneysaa inay korodho heerka kaalsiyaamta dhiigga loo yaqaano Hypercalcemia. Waxa la soo deyn doonnaa kalsiyaam badan iyadoo laga keenayo lafaha.Haddii ay yaraato kalsiyaamta lafaha waxa siyaadaya qatarta jabitaanka.In dheefshiidka uu ka soo nuugo kaalsiyaam badan cunnada la cunayo.In kalida ay ku badato kaalsiyaamta taasina ay keentaa dhegxaan kelyaha inay ku sameysmaan.
Qanjirka ku yaala dhuunta parathyroid glands:
Parathyroid glands waa afar qanjir oo yar yar oo ku dul yaala labada gees ee qanjirka loo yaqaan thyroid glands kaasoo ku yaala dhuunta waxayna leeyihiin midab jaalle ah ama huruud
xigeen ah.Waxayna shaqadoodu tahay in ay soo saaraan hoormoon iyagoo
hoos u dhigaya tirada macdanta dhiigga ku jirta.Qanjirkaan hoormoonka uu soo daayo waxaa lagu magacaabaa
parathyroid hormone, wuxuuna ka qeyb qaataa in uu isku dheellitiro macdanta ku jirta jirka sida calcium-ta iyo phosphate-ka haddii uu jirka ku siyaado hoormoonkaan waxa badanaayo calcium-ta dhiigga sidoo kale waxaa hoos u dhacaayo phosphate-ka waxayna sababaysaa in macdanta lafaha lagu soo daadiyo dhiigga laakin haddii uu ku yaraado dhiigga waxaa hoos u dhacaayo calcium-ta waxaana siyaadaya phosphate-ka taas waxaa ka dhalan karta in macdanta ay dhiigga ku yaraato waxaana ka dhalan kara cudurada lafaha iyo murqaha.
Parathyroid hormone waa hoormoon masuul ka in uu isku dheellitiro calcium-ta iyo phosphate-ka ku jira dhiigga.Marka uu hoos u dhaco calcium-ta ku jirta dhiigga qanjirkaan
loo yaqaan parathyroid glands wuxuu soo daynaa parathyroid hormone si dhiigga dib loogu soo celiyo calcium-ta laakin
haddii uu dhiigga ku badan yahay hoormoonkaan waala joojinayaa in
la soo daayo.Shaqooyinka uu qabto hoormoonkaan waxaa kamid ah in uu
burburiyo calcium-ta ku jirta lafaha si dhiigga loogu soo daro sidoo kale hoormoonkaan wuxuu ka qeyb qaataa in uu kelyaha ka soo nuugo calcium-ta sidoo kale wuxuu ka soo nuugayaa
mandhiciirada si markaas looga dhigo calcium- ta ku jirta jirka mid caadi ah.
Sidoo kale in calcium-ta lagu dheellitiro jirka waxaa ka qeyb qaata nooc kamid ah fitamiinnada jirka kaasoo lagu magacaabo vitamin D, vitamin D wuxuu ka qeyb qaataa koritaanka lafaha.
Vitamin D waa nooc kamid ah fitamiinnada jirka kaas soo ku
milma dufanta jirka waxayna shaqadiisu tahay in uu macdanta ka soo qaado mindhiciirada islamarkaana ku keydiya lafaha.Vitamin D aad ayuu jirka muhiim ugu yahay labo nooc ayuu ka
dhashaa dhirta caleemaheeda oo cadceeda ku dhacda iyo
qorraxda oo si toos ah jirka ugu dhacda labadaas meel ayaa si caadi ah looga helaa fitamiinkaan laakin waxaa jira meelo kale oo laga heli karo.
Haddii uu jirka ku yaraado waxaa ka dhasha jirooyin halis ah oo kamid ah sida lafo xanuun iyo laf qalooc taasna waxay ku timmaadaa in aan si fiican loo qaadanin cunto ku jirta vitamin D ama in uusan helin cadceed ku filan jirkiisa.
Cuntooyinka laga heli karo fitamiinkaan waxaa kamid ah beerka xoolaha, kalluunka, iyo dhirta laga sameeyo saliida.Inyar oo kamid ah fitamiinkaan ayaa jirka ku filan maxaa yeelay aad ayuu sun u yahay haddii uu jirka ku bato dhibaatooyin aad halis u ah ayuu leeyahay sidaasi daraadeed waxaa loo baahan
yahay in qiyaas yar la isticmaalo oo aan leyska badinin.
Calcium: Waa curiye macdan ah oo qayb weyn ka qaata koritaanka jirka
iyo hab dhiska shaqooyinkiisa, calcium-ta aad ayuu muhiim ugu yahay lafaha iyo ilkaha.Lafta iyo dhuuxeeda waxay ka kooban tahay macdan qiyaas
ahaan 99% waxaa muhiim ah maalintii in nafaqo ahaan loo qaato 1g halbeega oo ay ku jirto macdanta nafaqadeeda, waxaa laga helaa caanaha iyo farmaajada, haddii ay jirka ku yaraato
waxay leedahay lafo xannuun, jirka aad ayuu ugu baahan yahay curiyahaan macdanta ah. Calcium-ta 0.9% waxay ku jirtaa unugga dhexdiisa (intracellular) halka 0.1% ay ku jirto unugga banaankiisa (extracellular) inta soo hartay ee ah 99% waxay ku jiraan lafaha.Calcium-ka marka ay dhiigga ku badato waxaa loo yaqaanaa hypercalcemia waxaa inta badan keena cudur ku dhaca kelyaha, xanuunnada ku dhaca sambabada sida Tiibishada
(TB) waxaa kaloo keeni karaa in qofka isticmaalo fitamiin D farabadan iyo qofka oo lagu arko xanuunnada ku dhaca qanjirada sida thyroid gland iyo parathyroid glands waxaa kaloo sababi kara kansarka qaar sida kansarka ku dhaca sambabada iyo naasaha, waxaa kaloo keeni kara daawooyinka
qaar sida daawooyinka anti-acid-ka.
Sidoo kale marka uu jirka ku yaraado calcium-ta waxaa loo
yaqaanaa hypocalcemia waxyaabaha sababa waxaa kamid ah kelliyaha oo shaqadooda joojiya, nafaqo daro in lagu arko qofka sidoo kale in laga waayo jirka fitimiin D, xanuunnada ku dhaca
qanjirka ragga ayagane waxay keeni karaan in calcium-ta jirka
ku yaraato.
Maxaa keenna.
Waxa loo qeybiyaa labo qeybood
1: primary hyperparathyroidism: waa marka uu qanjirka sameeyo wax ka badan intii looga baahnaa inuu ka badan soo daaya, waxay keeneysaa in saro u kacdo kaalsiyaamta dhiigga ku jirta. Waxa keenaya in korodho kaalsiyamta buro aan kansar ahayn loo yaqaano adenoma. Buradani waxay keeneysaa in qanjirka xad-dhaaf noqdo. Waana midda ugu caansan ee keenta. Qanjirka parathyriodka waxa uu noqdaa mid weynaada waxa loo yaqaanaa hyperplasia iyo inuu soo saaro tiro badan oo hormoon ah. Waxaa kale oo keeni kara kaankaro ku dhacda qanjirka parathyriodka.Xaalado la xidhiidha dhaxalka ayaa keeni kara { multiple endocrine type 1} laakiin waa xaalad aan badneyn.
2: secondary hyperparathyroidism: soo saaritaanka xad-dhaafka qanjinjikra parathyriodka waxay dhacdaa iyadoo laga jawaab celinayo xaalado kale oo keenaya inay hoos u dhacdo ama la waayo kaalsiyamta. Tusaale dhig, waxyaabaha hoos u dhigi kara kaalsiyamta waxa kamid ah: kelyaha oo shaqo gaba, hoos u dhac aad u hoosseya ku imaada faytamiin D.
Calaamadaha.
1:Kala goys xanuun
2:Murqaha oo daciifa.
3:Qofka oo daal dareema
4:Qulub{ depression}
5:Cunista oo yaraata.
Haddii ay calaamadaha yhiin kuwa aad u daran qofka waxa uu yeelanayaa
1:Lallabo iyo hunqaaco.
2:Isku dhexyaac.
3:Oon fara badan.
4:Calool fadhi.
5:Lafaha oo xanuuna.
Waxyaabaha kale ee raaci kara marka ay calaamadaha daran yhiin waxa kamid ah:
1:Shaqada kelyaha oo yaraada, taasoo awooddi weyso inay shaandheyso dhiigga.
2:Kelyaha dhagxaan lagu arko.
3:Lafaha oo jilca
4:Cadaadiska dhiigga sare noqda, haddii ay sareyso heerka dhiigga kalsiyaamka waxay door ku yeelaneysaa inuu dhiigga kaco.
5: kelyaha oo talax-gabaan.
Baadhitaanka.
Xaddiga caadiga parathyroid ( 10-65pg/mL).
1:Primary. :Parathyroid hormoonka oo sare u kaca. Calcium iyadana sare u kacda.
2:DxA( Bone Density Test) waxa lagu fiiriyaa heerka nuugitaanka kaalsiyaamta lafaha.
3:ECG.
4:Creatinine serum iyada waa laga fiirinayaa haddii ay caadi tahay haddii aysan ahayn.
5:Haddii uu Faytamiin D hoos u dhacdo waxa badanaya parathyroid hormoonka laakiin kalsiyaamta waa caadi( normal).
6:Familial Hypocalciuric Hypercalcemia( FHH). IYO PARATHYROID(PHPT). Waxa yaraanaya kaalsiyaamta kaadida u baxeysay. Laakiin waxa badanaya midda dhiigga. Sida loo kala saaro maadama ay dhaxal ku imaan karto FHH. waxa la eegayaa 24 saacadood.
PHPT: > 200mg/d
FHH:< 50mg/d
7:Primary hyperpathyroidsism and iyo secondary hyperparathyrodism waxa lagu kala saarayaa 25-hydroxy vitamin D. Waxa lagu ogaanaya heerka faytamiin D.
Daaweynta
1: Primary hyperparathyroidism daaweynta loo sameeyaa qofka waa qaliin {Surgery} laakiin horay lagama qalayo waa in la eego heerka kaalsiyamta iyo calaamadaha qofka uu leeyahay. Qaliinka oo noqon kara mid qeyb laga jaro ama gabi ahaanba la jaro parathyroid-ka.
2:Haddii aan soo bax jirin(adenoma),kalyaha shaqadoodu caadi tahay, lafa jilcan (osteoporosis) uusan jirin kalsiyamta aanay xoog u kacsanaynayn dawo looma qoro oo xadiga qaadashada cunto kalsiyaamta ku jirto ayaa hoos loo dhigaa cabitaana waa lagu taliyaa badan,dhanka dawooyinkana waxa la siiyaa kuwo sidii caliumta u shaqanaya oo parathyroid glandka ku sababaya inuu hoos u dhigo soo saarista PTH lana yidhaah Calcimimetics.
Cinacalcet waxa loo qoraa secondary hyperparathyroidism. Dawadan waxay farriin u direysa parathyroid si marka u yareeyo soo saarista.
Daawooyinka ee loo qor waxa kamid ah:
alendronate , zoledronic acid dawooyinkan waxay ka caawinayaan in ay ka hor tagaan yaraansha inay lafaha ku yaraato kaalsiyaamta, waxay yareynayaan qatarta jabniinka iyo lafa jilcanka.
Tixraaca. my.clevelandclinic. Drmawliid, buugga hormoonnada.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment