Hyperpituitarism
Hyperpituitarism
Waa marxalad qanjirka pituitary uu soo saaro xaddi ka badan hormoonno qanjiradda uu maamulo( laga soo daayo) intii loo baahnaa in ka badan kuwaasoo raacaya qulqulka dhiigga. Burada aan kaankarada(cancer)ahayn ee qanjirka qudhiisa ka soo baxdo waxaa loo yaqaan fiixda qanjirka pituitary ( pituitary Adenoma). Xaddiga badan ee ciriqa( hormoon) uu soo saarayo qanjirka waxa keenna xaalado kala duwan sida kiritaanka(growth), dheefsashada ( metabolism), taranka( reproduction).Inta aynnaan xanuunka u sii gudda galin aynnu isla eegno ciriqyada( hormoons) uu soo saaro ama uu qaabilsan yahay qajirka pituitary.
Waa qanjir(pituitary gland) ku yaalla maskaxda meesha basada ku aaddan oo masuul ka ah dhammaan hoormoonnada jirka iyo isku dheellitirkooda, qanjirkaan waa qanjir aad muhiim uga ah guud ahaan jirka oo dhan sababtoo ah wuxuu soo daayaa qanjirkaan ilaa iyo sagaal hoormoon.Qanjirkaan wuxuu si toos ah uga xiran yahay hypothalamus-ka sababtoo ah hypothalamus-ka waxaa ka yimmaado farriimo, fariimaha ka yimaado hypothalamus-ka waxay si toos ah u
tagaan qanjirka loo yaqaanno pituitary glands si uu uga jawaabab celiyo farriinta uga timid hypothalamus-ka shaqadaan waxaa inta badan ka qeyb qaata hab dhiska loo yaqaanno neuroendocrine system.
Neuro-endocrine system waa hab dhis isku jir ah oo xakameeya shaqooyinka ka dhex socda gudaha jirka taasoo ah dareen wadayaasha farriinta kala geeya iyo hoormoonnada jirka
ku dhex qulqula sababtoo ah hab dhiska dareen wadka waxay si wadajir ah ula shaqeeyaan labo qanjir oo ku kala yaalla
maskaxda iyo kellida korkeeda.Qanjirkaan waxaa loo yaqaannaa ama lagu magacaawaa hypophysis waxaana loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah qeyb hore iyo qeyb dambe waxaana loo yaqaannaa (anterior and posterior lobe).Qeybta hore waxaa laga soo daayaa ilaa iyo toddoba hoormoon halka qeybta gadaalle lagu keydiyo lagana soo daayo oo kaliya labo hoormoon.Qeybta hore ee loo yaqaanno anterior pituitary glands wuxuu soo daayaa ilaa iyo toddoba hoormoon oo kala duwan mid walba wuxuu qabtaa shaqo gaar ah hoormoonnadaas uu soo daayo qanjirkaan waxaa kamid ah.
1:Adrenocorticotropic hormone (ACTH) waa hoormoon ka samaysan borotiin adag wuxuuna ka howlgalaa qanjirka
ku yaalla kellida korkeeda ee lagu magacaawo qanjir kelyeed (adrenal glands )si loo soo daayo hoormoonno kale sida glucocorticoid, mineralocorticoids, iyo sex corticoids.
2: Thyroid-stimulating hormone (TSH) waa hoormoon ka
samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa qanjirka loo yaqanno thyroid glands si loo soo daayo labo hormoom T4 IYO T3.
3: Follicle stimulating hormone (FSH) waa hoormoon ka samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa xubnaha taranka ragga iyo dumarka sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa koritaanka jirka.
4:Luteinizing hormone (LH) waa hoormoon ka samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa ama ay shaqadiisu tahay xubnaha taranka ragga iyo dumarka.
5:Growth hormone (GH) waa hoormoon ka samaysan borotiin adag wuxuuna ka howlgalaa beerka iyo xubnaha lagu keydiyo dufanta jirka sida nuddaha dufanka (adipose tissue), sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa koritaanka jirka iyo burburinta dufanta iyo sokorta lagu keydiyo jirka.
6:Prolactin (PRL) waa hoormoon ka samaysan borotiin adag wuxuuna ka howlgalaa xubnaha taranka ee haweenka sida ugxaanta dumar (ovary) sidoo kale waxay shaqadiisu tahay sameynta caanaha jirka ilmaha marka ay dhashaan kaddib haddii uu jirka ku siyaado waxaa kor u kaca caanaha jirka lagu arko oo noqda kuwa xad-dhaaf usoo baxa, sidoo
kale hoormoonkaan wuxuu saameyn ku leeyahay in lasoo daayo estrogen iyo progesterone.
7: Melanocyte stimulating hormone (MSH) waa hoormoon mas’uul ka ah midabeynta jirka wuxuuna jirka ka dhiggaa midab madow iyo mugdi xigeen ah oo lagu arko maqaarka jirka oo idil laakin sida uu u shaqeeyo iyo wuxuu u taro lama oga.
Qeybta dambe ee lagu magacaawo posterior pituitary glands waxaa lagu keydiyaa lagana soo daayaa labo
hoormoon oo kala duwan waxayna qabtaan shaqooyin kala duwan labada hoormoon waxaa kamid ah.
1:Oxytocin waa hoormoon laga soo daayo unuga lagu magacaawo (paraventricular nucleus) wuxuuna ku yaalla xubinta loo yaqaanno hypothalamus-ka waxayna shaqadiisu tahay in uu soo de-dejiyo foosha iyo in lasoo saaro caanaha horaadada dumarka, isla markaana murqaha ilmo galeenka ku amro in ay
dabcaan jirkane ka ilaaliyaan in uu dhiig baxo inta uu shaqada foosha ku jiro, inta badan asigoo daawo ah ayaa la isticmaalla hoormoonkaan.
2:Antidiuretic hormone (ADH) waa hoormoon laga soo daayo unuga loo yaqaanno (supra-optic nucleus)wuxuuna ku yaalla xubinta lagu magacaawo hypothalamus-ka wuxuuna ka howlgalaa kellida shaqadiisu waxay tahay in uu kellida ku amrayaa inay keydsadaan biyaha jirka soo gala.
Xanuunada la xiidhiidha kororka (hyperpituitarism) qajirka pituitary. Waxa jira tiro xanuunno qanjir kelyoodka (adrenal gland) ee ka dhallan kara sarre u kaca qanjirka pituitary.
1:Cushing syndrome.
Waa xalaad jirka uu ku kordho hormoonka loo yaqaan kortisoolka(cortisol). Kortisoosha waa istiiroyd hormoon waxa lagu magacaaba hormoonka isku buuqa ( stress) jirka waxa uu soo deynayaa xaddi ka badan intii loo baahnaa. Kortisoolka waa hormoon muhiim ah kaasoo saameyn ku leh xubbinkasta iyo cad walba jirkeenna. Waxa uu ka qeyb qaataa door muhiim.
2:Acromegaly
Waa xanuun sababa inuu hoormoonka koritaanku(GH)uu xadkiisa caadiga ah ka bato, kaas oo sababaya inay lafuhu qofka waawaynaadaan iyo xubnaha jidhkuba sababina karta haddaan la dawayn dhimasho.
3:Hyperthyroidism
Waa marxalad uu tayroodhka soo saaro intii loo baahnaa ka badan hormoonno. Sidoo kale waxa loo yaqanaa kororka teyroodhka. Ciriqa ugu muhiimsan ee tayroodhka waa T3( triiodothyronine) T4 ( thyroxine). Kororka shaqada tayroodhka waxay saameyn ku yeelaneysa jirka oodhan, marxaladi waxay u baahan tahay daaweyn dhaqso leh.
4:Hypothyroidism?
Waa xanuun ku dhaca tayroodhka, taasoo aanu soo sii daneyn karin hoormonno ku filan jirka si uu ugu shaqeeyo si sax, haddii hormoonka loo baahnaa hoos u dhac ku yimaado waxa hoos u dhac ku imaanaya dheefsashada( metabolism) waxay saameyn ku yeelaneysaa jirka oodhan. Sidoo kale waxa loo yaqaan xanuunka hoos dhaca tayroodhka(hypothyroidism).
5:Hyperprolactinemia
Waa xaalad ay sareyso heerka prolactin ee dhiigga, caadi ahaan ka badan xaddigii laga rabbay ee caadiga ahaa.
Waxa ugu caansan keena waa ka soo bax ka soo
baxa( buro) prolactine( prolactinoma) oo ku jira qanjirka bituriga ( pituitary glan). Heerarka sare ee prolactin waxay carqaladayn karaan shaqada taranka ee caadiga ah iyagoo farageliya hormoonnada ay soo saaraan xiniinyaha ama ugxan-sidaha.
Calaamadaha.
Xanuunnada la xiidhiidha qanjidhka bituwitary( pituitary gland) waxay lee yihiin calaamado kala duwan.
Cushing’s syndrome (hypercortisolism).
1: Misaanka wajiga oo dagdag u kordha, qofka inuu yeesho wajigiisa qaabka bisha( Moon face). Qofka oo yeesha tuur( Buffalo ham).
2: Wajiga oo casaada.
3: Nabaradda qofka aan si wanaagsan u reysan.
4: Cadaadiska dhiigga oo kordha.
5:Koritaanka timaha oo xad-dhaaf noqda, sida wajiga, qoorta, xabadka, caloosha, naasaha, bowdaha.
6: Miisanka oo kordha.
7:Murqaha aadimaha oo caata noqda.
8: Nabaro ka soo baxa gacmaha iyo lugaha.
9: Daciifnimo iyo daal qofka uu dareemo.
10:Murqaha oo daciifa iyo gacmaha iyo lugaha caata noqda.
Acromegaly.
1:Gacmaha iyo cagaha oo waawaynaada.
2:Wajiga oo qaabkiisu is beddelo sida daamanka oo waawaynaada iyo lafta gadhka,carabkoo waynaada.
3: Codkoo qofka waynaada ,dhididka oo qofka ku bata,madaxa iyo muruqyadoo qofka xanuuna,xubnaha sida wadnaha,beerka,kalyaha,sanbabada oo qofka marka danbe waawaynaada waana arrinta dhimashada keenta kama dambaysta.
4:Qofka waxa ku dhaca ,macaan,khalkhal dhanka caadada ah dumarka,dhiig kar,sidoo kale qofka waxa ku imanaya xiiso la’aan dhanka galmada ah .
Hyperthyroidism
1:Inuu siyaado garaaca wadnaha
2: Qofka inuu dareemo gariir.
3: Miisaanka hoos u dhaca.
4: Cunista oo korodha( increase appetite. )
5: Shuban (diarrhoea)
6: Araga oo isbeddela.
7: Qofka oo dhuubta, jirkiisuna diirimaad yeesho, haragiisuna qoyaan yeesho.
8: Caadada isbeddel ku yimaada( dumarka).
9: Qofka aan u dulqaadin karin kulka, iyo dhidid badan.
10: Barar iyo weynaansho xaga qoorta,
taasoo ka imaneyso bararka tayroodhka( goiter/kuus).
11: Qofka timaha oo ka bida.
12: Tabardari xagga muruqa.
13: Qofka indhaha bannaanka u soo kuusta(Graves’ disease).
Hypothyroidism
1- Caajis Iyo daal (haweenka qaarkood, daal iyo tabar darri awgeed, markay xoogaa socdaan waa in ay nastaan oo ay fadhiistaan!!)
2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajisku aad kuugu bato.
3- Calool-istaag.
4- Miisaankaaga oo kordha adigoo aan cunin cunto badan.
5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan yahay ama daamankaagu noqdaan kuwo sidii buufimada bararay, dadkuna u maleeyaan in aad naaxday.
6- Codka oo xabeeb yeesha.
7- Murqo xanuun iyo tabardarri aadan si sahlan fadhiga uga istaagi karin Illaa inaad wax qabsato ama aad afarta ku kacdo mooyee.
8- Is goysyada xaglaha oo xanuun ama barar aad ka dareento.
9- Caadada oo kaa wareerta ama siyaado noqoto socodkeedu.
10- Timaha oo khafiif noqda ama inay kaa gogo’ayaan aad dareento
11- Maqaarka jidhkaaga oo cawlaan noqda ama qallayl noqda.
12- Hilmaan aadan horay u qabi jirin ama caajis maskaxeed.
13- Qanjidhka oo soo kuusma ama barara, qofkane uu dareemo in dhuunta laga cadaadinayo (xanuun-ka howlgabka qanjirkani qasab uma aha in qanjidhku uu bararo).
Prolactinoma
1: Dhalmo la'aan.
2: Hamada dareenka oo Luma.
3: Ibta horaadada oo caana ka socda.
4: Isku taga( galmada) gabadha ay dareento xanuun, qeylayl awgiisa saxaha.
5:Haweenka :Waxa ugu badan ee la arki karaa waa naaskoo caano yeesha iyadoo haweenaydu naas nuujinayn sidoo kale kor u kaca prolactinta een caadiga ahayn waxay sababi kartaa inay hoos u dhacaan FSH/LH kuwaasoo sii sababi kara hoos u dhac ku yimaada hoormoonnada Estrogen iyo progesterone taasoo keeni karta caado wareer ama caadada oo ay iska wayso haweenaydu haddaan la dawayn waxa ku xigaaba waa ma dhalaysnimo qalqal hoormoonkan ku dhacay oo haddii la daweeyo xaaladu caadi ayay ku soo noqon kartaa.
6:Ragga: intaan baadhitaan qalabeed la bilaabin waxa la arki karaa naasaha oo waynaada maadaama hormoonkan shaqadiisu tahay kobcinta unugyada caanaha soo daaya ee naasaha se ragga laguma arko caano inta ka soo baxa (glactorrhea), hoormoonkan prolactin sida aynnu xagga hore ku soo sheegnay wuxuu hoos u dhigaa hoormoonnada FSH/LH la yidhaahdo kuwaas oo ka qayn qaata soo saarista Testosterone ninkuna wuxuu isku arki karaa hoos u dhac rabitaanka ku yimi ama hamada, kacsi la'aan, sidoo kale hoormoonnadan hadday hoos u dhacaan soo saaristii manida ayaa iyana istaagaysa ama yaraanaysa xadiga prolactin-ta kacsan tahay ayay ku xidhan tahay waxa ku xigga waa madhalaysnimo ku kooban inta xaaladani taagan tahay haddii la daweeyana caadi ayay ku soo noqon karaan hoormoonadani.
Maxaa keenna.
Inay korodho ciriqyada badan uu soo saarayo qanjirka pituitary waxa keena buro la soo baxda qanjirka.
Burada aan kaankarada ahayn waa waxa ugu badan ee keenna in ay badato qanjirka pituitary soo saarista hormoonnada. Ma jirto xog ogaal sheegaysa sababta u sameysanto. Waxay ku xidhan tahay nooca unugga ay saameyn ku yeelatay, intaas kaddib qanjirka waxa uu bilaabayaa soo saaritaan badan hormoonno ah.
Xaaladaha qaarkood, burooyinka pituitary ayaa laga yaabaa inay ka dhashaan xaalad la iska dhaxlo oo loo yaqaanno endocrine neoplasia nooca 1 (MEN1).
Ciladdani waxay sidoo kale keentaa burooyin aan fiicneyn oo ku dhaca xameetida iyo qanjidhada parathyroid.
Baaritaannada.
Baaritaanka loo sameeyo qofka qabo hyperpituitarsim.Guud ahaan marka la samaynaayo baaritaanka waxaa habboon
qofka in uu la xiiriiro dhaqtarka ku shaqa leh cudurkaan gaar ahaan qofka ku taqasuusay ama bartay cilmigga hoormoonnada.Labo baaritaan ayaa ugu muhiimsan in loo sameeyo qofka qaba
cudurkaan in dhiigga laga baaro iyo in loo sameeyo baaritaan kale sida in la saaro CT scan ama MRI waa labo qalab oo lagu ogaanaayo in ay maskaxda buro ku taal iyo in kale .Waxyaabaha laga baarikaro dhiigga maxaa kamid ah dhiigga
waxaad ka baari kartaa hoormoonno badan laakin waxay ku xiran tahay haddaba inta uu dhaqtarka soo codsado inta badan hoormoonnada la baaro waxaa kamid ah GH, PRL, FSH, LH,
TSH ACTH free T3 and free T4.
Hoormoonno qaar waan ka soo hadalnay sida loo baaro waxaa kamid ah hoormoonnadaas free T3,free T4 iyo TSH sidoo kale ACTH.
Goormee loo baahan yahay baaritaankaan lagu ogaannaayo hoormoonka koritaanka jirka in la sameeyo?
Baaritaankaan waxaa la samayn karaa marka uu dhaqtarka soo codsado oo uga shakiyo qofka bukaanka ah in uu qabo xanuunka loo yaqaan Acromegaly waa xanuun qofka ku sababa in ay si
xad dhaaf ah u koraan xubnaha jirkiisa gaar ahaan murqaha iyo lafaha.Marka laga baaraayo qofka bukaanka ah waxaa loo baahan yahay in uusan waxba soo cunin ha noqoto daawo ama cunto uusoo cunay sidoo kale loo baahna in uu soo sameeyo jimicsi qofka waxaa la rabaa asigoo sooman in dhiigga laga qaado.
Labo baaritaan ayaa loo samaynaa qofka oo kala ah in laga baaro sokorta iyo in laga baaro hoormoonka koritaanka (GH)
haddii uu siyaado yahay iyo haddii kale.
Marka hore waxaa la baaraa waxa loo yaqaan insulin growth factor-1, insulin growth factor-1 waa hoormoon xiriir la leh hoormoonka koritaanka jirka sidaasi darteed growth hormoonka wuxuu jirka u sheegaa in la sameeyo hoormoonkaan IGF-1 si uu uga qeyb qaato koritaanka jirka laakin qofka aan qabin
cudurka loo yaqaan Acromegaly marka uu ku badto growth hormone-ka waxaa jirka lagu amraa in la joojiyo in la soo
daayo growth hormone hasayeeshee qofka qaba cudurkaan waxaa dhiiggiisa ku siyaado growth hormone-ka taasoo
sababaysa in uu koro xubnaha jirkiisa sida lafaha iyo murqaha.Haddii uu ka yaraado growth hormone-ka ama uu ka hoos mari waayo cabirka sax ah lee loogu talagalay wuxuu qofkaas qabaa
Acromegaly laakiin haddii uu growth hormone-ka uu ka falceliy
qofkaas waa caadi oo wax cudur ah ma qabo. Cabirka saxda ah ee laga rabo ragga waa < 5 ng/mL ama < 226
pmol/L.Cabirka saxda ah ee laga rabo dumarka waa < 10 ng/mL ama
pmol/L.Cabirka caruurta laga rabo waa 0.20 ng/m Lama 0.904 pmol/L
Cushing syndrome.
1:Caadiyan kortisoolka waa 138 ilaa 690nmol/L.(normal)
2: ACTH iyana caadiyan waa 2,2 ilaa 13.2nmol/L.(normal).
1:Marka aynna caadiga ahayn( abnormal) waxay noqoneysaa kortisoolka mid sareysa.
2:Waxa kaloo la sameeyaa tijaabo lagu sameynayodexamethasone(dexamethasone test) 1mg ayaa la siinayaa, haddii kortisoolka ay ka hooseyso 50 nml/l cushin syndrome ma aha. Sababta wax kale ama aha haddii qofka la siiyo dexamethasone waxa badanaya xaddiga kortisoolka jirka, waxa uu farriin u diyarayaa qanjirka pituitary kaddib waa ay joojineysaa sababtoo ah waxay arkeysaa inay sarreyso kortisoolka. Haddii ay 50 ka badan waxa uu noqonayaa cushin syndrome.
3:ACTH:Haddii uu ka hooseeyo 2.2 ml/l waa Cushing syndrome.
4:Iskaan la saaro iyo MRI. Si loogu eego inuu yahay mid kansar ah iyo in aanu ahayn.
5:Unugyada cad cad kor ayay u ka cayaan.
Hadba baadhitaanka waxa uu ku xidhnaanayaa hadba hormoonka markaasi sarre u kacsan.
Daaweynta.
Daawenta cudurkaan waxay ku xirantahay in la ogaado 5-taas shey midkii ka mid ah oo keenay, kaddibne sida ugu habboon lagu xalliyo, haddii buro tahay in la qalo.
Tixraaca:https://my.clevelandclinic.org/health/diseases/15173-hyperpituitarism books endocrine. Drmawliid ku-ku-dar.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment