Hypoparathyroidism 


Hypoparathyroidism ku waa xaalad caafimaad oo uu keeno hoormoonka qanjidhka parathyroid ku soo daayo, oo hoos u dhaca sababana calciumta dhiigga oo hoos u dhacda .


Sababaha 


Waxyaabaha ugu badan ee keenaa waa in isla qanjidhka parathyroidka qaliin lagu saaray, in qofka ku dhasho parathyroid la’aan,hypomagnesemia,sidoo kale radiactive iodine therapy ayaa keeni karta taasoo lagu daweeyo qofka qaba hyperparathyroidism oo ah casharkii kan ka horeeyay.


Calaamadaha 


Calaamadaha waxa ka mid ah ,muruqyadoo qofka xanuuna ,muruq urur “spasm” sida murqaha gacmaha,lugaha iyo calool majiir ,xasuustoo qofka xumaata ,sidoo kale waxa qofku isku arki karaa markuu qofku taabto dhabankiisa inay dibinta sare dhaqaaqdo iyo muruqa wajiguba lana yidhaahdo”Chvosteck sign”,sidoo kale waxa qofka xanuunkani hayo lagu arkaa marka la cabirayo dhiigga in qofka gacantiisu soo laabanto iyo farihiisuba waxaan la yidhaahdaa “Trousseau sign”,calaamadaha kalena waxa ka mid ah qofkoo caad indhaha ka fuulo,xanuuno wadnaha ah oo laga helo sida CHF ,dhiigoo hoos u dhaca iyo daal.


Baadhitaanka 


Baadhitaanka waxa  dhakhtarku kaa qaadayaa dhiig kas oo la eegayo heerka Calcium,PTH iyo Phosphorus ka la eegayo ,haddii Calcium iyo  PTH hooseeyaan Phospharus tuna sareyso ayaa la odhan karaa qofka waxa haya xanuunkan.


Dawaynta 


Dhanka dawaynta hadaanay xaaladu mid daran ahayn waxa lagu taliyaa inuu bukaanko qaato cuntada calcium ku badantahay iyo kuwa phosphorus-ta ku yartahay iyo sidoo kale waxa loo qorayaa vitamin D kaasoo ka caawinaya jidhka inuu calciumta soo nuugo phosphurtana iska saaro.


Adigoo mahadsan la wadaag (share) bulshada inteeda kale si ay uga faa'idaystaan casharkaas bulsho u faa'idaynta ah,ilana soco(follow) haddaad u aragto inay tahay inaad bogan ku taxnaato si aad cilmi korodhsi uga hesho.


W/Q:Drmawliod ku-dar.


Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad