Hypopituitarism
Hypopituitarism?
Waa marxalad dhif ah oo la arko, taasoo ay jirto yaraansho dhammaan hormoonada qanjirka pituitary ama badh.
Ciriqyadan( hormoons) waa isku dhis kiimeed kuwaasoo ka qeyb qaadanaya shaqooyin kala duwan ee jirkeenna iyagoo qaadaya farriimo dhex marrinaya dhiigga ilaa xubnaha, murqaha iyo cadadka. Farrimaha jirkeenna waxay u sheegayaan qabashada iyo goorta la qabanayo.
Hormoonnada pituitary waa danab muhiim u ah shaqada jirka sida koritaanka, taranka, dheefshiidhka. Qanjirka pituitary Waa qanjir ku yaalla maskaxda meesha basada ku aaddan oo
masuul ka ah dhammaan hoormoonnada jirka iyo isku dheellitirkooda, qanjirkaan waa qanjir aad muhiim uga ah guud
ahaan jirka oo dhan sababtoo ah wuxuu soo daayaa qanjirkaan ilaa iyo sagaal hoormoon.Qanjirkaan wuxuu si toos ah uga xiran yahay hypothalamus-ka
sababtoo ah hypothalamus-ka waxaa ka yimaado farriimo, fariimaha ka yimaado hypothalamus-ka waxay si toos ah u
tagaan qanjirka loo yaqaanno pituitary glands si uu uga jawaabab celiyo farriinta uga timid hypothalamus-ka shaqadaan
waxaa inta badan ka qeyb qaata hab dhiska loo yaqaanno neuroendocrine system.
Qanjirka pituitary waxa uu ku xidhan yahay hypothalamus-ka iyado loo marayo xiddida dhiigga iyo dareensidaha. Hypothalamus-ka waxay la xidhiidheysaa qanjirka pituitary si markaasi loogu sheego in la soo daayo hormoonnada loo baahan yahay. Hypothalamus-ka waa qeyb kamid ah maskaxda taasoo maamusha shaqada sida cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha, iyo heerka kulka jirka, dheefshiidka.Hoos u dhaca qanjirka pituitary (Hypopituitarism) waxa uu dhacaa marka xanuunno ama dhaawac soo gaadha qanjirka pituitary ama hypothalamus-ka .
Calaamadaha
Calaamadaha hypopituitarism waxay ku xidhan tahay hormoonka la saameeyay ama hoos u dhac ku yimid.
1: Hormoonka koritaanka jirka( growth hormone) marka uu saameeyo ama uu yaraado. Waxa lagu arkayaa qofka.
1:Sokorta dhiigga ku jirta oo yaraata.
2:Xubbinta taranka ragga oo yaraata(micropenis) marka ay dhashaan ilmaha.
3:Daal.
4:Murqaha oo daciifa.
5: Dufanka jirka oo isbeddel ku yimaada.
6:Hamada galmada oo hoos u dhacda ama qofka waxba xiiso u qabin galmada.
7:Itaal yari ku timaada qofka marka uu sameynayo jimicsi ama awood darri.
Calaamadaha lagu garto yaraanta hoormoonka koritaanka ee carruurta waxaa ka mid ah:
1:Koritaanka oo yaraada ama in aanay korin carruurta.
2:Ilmaha oo gaabta.
2:Calaamadaha lagu arkaayo ilma dhashay haddii uu yaryahay hormoonka thyroid-stimulating hormone (TSH)waxa kamid ah
1: Isku ururitaanka muruqa oo yaraada.
2: Heerkulka jirka hoos u dhaca.
3: Caloosha oo bararta.
4: Ooyin xabeebsan ay yeeshaan carruurta.
Waxa kaloo lagu arkayaa calaamadaha yaraanshaha qanjirka tayroodhka. Sida.
1; Daal
2: Diirka( skine) oo jilca.
3: Calool fadhi
4:Misaanka oo kordha.
5: Murqaha oo daciifa.
6: Qulub( depression).
3: caalamadaha hormoonnada loo yaqaan follicle-stimulating hormone (FSH) and/or luteinizing hormone (LH) oo yaraada. Hormoonada waxay saameyn ku leeyihiin xubnaha taranka. Ilmaha yari aadka u hooseeyaan FSH IYO LH calaamadaha lagu arko.
1: xubbinta taranka oo yar.
2: Xiniinyahah aan soo dagin(cryptorchidism).
3: koritaanka naaska la waayo( gabadha).
Calaamadaha dadka waa wayn lagu arko waxa kamid ah.
1: Daal
2:Qofka aan xiisa u qabin galmada.
3: Dhalmo la'aan.
4: Kacsi la'aan.
DUMARKA MAXAA CALAAMAD LAGU ARKAYAA
1: Daal.
2: Hamada galmada hoos u dhacda.
3: Dhalmo la'aan.
4: Caadada oo la waaya ama qaldanta.
5:Timaha bisiqda oo la waayo.
6:Horaadada oo caano laga waayo xilli nuujinta ama ay hooyada dhasho.
7: Haweeneyda oo dareento kuleyl badan taasoo keeneysa dhidid badan.
Calaamadaha lagu arko marka uu yaryahay horoomka adrenocorticotropic hormone(ACTH) CARRUURTA DHASHAY.
1: sokorta dhiigga ku yaraata.
2: Qalal lagu arko carruurta
3: maqaarko oo jaalo noqda.
Calaamadaha dadka waa weyn.
1:Daal
2: miisaanka oo yaraado.
3: Cadaadiska dhiigga hoos u dhaca.
4: Hunqaaco iyo lallabo.
5: Sokorta oo dhiigga ku yaraata.
6: Wareer.
Calaamadaha lagu arko waayitaanka hormoonka prolactine (Symptoms of a lack of prolactin)
Calaamada ugu wayn lagu aqoon san karo waa in gabadha laga waayo caano xilliga ay dhasho.
Calaamadaha marka la waayo oxytocin
(Symptoms of a lack of oxytocin)
1: horadaada qulqulkooda ay ku timaado dhibaato xilliga ay haweeneyda dhasho.
2: Dareen la'aan( lack empathy)
3: Latacaamulka dadka oo ku adkaada qofka.
Calaamadaha marka la waayo hormoonka antidiuretic(antidiuretic hormone)
Ilmaha dhasha calaamadaha lagu arko.
1:Hunqaaco
2:Ooyin xad dhaaf ah.
3: Miisaanka hoos u dhaca.
4: Calool fadhi.
5: Carruurta habbeenkii isku kaadisa.
6:Hurdada oo xumaata ama la waayo.
Dadka waa weyn calaamadaha lagu arko
1:Kaadi badan.
2: Oon badan.
3: Isku dheellitirka la'aan ku timaada electrolyte.
Maxaa keena( cause).
Waxa jiro waxyaabo badan oo keenna in hoos u dhac ku yimaada qanjirka pituitary
1: Cadaadiska fuula qanjirka pituitary ama hypothalamus-ka. In dhaawac soo gaadho qanirka ama hypothalamus-ka iyana waa ay keeneysaa.
2: Ka soo baxa pituitary ( pituitary Adenoma) waa mid kamid ah waxyaabaha ugu caansan ee keenna yaraanshaha qanjirka pituitary) waana buro aan kansar ahayn. Haddii cabirka burada ay kordheyso waxay keeneysaa in cadaadis ay saarto qanjirka pituitary ama waxay xidheysaa qulqulka dhiigga uu qanjirka heli lahaa.
3: Buro ka soo baxda maskaxda. Burooyinka qaar u dhow hypothalamus-ka ama pituitary waxay keeneysaa in qajirka shaqadiisa ama hormoonnada uu soo saarayay in ay yaradaadan(hypopituitarism).
4: Waxa kaloo keeni karo olol ku dhaca qanirka( inflammation).
5: In aanay ku dhallan qajirka carruurta( conginital)
6:Dhaawac soo gaadha lafta madaxa( cranial tumor), pituitary waxa uu ku yalaa dareensidaha indhaha isdhaafkooda taasuu hadduu dhaawac soo gaadho waxa imaneysa in la waayo shaqada qanjirka.
7:Qaliin lagu jaro ama si aan lafileyn dhaawac uga soo gaaro qanjirka( iatrogenic surgery).
8:Dhibaato ka timaada xiddida, sida hooyo foollaneysa oo dhiig baxda loo yaqaan shehan's syndrome maskaxda ayaa ku dhaceysa dhiig yaraan in aanu soo gaadhin dhiig ku filan( ischemia)
9:Waxa kaloo keeni kara furanka dhiigga ama xidhanka dhiigga maskaxda( hemorrhage stroke and ischemic stroke)
10: Radiation therapy: waxa lagu daweeyaa kansarka. Iyadoo la daweynayo qajirka pituitary buro ka soo bax ah, daaweyntaas waxay keeneysaa in saameyn ku yeesho qajirka pituitary. Sidaasna qajirka hoos u dhac ku yimaado.
Xaaladaha kale ee dhifka keeni kara waxa kamid ah.
1: In birta ay ku siyaado qulqulka dhiigga waxay ku imaadaa xaalad iska dhaxal ah. Siyaaditaankaas waxa uu keenayaa in dhaawac uu soo gaadho qanirka pituitary. Iyada waxay keeneysaa in qanirka hoos u dhac ku yimaado(Hereditary hemochromatosis).
2: Waxyaabaha kale ee keeni kara waxa mid ah bakteeriyada keenta maskax garaadka caqabada ka dhallata ayaa waxay keeneysaa in hypopituitarism ( bacterial meningitis).
Baadhintaanka
1: Waxa hoos u dhacaya TSH.
2: waxaa yaraanaya LH.
3: FSH hoos ayuu u dhacayaa.
4: ACTH haddii uu yaraado waxa la weynayaa in aan la soo daayo kortisoolka. Qofka waxa la siinayaa insulin induced hypoglycemia Test ama metrypone. Si markaa loo eego xaddiga ay dhiigga ka tahay.
5: GH( GROWTH HORMOONE) haddii uu qofka yaryahay waxa imaneysa in aanu korin qofka. Waxaa la siinayaa insulin induced hypoglycemia si markaa loo eego inay kor u kacdo ama inay hoos u dhacdo.
6:In hoos u dhaco prolactine hormoonka caanaha. In la waayo ayaa imaneysa.
7:Kortisolka hoos ayuu u dhacayaa, iyana waa in la baadho.
8:Antidiuretic hormone in laga baadho.
7: Waxa la saarayaa MRI (magnetic resonance imaging). Waa qalab ka mid ah kuwa wax lagu baaro. Si loogu ogaado burada halka ay ku taalo.
8:CT (computed tomography) scan: waxa uu kamid yahay qalabyada wax lagu baaro. Waxa lagu ogaanayaa haddii ay jirta bura ku taala maskaxda, ama qanjirka qudhiisa. Si markaasi faahfaahin dheeraad ah loo helo.
Daaweynta.
Daaweynta waxay ku xidhan tahay hadba hormoonka maqan. Ama cilladu ka jirto.
Daaweynta qofka loo sameeyo waa.
1: In la siiyo beddelka hoormoonka(Hormone replacement therapy). Beddelka hormoonka u jeedada qofka loo siinayo waa in qajirka shaqadii ama hormoonka loo baahnaa sidiisa ku soo laabto.
2: Qaliin. Haddii ay jirto ka soo bax qajirka pituitary ku taalo waa in qaliin loo sameeyo.
3: Daweynta shucaaca( radiation therapy). Haddii iyana ay jirto buro ku taala pituitary waa lagu daweyn karaa.
4:Haddii caabuq tahay in antibiotic la siiyo.
Tixraaca:https://my.clevelandclinic.org/.
Mayo clinic.
La sii wadaay asxaabtaada.
W/Q:Indha_caad.
Comments
Post a Comment