Maxaa kasoo kordhay tallaalka “Astrazeneca” iyo xinjirowga dhiiga?

 Maxaa kasoo kordhay tallaalka “Astrazeneca” iyo xinjirowga dhiiga?


Sidee tallaalkuse u sababi karaa Xinjirow?!!

==============

Afeef:..

------

Daraasadani ma aha daliil kama danbays ah oo cadaynaya in tallaalka AstraZeneca dhaliyo xinjirow. Laakiin waxay qayb ka noqon kartaa qaadiyad tallaalka ka dhan ah oo aan wali dhamaystirmin. Sidaa darteed waa in aynu sugno inta cadaymuhu is biirsanayaan ee la helayo daraasado kale oo middan xoogeeya. Waxa kale oo aynu dhowri go'aanka ay qaataan caafimaadka dowliga ah oo aan saadaalinayo in ay go'aan cusub keeni doonaan.

===


Wali way jirtaa doodii ahayd “tallaalka Astrazeneca waxa uu sababaa xinjirow” waxaabaad moodaa in ay soo xoogaysanayso” waad dareemi kartaa in ay ku yaraatay warbaahinta laakiin waxa ay ka hulaaqmaysaa xagaa iyo xarumaha cilmi-baadhista. Sayniskii iyo aqoonyahankiisii ayaa isuju noqday waxaana bilaabmay in ay soo baxaan xogihii ugu horeeyay ee isku deyaya in ay xaqiijiyaan bal in xidhiidh ka dhexeeyo tallaalka AstraZeneca iyo xinjirowga dhiiga.

 

Cilmi-baadhista aan maqaalkan kusoo koobay waxa la faafiyay 28kii bisha Maarso ee hada inna waydaaratay- yacnii todobaad uun ka hor, waxana soo wada saaray koox dhakhtaro ah oo Jarmal iyo Usteeriya u dhashay. Cilmi-baadhistu waxay daba gashay sagaal qof oo la tuhunsan yahay in uu ku dhacay xinjirow dhiiga ah oo loo aaneeyey tallaalka Astrazeneca. Daraasadu waxay mala’awaashay in sagaalka qof xinjirowga ku dhacay uu ka mas’uul yahay tallaalku kadibna waxay sii faaqidaysaa sida xinjirowgu u dhacay. Waxay isku deyeysaa in ay ka jawaabto su’aasha ah Sidee ayuu tallaalka Astrazeneca u sababi karaa xinjirow maxaa jidhka ka dhex dhaca oo keena xinjirowga? Su’aashi ahayd: tallaalku ma keeni karaa xinjirowga waxay kasoo qaadeen in uun keeni karo!!


Ugu horayn aynu eegno sagaalka qof nooca ay yihiin. Sagaalka qof sideed waa dumar hal qofna waa nin afar iyo labaatan jir ah. Da’da dadku waxay u dhexaysaa 22 jir ilaa 49 jir- waa dad ay aad u yartay fursada xinjirow ugu dhici karo dabiici ahaan. Sagaalka, afar qof ayaa ilaa hada geeriyooday, afar kale ayaa cusbitalladii laga sii daayay oo guryahooda kusoo kabanaya, hal qofna wali xaalad adag ayuu ku jiraa. Dadka waxa la qabtay oo astaamaha xanuunku ku bilaabmeen intii u dhaxaysay maalintii afraad ilaa maalintii lix iyo tobnaad ee tallaalka ka dib. Xinjirowgu dadka waxa uu ugu dhacay sidan soo socota. Qof waxa xinjirowgu kaga dhacay xididada waawayn ee uur ku jirta, qof kale waxa laga helay xididada sanbabka, todobada kalena waxa laga helay xididada maskaxda. 


Maxay ahaayeen astaamaha lagu arkay bukaanku?


Qof xinjirowgu kaga dhacay xididada uur ku jirta oo ahayd gabad afartan iyo sagaal jir ah, waxa ku bilaabmay bilowgii xanuun sahlan oo daal, muruqyo xanuun iyo madax-xanuun fudud u badan, waxa u weheliyay wax casiraad u eg. Markii hore may shu’aysan oo laba cisho ayay gurigeeda kiniinka kaar jebinta ku qaadanaysay ilaa ay xamili wayday. Maalintii shanaad ayay dareentay xumad, uur kujirta oo aad u xannuunta iyo gariir. Kadib waxay timi dhakhtarka; waxaana laga qaaday dhiig. Arin cajiib ah ayaa markiiba soo baxday: shaybaadhkii intiisa badan  caadi ayuu ahaa marka laga reebo unugyada caawiya xinjirowga ee Platelets la yidhaa oo hoos ugu dhacay 18 microliter cubic (caadi ahaan waa inay noqdaan 150,000 ilaa 450,000)  iyo D-Dimer oo lagu eego xinjirowga oo ahaa 35.2mg/dl (caadi ahaan waa inuu ka yaraado 0.5mg/dl). Dhakhtaradii waxay ka shakiyeen in ay COVID-19 qaaday, waxayna ka qaadeen rtPCR. 

Natiijadii waxay soo baxday negative- Covid-19 ma qabto.


Tallaabada labaad waxay noqotay bal in CT-scan laga qaado uur kujirta. Baadhitaankaasi waxa uu xaqiijiyay in xididada waawayn ee uur kujirtu ay xinjiro ku samaysmeen. Degdeg ayaa loogu bilaabay dawada lagu burburiyo xinjiraha ee heparin (500IU/L). Nasiib daro, CT-scan kii labaad waxa uu xaqiijiyay in xaaladii ay kasii dartay, xinjirowgiina uu kusii fiday xididadii uur ku jirta ilaa uu gaadhay halbowlaha wayn ee Abdominal Aorta. Inkastoo ICU loo gudbiyay, dhiig iyo Platelets lagu shubay, hadana xaaladeedii way sii xumaatay waxaanay dhimatay maalintii 11 aad ee xanuunka. 


Siddeeda qof ee kale,  inkastoo xinjirowga ku dhacay u badnaa maskaxda, cabashadooduna u badnayd madax-xannuun xad-dhaaf ah, matag iyo yalaalugo; hadana shaybaadhadoodu way isku wada dhawaayeen. Dhamaantood Platelets way hooseeyeen (celcelisku waxa uu ahaa 29 ), D-Dimer isna wuu sareeyay. Dhamaantood xaaladoodu way sii xumaatay markii lagu daweeyey dawada lagu dhalaaliyo xinjiraha ee “Unfractionated low molecualr heparin”. Sagaalka qof laba uunbaa lagu ogaa in ay qabaan xannuunada difaaca jidhka ku dhaca (Auto-immune disorder) taas oo muujinaysa in aanay jirin sabab difaacoodu u diido heparinta.


Sida aynu tilmanaay daraasadu waxay baadhaysaa bal sida tallaalku u sababi karo xinjirowga. Jawaabta su’aashaasi waxay kusoo gebagebeeyeen in tallaalka Astrazeneca istaadhi karo khalkhal ku dhaca difaaca jidhka. Khalkhalkaasi waxa uu shabahaa, ayay leeyihiin, khalkhalka ka dhasha dawada heparin lafteeda mararka qaar oo lagu magacaabo “Heparin-induced thrombocytopenia”. Hadaba khalkhalkani muxuu yahay. 


Bal u fiirso, dadka qaba xanuunada xinjirowga dhiiga amaba halis ugu jira in xannuunadani ku dhacaan waxa la siiyaa dawada “Heparin” oo ka ilaalisa in xinjirow ku dhaco. Heparin marka ay dhiiga gasho waxa ay la midowdaa maadad barootiin ah oo dhiigeena ku jirta oo layidhaa Platelets factor 4 (PF4) waxaanay sameeyaan guntimo yaryar. Waxa dhacda in difaaca jidhka qofku guntimahan u aqoonsado walax qalaad kadibna uu samaysto hub uu ku burburiyo. Waxa uu sameeyaa “antibodies” loogu talo galay in ay guntinmihii ka takhalusaan. Laakiin ogow oo guntimuhu waxay ahaayeen dawadii hepariin iyo platelets isku dhegay; taasina waxay keentaa in la istaadho xinjirow xad-dhaaf ah oo ku caksi ah ujeedadii dawada laga lahaa. 


Daraasadu waxay leedahay, tallaalka Astrazeneca waxa uu sababi karaa xinjirow isagoo u dhaqma sida heparin u dhaqanto marka khalkhalkaasi ku dhaco. Waana sababta keentay in heparin oo loogu talo galay in ay xinjiraha lagu milo laguna burburiyo ay waxba u tari waydo bukaannadan. 


Maxaa laga faa’iidaysanayaa Cilmi-baadhistan?


1. Daraasadani waxay xoojinaysaa tuhunkii ahaa in tallaalka Astrazeneca sababi karo xinjirow. Hasayeeshee ma aha caddayn ku filan in lagu qanco. Wali WHO iyo EMA waxay ku adkaysanayaan in aanu jirin xidhiidh u dhexeeya tallaalka iyo xinjirowgu. 


2. Daraasadu waxay inagu baraarujinaysaa in xinjirow xubno aan la filayn ku dhacaa (4-16 cisho kadib tallaalku) uu noqon karo mid kamidd ah dhibaatooyinka naadirka ah ee tallaalka.


3. Hadiiba ay dhacdo in qof tallaalka qaatay looga shakiyo in xinjirow kudhacay waa in la eego shaybaadhka dhiiga lana hubiyo tirada Platelets-ga iyo heerka D-Dimer. Hadii labadaaasi kuu tilmaamaan in xinjirow jiro waa in la sameeyo shaybaadhka 

enzyme-immunoassays for heparin-induced thrombocytopenia. 


4. Mar hadii aan la hubin sida heparin iyo tallaalku isula falgalaan waxa fiican in qofka laga ilaaliyo heparin oo lagu daweeyo dawooyinka xinjiraha burburiya ee aan ahayn heparin.


5. Cusbitaalada heli kara dawooyinka layidhaa immunoglobulin waxay u isticmaali karaan xaaladaha aadka usii liita ee noloshoodu khatarta ku jirto. 


6. Hay’adaha caafimaadka dalku waa in ay samayso gudi dhakhtaro ah oo ay lasoo xidhiidhaan kuna soo hagaagaan dadka lagu muday tallaalka Astrazeneca ee isku arka astaamaha xinjirowga. Gudidaasi waxay diiwaan gelin doonaan oo ay darsi doonaan hadiiba ay jiraan cid xinjirow looga shakiyo. Taasi waxay meesha ka saari doontaa in qof kastaa iska soo qoro war aan sal iyo raad lahayn oo wiiqi kara kalsoonida bulshadu ku qabto tallaalka, wasaaradana u muujiya mid qayru mas’uul ah.


Daraasadan waxa ogolaansho siiyay Gudida Anshaxa (board of ethics) ee jaamacada Universitätsmedizin Greifswald. Laba kamid ah cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in ay usoo shaqeeyeen, marar horena deeq lacageed la heleen shirkada Pfizer iyo shirkado kale oo dawooyin sameeya. Hasayeeshee, ma jiro xidhiidh ay wakhti xaadirkan la leeyihiin shirkadaas.


Dheegasho:Dr Abdikarim D hassan.


Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad