Qummanka
Qummanka cad linfeed ku yaala gudaarka dalqada. Qummanka waa labo waxayna ka soo baxaan dhinacyada dalqada qeybta danbe ee afka. Waxa ay ka hortagaan cudurada soo weerara jirka waa difaaca ugu horreeya ee jirka intiisa kale. Marka uu hambaabuqa(infection) haleelo dalqada waxaa loo yaqaanaa caabuqa Qummanka. Qumman-ka waxa ay ku dhici karaan qof kasta, in kastoo ay carruurta ay ubadan yihiin. Astaamaha qummanka waxa ka mid ah oo lagu gartaa cunaha oo xanuuna, qumman-ka oo barara iyo qandho. Xaaladaan waxay sabab u noqon kartaa in feyruska iyo bakteeriyada ay jirka si fudud ku galaan.
Sababta( cause).
Badana waxa keenna ololka(inflammation)qumman-ka ugu caansan fayrus, laakiin waa ay keeni kartaa bacteeriyo. Qummanku waa difaaca ugu horreeya ee jirka, waxaa ku jira unugyada cad cad ee dhiigga oo ka hortaga in jirka ay soo galaan il-ma-aragtayaal sababi kara in jirka uu ku dhaco caabuq, hayeeshee qummanka laftirkoodu waxay unugul yihiin ama ku dhici kara caabuqa kaga yimaada ilma qabatada. Daaweynta waxay ku xidhan tahay waxa keenay, waana muhiim in la ogaado waxa keenay si ay u sahlanaato dawada ku habboon uu qaadan kar bukaanka. Qummanka iyo dhinaca danbe ee cunaha ayaa laga yaabaa inay guduud u ekaadaan ama bararaan, oo dhibco caddaan ama jaalle ah oo maal ah / malax ah yeeshaan.
Calaamadaha.
1: Qummanka inay bararaan.
2: liqida oo adkaato.
3:Qandho
4: inay bararaan qanjirada ( lymph node) qoorta.
5: neefta oo xumaata.
6: Qoor xanuun.
7:Madax xanuun.
8:Dalqada oo dhibco cadaan ka soo muuqdaan
9:Dhago xanuun
1:Lalabbo ama matagid
Daaweynta.
Daawadu waxay ku xiran tahay astaamaha uu dareemayo qofka. Haddii uusan qofka wax astaan ah lahayn khaasatan kuwa kor ku xusan wax daawo ah uma baahno. Wuxuu qofka qaadan karaa daawo antibiotic ah, tani waxay dilaysaaa jeermiska, caabuqa way yaraynaysaa.Xalka ugu dambeeyo waa qalliinwaxaa la saarayaa quumanka oo idil.
Qalajiyaasha loo qaato
Penicillin.
Clindamycin.
Cephalosporin.
Xanuun baabi'yaal.
ibuprofen or acetaminophen
Sidee looga hortagaa qummanka soo noqnoqdo?
Haddii xanuunka qummanka dhib kugu hayo ama kugu soo laalaabto waxaad kaga hortagi kartaa adigoo subax kasta inta aadan wax cunin ka hor, ku luqluqda biyo kulul oo cusbo leh taas oo ka qeyb qaadanyso in jeermiska ka hortagto oo aadan fursad u siinin inuu qummanka ku tarmo, laakiin haddii aad qandho isku aragtid waxaad u baahanaysaa in aad daawo antibiotic u qaadato.
Xanuunka qummanka ee soo laalaabto wuxuu carruurta u keeni karaa in caabuqa u gudbo xubno kale oo jirka sida wadnaha, kalagoysyada ama kilyaha, carruurta looga baqayo xanuunadaas waxaa las iiyaa cirbad antibiotic oo bil kasta lagu durayo si jeermiska uusan dhaawac u gaarsiinin wadnaha, kalagoysyada ama kilyaha.
Tixraaca
https://www.somalidoc.com/
https://www.mayoclinic.org/diseases-conditions/tonsillitis/symptoms-causes/syc-20378479
https://www.pennmedicine.org/for-patients-and-visitors/patient-information/conditions-treated-a-to-z/tonsillitis#:~:text=The%20tonsils%20are%20lymph%20nodes,other%20parts%20of%20the%20throat.
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment