Xanuunka Kushing (Cushing Disease)

 Xanuunka Kushing (Cushing Disease) 


Xanuunka Kushing waa mid uu keeno ka soo bax, ka soo baxa qanjidhka bituitariga oo  la yidhaah ee maskaxda ku hoos yaal kaas oo soo saaraa hoormooonka ACTH(Adrenocorticotropic hormone) kaas oo sida magaca ka muuqata cariya qanjidhka kalida ka sareeya gaar ahaana qaybta sare ee loo yaqaan diir hoosaha(Cortex)soo daynaysa hoormoonno ay ugu badan tahay Kortisol "Cortisol", se marka xanuunkani jiro ACTH ayaa aad u saraynaya wuxuuna keenayaa in la soo daayo Kortisol badan" Hypercortisolemia ". 


Cilada ay keento Kortisol sha oo badan oo sababo kala duwan keeni karaan waxa laysku yidhaahdaan" Cilada Kushing "Cushing syndrome" Calaamadahana waxay ka siman yihiin isla xanuunkan ka soo baxa uu keeno. 


Calaamadaha. 


ACTH ka oo bataa wuxuu keeni karaa Kortisoosha oo badata sidoo kale aldosteronta iyo androgen ta oo badata, aldosteron tu waxay keenaysaa in dib loo nuugo milix badan naatriya"Na" dhanka kalida naatriyadana waxa raacaysa biyihii taasina waxay keenaysaa in xadiga dareere dhiig qulqul bato iyana waxay sii keenaysaa in wadnuhu dhiig badan u gano si xawli ah marka qofkii la cabiro dhiigiisana waxa la arkayaa dhiigiisa oo kacsan, dhiig kar ayayna keentaa haddaan wax laga qaban, Kortisol shuna iyana waxay kor u qaadaa shaqada hoormoonada Eninefrin "epinephrine" iyo Norebinefrin "nor epinephrine" kuwaa soo iyaguna keeni kara xididoo urur sameeya dhiig badana wadnaha ku celin kara wadnuhuna sidoo hore oo kale dhiig badan gano sidaana dhiigu ku kaco. 


Dhanka beerka Kortisol waxay sababaysaa in sonkorta kaydka ah(glycogen) la burburiyo sidaana lagu soo daayo sonkor badan (glucose) taasoo keenaysa sonkorta dhiigga oo kor u kacda"hyperglycemia "sababina karta xanuunka macaanka nooca labaad. 


Dhanka caloosha waxay keeni kartaa Kortisolka inay hoos u dhigto hoormoonka prostoglandin la yidhaah oo ka qayn qaadata samaynta dareeraha caloosha ka ilaaliya inay aysiidhu shiido caloosha hadday taasi hoos u dhacdana boog calooleed ayay keeni kartaa iyo nabarada qofka ku dhaca oon hore u bogsan. Waxay na siyaadisaa oomateetka waxaana la mid ah dawooyinka haweenku is ku naaxiyaan oo hoormoonkan kordhiya se dhibaatada ay leedahay ayaanay ogayn.


 Dhanka muruqyada waxay Kortisol shu keentaa muruq burburin iyadoo borotiinka u beddelaysa amino acids taasoo keenaysa in qofka lagu arko murqo madhad "muscle atrophy".


Dhanka lafaha waxay hoos u dhigaysaa cufnaanta lafaha waxayna keenaan xanuunka lafo holofka" Osteoporosis " jabitaankana way sahlanaadaan .


Dhanka unagyada dufanka waxay ku keenaan burburin se caloosha hoosteesa waxay ku keenaan baruur ku ururta iyo qaarka danbe, xanuunkan sidoo kale waxa lagu gartaa haweenka ayuu u badan yahay haweenayda oo kurus yeelata sida lo'da oo baruuri ka fuusho kuusani qadaadka. 


Dhanka habdhiska difaacana wuxuu ku keenaa hoos u dhac ku yimaada waxayna Kortisolsha iskaga mid yihiin dawooyinka loo adeegsado xanuunada difaacu jidhku halkuu jidhka ka difaaci lahaa uu jidhka weeraro sii laba duble loogu xidho nin waalan tolkiibaa u cidee sidaana loo xakameeyo intaanu jidhka askaxa ka gurin sidaa daraadeed Kortisoosha oo kacdaa waxay keenaysaa habdhiska difaaca jidhka oo daciifa markaa markale dawooyinka sida qaldan loo adeegsado ee ay isku maaxiyaan/cayiliyaan haweenku calaamadaha aan xanuunka ka shegayba way leeyihiin oo ee cilada Kushing leedahay markaa casharkani cashar uun maahee waa ka kortag iyo wacyi galin caafimaad gaadhsii bulshada . 


Baadhitaanka


1:ACTH  ku tiirsan waa Cushing syndrome 

2.2 ilaa 17 waa marka uu caadi yahay.  Haddii uu ka hooseeyo waa Cushing syndrome. 


ACTH ka badan 20 mg/l(abnormal)


Qofka waxa la siinayaa dexamethasone  oo loo yaqaan (dexamethasone test) waxa la siinayaa 8mg.   Marka la siiyo waxa la eegayaa labo saacadood kaddib,  waxa la arkayaa in kortisoolka ay hoos u dhacdo(50%).


2:MRI Iyadana lagu ogaanayaa si loogu eego halka uu ku yaalo.


Dawaynta xanuunka Kushing waa qaliin lagu sameeyo qanjidhka soo baxu ka soo baxay iyo dawooyinka wanjidhka Kortisol soo saara lagu xidhayo shaqadiisa(adrenal steroidogenesis) waxa kamid ah .

1: ketoconozol 0.4-08 g/maalinkii.

2:metrypone 0.75g_2g/maalinkii


W/Q: Drmawliid Ku-dar.


Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad