ššš§š®š®š§š¤š šššššš§š¤š š¦šš„šš š ššØš š¬šš§ š¤šš«šš?
ššš§š®š®š§š¤š šššššš§š¤š š¦šš„šš š ššØš š¬šš§ š¤šš«šš?
Macaanku dhowr nooc ayuu leeyahay, nooca aynu halkan kaga hadlaynaa waa nooca labaad oo inta badan ku dhaca dadka da’doodu ka wayntahay 40, miisaankoodu culusyahay, cuntadoodu aanay miisaanayn, jimicsiguna ku yar yahay. Guud ahaan, macaanku waa xanuun kasii dara oo khatartiisu la korodho da’da qofka iyo mudadda uu hayay. Hasayeeshee, dadka macaanka qaba su’aasha aan maskaxdooda ka bixin, markasta oo ay ila kulmaanna i waydiiyaan waxa weeye Macaanka ma ka bogsan karaa? Suurto gal ma tahay in aad mar uun dawada joojiyo? Labadaa su’aalood ayaan isku dayi in aan qormadan kaga jawaabo.
Marka hore aynnu dooranno ereyga meesha ku habboon. Bogsasho “reversal” waa erey culus oo tilmaamaya xanuunka oo si rasmi ah u taga. In la yidhaa waa laga bogsan karaa waxay u baahantay daliil culus oo lagu taageero. Daliilkaasna wali lama helin. Ereyga su’aasheena ku habbooni waa ladnaansho (remission). Macaanka malaga laddnaan karaa?.
Aynnu ku bilowno in aynnu qeexno maxaynu uga jeednaa ladnaansho? Dhowr hay’adood oo waawayn ayaa siyaabo kala duwan u qeexay ladnaanshaha aynnu u jeesanno.
1. š¼š¢šš§šššš£ šæššššš©ššØ š¼šØšØš¤šššš©šš¤š£: šøš¢š¹š¢šŗ šš¢š„š„šÆš¢š¢šÆš“š©š° š¶ š¢š³š¬š¢š¢šÆ: š®š¢š³š¬š¢ š²š°š§š¬š¢ šš£š1š¤ šØšŖšŖš“š¶ š¬š¢ š©š°š°š“š¦š¦šŗš° 5.7% šŖš“šš¢ š®š¢š³š¬š¢š¢šÆš¢ š¶š¶ š¬š¢ š®š¢š¢š³š®š° š„š©š¢š®š®š¢š¢šÆ š„š¢šøš°š°šŗšŖšÆš¬š¢ š®š¢š¤š¢š¢šÆš¬š¢ š¶šØš¶ šŗš¢š³š¢š¢šÆ š“š¢nšÆš¢š„.
2. šæššššš©ššØ ššš¢ššØšØšš¤š£ š¾š”šš£šššš” šš§ššš” (šæšššš¾š) oo sameeyay Cilmi-baadhista layidhaa DiRECT oo lagu sameeyay Scotland, waxay laddnaanshahs ku qeexeen: in HbA1c ga qofku ka hooseeyo 6.5%, isla markaana uu ka maarmo dhammaan dawooyinka macaanka ugu yaraan laba bilood.
3. šš£š©šš§š£šš©šš¤š£šš” šæššššš©ššØ š¾š¤š£šØšš£šØšŖšØ šš§š¤šŖš„: šøš¢š¹š¢šŗ šš¢š„šÆš¢š¢šÆš“š©š¢š©š¢ š¬š¶ š²š¦š¦š¹š¦š¦šÆ: šŖšÆ šš£š1š šØš¢ š²š°š§š¬š¶ š¬š¢ š©š°š°š“š¦š¦šŗš° 6.5%, šŖš“šš¢ š®š¢š³š¬š¢š¢šÆš¢ š¶š¶ š¬š¢ š®š¢š¢š³š®š° š„š©š¢š®š®š¢š¢šÆ š„š¢šøš°š°šŗšŖšÆš¬š¢ š®š¢š¤š¢š¢šÆš¬š¢ š®š¢š³š¬š¢ šš¢šØš¢ š³š¦š¦š£š° šš¦šµš§š°š³š®šŖšÆ š¶šØš¶ šŗš¢š³š¢š¢šÆ š“š¢nšÆš¢š„.
Saddexda qeexitaan kii aad doorataaba waxa uu xooga saarayaa HbA1c ka hooseeya 6.5%.
šš£š¢1š šøš¢š¢ š“š©š¢šŗš£š¢š¢š„š© šš¢šØš¢ š²š¢š¢š„š° š„š¢š„š¬š¢ šš¢š¤š¢š¢šÆ š²š¢š£š¢ š¶šØš¶
š£š¢š„šÆš¢š¢šÆ š“š¢š„š„š¦š¹š„šŖšŖ š£šŖšš°š°š„š£š¢ š®š¢š³; šøš¢š¹š¢š¢šÆš¢ šš¢šØš¶ š°šØš¢š¢š„š¢š¢ šŖšÆ
š²š°š§š¬š¢ š®š¢š¤š¢š¢šÆš¬šŖšŖš“š¶ š“šŖš§šŖšŖš¤š¢šÆ š¶ š¹š¢š¬š¢š®š¢šŗš“šÆš¢š¢ š®š¶š„š„š¢š„š¢š¢ šš¢š“š°š°
š„š©š¢š¢š§š¢šŗ, š¤š¢š¢š„šŖšŗš¢šÆ šøš¢š¹š¢ š¶š¶ š¶ š„š©š¦š¹š¦š¦šŗš¢š¢ ( 4-6.5%).
Su’aasheenu waxay ahayd qofka macaanka lanooli ma ka ladnaan karaa? Marka lasoo koobo waxa la odhan karaa, dadka qaarkood, haa.
Qofka oo macaanka ka laddnaada waxa lagama maarmaan u ah in beerta iyo ganaca laga sifeeyo subagga “fats” ku urura ee cuntada kalorigeedu badan yahay sababto. Subagga beerka iyo ganaca fadhiistaa waxa uu sababaa in beerkuna nidaamin kari waayo sonkorta, ganacuna sifiican usoo dayn kari waayo insuliinta. Sidoo kale, xaydha iyo duxda aadka u badan ee miisaanka la socota waxay keentaa in dhammaan unugyda jidhkeenu sifiican ula fal geli kari waayaan insuliinta oo xattaa iyadoo Insuliin badani dhiiga ku jirto, hadana ay dejin kari waydo sonkorta. Labadan arrinba waxa lagu hannan karaa, macaankana lagaga laddnaan karaa haddii ugu yaraan saddexda arrimood ee soo socda midkood qofku si dhammaystiran u fuliyo.
a. In qofku joojiyo dhammaan cuntooyinka Karbohaydarayt
ku ku badan yahay “ššš ššššššššš šššš š ššš"
b. In qofku qabatimo oo daa’imo cuntooyinka tamartu ku
yartahay “š³šš ššššššš š ššš”
c. Qaliinada lagu dhimo miisaanka ee caloosha qayb lagu
saaro “š©šššššššš šŗšššššš”
š. ššØš° ššš«ššØš”š²šš«ššš šš¢šš- šš®š§ššØ š¤šš«ššØš”šš²ššš«šš²š-š¤š® š¤š® š²šš« š²šš”šš²:
Qofka oo joojiya ama aad u dhima cuntooyinka karbohaydaraytku ku badan yahay waxay yaraysaa kaydka dufanka ee jidhka; waxay yaraysaa dareenka gaajada; waxaanay kordhisaa in jidhku tamar badan oo u kaydsanayd adeegsado. Qofka cuntooyinka karbohaydarayt-ka ah aad u cuna markasta Insuliinta ganaciisu sameeyaa way badan tahay. Ujeedadu waa in sonkortaas xad-dhaafka ah inta dux iyo dufan loo beddelo la kaydiyo. Qofkaas miisaan ayaa ku kordha, duxdaa badan ee la kaydinayaa hadhow waxay khalkhalisaa habsan u shaqayntii Insuliinta, waxaanay dhashaa macaan. Ka waran haddii uu karbohaydarayt kii eber ka dhigo oo joojiyo. Bilowga hore jidhkiisu waxa uu adeegsan doonnaa duxdii iyo dufankii kaydsanaa, taasina in uu miisaan lumiyo ayay sababi.
Kaddibna waxa uu ku shaqayn doonnaa waxoogaaga tamarta ah ee cuntadiisa kooban la socota; waxaa meesha ka bixi doonta sonkortii dheeraadka ahayd ee la kaydinayay. Insuliintu heerkii dabiiciga ahaa ayay ku noqon, suntii iyo qashinkii sonkorta xad-dhaafka ah ka dhalatayna jidhka waa la sifayn. Halkaas caafimaad iyo laddnaansho ayaa uga bilaabmaya. Model kan laba shay ayaa wada socda karbohaydarayt-ka oo aad loo yareeyo (<60gram maalintii) iyo barootiinka oo la kordhiyo si jidhku tamarta dheeraadka ah uga helo barootiinka. Way adag tahay in qofku sonkortiisa caadi ka dhigo isagoo aan miisaan dhimin, karbohaydarayt kana yarayn.
š. ššš° ššš„šØš«š¢š šš¢šš- šš®š§ššØ ššš¦šš«šš® š¤š® š²šš« ššš”šš²:
Nidaam kani waxa ku talisay daraasad aad u balaadhan Diabetes Remission Clinical Trial (DiRECT) oo lagu eegayay saamaynta calorie-ga oo la dhimaa ku yeelan karto macaanka nooca labaad (T2DM). dadka darasaada ka qayb galay waxa loo qaybiyay laba kooxood. Koox qaadanayay cunto calorie-geedu aad u yar yahay 850 cal maalintii (š¤š¢š¢š„šŖ š¢š©š¢š¢šÆ šøš¢š¹š¢ šš¢šŗšŖš„š©š¢š¢š©š„š¢š¢ š³š¢šØšØš¶ šøš¢š¹š¢šŗ š¶ š£š¢š¢š©š¢šÆ šŗšŖš©šŖšŖšÆ 2500 š¤š¢šš°š³šŖš¦, š„š¶š®š¢š³š¬š¶šÆš¢ 2000 š¤š¢šš°š³šŖš¦), iyo koox xadigoodii caadiga u ahaa qaadanayay. Markii shan bilood kaddib ayaa dib loo qiimeeyay 46% kuwii calorie ga yar qaadanayay macaankoodu waxa uu kusoo noqday heerkii caadiga ahaa oo way laddnaadeen (remission), halka 4% kooxdii kale ay muujiyeey waxoogaa horumar ah. Dadka daraasada ka qayb galay oo celcelis ahaan miisaankoodu ahaa 101 kg, faa’iidada ugu wayn waxa helay kuwii miisaanka ugu badani uu ka dhacay.
Mudadii daraasadu socotay, dadkii miisaan ku kordhay
qofna wax kasoo rayn ah muu samayn (zero remission)
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeyay 0-5kg, 7% ayaa
ayaa ladnaaday “remission”
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeya 5-10 kg, 34%
ayaa macaankii ka laddnaaday.
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeya 10-15 kg, 57 %
ayaa macaankii ka laddnaaday.
o Dadkii uu ka dhacay miisaan ka badan 15 kg, 86% ayaa
macaankii ka laddnaaday.
Laba sanno kaddib, dadkii daraasada ka qayb galay qiimayn danbe ayaa lagu sameeyay waxaana la ogaaday in kooxdii ladnaatay, 70% ay ku sii jireeen siina xejisteen ladnaanshihii.
š. ššš«š¢ššš«š¢š š¬š®š«š šš«š²- šŖšš„š¢š¢š§ššš š¦š¢š¢š¬ššš§š¤š š„šš š® šš”š¢š¦šØ šš ššš„šØšØš¬š”š š²šš«ššš²š:
American Diabetes Association waxay aqoonsatay in qalliinada caloosha lagu yareeyaa ay ka midyihiin wasiilooyinka miisaanka lagu dhimo, macaankana lagaga ladnaado, gaar ahaad dadka miisaankoodu xad-dhaafka yahay. Sida ay xaqiijiyeen Ururka maraykan ee dersa qalliinada calool yaraynta (šØššššššš šŗšššššš šš š“šššššššš ššš š©šššššššš ššššššš) 78% dadka lagu sameeyo qaliinka caloosha lagu yareeyaa way ka ladnaadan macaanka.
Daraasad lagu sameeyay dalka Iswiidhan ayaa iyana ogaatay kaddib markii ay qiimayn ku sameeyeen dad lagu sameeyay qaliinka caloosha laba sanno kaddib in ay 72 % wali kusii jireen ladnaanshihii, halka 30 % macaankii ka ladnaayeen shan iyo toban sanno kaddib qaliinkii. Sababta ugu wayn ee ladnaanshaha keentay, sida aynu soo carabownay, waa miisaan dhimid iyo cuntadii sonkortu ku badnayn oo qofka ku yaraata.
Gunaanadkii, macaanka nooca labaad waa laga ladnaan karaa iyadoo loo marayo saddexdaa dariiq ee aynnu soo sharaxnay, waana fikrad la isku waafaqsan yahay. Waxaadse xasuusnaataa in haddii qofku dib ugu laabto dhaqankiisii hore ee cuntada, miisaankiina dib u fuulo, macaankii wuu soo noqonayaa. Ladnaanshuhu waxa uu toos ugu xidhan yahay inta qofku miisaan rido iyo inta uu yareeyo karbohaydarayt-ka. Isagoo labadaasba aad u wanaajiyay ayay dhici karkaa in aanuu ladnaanshaha helin duruufo badan oo kale dartood.
Qore: Dr abdikarim D hassan.
Indha_caad
Comments
Post a Comment