Gabnawga qanjid taraneedka. (Hypogonadisism ) ama yaraanshaha testosterone
Gabnawga qanjid taraneedka. (Hypogonadisism ) ama yaraanshaha testosterone.
Waa xaalad xiniinyaha aysan soo saareyn testosterone ku fillan{hormoonka ragga}. Yaraanshaha hormoonka ragga{ low testosterone } waxa keeni kara xaalad walba ku timaada xiniinyaha ama xarrunta laga maamulo qanjirada(hypothalamuska) ama qanjirka pituitary. Waxa uu saameyn ku leeyahay da'aad walba marka dhalashada iyo wayninka. Badanaa waxa uu saameyaa.
Duqowda,Dadka cayilka leh,Dadka qaba xanuunka macaanka{ type 2 } aad u daran.Dadka qaba xanuunada raaga sida kelyaha shaqadooda hakad galaan.
Xanuunnada beerka {like liver cirrhosis}.
Xiniinyaha ragga (testis)
Xiniinyaha ragga waa xubinta ugu muhiimsan ee hab dhiska
taranka ee jirka bani’aadamka gaar ahaan labka. Waa qanjir ka qeyb qaata taranka sababtoo ah wuxuu soo saaraa
hoormoon ka qeyb qaata diyaarinta xubnaha taranka ragga sidoo
kale xiniinyaha waxay sameeyaan shahwada taasoo door muhiim ah ka ciyaarta xagga taranka. Shahwada waxaa laga soo saaraa xiniinyaha ragga (testes)
iyadoo caawinayaan afar xubnood oo kala ah tubada safrisa xawada(epididymis), xashin mani (seminal vesicles), qanjirka borostaydka(prostate gland) iyo bulbo-urothral gland sidoo kale waxa ka qayb qaata soo saarida shahwada
hypothalamus.
Sidee hypothalamus-ka ugu qayb qaataa in la soo saaro shahwada?
Hypothalamus-ka wuxuu ku yaallaa maskaxda qaybta ku taala
horaadka madaxa meesha indhaha ka koreyso, waa qayb aad muhiim u ah waxaa ku yaala xubno badan oo shaqooyin waaweyn jirka u qabta sida meesha laga xakumo heer kulka
jirka, baahida, haraadka, cunida, isku dheelitirka biyaha iyo dareenka kacsigga.
Hypothalamus-ka wuxuu soo daynaa hoormoonka loo yaqaano Gonadotropin Releasing Hormone (GnRH), GnRH wuxuu ammar siinayaa qanjirka loo yaqaanno pituitary glands si uu usoo daayo labo hoormoon oo kala ah follicules stimulating hormones (FSH) iyo interstitial cell stimulating hormones
labaddaan hoormoon waxaa lagu soo darayaa qulqulka dhiigga wuxuu aadayaa xiniiyaha ragga si loo sameeyo hoormoonka loo yaqaano testosterone. FSH iyo testosterone-ka waxay mas’uul ka yihiin in la sameeyo shahwada ragga.
Afartaan xubnood iyo hypothalamus-ka ayaa soo saara shahwada ragga.
Epididymis: waa tubbo aad u qalloocan oo dhererkeeda gaaraya
qiyaas ahaan 7 dhu-dhun oo ku dhaggan labada xiniin, taasoo
keydisa shahwada ragga inta ay baxayaan ha noqoto waqtiga galmada oo ay bacrimin diyaar u tahay ama si kale ha u baxdo, epididymis-ka waa meesha uu shahwada ku noqonaayo mid
qaan gaar ah oo shaqadiisa qabsan kara.
Seminals vesciles: waa mid ka mid ah labo qanjir oo caawiya dareenka kacsigga ragga kuwaas oo masuul ka ah in lasoo saaro shahwada waxay ku yaaliin meel ka yara hooseysa kaadi mareenka, shahwada dheecaanka ku jira 70% waxaa laga soo daayaa seminal vesciles dheecaankaas waxa ku jira nooc sokor ah(fructose ) iyo flavin, fructose-ka waa awoodda uu ku socdo shahwada sababtoo ah fructose la'aan shahwada ma samaynayso wax dhaq-dhaqaaq ah, sidoo kale flavin waa maado
masuul ka ah in ay shahwada midab u yeesho.
Bulbo-urethral gland: wuxuu soo daayaa dheecaan alkaliin ah dheecaankaas wuxuu ka caawinayaa inuu barxo Acid-ka uu soo daayo prostate gland iyo sidoo kale aasiidhka ku samaysma
xubnaha taranka ee dumarka, sababtoo ah xubnaha taranka ee Prostate gland: waa qanjir caawiye ah kaas soo masuul ka ah xubnaha galmada ragga oo ku yaala inta u dhexeysa kaadi marka iyo kaadi haysta, marka ay ragga biya baxaan waxay soo daayaan dheecaan aasiidh ku jira oo ku darsama biyaha ragga ka
imaanaya waxaa caado u ah inuu aad u ballaarto marka uu qofka da’ noqda taasoo aad u ciriirisa xubnaha kaadi haysta kaddibna sababta kaadida in ay ciriiri kusoo baxdo waxa ka dhallata
markaas inuu cadaadis koro tubbada kaadida kasoo qaada kellida haddii ay taas timaado kelyaha waxay billaabaan in ay joojiyaan shaqadooda.
Shahwada iyo dheecaanka uu soo daayo seminal vesciles waxay usoo gudbaan prostate gland, prostate gland wuxuu ku
darayaa dheecaan aasiidh ah sida citric acid, zinc iyo proteolytic enzymes waxay ka qayb qaataan inuu shahwada
noqoto mid adag (coagulation) iyo dareere (liquefaction), kaddib waxa loo gudbinaa bulbo-urethral gland, bulbo-urethral gland wuxuu ku darayaa dheecaan alkaliin ah si uu u barxo dheecaanka aasiidhka ah intaas oo wada socda ayaa banaanka usoo baxaaya waana qaabka ay shahwada u samaysmato ama loo soo saaro.
Qanjirkaan wuxuu soo saaraa labo hoormoon oo aad jirka muhiim uga ah sida hoormoonka loo yaqaan testestrone iyo androgen waana labada hoormoon oo laga soo daayo xiniinyaha ragga.
Androgens: waa koox hoormoonno ah oo si caadi ah jirka looga helo waxaana kamid ah hoormoonnadaas sida hoormoonka lagu magacaabo testosterone iyo androsterone.
Labadaan hoormoon waxay masuul ka yihiin koritaanka xubnaha ragga iyo waxyaabaha lagu garto astaamaha ragga sida timaha garka, codka oo waynaada ragga iyo murqaha oo aad u
waa weynaada .Hoormoonnadaan waxay asal kooda kasoo farcamaan xiniiyaha
ragga, waxaa kaloo laga soo daayaa qanjirka ku yaala kellida
korkeeda ee lagu magacaabo diirka qanjir kelyeedka (adrenal cortex) sidoo kale
hoormoonkaan inyar oo kamid waxaa laga hellaa xubinta abuurta ugaaxanta dumrka ee lagu magacaabo ovary.
Inkastoo haddii hoormoonkaan uu dumarka jirkooda ku bato waxaa dhici karta in lagu arko astaamaha ay leeyihiin ragga.Hoormoonkaan waa mid si caadi ah jirka looga helo hase yeeshee mararka qaar waxaa loo isticmaallaa daawo ahaan taasoo lagu daaweeyo ragga ka soo daaha korida iyo qaangaarnimada.
Testosterone: waa hoormoonka ugu weyn ee qaabilsan dareenka kacsiga ee ragga ama ku dhaliya dareen kacsi ah marka
loo fiiriyo ragga, hoormoonkaan wuxuu ka qeyb qaattaa dareenka kacsiga iyo koritaanka xubnaha taranka ee ragga,
hoormoonkaan wuxuu si gaar ah ugu badan yahay ragga marka loo fiiriyo dumarka sababtoo ah dumarka waa mid aad ugu yar hoormoonkaan. Inta badan hoormoonkaan waxaa lagu sameeya lagana soo daayaa xiniiyaha ragga, laakin inyar oo kamid ah waxaa lagu
sameeya qanjirka ku yaala xubinta kelida korkeeda ee lagu magacaabo diir hoosaadka qanjirka kelyeedka (adrenal cortex).Hoormoonkaan wuxuu ka qeyb qaattaa koritaanka xubnaha ragga iyo sidoo kale wuxuu soo muujiyaa astaamaha lagu garto ragga sida codkii oo weynaada, timo ka soo baxa qeybaha jirka sida timo ka soo baxa wajiga, in uu weynaato xubinta ragga iyo
sidoo kale in uu ballaarto xiniinyaha waxyaabaha kale ee uu
qabto hoormoonkaan waxaa kamid ah in uu ka qeyb qaato in lasoo daayo manida (sperm).Hoormoonkaan waxaa la sameeyaa ama la soo saaraa inta uusan
qofka dhallanin gaar ahaan xilliga uu ku jiro uurka marka ay mareyso hooyada isbuuca 4aad ee xilliga uurka, waxaana
mas’uul ka ah in la sameeyo hoormookaan hide wade loo yaqaanno SRY-gene, gene-kaan wuxuu mas’uul ka yahay in la sameeyo xiniiyaha ragga, marka uu samaysmo xiniinyaha ragga
waxaa la soo saaraa hoormoonkaan loo yaqaan testosterone hoormoonkaan waxay shaqadiisu tahay in uu diyaariyo xubnaha taranka ee ragga.Waxaa jira xanuuno badan oo ku dhaca xiniinyaha ragga taasoo inta badan ku sababta ragga in ay awooddi waayaan in ay wax
dhallaan ama ay bacrimiyaan ugxaanta dumarka.Xanuunnada ku dhaca ragga ee ku sababa dhalmo la'aanta waxaa kamid ah prostatitis, isku dheellitir la'aanta ciriqa(hormone imbalance), jabtada(gonorreha), iyo dhibaato soo gaadha koromsoomyada(chromosome defects) laakin waxaa jira waxyaabo badan oo ragga u keeni kara dhalmo la,aan.
Calaamadaha.
1:Galmada hoos u dhacda.
2Madhaleysnimo
3:Timaha bisiqda oo la waayo
4:Caddadka shahwada hoos u dhacda{ azoospermia} taasoo keeneysa dhalma laaanta ragga.
5:Xiniinyaha oo yaraada.
6:Qulub
7:Duxda jirka oo badata.
8:Naasaha ragga oo weynaadaan cadkooda{ gynecomestia}
9:Awoodda muruqaha oo yaraata.
10:Dulqaadka qofka ku yaraada.
11:Lafaha oo burbura.
12:Qofka dagdag u dareema diirimaad jirka qeybtiisa sare, sida wajiga, qoorta, iyo xabbadka[ hot flash} laguna arko dhidid badan.
Calaamadaha carruurta lagu arko.
1:Inuu yaraado dherarka koritaanka, laakiin gacmaha iyo lugaha koritaankooda waa uu soconayaa si aan qaab lahayn jirka intiisa kale.
2:Timaha bisiqda aan koritaan sameyn.
3:Xubbinta taranka ragga { penis} iyo xiniinyaha oo yaraada.
4:Codka oo hoos u dhaca.
Maxaa keenna?
Waxa keenna waxa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah: primary hypogonadism iyo secondary hypogonadism.
1: primary hypogonadism: Haddii ay jirto qaladaad xagga xiniinyaha, ma awooddayo inuu sameeyo heerka caadiga testosterone. Noocani, qanjirka pituitary ayaa soo saaraya luteinzing hormone iyo follical stimulating hormone loo yaqaan qanjidh tarameed (gonadotropins), waxay markaasi falcelin ka sameynayaan heerka yaraansha testosterone. Sarreynta hormoonnadani caadiyan waxay xiniinyaha u sheegayaan inuu soo saaro testosterone iyo shahwada. Si kastaba haddii uu dhaawac soo gaadho ama carqalad ku timaado xiniinyaha ma awooddayaan inay ka jawaab celshaan siyaaditaanka qanjidh tarmeedka (gonadotropins). Natiijada ka dhalaneyso waxay tahay xiniinyaha inay sameeyaan waxyar ama aysanba sameyn testosterone iyo shahwada. Waxyabaaha kale ee keeni kara waxa kamid ah in ay ku dhashaan carruurta taasoo saameyn ku yeelaneysa xiininyaha. Waxa kamid ah.
1:Ilmaha marka ay dhashaan in aysan la dhalanba xiniinyaha{ anorchia}.
2:Inaysan xiniinyaha soo dagin{ cryptorchidism}
2:Inaysan korin unugyada xiniinyaha.
3:noonan syndrome: waa marxalad hidda-dhaxaleed oo dhif ah taasoo keeneysa inay soo daahdo qaangaadhnimada, xiniinyaha aan soo dagin, ama dhalma laaan.
Waxyaabaha kale ee keeni kara.
1:In xiniinyaha jug gaadhay ama laga saaray qofka.
2:Orchitis: ololka ku dhaca hal xiniin ama labadaba, badanaa waxay ka dhalataa bakteeriyada keenta caabuqa, sida hambaabuqa ku gudba galmada .
3:Chemotherapy ama shucaaqa ayaa keena ee loo isticmaalo xiniinyaha.
4:Burooyinka qaarna waa ay keenaan.
Dawooyinka la isku yiraahdo anabolic steroid waa ay keenaan.
2: secondary hypogonadism: xaaladani waxay saameysaa xarrunta maamulka qanjirada (hypothalusma) ama qanjirka pituitary. Maxaa yeelay waxa aad u yara luteinizing hormone iyo follical stimulating hormone. Yaraanshani waxay keeneysaa in uu yaraado testosterone iyo soo saaritaanka shahwada.
Waxa jira xaalado lagu dhasho oo saameya.
1:Kallmann syndrome: waa xaalad hidda-dhaxaleed dhif ah in la arko, waxay sababeysaa in aanu hormarin unugyada dareensidaha{ hypothalamaska} kaasoo soo saarayo soo deynta qanjidh tarameedka(gonadotrophic releasing hormone). Taas ayaa keeneysa in la waayo.
2:Prader-willi syndrome: waa xaalad hidda-dhaxaleed oo dhif ah in la arko. Waa xanuun saameeya xubna badan oo jirka taasoo keeneysa in la waayo shaqada hypothalamuska.
Waxa kaloo jira waxyaabo kale keeni kara.
1:Hypopituitarism xaaladani wax aka dhalanaya inay sameysanto ka soo bax ama buro qanjirka pituitary { adenoma}, waxaa kaloo keeni kara in qanjirka caabuq ku dhacay ama dhaawac soo gaadhay, in qaliin lagu sameeyay ayaa saameyn ku yeelan kara qanjirka pituitary.
2:Hyperprolectemia: hormoonka caanaha oo xadkii loogu tala galay dhaafa.
2:Birta jirka oo siyaada{ iron overload}
4:Maskaxda ama madaxa oo dhaawac soo gaara.
5:Xanuunka kuushinka ayaa keena{ cushing syndrome}.
6:Talaxgabka kelyaha{ keydney failure}.
7:Aydhiska .
8:Daawooyinka qaarka: waxa kamid ah daawooyinka estrogen iyo psychoactive waxa kamid ah: metocloprime, opioids, leuprolide, gosereline, triptoren.
Baadhitaanka
1:Testosterone: waxa la fiirinayaa xaddiga ay tahay, haddii ay hooseyso waxay noqoneysaa primary ama secondary aynnu kor ku soo sharaxnay. Haddii ay tahay xagga sare ama xagga hoose waa in la baaraa hormoonnada LH IYO FSH. Waxaa kaloo la fiirinaya hypothalamuska waayo iyada waa xarrunta laga maamulo hormoonnada soo deyntooda iyo joojintooda, waxa la baarayaa GnRH
2:In la saaro MRI si markaa loo ogaado ka soo baxa.
Daweynta
1:Daweynta waxa la siinayaa beddelka hormoonnada. { hormone rplecement}.
2:Waxa la siinayaa irbad testosterone cypionate.
3:Haddii ay cillado kale keeneyn in markaa la daweeyo iyaga.
Tixraaca https://my.clevelandclinic.org/
Buugga hormoonnada. MayoClinic
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment