GARGAARKA DEGDEGGA AH IYO WAXTARKIISA (QOFKII NOOLEEYA...)

 GARGAARKA DEGDEGGA AH IYO WAXTARKIISA (QOFKII NOOLEEYA...)


Sannad kasta, shilalka gawaadhidu waxa ay sababaan dhimashooyin iyo dhaawacyo aad u badan. Taas waxaaba ka sii daran boqollaalka qof ee jooga goobaha shilalku ka dhacaan, ama dhaawaca isa soo dultaaga, iyaga oo aan wax caawimo ah u fidin karin dadka shilalka ku dhaawacma. Waa run dhimashada iyo badbaadaduba gacanta Ilaahay ayay ku jiraan, iyada oo ay taasi jirto, haddana; haddii uu qofku aqoon u leeyahay gargaarka degdegga ah waxa uu sabab u noqon karaa in uu badbaadiyo nolosha dadka ku dhaawacma shilalka daqiiqadaha ugu horreeya.


Waxa laga yaabaa maalin maalmaha ka mid ah in aad foolkafool u waajahdo qof ehelkaaga ah ama asxaabtaada ah oo dhaawac halis ahi uu soo gaadhay, laf dheer ka jabay, suuxay, wadnaha lagaga soo booday, neefqabatoobay, amaba biyo ku  qarqoomay, ka dibna caawimadii saxda ahayd ee ay u baahnaayeen aad u fidin kari weydo, debeedna aad ciil iyo caloolyow dartii dibinta ruugto, in aad noloshooda badbaadisana ay iska kaa hortaagto aqoon darrada kaa haysata gargaarka degdegga ah.Barashada gargaarka degdegga ahi waa wax aad u fudud - oo ma aha wax culus - haddana marka aanad jaahil ka tahay, qof u baahan kaalmo degdeg ahna aad la kulanto ee aad caawin kari weydo, waxa aad dareemaysaa in wax weyni ay kaa maqan yihiin, oo naftaada ayaad hiif iyo haaraamid kala daalaysaa.Gargaarka degdegga ah waxa lagu qeexaa daryeelka ugu horreeya ee ku-meelgaadhka ah isla markaana degdegga ah ee qofka loo fidiyo marka ay la soo deristo xaalad caafimaad darro oo degdeg ah, ilaa inta uu ka helayo daryeel caafimaad oo dhammaystiran.Badbaadinta nafaha dhaawacmay waa qodob sharci ah oo ka mid ah ujeedooyinka waaweyn ee diinteenna, waa qodobka la yidhaahdo Dhawridda Nafta, sida uu Ilaahay leeyahay:


"Qofkii nooleeya naf (ee badbaadiyaa) waxa uu ka dhigan yahay qof nooleeyay (badbaadiyay) dadka oo dhan."


Qaababka ugu muhiimsan ee loo ilaaliyo ama loo bedbaadiyo nafaha dadka waxa ka mid ah, in la faafiyo muhiimadda ay leeyihiin gargaarka degdegga ah iyo rugaynta sanbabadu, si dadka ugu badan loo gaadhsiiyo loona baro gargaarka degdegga ah. Imminka weynnu ognahay oo badigeennu gacmaha ayaynnu laabanaa marka uu qof dhaawacmo, isaga oo xaalad geeri iyo nolol ah ku jira ayaynnuna indhaha uun ka fiirsannaa, jaahilnimada innaga haysa gargaarka degdegga ah awgeed, taas oo inagu keenta niyadjab weyn iyo murugo huq iyo ciil ina badda. Ehelka qofka gargaar la'aan darteed udhintayna waxa ay ka calaacalaan xirfadan muhiimka ah ee ay ka qatanaayeen, sideeda ayayna aqoon darradaasi mushkilad u tahay, waana dhibaato inta badan dhacda. 

Daraasado kala duwan oo la sameeyay waxa ay sheegeen in gargaarka degdegga ahi uu doorka ugu mudan ka qaato badbaadinta qofka dhibbanaha ah, tirakoobyo la sameeyay oo badanna waxa lagu ogaaday, in dadka ugu badan ee badbaadiya dadka shilalka galaa ay yihiin, dadka ugu dhow ee jooga meelaha uu shilku ka dhacay ee yaqaanna gargaarka degdegga ah. Mar kasta oo sida ugu dhakhsiyaha badan ay dadka dhaawacmay u helaan gargaar degdeg ah, waxa badata heerka badbaadadooda. Tani waxa ay ina tusinaysaa faa'idada weyn ee uu leeyahay cilmigan kooban ce la yidhaahdo gargaarka degdegga ah (First Aid), marka agtaada uu shil ka dhaco.Tirakoob laga sameeyay waddanka Maraykanka ayaa lagu caddeeyay, in sannad kasta gargaarka degdegga ahi sabab u noqdo in la badbaadiyo 92,000 oo nafood. Sidoo kale; cilmibaadhisaha qaar waxaa lagu ogaaday in shilalka ugu badan ee carruurta galaaftaa ay yihiin naqaska oo ku dhega iyo in ay ku qarqoomaan biyaha. Labadan xaaladood oo keliya sannad kasta waxa ay sababaan in ka badan 16 milyan oo carruur ah in la dhigo qollaalka daryeelka degdegga ah. Dadka sida badanka ah dhibbanayaashaas badbaadinayaana, waa kuwo ka ag dhow goobta dhacdada ee gargaarka degdegga ah yaqaanna, ha ahaadeen qoysaskooda, saaxiibbadooda amaba deriskooda'e hadba sida gargaarka degdegga ah loogu dhakhsado dhibbanaha, ayay fursadda badbaadadiisuna u badanaysaa.


 Sida ay sheegeen Jimciyada Wadnaha ee Maraykanku, sannad kasta waxa la badbaadin kari lahaa 100 kun ilaa 200 oo kun oo qof, haddii ay heli lahaayeen gargaarka degdegga ah 4" daqiqadood ee ugu horreeya marka shilku uu haleelo, haddii ay 4-ta daqiiqo ee ugu horreeya helaan gargaarka degdegga ah wax dhaawac maskaxeed ahi ma soo gaadheen dadkaas, haddii ay gargaarka degdegga ah helaan 4 ilaa 6da daqiiqo ee ugu horreeyana, in dhaawac maskaxeed uu soo gaadhaa dadkaas waa wax dhici kara oo la filan karo. Laakiin haddii gargaarka degdegga ahi uu soo gaadho qofka 10 daqiiqo wixii ka danbeeya, waa wax la hubo in qofkaas uu dhaawac maskaxeed soo gaadhayo.Nin la yidhaahdo Jeffrey Hall oo yaqaanay gargaarka degdegga ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo meel kula dabbaalanaya wiil yar oo ay walaalo yihiin, ayaa wiilkii yaraa ku dhacay halkii dabbaasha oo uu ku haftay biyihii, Jeffrey Hall oo yaqaanay gargaarka degdegga ah ayaa markiiba badbaadiyay walaalkiisii yaraa oo u fidiyay gargaarkii degdegga ahaa ee uu u baahnaa.


Xirfaddan fudud ee gargaarka degdegga ah (First Aid) ee uu walaalkii kaga badbaadiyay dhimashada sababta uu ku bartay waxa ay ahayd, in magaalada uu joogay ay maamulkii haystay khasab kaga dhigeen dhammaan ardayda ka qalinjabinaysa jaamacadda, dugsiyada iyo macaddada ku yaal magaaladaasi in ay bartaan gargaarka degdegga ah, kuliyadda ay doonaanba ha dhigtaan'e. Maamulka magaaladani waxa uu mamnuucay in uu qalinjabiyo arday aan baran gargaarka degdegga ahi.

Qiso taa liddigeeda ah ayaa ka dhacday Jidda. Maajid oo ahaa 17 jir ayaa safar dabbaal ah oo uu dugsigoodu u kexeeyay ku qarqoomay meeshii lagu dabbaalanayay, markii laga soo saaray halkii uu ku qarqoomay 40 arday iyo saddex macallin oo la socday ayaa waxba u tari kari waayay, gargaar degdeg ahna siin kari waayay, maadaama aanay iyaguba aqoonin, waxa muddo ka dib loo la cararay cisbitaalka oo saddex daqiiqo u jiray, se 40 daqiiqo in ka badan ay qaadatay in la gaadhsiiyaa, daqiiqado ka dibna habdhiskiisa neefsiga waa laga shaqaysiiyay, se oksijiintii ka kala go'day maskaxda ayaa koomo galisay, maalmo ka dibna wuu u dhintay.


Dunida badankeeda koorasyada gargaarka degdegga ah waxaa lagu bartaa afar saacadood oo qudha. Waa maxay sababta barashada gargaarka degdegga ah loogu soo dari waayay heerarka kala duwan ee waxbarashadeenna, ee waliba sandullaha looga dhigi waayay?! ‎‫Dalalkeenna Islaamka ah manaahijta iyo nidaamyada waxbarasho ee ka jira waxa ka buuxa maaddooyinka aragtiyaha ah, aad ayayna ugu yar yihiin maaddooyinka dhaqangalinta (practical) ahi. Ma jirto wax ka qiimo badan in aynnu ubadkeenna barno sidii ay naf u badbaadin lahaayeen.

Sidaas darteed; xaalkeenna waxba kama beddeli karno illaa aynnu fahanno muhiimada uu leeyahay gargaarka degdegga ahi. Waa in lagu daraa barashada gargaarka degdegga ah dhammaan qaybaha kala duwan tacliinta sida dugsiyada hoose/ ee dhexe/sare iyo jaamacaddaha iyo xitaa dugsiyada gaarka loo leeyahay, sidoo kalena waalidiinta waa in la baraa.Shil kasta oo dhaca waa in aynnu wax ka baranaa si aynnu isbeddel dhab ah oo muuqda ugu samaynno bulshadeenna, ka dibna waa in aynnu soo saarnaa go'aamo si wanaagsan loo shaandheeyay oo aynnu kaga hortagaynno in shilal la nooc ah kii dhacay mar kale ay dhacaan ama ay soo noqnoqdaan. 


Marka aynnu sidaas samaynno, waxa aynnu ku eegnay dhacdadaas indho ka-hortag raadinaya, ee sida aynnu immina samaynno, kuma aynaan eegin indho eed-ka-carar ah oo aqoon darradeenna gargaarka degdegga ah difaacaysa. Waa in aynnu qaadanaa go'aamo saxan, oo la hubiyay, kuwaas oo ina dareensiya in dadkii shilalka dhacay ku dhintay oo dhammi aanay bilaa micne u dhiman ee aynnu ka faa'idnay khibrad qadhaadh oo aynnu ku maalgashanno yaraynta shilalka la nooca ah, waxtarka ka dhashana ay bulshadu uga dheefto.

Badbaadinta naftu waa mid ka mid ah ujeeddooyinka waaweyn ee shareecada Islaamka, mana aha masalo la fudaydsan karo, iska-indhotiridda arrinkaasina waa yaraysi la yaraystay dhibka iman doona iyo Ilaahay amarkiisii oo laga dhego adaygayo, sunnihii Ilaahay ee ahaa dhawridda naftana la ismoogganaysiinayo.


Dheegasho:Jiraalkey 1.


Indha_caad 


 Ka daalaco:Qoraallo caafimaad.

https://t.me/LiibaanIndhacaad2

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad