Female Hypogonadism (Madhalaysnimada Dhadiga ku dhacda) 


Casharkan waxaynu kaga hadlaynaa xanuunka keena in dhadigu ay la kulmaan cilad madhalaysnimo oo ah mid aan hoormoonnada jinsiga la soo saarayn sida LH iyo FSH kuwaasoo sababaya in aanay Ugxansidayaashu  soo saarin hoormoonka dhadiga ee Estrogen iyo Progesterone taasoo iyana sii sababaysa inaanay Ugxansidayaashu  samaynin ugxantii sidoo kalena aanay dhiig u dhismayn makaankii si hadday macarimi dhacdo ilmo ugu abuurmi karo hadday taasi dhacdana waxa imanaysa in madhalaysnimo dhanka haweenayda ahi timaado waxaana afka qalaad lagu yidhaahdaa "hypogonadotropic hypogonadism " Ama "secondary hypogonadism" Oo ka dhigan qanjida jinsiga oo hoormoonnada ay soo dayn jireen aanay soo daynin cilad keentayba gaar ahaana qanjidhka maskaxda hoosteeda ka laalaada ee la yidhaahdo Laa'laade "Hypophysis" Ama bituitari ee aynnu ilaa hadda ku jirno xanuunada ku dhaca, ciladanina waa ta ugu sahlan ee la dawayn karo lab iyo dhadigbana way ku dhacdaa.


Haddaba maxaa keena ciladan? 


Waxa keena xanuunkii aynnu casharkii u danbeeyay ku soo qaadanay oo ah "hypopituitarism" Oo ah xanuunka ay hoormoonnada qanjidhka bituitari uu soo daynayay oo aanu soo dayn dhammaan ama qaar ka mid ah, waxa xanuunkaas keena kana kala mid yahay waa, xanuun lagu dhasho oo Kallman la yidhaahdo oo aanu qanjidhkaasi si fiican u samaysmayn, soo baxyo ka soo baxa qanjidhkaas cadaadiyana kuwa soo saara hoormoonnada LH iyo FSH ama cilad qanjidhka ka sii sareeya ee laga soo amro bituitariga ee madaxtooyada hoormoonada ah waa "hypothalamus" ee kudhacda sababtana inaanu soo dayn hoormoonkii amrayay ee la yidhaahdo GnRH ,waxa kaloo keeni kara qofkoo dhaawac culusi madaxa ka soo gaadho sababana labadaa qanjidhka ee isku xiga dhaawac gaadha, faalag qofka ku dhufta, TB caabuqa maskaxda kudhaca iyo xuubabka ku dahaadhan iyada iyo xanguladaba, ama xanuunka haweenka u gaar ah ee Sheehan syndrome oo ah mid ku yimaada hadday haweenaydu aad u dhiigbaxso xilliga foosha oo dhiigga maskaxda tagayaa aad hoos ugu dhaco waxa dhici karta in Bituitariga waxyeelo gadho amaba uu qaadho sidaana ku soo saari kari waayo FSH iyo LH. 


Baadhitaanka 


Waa in la baadhaa Estradiol ,progestrone hadday hooseeyaan  waa in la baadhaa LH iyo FSH hadday hooseeyaana GnRH , sidoo kale was in la baadhaa hoormonnada prolactine, TSH, F T4,. 


Dawaynta


Dawayntu xanuunkan waa mid fudud waana in hoormoonnadaas loo badalaa, hadii cilada keentay mid la dawayn karo tahayna la daweeyaa. 


La wadaag (share) asxaabtaada adigoo mahadsan waa laga yabaa inuu qof asxaabtaada ka mid ahi ciladani hayso  ay sahlantahay dawaynteedu uu ka faa'iidaysto.


Qore:Drmawliid ku-dar

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad