KaankaradaTayroodhka (Thyroid cancer)

 KaankaradaTayroodhka (Thyroid cancer)


Thyroid cancer waa kansarka ka soo baxa isla qanjidhka thyroid-ka la yidhaahdo,waxaana qofku ka shakiyi karaa marka si dhakhso ah uu isugu arko in cunaha ugu soo baxay soo bax aan jilicsanyn markuu taabto iskuna arko xabeeb”codkoo qofka caadi uga soo wada bixin”,qofkoo dhawaan radiation therapy cunaha ama madaxa ah loo sameeyay .


Sababaha 


Sababaha keena badanaa lama yaqaano se waxay u badan tahay arrin la xidhiidhka isbeddel ku yimaada unugyada “mutations”. Waxaana loo qaybiyaa (Papillary Carcinoma,Follicular Carcinoma,Anaplastic Carcinoma, iyo Medullary carcinoma”iyo qaar kale ,waxaana ugu badan Papilary Carcinoma,oo 60-70% la arko ,waxaana u badan haweenka bukaanaduu ku dhaco.


Calaamadaha 


Kansarku marka hore calaamado ma laha marka uu koro wuxuu leeyahay calaamadahan,”buurooyin cunaha qofku ka dareemo markuu taabto,cunaha oo xidhma xabeebna uu qofku sidaas u yeesho,cunah oo xanuuna cuntadana liqi kari waayo iyo  qanjidhada aaga cunaha oo barara “.


Baadhintaanka


Baadhitaanku dhawr nooc ayuu isugu jirayaa ,waxaana ka mid ah in marka si guud loo eego ee calaamdaha la darso kabacdi bukaanka laga qaado dhiig ,haddii dhiigga wax calaamad ah laga waayo TSH kuna caadi noqdo waxa laga qaadayaa cad laga soo goynayo qanjidhka ama dareere si loo baadho waxaana la yidhaah FNA”Fine-needle aspiration”,sidoo kale na Ultrasound waa lagu badhayaa .


Dawaynta 


Dawayntu waxay ku xidhantahay inta uu soo baxu leeg yahay,nooca uu yahay, heerka(stage) uu marayo iyo siduu caafimaadkaaga u saamanayo,badanaa kansarka qaliin ayaa lagu sameeyaa mid qanjidhkaba la wada jarayo mid qayb la jarayo iyo mid inyar la jarayaba ,haddii la wada jarana waxa la siinayaa bukaanka Levothyroxine abid ah iyo “radioactive iodine” si hadhaaga qanjidhka loo sii burburiyo.


Adigoo mahadsan la wadaag (share) bulshada inteeda kale si ay uga faaidaystaan casharkaas bulsho u faaidaynta ah ,ilana soco(follow) hadaad u aragto inay tahay inaad bogan ku taxnaato si aad cilmi korodhsi uga hesho.


Qore:Drmawliid ku-dar.


Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad