Pheachromocytoma
Pheochromocytoma
Waa ka soo bax aad naadir { tumor} u ah kaasoo ku sameysma bartamah mid ama labada qanjir kelyeedka{adrenal glands } ka soo baxyadaan waxay ka sameysan yihiin qeybo cayiman loo yaqaan chromoffin cell, kuwaasoo soo saaraya hormoonno kuwaasoo keenaya dagaal ama carar{ fight and flight} ka falcelin. Badanaa pheochromocytoma waa buro aan kaan kaankaro (non-cancer) ahayn. Ku dhowaad 10% ilaa 15% waxay noqon kartaa kansar. Aynnu isla fahanno shaqada ay innoo qabtaan hormoonnadan siday jirka ula falgalaan.
Qanjir kelyeedka (Adrenal gland)
Qeybtaan loo yaqaan adrenal medulla waxaa laga soo daayaa hoormoonka loo yaqaan catecholamine, catecholamine waa hoormoonno gaaraya ilaa iyo seddex hoormoon waxaana kamid
ah sida hoormoonka epinephrine, nore-pinephrine iyo dopamine waa hoormoonno farriin wadeyaal ah waxayna ka samaysan yihiin borotiin waxayna ka qeyb qaataan shaqooyinka ka dhex dhaco jirka.Epinephrine iyo nore-pinephrine waa labo hoormoon oo laga soo daayo qanjirka ku yaala kellida korkeeda gaar ahaan qeybta hoose ee qanjirka oo lagu magacaabo adrenal medulla.
Hoormoonno farriin wadayaal ah waxayna ka howl gallaan qeybaha ka duwan ee jirka sidoo kale waxay ka qeyb qaataan in ay kiciyaan habdhiska dareen wadka jirka gaar ahaan qeybta dhexe( central nervous system). Labadaan hoormoon haddii ay jirka ku yaraadaan ama ay ku siyaadaan waxay halis u keeni karaan caafimaadka qofka bani’aadamka, waa labo hoormoon oo isku mid ah marka loo fiiriyo meesha laga soo daayo laakin waxay ku kala duwan yihiin meelaha ay ka howl gallaan ama qaabilaha (receptor)-ka ay ku dhaggaan.
Tusaale ahaan epinephrine-ka wuxuu leeyahay labo qaabile (receptors) uu ku dhago oo kala ah alpha iyo beta receptors waa labada lakume ee uu ka howl galo epinephrine-ka haseyeeshee hoormoonkaan kale ee lagu magacaabo nore-epinophrine wuxuu leeyahay hal qaabile( receptor) oo ah alpha receptor waxaana laga helaa oo kalliya (arterieska) laakin beta receptors-ka waxaa laga helaa ama uu ku
yaalaa wadnaha, sambabada iyo xididdada murqaha sidaasi darteed labadaan hoormoon waxay shaqooyin badan ka qabtaan jirka.Epinephrine-ka waxaa sidoo kaloo yaqaanaa adrenaline
wuxuuna awood u leeyahay in uu jirka ka howl galo ama uu saameeyo jirka.
Shaqooyinka uu qabto hoormoonkaan waxaa kamid ah in uu sare u qaado sokorta dhiigga, garaaca wadnaha, sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa in ay murqaha sameeyaan waxaa loo yaqaan dabacsaaan(relaxation) oo ah in ay murqihii is dabciyaan. Hoormoonnadaan waxaa la soo daayaa marka uu qofka dareemo walwal farabadan iyo cabsi sidoo kale marka uu qofka dagaal ku jiro waxaa aad u shaqeynaayo hoormoonnadaan.Nore-epinephrine-ka wuxuu lamid yahay epinephrine-ka sababtoo ah waa isku shaqo laakin waxay ku kala duwan yahiin oo kaliya nore-epinephrine-ka wuxuu sababaa in xididada dhiigga uu ka dhigo mid aad iskugu yimaada taasoo sababaysa in uu sare u kaco caadiska dhiigga.
Maxaa dhici kara hadii lawaayo labadaan hoormoon?
Waxyaabaha lagu arki karo qofka hadii lawaayo labadaan hoormoon ama uu siyaado noqdo labadaan hoormoon waxaa kamid ah.
Qofka oo isbadel ku yimaada xagga maskax ahaan iyo jir
ahaan.
Walwal badan, niyad jab, sokorta dhiigga oo hoos u dhacda, madax xanuun siyaado ah hurdo la,aan iyo nafaqo daro.
Cadaadiska dhiigga oo sare u kaca waa marka uu siyaado yahay hoormoonkaan. Dhidid badan oo qofka lagu arko Garaacaha wadnaha oo kaca iyo madax xanuun.
Waxa jira heerar inuu kansar yahay lagu ogaado.
1: localized pheochromocytoma: buradani waxaay saameyn kartaa hal qanjir ama labada qanjirka{ adrenal gland}.
2: regional pheochromocytoma: kaankarada waxay ku faaftay marinnada qashin qaadaha{ lymph node} ama nuddaha u dhow qanjir kelyeedka.
3: mestastatic pheochromocytoma: kaankarada waxay ku faaftay qeybaha kale ee jirka sida beerka sambabada, iyo lafaha.
4: recurrent pheochromocytoma: waa kansarka oo soo noqnoqda kaddib marka la daweeyo. Waxa uu ku soo laaban karaa qeybo kamid ah jirka.
Calaamadaha.
Calaamadaha ugu caasan waa:
1:Cadaadiska dhiigga oo sareeya{ hypertension}
2:Madax xanuun.
3:Dhidid badan aan la aqoon sababtiisa.
4:Garaacada wadnaha saa’id noqda.
5:Qofka oo dareema gariir.
6:Daciifnimo.
7:Lallabo.
8:Neefta oo yaraata.
9:Miisaanka oo yaraada.
10:Qulub.
11:Aragtida oo labo noqota.
12:Calool fadhi.
Maxaa sababa.
Badanaa lama yaqaanno waxa dhabta ee keena pheochromocytoma. Haddii buradaasi sameyso koror gaar ahaan unugyo loo yaqaan chromoffin cells, waxay ku yaalaan bartamaha qanjir kalyeedka. Unugyadani waxay soo sii daayaan hormoonno cayiman sida adrenaline iyo noradrena;ine . hormanadani waxay xakameeyaan shaqooyin badan oo jirka ka dhaca, sida garaaca wadnaha, cadaadiska dhiigga, sokorta dhiigga ku jirta. adrenaline iyo noradrena;ine waxay kicinayaan jirka si markaasi u galo xalad kacsaan ugana jawaab baxsho qatarta waxa la soo daayaa xilligga wax iska celinta ama uu cararo qofka. Hormoonnadani waxay keenayaan cadaadiska dhiigga oo siyaada, iyo garaaca wadnaha si dagdag ah. Qeybaha kale jirka waxay ula falgalayaan si dagdag ah. Pheochromocytoma waxa uu sababayaa in wax badan hormoonna ah la soo daayo. Taasaa sababeyso in dhiigga sarre noqdo, madax xanuun uu dareemo qofka, iyo dhidid badan. 25% ilaa 35% dadka qaba xaaladani waxay kaga timaadaa hidda dhaxaleed. Waxa kamid ah:
1: multiple endocrine neoplasia: waa xaalad dhif an in la arko, waa burooyin badan ama kaankaro saameyn ku yeelaneysa hadhiska qanjirada iyo nuddayaasha.
2: neurofibromatoses type 1: koox loo yaqaanno neurocutaneous disorders kuwasoo saameyn ku yeelanya maqaarka iyo habdhiska dareenwadka. Waxay keeneysaa in unugyada si qaldan u koraan waxaa ka dhalaneysa inay sameysanto burooyin dhammaan jirka.
Baadhitaan
1:Marka ay caadiga tahay waxa la baadhayaa metanepherine =24-96mg/24hr ee kaadida ama dhiigga 24 saacadood.
2:Goormaa la dhihi karaa qofka pheochromcytoma ayuu qabaa 2 ilaa 3 jeer marka ay ka badato 96 ilaa 150 hadday gaadho qofkaasi xanuunka ayaa haya.
3:Waxaa kaloo lagu baadhayaa CT SCAN IYO MRI. Waxaa lagu fiirinayaa inuu qanjidhka inuu weynaaday.
4:Waxaa kaloo lagu baadhayaa hubinta hidda dhaxaleedka{ genetic test}.
Daaweynta
1:Dawada koowaad waa qaliin.
Intaan la jarin qofka waa in la siiyaa dawo.
2:Alpha1 blocks ayaa la siinayaa. Waxay ilaanayaan cadaadiska dhiigga xaddigiisa caadiga ahaa. Dawooyinka waxa ka mid ah doxazosin, alfuzosin.
3:Beta blocks. Waxay ilaalinayaan garaaca wadnaha: waxa kamid ah atenolol, bisoprolol,carvidalol.
Dawooyinka waxay xidhayaan qanjir kelyeedka { adrenal galand} in la soo daayo xaddi badan oo hormoonnada aynnu soo sheegnay.
Tixraaca: Buugga hormoonnada. https://my.clevelandclinic.org/ Mayo clinic.
Guji lingaxa hoose: Qoraallo caafimaad.
https://t.me/LiibaanIndhacaad2
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment