SOKOROWGA(Diabetic)

 SOKOROWGA(Diabetic).


  


Waa maxay sokorow?


Nuucyada sokorowga


Calaamadaha sokorowga


Maxaa keena sokorowga?


Carqaladaynta ku imaata insulinta


Sidee loo daweeyaa sokorowga?


Waa maxay sokorow?


Sokorowga ama macaanka waa xaalad ka imaada daciifidda awoodda jirka si uu u isticmaalo sokorta(gulukooska )dhiigga ku jira. Haddii aan la maareynin cudurka macaanka wuxuu horseedi karaa in sokorta dhiigga ku jirta ay badato, taas oo keeni karta dhibaatooyin halis ah, oo ay ku jiraan istaroogga iyo cudurrada wadnaha.


Nuucyo kala duwan oo sokorow ah ayaa jiro, maareynta cudurkana waxay ku xirantahay nuuca cudurka ee qofka haayo. 


Sokorowga kaliya kuma xirna haddii qofka miisaankiisa aad u culus yahay, da’diisu weyntahay, ama uusan sameenin jimicsi, waxa uu ku dhici karaa qof walba, waxaana jiro nuuc sokorowga ka mid ah oo ku dhaca caruurta.


Nuucyada sokorowga


Waxaa jiro ilaa Saddex nuuc oo sokorow ah, oo kala ah; nuuca 1-aad, nuuca 2aad, iyo sokorowga uurka.


Nuuca 1-aad ee sokorowga


Nuucaan waxaa sidoo kale loo yaqaanaa sokorowga da’yarta, waxa uu ku badan yahay da’yarta iyo ilmaha, nuucaan wuxuu dhacaa marka uu jirku ku guul-darreysto inuu soo saaro insulin, oo ah hormoonka ka caawiya jirka in sokorta dhiigga ay ka baxdo aynna gasho unugyada u baahan.


Dadka qaba nuuca 1 aad ee sokorowga waxay ku tiirsan yihiin insulin-ta, taas oo macnaheedu tahay waa inay qaataan insulin-ta macmalka ah maalin kasta si ay u noolaadaan.


Nuuca 2-aad ee sokorowga


Nuucaan wuxuu saameeyaa habka jirku uu u isticmaalo insulin-ta. In kasta oo uu jirku ku guuleysto inuu soo saaro insulin, haddana insulinta- lasoo saaro ayaa ku adkaato jirka inuu isticmaalo.

Waxaa ay dhibaato ka jirtaa xiriirka u dhaxeeya unugyada jirka iyo insulin-ta, unugyada jirka ayaan si fiican ula fal galin insulin-ta, kaddibna waxaa meesha ka baxda shaqadi insulin-ta taasoo ahayd in unugyada jirka ay ka caawiso inay isticmaalaan sokorta dhiigga ku jirta.

Nuucaan waa nuuca ugu badan ee sokorowga, wuxuuna si adag ula xiriiraa cayilka.


Sokorowga uurka


Nuucaan wuxuu ku dhacaa haweenka uurka leh, waxaa dhacda in xilliga uurka lagu guda jiro ay yaraato sida unugyada jirka ay ula fal galaan insulinta. 

Sokorowga uurka kuma dhaco dumarka oo dhan, wuuna xalismaa dhalmada kadib.


Calaamadaha sokorowga


Calaamadaha guud ee cudurka macaanka waxaa ka mid ah:


Baahi ama gaajo badan


Oon ama harraad badan


Miisaanka oo yaraada


Kaadi badan


Aragga oo daciifa


Daal xad dhaaf ah


Nabarro aan reysaneynin ama aan bogsaneynin


Calaamadaha lagu arko ragga


Marka lagu daro astaamaha guud ee sokorowga, ragga qaba sokorowga waxay sidoo kale yeelan karaan hoos u dhac ku imaada awoodda galmada, iyo murqaha oo jilca.


Calaamadaha lagu garto dumarka


Haweenka qaba sokorowga sidoo kale waxay yeelan karaan astaamo kale sida caabuqa kaadi mareenka.


Calaamadaha nuucca 1-aad ee sokorowga


Calaamadaha cudurka macaanka nuuca 1aad waxaa ka mid ah:


Baahi


Oon


Miisaan yari


Kaadi badan


Arag yari


Daal


Calaamadaha nuucca 2aad ee sokorowga


Calaamadaha cudurka macaanka nuucca 2aad waxaa kamid ah:


Baahi ama gaajo badan


Oon ama haraad badan


Kaadi badan


Arag yari


Daal xad dhaaf ah


Nabarro aan reysaneynin


Sokorowga wuxuu kaloo sababi karaa hambaabuqo(infekshanno )soo noqnoqda. Sababtoo ah heerarka sokorta(gulukooska) ee sarreeya ayaa keeno in jirka uu si dhakhso ah u bogsan waayo.


Calaamadaha sokorowga uurka


Inta badan haweenka uurka leh ee uu ku dhoco cudurka sokorta malaha wax astaamo ah. Waxaa marar dhif ah ay yeelan karaan oon iyo kaadi badan.


In haweeneyda uurka leh heerarka sokorta dhiiggeeda uu sarreeyo waxaa lagu ogaadaa baaritaanka caadiga ah ee sokorta lagu baaro oo badanaa la sameeyo inta u dhaxeysa isbuuca 24 aad iyo 28 aad ee uurka.


Maxaa keena sokorowga?


Waxyaabo kala duwan ayaa lala xiriiriyaa nuuc kasta oo sokorow ah.


Waxyaabaha keena nuucca 1 aad ee sokorowga


Dhakhaatiirtu si dhab ah uma oga waxa sababa nuuca 1 aad ee cudurka macaanka. Sababo aan la ogeyn awgood, habka difaaca jirka ayaa si qalad ah u weerara una baabi’iya unugyada soo saara insulin-ta.


Hidda-wadaha ayaa laga yaabaa inuu ka qayb qaato arrintaas, waxaa kaloo macquul ah in fayras uu sabab u noqdo weerarka difaaca jirka ee unugyada soo saara insulinta.


Waxyaabaha keena nuuca 2 aad ee sokorowga


Nuucaan wuxuu ku imaadaa qaab dhaxal ah iyo is beddelka hab nololeedka qofka. Dadka cayilan ayaa halis dheeraad ah ugu jira nuucaan. 


Nuucaan ayaa sidoo kale ka imaada qoyska. Xubnaha qoysku waxay wadaagaan hiddo-side ka dhigaya inay u nuglaadaan inuu ku dhoco cudurka macaanka nuuciisa 2 aad iyo in miisaankoodu uu cuslaado.


Waxyaabaha keena sokorowga uurka


Sokorowga uurku waxaa keena isbeddelada hoormoonka ee dhaca xilliga uurka. Mandheerta waxay soo saartaa hormoonno unugyada haweeneyda uurka leh ka dhiga kuwo aan si fiican ula fal gelin insulinta. Taasoo keenaysa in sokorta dhiigga ee sare u kacdo inta uu jiro uurka. 


Haweenka miisaankoodu sarreeyo markay uurka yeeshaan ama miisaankoodu aad u bato inta ay uurka leeyihiin ayaa u badan inuu ku dhoco sokorowga uurka.


Carqaladaynta ku imaata insulinta


Dhakhaatiirtu ma garanayaan sababaha rasmiga ah ee keena cudurka macaanka nuuciisaa 1 aad. Balse nuuca 2 aad ee sokorowga ayaa leh sababo cad.


Insulin-ta waxay u ogolaataa  gulukooska ka timaada cuntada inuu galo unugyada jirka si jirka uu u helo tamar. In unugyada aysan si fiican u la falgalin insulinta waxaa keeni karo waxyaabahaan

Qofku inuu leeyahay hiddo-wade ama bay’ad u nugulsiineesa jirkiisa in uusan awooddin inuu sameeyo insulin ku filan gulukooska uu cuno.In Jirka uu isku dayo inuu sameeyo insulin dheeri ah oo badan si uu u daboolo gulukooska xad dhaafka ah ee ku jira dhiigga. Badashada insulinta ayaana horseedi karta in unugyada ay ku badato insulinta kaddibna uu daciifo falgalka ka dhaxeeya unugyada iyo insulinta.In ganaca, oo ah xubinta soo saarta insulinta aysan dabooli karin baahida badan ee jirka uusoo gudbiyo.

Caadiyan, waqti kaddib, waxaa daciifa waxtar ka insulinta iyo awoodda ay u leedahay in unugyada ay u gudbiso sokorta ku jirta dhiigga si tartiib tartiib ah. Waana sababta ay dhakhaatiirtu dadka kula taliyaan inay sameeyaan isbeddel dhanka qaab nololeedka ah.


Sidee loo daweeyaa sokorowga?


Dhakhaatiirtu waxay ku daweeyaan cudurka macaanka daawooyin dhawr ah oo kala duwan. Daawooyinkaan qaarkood afka ayaa laga qaataa, halka kuwa kalena loo qaato cirbad ahaan, waxaana daawooyinkaas ka mid ah:


1. Isticmaalka Insulinta


Dadka qaba nuuca 1 aad ee sokorowga iyo qaar ka mid ah dadka qaba nuuca 2 aad ee sokorowga ayaa laga yaabaa inay u baahdaan inay isku duraan ama ay neefsadaan insulinta si looga hortago in heerarka sokorta ee dhiiggooda ay kordhaan.


Nuucyo kala duwan oo insulin ah ayaa la heli karaa, waxaana loo qaybiyaa:


Kuwo waqti gaaban fal gala.


Kuwo waqti dhax dhaxaad ah fal gala.


Kuwo waqti dheer shaqeeynaya.


Dadka qaarkiis waxay isticmaali doonnaan cirbad insulin muddo dheer shaqeyneysa si joogto ah si hoos loogu dhigo heerarka sokorta dhiigga. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay isticmaalaan insulinta waqtiga gaaban shaqeysa ama isku darsadaan nuucyada insulinta qaar ka mid ah.


Nuucii doonno ha la isticmaalee, qofku wuxuu u baahan yahay in uu had iyo jeer la socdo heerarka gulukoosta dhiiggiisa isagoo adeegsanaya baaritaanka fudud ee lagu baaro sokorta ee farta laga sameeyo.Qalabka lagu ogaado heerarka sokorta dhiigga ayaa loo yaqaanaa ‘glucometer‘. Qofka qaba cudurka macaanka nuuciisa 1-aad wuxuu marwalba u baahanyahay inuu isticmaalo qalabkaan si uu u ogaado inta insulin ee uu u baahanyahy. Insulinta si fiican ayay u caawisaa dadka qaba cudurka macaanka noloshooda. Si kastaba ha ahaatee, waxay kaloo u horseedi kartaa waxyeello badan, gaar ahaan haddii qofku uu ka isticmaalo xaddi badan.Insulin-ta xad-dhaafka ah waxay sababi kartaa xaalad loo yaqaano ‘hypoglycemia’, oo ah xaalad sokorta dhiigga ay hoos u dhacdo, waxayna keentaa lalabbo, dhidid, iyo jarees.Waxaa lagama maarmaan ah in dadku ay si taxaddar leh u cabbiraan insulin-ta oo ay cunaan cunno isku-dheelli tiran oo dheelli tiraysa heerarka sokorta dhiigga sida ugu macquulsan.


2. Isticmaalka daawooyinka kale


Marka laga soo tago insulinta, nuucyo kale oo daawo ah ayaa la heli karaa kuwaas oo ka caawin kara qofka inuu maareeyo sokortiisa. Daawooyinkaas waxaa ka mid ah:


Metformin


Waxaa daawadaan loo isticmaalaa nuuca 2-aad ee sokorowga, waxaana loo qaataa kaniini ahaan ama qaab dareere ah.


Waxay ka caawisaa qofka:


Yareynta sokorta dhiigga


Xoojinta waxtarka insulinta


Waxay kaloo kaa caawin kartaa dhimista miisaanka. Inaad yeelato miisaan caafimaad lehna waxay yareyn kartaa saameynta cudurka macaanka.Waxaa jiro daawooyin kale oo badan oo loo isticmaalo daaweynta sokorowga, dhakhtarkaaga ayaa kugula tali doona midda kugu habboon.


Dheegasho:Healthter Media


Credits & References


Healthline Media


PubMed


WHO (World Health Organization)


CDC (Center for Disease Control)


NIH (National Institutes of Health)


MayoClinic


WebMD


Indha_caad 


 Ka daalaco Qoraallo caafimaad.

https://t.me/LiibaanIndhacaad2

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad