Thyroid Storm.

Thyroid Storm.

Thyroid storm ku waa xaalad degdeg ah oo uu gali karo bukaanka qaba Hyperthyroidismka ama Graves disease maadama ay kor u kacdo hoormoonada uu soo daayo thyroid gland ku haddii aan la dawayn .

Maxaa sababi kara?

Waxa sababi kara bukaanka oo uu la soo darso warwar badani,caabuq ,qaliin lagu sameeyo isla qanjidhka ama dhaawac soo gaadha tayroodhka sidoo kalena waxa sababi kara qofka oo aan dawooyinka xanuunada aan soo sheegay si fiican u qaadan ku wax oo hoos u dhiga soo daynta uu soo daayo thyroid gland ku hoormoonnada  T4 iyo T3.

Calaamadaha 

Calaamadaha wax aka mid ah,xumad,hunqaaco,shuban,wadnaha oo si aan caadi ahayn u garaacma,baaxaa deg,dulqaad la’aan ilaa marka danbe qofka lagu arko caalamadaha xaalada nafsi ee loo yaqaan “Delirium” oo koobsanaysa kacsanaan,xanaaq,niyadoo is bedbedasha farxad iyo cadho iyo inuu arko maqlo,arko, dareemo waxan la arkayn la maqlan lana dareemnayn laguna soo koobo eryagan”hallucinations” badanaana dadka caadiga ah iyo dhakhaatiirta aan ku takhasusin ama hore kiiskan caafimaad u arag waxay u maleeyaan inuu qofka hayo xanuun nafsi ah ama dhimirka ahi ,intaa waxa ku xiga haddaan dawooyin la siin waa inuu bukaanku koomo galo .

Dawada 

Bukaanka waa in qolka gargaarka degdeg ah la dhigo lagu xidho faleebo,lana huwiyo bustaha qaboojiya “oxygen cooling blanket” si uu xumada u jabiyo lana siiyo dawooyinka hyperthyroidism-ka lagu daweeyo,sidoo kalena marka danbe waa in iodine la siiyo si ay hoos ugu dhigto soo daynta hoormoonnada,dhanka wadnahana waa in Beta-blockers la siiyo se hadduu bukaanku xiiqda (asthma) qabo lama siin karo ama xanuunnada kale neef qabatinka keena .

Adigoo mahadsan la wadaag (share) bulshada inteeda kale si ay uga faaidaystaan casharkaas bulsho u faaidaynta,ilana soco(follow) haddaad u aragto inay tahay inaad bogan ku taxnaato si aad cilmi korodhsi uga hesho .
.

Drmawliid 

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad