WADNAHA(HEART)

 Casharka 1aad.


WADNAHA(HEART)


Wadnuhu waa xubin muruqeed, moqor(god) ku leh gudaha, waana xoogga wada dhiigga. Wadnuhu wuxu ku yaalaa bartamaha saablayda, sambabada dhexdooda, wadnuhu wuxuu leeyahay qaabka toobinka, taas oo salka wareegsan ee wadnuhu u jeedo xagga sare, wuxuna u janjeedhaa xagga midigta, caaraddiisuna waxay u jeedaa xagga hoose, waxayna u leexsan tahay bi- dixda. Caarada wadnuhu waxay ku beegan tahay bogga du- shiisa. Qofkasta wadnihiisu wuxuu leeyahay tantoomadiisa, wad- naha dhererkiisu waa 1.25 sm, ballarkiisuna 8.75 sm, dhumuc- diisuna 6.25 sm. Wadnaha culayskiisu waa 250 gms.


DHISKA GUUD EE WADNAHA.


Wadnaha waxa laba isle'eg u qaybiya qodob muruqeed, ka bilaabma salka kuna dhammaada caaraddiisa. Labada qay- bood waxa la kala yiraahdaa dhinaca midigta ee wadnaha iyo dhinaca bidixda ee wadnaha. Xiriir toosani kama dhexeeyo labada qaybood ee wadnaha.

Labada dhinac ee wadnuhu wuxuu dhinac waliba u sii qayb samaa laba qol. Labada qol ee sare ee wadnaha waxa la yiraahdaa dhegyaroyaal(ventricles),labada qol ee ku yaala caarada wadnaha waxa la yiraahdaa caloolyaroyaal. Caloolyarayaashu way ka weyn yihiin dhegyaroyaasha. Afarta qol ee wadnaha waxa la kale yiraahdaa :


1. Dhegyarada midigta iyo tan bidixda.


2. Caloolyarada midigta iyo ta bidixda( Right atrium and Right ventricel).

Sidaa darteed dhegyaro kasta waxa hoostaala caloolyaro ay isku dhinac yihiin, waxana ka dhexeeya xiriir toosan, waa- yo waxa u dhexeeya dalool la yiraahdo hibaaq( Atrioventricular node ).

Dhegyarada midigta waxa soo gala aroorayaal godeedka sare iyo ka hoose. Calooyarada midigta waxa ka taga halbow- le sambabeedka. Dhegayarada bidixdana waxa soo gala afar aroore sambabeed. Caloolyarada bidixda waxa ka baxa garka, oo ah halbowlaha ugu weyn jirka.


1. Aroore gadoodka sare 

2. Laamaha halbowle sambabeed- ka midigta ee taga sambabka midigta 

3. Laamaha aroore sambabeedka ka yimaada sambabka midigta.

 4. Dhegyarta midigta 

5. Caloolyarta midigta

 6. Aroore godeedka

7. Garka dhaadha ciisa hoose

 8 Caloolyarta bidixda

 9. Qodob

 10. Laamaha aroore sambabeedka bidixda ee ka yimaada sambabka bidixda 11. Laamaha halbowle sambabeedka bidixda 

12. Qaansada Garka.


SHAQADA WADNAHA


Wadnuhu waa buufiyaha awoodda siiya dhiigga in uu ku wareego dhiigga gudihiisa. Runtii wadnuhu waa laba buufiye oo kala geddisan. Docda bidixdu waa buufiyaha dhiigga saafiga ah ama ogsijiinta leh geeyana dhammaan nudaha jirka, laakiin docda midigtu waa buufiyaha dhiigga aan saafiga ahayn ama ögsijiinta aan lahayn geeya sambabada, si dhiigga saafi looga soo dhigo. Dhiigga ogsijiinta aan lahayn ee ka yimaada dhammaan qaybaha jirku wuxu ugu danbeyn ku soo shubmaa labada aroorayaal ee weyn, oo ah aroorayaal godeedka sare iyo ka hoose, waxayna dhiigga ku shubaan dhagyara- ada midigta. Marka ay buuxsanto dhegyarada midigtu way isu-ururisaa, si dhiiggu ugu dhaafo caloolyarada midigta. Marka ay buuxsanto  dhegyarada midigtu way is-ururisaa, si dhiigga u dhaafo calool yarada midigta, marka caloolyarada  midigta is ururisana dhiigga waxa uu maraa halbowle sambabeedka,  ee dib uguma soo noqdo dhegyarada midigta,  waayo  haniyaha u dhexeeya labada  ayaa xira daloolka u dhexeeya labada qol.



 Halbowle sambabeedku wuxu u qaybsamaa laba laamood, oo ah halbowlayaal sambabeedka midigta iyo kan bidixda, waxayna dhiigga u qaadaan sambabada si dhiigga uga soo qaado ogsijiin, una bixiyo kaarboon laba ogsaydh.Dhiigga ogsijiinta sida ee sambabadu wuxu iskugu yimaadaa afar aroore sambabeed, oo keena dhiigga dhegyarada bi dixda. Dhegyarada bidixdu way isu-ururisaa si dhiiggu ugu dhaafo caloolyarada bidixda. Marka caloolyarada bidixdu buuxsanto way isu-ururisaa si dhiigga u maro garka, kaas oo dhiigga wada gaarsiiyana dhammaan qaybaha jirka.Marka caloolyarada bidixdu isu-ururiso, dhiigga kuma noqdo dhegyarada bidixda waayo haniye ayaa xira daloolka u dhexeeya labada qol. Haniyaha u dhexeeya dhagyarada midigta iyo caloolyarada midigta waxa la yiraahdaa haniye-saddex faraarle(metrial valve), haniyaha u dhexeeya dhegyarada bidixda iyo caloolyarada bidixda waxa la yiraahdaa haniye faraale.


La soco qeybta labaad.


W/D: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad