Casharka 10aad

 Casharka 10aad


Hoos u dhaca caddaadiska dhiigga.(hypotension).


Hoos u dhaca dhiigg waa   cadaadiska dhiiggu  uu hoos u dhaco, sida caadiga ah qofka caafimaadka qaba  cadaadiska dhiigga qaybta sare waa in ay noqotaa 120 millimeters of mercury (mm Hg).

 Qaybta hoosana waxa laga rabaa 80 millimeters of mercury (mm Hg).

Waa marka caddaadiska dhiigga uu ka yaraado inta loogu talagalay{normal}. Marka uu ka hoos maro 90/60 ayaa la odhan karaa caddaadiska dhiigga hoose ayaa yar.


Waxa loo qeybiyaa dhowr nooc.


1: orthostatic hypotention:  waa xaalad si dagdag qofka dhiiggiisa hoos u dhigeysa caddaadiska goorta isagoo fadhiya uu damco inuu istaago ama marka uu jiifsado{ lying down}. Waxaana sababa  fuuq-bax,  waqti dheer oo sariirta lagu jiifo,  uurka, iyo xaalado caafimaad  iyo dawooyinka qaarkooda. Marxaladini waxay ku badan dadka duqowda ah.


2: postprandial hypotention: xaaladdani waxay dhacdaa qofka marka uu cunno kaddib ½ saacadood kaddib. Waxay u badan tahay saameynteeda dadka da’aada ah, gaar ahaan kuwa qaba dhiikarka sara u kaca leh{ high blood pressure} ama dadka qaba cudurada la xidhiidha dareen wadka sida laleemadda{ parkison disease}.


3: neutrally mediated hypotention:  waxay imaneysaa xaaladda qofka oo taagnaada muddo aad u dheer.  Waa nooc kamid ah hoos u dhaca caddaaadiska dhiigga oo saameeya dadka waa wayn iyo carruurta. Waxa keena isku qasan ka dhasha xidhiidhka ka dhexeeya wadnaha iyo maskaxda. 


4: multiple system atrophy with orthostatic hypotention: sidoo kale waxa loo yaqaan shy-Drager syndrome, marxaladani waa dhif badanaa lama arko, waxa uu saameeya habdhiska dareen-wadaha, kaasoo maamula shaqooyinka aan la maamuli karin sida caddaadiska dhiigga, garaaca wadnaha,  neefsashada, dheefshiidka.  Waxay la xidhiidhaa  lahaanshaha dhiigkarka.


Maxaa keenna.


Cadaadiska dhiigga waxa lagu go’aamiyaa xaddiga dhiig ee wadnaha  uu tuuro, iyo xaddiga dhiig ku qulqula halbowlayaasha.  Cabbirka cadaaadiska dhiigga waxa lagu qiyaasaa{ mm Hg} waxa uu leeyahay:


1: marka cadaadiska tuujismo{ systolic pressure}:  waa tirada  koowaad{ sarre} ee caddaadiska xiddidada dhiiga marka uu wadnaha garaacmo.


2: hakad wadneed{ diastolic pressure} waa tirada labaad{ hoose]  waa caddaadiska halbowlayaasha marka wadnuhu ku jiro nasiino inta  u dhexeysa garacaa.( Heart beat).


Xaaladaha keenni kara caddaadiska dhiigga oo hoos u dhaca waxa kamid ah.


1:Uurka. Isbeddellada xilliga uurka waxay sababaan in xididdada dhiigga ay si degdeg ah u ballaartaan. Isbeddellada ayaa keeni kara in cadaadiska dhiigga uu hoos u dhaco. Cadaadiska dhiigga oo hooseeya waa wax caadi ah 24ka toddobaad ee ugu horreeya uurka. Tani waa caadi, cadaadiska dhiigga wuxuu caadiyan uu ku soo noqdaa heerka uurka kahor kaddib markii ay dhasho hooyadu.


2:Xaaladdaha la soo darsa haniyaha wadnaha(  Heart valve disorders). 

In qofka si dagdag wadnaha looga qabto,  in wadnaha  fashilmo, cuddurada ku dhaca Haniyaha wadnaha,  in si xad-dhaaf ah u hooseeyo garaaca wadnaha(  bradycardia)  waxa keenna caddaadiska dhiigga oo hoos u dhaca.


3:Cuddurada xidhiidhka la leh ciriqa (endocrine disorders).


Waxay saameeyaan parathyriod iyo adrenal gland,  sida cudurka addison disease,  waxay keeneysaa in cadaadiska dhiigga hoos u dhaco.  Sokorta dhiigga iyadana hoos u dhacda( hypoglycemia) mararka qaar  xanuunka macaanka waxa uu hoos u dhigayaa caddaadiska dhiigga.


4:Fuuq-bax.


Haddii aanu jirka haysan biyo ku fillan  waxa hoos u dhacaya cadadka dhiigga jirka u baahan yahay.  Marxaladdani waxay keeneysaa  in cadaadiska dhiigga uu hoos u dhaco.   Waxa kaloo keeni kara  qandhada,  mataga,  shuban daran,   in xaddi badan uu ka isticmaalo dawooyinka kaadi badiyaasha,  jimicsi xoog leh oo horseedi kara  fuuqbax.


5:Dhiig bax.  


Lumitaanka dhiig baaan,  kaasoo ka imaan kara dhaawac,  ama dhiig gudaha ku furma ( internal bleeding)  sidoo kale waxay yareneysaa  mugga dhiigga,   waxay keeneysa darnaansho cadaadiska dhiigga hoos u dhaca. 


6:Caabuqa dhiigga. 


Marka uu hambaabuqa(infection)  uu dhiigga raaco  waxa kuu horseedi karaa cadaadiska dhiigga hoos u dhigo waxa la yiraahdo in ay siyaado qatarta caabuqa dhiigga(  septic shock).


8:Cunto aan nafaqo lahayn.  

Haddii ay ku yartahay qofka Vatimine B12 iyo birta, foolaydka  ee jirka ka imanaya, haddii aanu ku fiilneyn unugyada dhiigga, in lagu arko dhiigyari (Anemia) waxay keeni kartaa in cadaadiska dhiigga uu hoos u dhaco.


Dawooyinka qaar ayaa keenna in cadaadiska dhiigga hoos u dhaca.


1; dawooyinka kaadi badiyaasha (diuretics), sida furosemide (Lasix) and hydrochlorothiazide (Microzide)


Alpha blockers, sida as prazosin (Minipress)


Beta blockers, sida atenolol (Tenormin) and propranolol (Inderal, Innopran XL, Hemangeol).


Dawooyinka  Parkinson's disease,  sida pramipexole (Mirapex) or those containing levodopa.


Qeyb ka mid ah dawooyina qulubka (antidepressants) (tricyclic antidepressants), including doxepin (Silenor) and imipramine (Tofranil)


Dawooyinka kacsiga loo isticmaalo, waxa ka mid ah sildenafil (Revatio, Viagra) or tadalafil (Adcirca, Alyq, Cialis), particularly when taken with the heart medication nitroglycerin (Nitrostat, Nitro-Dur, Nitromist)


Calaamadaha bukaanka lagu arkayo.

1:  aragga oo yaraada.

2: daal

3:dawaqaad.

4: wareer. 

5: lalabo iyo hunqaaco.

6: hurdo la’aan.

7: tabardarro.

8: miyir-beel.

9:isku dheellitirkabqofka ayaa yaraata.

10:Garaaca wadnaha hoos u dhaca.

11:  qofka gacmaha iyo calaacalaha oo qaboow noqda. 


Haddii uu daran yahay hoos u dhaca cadaadiska dhiigga waxay keeni kartaa in  uu yaraado oxygen-ka jirka heerkiisa,  taasina waxay horseedeysaa in wadnaha iyo maskaxda dhaawac soo gaaro.


Go'aan gaarid (Diagnosis)


In bukaanka loo sameeyo baritaanno, in la weydiiyo haddii ay jiraan dawooyin uu qaatay,  kaddib waxaad ka cabireysaa dhiigga.


Sheybaadka aad u dirsaneys.


In  dhiigga laga baaro, waxay kaa caawinaysaa sokorta dhiigga oo yar  ama sokorta dhiigga oo badan ama inay jirto  dhiigyaraan. Dhammaan waxay hoos u dhigi karaan  cadaadiska dhiigga.


Electrocardiogram.


Waxa lagu cabiraa kortantada wadnaha shaqadiisa. Waxay muhiim u tahay in la arko  garaaca wadnaha inuu dagdagayo ama inuu  tartiib yahay.


Daaweynta.


Cadaadiska dhiigga oo hooseeya (hypotension) oo aan lahayn astaamo ama calaamado fudud uma baahna  wax daweyn ah.Haddii caddaadiska dhiigga uu la socdo calamad waxa uu  u baahanayaa daaweyn.  Daaweyntaasi waxay ku xiran tahay waxa keenay.  Tusaale  haddii ay sababaan dawooyin hoos u dhiga dhiigga,  qofka waxa laga joojinayaa dawooyinkaas ama waa laga beddelayaa qofka ama xaddiga daawada ayaa loo yareynayaa ( low dose).Bukaanka waxa la siinayaa: faleenbooyin(infusions) cusba ah maadaama Sodiumtu ay kor usoo qaadeyso cadaadiska dhiigga.In biyo badan la siiyo. Biyaha badan waxay siyaadinayaa in mugga dhiiga soo kordho, waxay ka hortageysaa fuuqbaxa. Waxa la siinayaa dawooyinka dhiigga sare u soo qaadaya sida fludrocortisone, oo ah daawo qulqulka dhiigga sare u qaada.


Haddii aad isku aragto xaaladani la tasho dhaqtar.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad