Casharka 11aad
Casharka 11aad
Coronary artery disease?
Waa in uu cidhiidhi noqdo ama xidhmo halbowlaha quudsha wadnaha( coronary arteries) waxa ugu wacan in uu ka buuxsamo dux. Xidhankaasi ayaa go'aaminaya intee in la'eg ayaa gaadhi karta wadnaha dhiig. Xirranka uu xidhmo waa sida taraafik jaam baabuurta isku noqdaan cidhiidhi, ciriigaas ayaa ka dhallaneysa in gawaarida ay si tartiib ah u socdaan. Coronary artery waa sidaas oo kale ciriiga uu noqdo ayaa abuurmeysa in ay xinjidh ku sameysmato halbowlaha dhexdiisa. Xinjirtaas waa sida kala bare waddada dhexdeeda, Xiddidka ayay kala badheysaa, dhiigga sidaas ayuu ku joogsanayaa. Waxa adkaanaya in dhiig wadnaha uu gaadho, taasina waxay keeneysaa in qofka ku timaado wadne qabad(heart attack).
Coronary arteries waa xididada dhiigga gaarsiiya wadnaha waana laba
xidid oo midig iyo bidix ka jira wadnaha kuwaas oo kasoo baxa halbowlaha weyn ee ku yaala bartamaha jirka waxayna quudiyaan wadnaha qeybahiisa kala duwan sida xuubabka uu leeyahay wadnaha. Qeybta goddan ama xoodan ee halbowlaha kaasoo loo yaqaano qaanso gareed(aorta arch) wuxuu u qeybsamaa ilaa iyo seddex qeyb oo kala ah carotid
artery, subclavian artery iyo sidoo kale brachiocephalic trunk,dhammaantood waxay dhiig siiyaan qeybaha sare ee jirka sida madaxa, qoorta iyo gacmaha.
Carotid artery: waa halbowle mara labada dhinnac ee qoorta wuxuuna
dhiig siiyaa qeybaha sare ee jirka sida madaxa wuxuuna kasoo farcammaa qebyta xoodan ee halbowlaha kaasoo loo yaqaano qaanso gareed(aorta
arch).
Subclavian artery: waa laba xidid oo dhiigga gaarsiiya qoorta iyo
gacanta waxayna xiriir la leeyihiin gacanka halbowlaha weyn kaasoo loo
yaqaano brachiocephalic trunk.
Brachiocephalic trunk waa laammo ay kasoo farcamaan halbowlayaasha mara gacanta midig iyo halbowlaha mara dhanka sare ee qoorta.Halbowlayaasha mara dhanka midig ee gacanta waxaa kamid ah sida branchial artey, axilliary artery, radial artery iyo ulnar artery.
Branchial artey waa xidid weyn oo kasoo fidsama kilkisha islamarkaana ku wareegta unugyada gacanta oo idil.
Axilliary artery waa xidid halbowleedka mara kilkisha ama shakhfalaha kasoo dhiigga soo gaarsiiya kilkisha.
Radial artery waa xidid halbowleedka mara lafta gaaban ee gacanta taasoo u dhaxeeysa garabka iyo jalaqyada.Ulnar artery waa xidid halbowleedka mara lafta dheer ee gacanta taasoo u dhaxeeysa curcurka iyo xusulka. Qeybta loo yaqaanno descending aorta oo ah halbowlaha qebytiisa hoose wuxuu dhiigga gaarsiiya qeybaha hoose ee jirka sida ubucda caloosha oo ah jirka qeybta ka hooseesa xabadka ilaa iyo xudunta.Ubucda waxay ka kooban tahay unugyada caloosha,dheefshiidka, beerka, mindhicirka, keliyaha kaadi haysta sidoo kale dumarka waxaa u sii dheer ugxaan sidaha iyo ilma galeenka dhammaan xubnahaan waxaa dhiigga soo gaarsiiya halbowlaha loo yaqaanno halbowle ubuceed(abdominal arorta). Si guud waxa aynnu fahannay hannaanka coronary artery u quudsho wadnaha faracyada halka ka kala yimaadaan.
Sida uu ku sameysmo coronary artery disease.
Waxa jira labo hab oo waa wayn ku sameysmo.
1:Stable ischemic heart disease: waa xaalad muddo dheer jirta. In halbowlaha noqdo mid ciriirsan waxay qaadataa sannado badan, waqti badan wadnaha dhiigga uu helayo waa mid yar. Qofka waxa uu dareemayaa calaamado, laakiin qofka waa uu noolaan karaa xaaladani. Ciriirsankaas waxa uu qofka la noolaanayaa muddo sannado ah, waxay gaadheysaa heer markaasi xiddidka xidhmo.
2:Acute coronary syndrome: Tani waa mid dag dag ah qofka u baahanayo in la dhigo gargaarka dagdaga ah. Xirranka dagdaga halbowlaha ayaa dilaacaya ama sameysmaya xinjir taasoo xireysa qulqulka dhiigga wadnaha. Xirmidaasi ayaa keeneysa wadna qabad dagdag ah. Xaaladani qofka waxa ku waayi karaa naftiisa( dhimasho).
Maxaa keenna.
Awdanka halbowlaha(Atherosclerosis) waa marka ay xiddidada hawlbawlayaasha ah ee dhiigga qaada ay adkaadaan, qul-qulka dhiigguna uu yaraado, sababtoo ah waxa marinkii dhiigga ku urura walxo (plaque).
Halbowlayaashu waxa ay masuul ka yihiin in ay qaadaan nafaqada (nutrients) iyo ogsijiinta si ay u gaadhsiiyaan dhammaan qaybaha jidhka.Haddii mid ka mid ahi daciifo waa halbawlayaasha e, waxaa ku urura macdanaha ay ka midka yihiin calcium, cholestrol iyo Fats, kuwaas oo sameeya walxo (plaque).Ururka ay walxuhu ku ururaan xiddidada waxa ay joojiyaan ama culays ku keenaan hab-socodkii dhiigga ee uu dhex marayay halbowlayaasha.Walxuhu waxa ay ku samaysmi karaan qaybaha kala duwan ee halbowlayaasha sida kuwa, Kelyaha, Lugaha ama Wadnaha.Saamaynta ay walxahaa dhiigga joojiyay ay ku yeeshaan caafimaadka waa in oxygen-tii ay hoos u dhacdo kuna yaraato qaybo badan oo jidhka ka mid ah.Walxuhu waxa ay sababaan in ay xinjiro samaysmaan (blood clot).Haddii aan wakhti hore wax laga qaban waxa ay sababi karaan wadno istaag, faalig ama wadno qabad.
Xaaladani waxa ay ku badantahay dadka waawayn.
Calaamadaha
Stable angina: waa calaamada ugu caansan, waa mid ku meel gaar ah qofka waxa uu dareemayaa laab xanuun ama in uu nafis ka dareemi waayo xabbadka. Qofka waxa uu isku arkaa marka uu shaqo qabanayo ama sameynayo dhaqdhaaq jireed ama xaalad kacsanaan marka uu galo. Waxa uu nafis dareemayaa marka uu nasto, ama uu qaato dawada nitroglycerin taasoo balaadhisa xiddidka.
2: Neefta qofka ku adkaata. Kaasoo awooddi waayo inuu neefsado.
3: Qofka oo daala. Taasina waxa ugu wacan wadnaha aan dhiig ku filan buufineyn.
4: Wadna qabad: taasoo keeneysa in si dhammeystiran uu u xidhmo halbowlaha quudinaya wadnaha. Waxay keeneysaa wadna qabad. Waxa lagu arkayo iyo midda uu bukaanka sheeganayo wadna qabad waxa kamid ah: laabta oo cadaadis ka fuula, xanuunka garabka ama cudduda. Neef yari, iyo dhiddid, qoor xanuun, lallabo.
๐๐๐๐ค๐ ๐ฎ ๐ง๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฅ ๐ฑ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ง.
๐. Dad qoyska ka mid ah oo leh wadno xanuun.Haddii wadno xanuun ku dhaco Aabbe ama walaal inta aanu gaadhin da’da 55jir, dadka kalee qoyskuna waxa ay halis ugu jiraan in iyagana sidoo kale ay ku timaado xaaladan.
Sidoo kale waxa aad halis ugu jirtaa xaaladan, haddii hooyo ama walaashaa ay la kulanto wadno xanuun ama wadno istaag inta ka horaysa da’da 65jir.
Inkastoo da’da qofku iyo dhacdo ku dhacday qoyskaba ay tahay mid kuu nuglaynaysa xaaladan haddana lama xaqiijin oo hubaal ma aha in adigana xaaladani ku haleeli doonto.
๐. Jimicsi la’aanta
Joogtaynta jimicsigu waa caafimaadka wadnaha. Jimicsigu waxa uu joogteeyaa oo uu xoojiyaa muruqyada wadnaha iyo qul-qulka dhiigga ee xiddidada.
Ka fogow fadhiga badan, waxa uu kugu keeni karaa caafimaad darrooyin badan sida wadno xanuun.
๐. Buurnida xad dhaafka ah.
Buurnida xad-dhaafka ahi waxa ay khatar ku tahay caafimaadkaaga waxa ay kuu horseedi kartaa in baruurta badani ay joojiso qul-qulkii dhiigga taasina ay sababto xinjirow ku samaysma qaybo ka mid halbowlayaasha dhiigga.
๐ .Macaanka (diabetes)
Haddii sonkortu ku badantahay dhiigga, jidhkuna aanu soo saarayn insulin ku filan waxa aad khatar ugu jirtaa xanuunka ku dhaca xididada halbowlayaasha ee wadnaha (coronary artery disease)
๐. Cabista sigaarka
Cabista sigaarka ama tubaakadu waxa ay wax-yeeshaa wadnaha sidoo kalena waxa ay sababtaa in xiddidada dhiiggu ay daciifaan ama qaro-yaraadaan. Sidoo kalena waxa ay kor uqaadaa heer cadaadiska dhiigga iyo cholestrol-ka ku jira jidhka. Cabista sigaarku waxay kaloo yaraystaa oxygen-ta uu jidhku helayo.
๐. Alcohol ama maandooriyaha
Maandooriyuhu waxa uu sababaa in ay muruqyada wadnuhu ay daciifaan taasi oo sahlaysa in xiddidada halbowlayaasha ee dhiigga ku samaysmaan walxo (plaque)
๐. Isku buuq (stress)
Cadhada iyo isku buuqu waxa ay keenaan xaalado wadno qabad ah (heart attack).
Baadhitaan
1:Electrocardiogram (ECG or EKG). waa qalab lagu baadho wadnaha. Waxa uu inna tusayaa sida wadnaha u dagdagayo ama gaabinayo garaciisa. Taas ayaa lagu go'aaminayaa haddii jiro wadna qabad.
2:Echocardiogram. hubintani waxa loo siticmaala hirar codeed lagu abuurayo humaaga garaaca wadnaha. Waxa uu hubiyaa shaqada wadnaha iyo muuqaalkiisa. Sidoo kale qalabkani waxa uu inna tusayaa sida uu dhiigga u dhaqaaqayo haniyayaasha wadnaha. Qeybta wadnaha dhaqaaqa dhiigga haddii uu hooseeyo waxay noqon kartaa mid bilaa ogsijiin ama wadna qabad.
3:Heart (cardiac) CT scan. waxa uu innoo muujinayaa qalabkani haddii kaalsiyaamta ka buuxsantay iyo in ay xidhay halbowlaha wadnaha. Haddii ay ka buuxsanto kaalsiyaamta waxay keeneysaa in halbowlaha cidhiidhi noqdo.
4:Cardiac catheterization: waa tubbo markaa la galsho halbowlaha si markaa loogu qiimeeyo ama loogu xaqiijiyo coronary artery disease. Hubbintani waa habka ugu wanaagsan go'aanka looga gaadhi karo coronary artery disease.
5:Exercise stress test: waxa lagu hubbiyaa sida wadnaha uga falcelinayo marka uu qofka aad u shaqeeyo. Waxa lagu ogaanayaa haddii ay jirto culaab laabta( angina) iyo haddii uu xiddhan yahay halbowlaha wadnaha.
Daaweynta
1:beta-blockers. Daawooyinkani waxay yareeyaan garaaca wadnaha waxayna hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay yareeyaan calaamadaha wadne-fashilanka waxayna caawiyaan wadnuhu inuu si fiican u shaqeeyo. Tusaale waxaa ka mid ah carvedilol (Coreg), metoprolol iyo bisoprolol
2:angiotensin-converting enzyme (ACE).
Dawooyinka waxay kala bixiyaan xiddidada dhiigga si ay hoos ugu dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay hagaajiyaan isku socodka dhiigga oo aynna yareeyaan cadaadiska wadnaha.
Tusaalooyinka waxaa ka mid ah enalapril (Vasotec, Epaned), lisinopril (Zestril, Qbrelis) iyo captopril.
3:Cholesterol drugs. waxay innaga caawinayaan kolostoroolka xun, waxay innaga yareynayaa inuu ka buuxsamo dux xiddidka halbowlaha. Waxa kamid ah statins, niacin, fibrates.
4:Aspirin. waxa uu innaga caawinayaa in dhiigga aanu noqon mid xinjiroowa. Waxa lagu taliyaa in qofka uu qaato xaddi yar( low dose) 75mg. Waana waxa ugu horeeya looga hortago wadna qabadka.
5:Nitroglycerin. daawadani waxay balaadhineysaa halbowlaha waxay xakameyneysaa laab xanuunka.
6:Ranolazine. daawadani waxay qofka ka caawineysaa xabbad xanuunka.Daawadan waxaa inta badan lala isticmaalaa dawooyin kale (tusaale, ACE inhibitors, angiotensin reseptor blockers, calcium channel blockers, beta-blockers, nitrates, antiplatelet, ama daawooyinka dufanka hoos u dhiga).
7:Percutaneous coronary intervention (PCI): xalka ugu dambeeya in bukaanka qaliin loo sameeyo. Kaasoo la galinayo caag ay ku jirto hawo(balloon) xiddidka xidhan, si markaasi loogu ballaadhiyo, qulqulka dhiigga uu u saxmo. Waxay sahlaysaa markaasi in xiddidka furmo.
Tixraaca:mayo clinic. American Cardiology buugga Shaqada iyo habdhiska jirka( Anatomy and physiology).
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment