Casharka 12aad
Casharka 12aad
Dilated cardiomyopathy
Waxa uu dhacaa marka wadnaha qeybta wayn dhiigga buufisadhegyraha biddix(left ventricle) uu noqdo mid weynaada. Waa xaalad daran. Waxa uu saameyaa meelo badan oo wadnaha kamid ah. Waa xanuunnada saameeya murqaha wadnaha.
Dhagyaraha bidix( left ventricle)waxa uu noqonayaa mid weynaada, nudahana waxa uu noqdaa mid dhuuban, taasi waxay sababeysaa in awoodda buufiska uu yaraado. Waxayna keeneysaa in wadnaha uu hawl gabo( heart failure). Waxyaabaha yareyn kara inuu yaraado kogitaanka muruqa wadnaha waxa kicinaya( activation) hannaan loo yaqaan frank starling mechanism ( waxa lagu ogaadaa sida wadnaha falcelin uga bixiyo isbeddelka ku imanaya dhiigga xiddidka ku soo laabanaya, waxa uu isku nidaamshaa caddadka dhiigga daqiiqada uu buufinayo).
Waxa siyaada awoodda kala bixitaanka muruqa wadnaha( increase end-dystolic volume) waxa dhaceysa inuu adkaato iyo inuu kala baxo dhagyaraha ( dalition ventricle) waxa yaraanaya kogitaanka( construction) muruqa, waxa dhaceya in uu hawlgab ku yimaado tuujiska( systolic dysfunction) waxaana yaraanaya xaddiga dhiig ee uu buufinayo dhagyaraha bidix, waxay keeneysaa in wadnaha uu shaqo gabo. Yaraanshaha dhagyaraha bidix waxa ugu wacan waa kala bixitaanka iyada horseed u noqoneysaa in ay shaqo gabto qeybta bidix wadnaha.
Maxaa Keena?
1:Waxyaabaha keenna sida saxda lama yaqaanno( idiopathic).
2: Waxa yaabaha ugu badan keenna waa coxsackievirus B.
3: Chagas disease sidoo kale loo yaqaan
American trypanosomiasis: waa caabuq kuleylaha ka dhasha waxa uu ku gudbaa guurguurashada, cuntooyinka wasaqeysan .
4:Xanuunada difaaca isweerarka.
5:Carqalad ka dhallata uurka kaddib.
6:Xanuunka ku dhaca xiddidka quudiya wadnaha.( coronary artery disease).
7: Macaanka( diabetic).
8: Waxyaaba sunta ah sida qamriga, daawoyinka sharci darada, dawooyinka qaar lagu daweeyo kaankarada(cancer).
9: Wadna qabad( heart attack).
10:cadaadiska dhiigga oo sareeya.
11:Xanuunnada tayroodhka.
12: cabuuqa fayriska sida cagaarshowga iyo aydhiska.
13:Cayilka ( obesity).
14: Korontada wadnaha carqalad ku timaada( problems arrhythmias).
15:birta oo ku badata wadnaha ama xubna kale.
Calaamadaha.
1:Xabbad xanuun.
2:Daal.
3: Neefta oo yaraata( dysnpea).
4: Bararka lugaha, xaglaha iyo cagaha.
5:Garaaca wadnaha siyaada.
6:Qofka oo awooddi waayo inuu jimicsi sameeyo.
Baadhitaan.
1:Raajada xabbadka(Chest x-ray) waxaan ku arkeynaa haddii wadnaha uu weynaaday ama haniyaasha wadnaha( Chambers) ama haddii ay sambabada ay dheecaan ku jiraan(pleural effusion).
2: Kombuyuutarka wadnaha (ECG) waxaa lagu ogaanayaa korontada wadnaha shaqadeeda. Waxa kaloo lagu ogaanayaa garaaca wadnaha haddii uu yahay mid dagdagaya ama tartiib ah. In lagu ogaado dhakhsashada wadnaha aan caadi ahayn( atrial fibrillation)
3:echocardiogram sawira humaageed( ultrasound) lagu hubiyo qaabdhiska wadnaha iyo shaqadiisa. Si markaa loogu ogaado in ay weynaadeen qolalka wadnaha ama inuu yaraaday
4:angiogram:Raajo humaageed lagu ogaado xiranka halbowlaha iyo xiddidada.
5: In wadnaha laga qaado cad( biopsy). Si loo baaro waxa keenay.
6:Cardiac catheterization: waxa loo isticmalaa haddii uu jiro xanuunka ku dhaca xiddidka quudsha wadnaha( coronary artery disease) waxa ugu wacan naafanimada ku timaada dhagyaraha shaqadiisa(impairment venticular fucntion)
7: Hubsashada dhiigga( Blood test).
Hubsasho kala duwan oo dhiig ayaa la sameynayaa si markaa loo hubiyo haddii caabuq jiro, waxyaabo kale sida macaanka, ama kororka birta (hemochromatosis) taasoo keeneyso dilated cardiomyopathy.
8: Hubsasho dhaxal ahaan iyadana la baaro, haddii uu jiro dhaxal qoyseed ( genetic test)
Daaweyn.
Waxa lagu daaweynayaa dhowr daawo.
1:Angiotensin-converting enzyme (ACE) inhibitors: waxay yareynayaan garaaca saa'idka wadnaha iyo cadaadiska dhiigga. Waxa kamid ah:Benazepril (Lotensin),Captopril,Enalapril.
2:Anti-arrhythmia medications: inay xakameeyaan dhakhsashada iyo garaaca wadnaha. Waxa kamid ah Amiodarone.
3:Beta blockers: Inay yareeyaan dhakhsashada iyo awoodda wadnaha
kogitaanka( force Contraction). Waxa kamid ah:bisoprolol (Cardicor, Emcor)
carvedilol, metoprolol
4: Blood thinners: waxay ka hortagayaan xinjirowga dhiigga. Waxa ka mid ah edoxaban (Lixiana) rivaroxaban (Xarelto)
warfarin.
5: Diuretics: waxay hoos u dhigayaan biyaha iyo cusbada jirka uu ceshanayo. Waxa ka mid
ah:eplerenone,spironolactone,amiloride
6: nitroglycerin: waxay yareeneysaa kogitaanka muruqa, waxay balaarineysaa xiddidka( vasodalition).
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment