Casharka 13aad
Casharka 13aad
Hypertrophic cardiomyopathy (HCM)?
Waa xanuun saameya muruqyada wadnaha, waa xaalad ay ku bada yihiin da'aada yaryar kaasoo ku keeneysa dhimasho dagdag ah,waxa adkaanaya muruqyada wadnaha gaar ahaan dhegyarayaasha(ventricles) ama qololka hoose ee wadnaha.
1:Dhagyadraha biddix inuu adkaado.
2: Hani-laba faraale(Mitral valve) inuu isbeddelo.
3:Unugyada inuu isbeddel ku yimaado
1:Inay adkaadaan muruqyada wadnaha gaar ahaan dhegyarayaasha(ventricles) ama qololka hoose ee wadnaha.
Waxa uu badana ka dhacaa qoqobaha( septum). Qobobaha waa muruq darbiyeed kala qeybsha qeybta biddix iyo midig ee wadnaha. Waxa adkaanaya qoqobaha u dhexeeya qololka hoose ee wadnaha. Adkaanshaha qoqobka waxa uu sababayaa in uu ciriiri noqdo ama yaraado qulqulka dhiigga ka imanaya dhagyraha beddix ilaa gar wadneedka( aorta) waxa loo yaqaana xirmasho marineed. Dhegyarayaasha waxay buufinayaan dhiigga si adag, si markaasi ugu guuleystaan xidhanka ama ciriiriga jira, si markaasi dhiigga u baxo.
Sido kale waxa keeni kara adkaanshaha qeybo kamid ah muruqa wadnaha, sida figta wadnaha( apex heart), dhagyraha midig ama dhagyraha bidix. Noocani waxa yaraanaya cadadka dhiigga ee dhagyraha.
2:Dhagyaraha biddix inuu adkaado.
Waxay dhacdaa marka uu isbeddel ku yimaado unugga, waxa dhacaya inay adkaadaan muruqyada wadnaha. Dhagyaraha bidix ma awooddayo inuu kala baxo sida caadiga ah ama uu dhiig soo galo. Maadaama uu yaryahay dhiigga dhammaadka soo galaya, waxa yaraanaya ogsijiinta si markaasi loogu buufiyo dhiigga xubnaha kale iyo muruqyada. Adkaanshaha dhagyaraha bidix waxa uu keenayaa inuu siyaadiyo cadaadiska gudaha wadnaha waxay keeneysaa calaamado sida.
1:Xabbad xanuun.
2: Neefsashada oo adkaata.
3: Dawaqaad.
4:Garaaca wadnaha dagdaga.
3:Hani-laba faraale(Mitral valve) inuu isbeddelo.
Marka dhagyaraha biddix socodkiisa uu noqdo mid ciriiri ah, hani laba faraalaha si qumman uma shaqeynayo. Waxay keeneysaa xirranka socodka iyo siyaaditaanka cadaadiska dhagyaraha bidix. Xirranka natiijadiisa hani laba faraalaha waxa garaacmaya qoqobaalaha( septum). Marka ay dhacdo hani laba faraalaha marar badan dhacda dilaac, waxay keeneysaa dhiigga in uu dib ugu noqdo dhagyarka bidix( left atrium).
4:Unugyada inuu isbeddel ku yimaado.( changes in the cells of the heart muscle)
Waxa lagu fiirinayaa weyneeye unugyada muruqa wadnaha waxa la fiirrinayaa haddii ay yihiin kuwa caadi ama aan caadi ahayn. Halkii laga rabbay in ay ahaadaan kuwa nidaamsan. Isku qasanka waxa uu keenayaa isbeddel koronteed ku yimaada qolalka hoose ee wadnaha taasoo keeneysa nooc aan wanaagsaneyn korontada wadnaha loo yaqaan
ventricular arrhythmia.
Maxaa keenna?
1:Hidde; haddii ay qabaan waalidka xanuunkan hypertrophic cardiomyopathy waxay u gudbin karaan carruurtooda. Macnaheeda waxa Jira hidda qaldan kaasoo sida dhambaalka muruqa wadnaha( hiddaha muruqa wadnaha) . Isbeddelka hiddaha waxa uu keenayaa in ay adkaadaan murqaha Dadka qaar ee qaba hiddahan qaldan hypertrophic cardiomyopathy ayaa laga yabaa in aanu ka soo muuqan wax calaamad ah.
Hypertrophic cardiomyopathy waxa uu saameynayaa darbiyada muruqa(septum) inta u dhexeysa dhegyarayaasha wadnaha( Heart ventricles) adkaanshaha darbiga waxa uu xidhayaa qulqulka dhiigga wadnaha(obstructive hypertrophic cardiomyopathy).Haddii aysan jirin xannibaad weyn oo socodka dhiigga ah, xaaladda waxaa loo yaqaan '(nonobestructive hypertrophic cardiomyopathy'). Si kastaba ha ahatee qeybta ugu wayn dhiigga buufisa dhegyraha bidix(left ventricle) waxa ay noqoneysaa mid adkaata. Tani waxay adkeyneysaa in wadnaha uu is dabciyo waxay hoos u dhiigeysaa xaddiga dhiigga soo galaya dhagyarta si markaasi jirka loo gaarsiiyo gaaraac kasta uu sameeyo wadnaha.
Wax kaloo keeni kara isbeddel ku yimaada borotiinnada(mutation affect proteins – B myosin heavy chain (B-MHC), cardiac troponins, and myosin-binding protein C.) waxa ka dhallaneysa in qalqal ku yimaado muruqa wadnaha.
2:Waxaa kale oo keenna cadaadiska dhiigga oo sareeya..
3:Waxa keenna Da'da .
4:Mararka qaarna lama yaqaanno waxa keenay hypertrophic cardiomyopathy.
Caalamadaha.
1:Xabbad xanuun: badanaa waxay dhacdaa marka qofka sameeyo jimicsi ama shaqo, laakiin waxa laga yabaa inay dhacdo xilliga nasiinnada ama cunnada kaddib.
2:Neefta oo adkaata. Iyo daal, gaar aahaan qofka marka uu sameynayo jimicsi. Waxa siyaada caadiska dhagyarka bidix( left artium) iyo sambabada .
3:Dhiigyarida maskaxda(sycope) korontada wadnaha aan caadi ahayn( abnormal heart rhythms) wax jawaab kama bixinayo xiddidda dhiigga inta lagu gudda jiro jimicsiga waxay keeni kartaa suuxdin.
4:Garaaca wadnaha oo dagdaga.
5:Garaaca wadnaha oo aan caadi ahayn) arrhythmias) sida haddii ay jirto atrial fibrillation
6:In la maqlo cod xilliga garaaca wadnaha( Heart murmur).
7:Barar adimaha hoose ee jrika ama xiddidka qoorta barara.
Maxaa carqalad ka dhallankara(complications)?
1:Atrial fibrillation. adkaanshaha muruqa iyo isbeddelka qaabdhiska unugyada wadnaha waxay sababeysaa isbeddel ku yimaada hab-danabeedka(electrical systems) wadnaha, waxa ka dhalleneysa in garaaca wadnaha uu aad u dagdago. Sidoo kale waxay siyaadin kartaa qatarka ay ku siyaadin karto xinjirowga dhiigga, taasoo u gudbi karta maskaxa ama keeni karta istaroog.
2:Blocked blood flow. dad badan, adkaanshaha muruqa wadnaha waxa uu xidhayaa qulqulka dhiigga ka baxaya wadnaha taasi waxay keeneysaa neef qabatin uu la socdo sameyta jimicsiga, laab xanuun, wareer.
3:Mitral valve disease. Haddii uu adkaado muruqa wadnaha waxa xidhmaya qulqulka dhiigga ka baxaya wadnaha, haniyaha( valve) u dhexeeya dheg yarka bidix( lefta atrium) iyo dhegyaraha bidix ( left ventricle) ma u xidh mayo si qumman hani laba faraalaha( matrial valve). Waxa ka dhallaneysa in dhiigga uu marrin sameysto uu dib ugu soo laabto dhegyarta bidix( left atrium).
4:Heart failure. Kagnaanta muruqa wadnaha uu noqdo mid adag , wadnaha waxa uu awooddi waayayaa in dhiigga uu buufin waayo dhiig ku filan.
Baadhitaanka.
Echocardiogram. Waxa lagu hubbiyaa hircodeedma si markaasi loo arko murqaha wadnaha inay yihiin kuwa adag. Sidoo kale waxa uu innoo muu jinayaa sida u wanaagsan yihiin qolalka wadnaha iyo haniyaha siday dhiigga u buufinayaa ama haddii aysan buufineyn dhiigga.
ECG: dhegyraha bidix waxa uu noqonayaa mid weynaado ( left atrial enlarged). ECG waxa uu inna tusayaa garaaca wadnaha aan qummaneyn( irregular heart rhythms) caalamadaha adkaanshaha wadnaha.
Hubin dhaxaleed(Genetic testing): waxa uu innaga caawinayaa in aan ogaanno haddii uu jiro isbeddel hidda dhaxaleed( Gene mutation).
Cardiac catheterization; waxa la isticmaalayaa haddii laga shakiyo xanuunka ku dhaca xiddidka wadnaha ama uu xidhan yahay.
Daaweynta
1:Beta-blockers waxay hoos innooga dhigeysaa garaaca wadnaha, awoodda kogitaanka uu sameynayo wadnaha(force Contraction) dawooyinka waxa kamid ah metoprolol, propranolol, atenolol.
2:Calcium channel blockers: dawooyinka waxa kanid verapamil iyo diltiazam.
3:Waxa la siinayaa dawooyinka lidka ku ah korontada wadnaha(Anti-arrhythmia drugs) waxay muhiim u yihiin in in aysan dhicin korantada wadnaha aan hablaneyn( atrial fibrillation) dawooyinka waxa ka mid ah amiodarone iyo disopyramide. Bukaanka waxa laga fogeynayaa dawooyinka la isku yiraahdo digitalis sababta looga fogeynayo waxay siyaadinayaa awoodda kogitaanka( force Contraction).
4:In la siiyo dawooyinka ka hortaga xinjirowga dhiigga, haddii qofkaasi uu leeyahay korantada saa'idka dagdageysa aan hablaneyn( atrial fibrillation) haddii ay xaaladi jirto qofka waxay ku keeneysaa dhimasho dagdag ah.(Blood thinners ) waxa kamid ah,warfarin,dabigatran,apixaban,
5:Ugu dambeyn waxa loo sameynayaa qaliin(
septal myectomy)
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment