Casharka 14aad
Casharka 14aad
Istaaga wadnaha (heart attack)?
Wadnaha wuxuu istaagaa marka ay mid ama dhowr ka mid ah dhuumaha dhiigga nadiifka ah siiya muruqa wadnaha ay xirmaan, taas oo sababeysa in muruqa wadnaha uu waayo hawada oksijiinka ah.
Marka uu wadnaha heliwaaya oksijiin ku filan, waxaa bilaabaneysa inay dhintaan unugyada muruqa wadnaha.
Wadnaha oo istaaga wuxuu ka mid yahay cudurrada ay rag iyo haween badan u dhintaan, sannad walba hal milyan ayuu wadnaha istaaga , boqolkiiba 50 oo dadkaas ka mid ah ayaa dhinta waxayna ku dhintaan hal saac gudaheeda marka ay isku arkaan calaamadaha wadna xanuunka ka hor inta aan isbitaal la geynin.Istaaga wadnaha waa xaalad deg deg ah ee ha yareysanin.
Baro calaamadaha lagu garto istaaga wadnaha (heart attack).
Waa maxay calaamadaha lagu garto istaaga wadnaha (heart attack)?
Qofka wadnaha ka xanuunsan waxaa dhici karta inuu isku arka mid ama dhowr ka mid ah calaamadaha soo socda:
Feeraha oo aad u xanuuna qofka ama uu culeys dareemo. Culeyska ama xanuunka waxaa laga dareema labada naas dhexdooda. Xanuunka wuxuu qofka hayaa dhowr daqiiqo, xanuunka marna wuu tagaa haddana wuu soo noqdaa. Wuxuu qofka dareemaa culeys, tuujin iyo xanuun.
Wuxuu qofka xanuun sahlan ka dareemi karaa qaarka kore ee jirka sida labada gacmood, dhabarka, qoorta, garka ama caloosha.
Waxaa kaloo dhici karta inay neefta qofka ku dhegto iyada oo ay jirto ama aysan jirin feero xanuun.
Calaamadaha kale: Waxaa ka mid ah dhidid qabow , labolabo iyo madax wareer.
Muxuu qofka sameen karaa haddii uu isku arko calaamadaha wadno istaaga (heart attack)?
Istaaga wadnaha waa xaalad deg deg ah. Waxaad u baahantahay inaad gaariga ambulaaska ah si degndeg ah ugu qaadatid isbitaalka. In ay takhaatiirka kaa badbaadiyaan xaaladaan khatarta ah waxay ku xirantahay hadba sida ugu dhaqsaha badan ee isbitaalka laguu geeyo.
Waxay takhaatiirka joojin karaan dhaawaca gaaray wadnaha waxayna ka hortegikaraan dhibaatooyinka halista ah ee laxiriira garaaca wadnaha, kuwa wadnaha shaqadiisa oo dhan qalda iyo dhimasho ka timaada istaaga wadnaha. Haddii la furo dhuunta xirantay, waxaa lagoo celinkaraa wareega dhiigga waxaana laga hortegikaraa dhibaato halis ah oo wadnaha ku harta. XASUUNOW INAAD SI DHAQSO AH ISBITAALKA U AADID.Waxaa wax aad loogu riyaaqo ah in ay jiraan habab heer sare ah oo wax loogu qabankaro qofka uu wadnaha istaago. Hasayeshee wax qabadkaas waxay natiijadeeda fiicantahay marka qofka uu wadnaha istaagay loo fidiyo daryeelka uu u bahanyahay isla marka uu qofka dareemo calamadaha wadno istaaga (heart attack) . Waxaa muhiim ah inaan baranno waxyaabaha sababa inuu wadnaha istaago.
1:STEMI (ST-elevation myocardial infarction): wadna istaagga waa marka uu wadda xidhmo halbowlaha quudsha wadnaha gabigiisaba.
2NSTEMI (Non-ST-elevation myocardial infarction): wadna istaagani waa marka uu ciriiri noqdo halbowlaha quudsha wadnaha taasoo keeneysaa inuu yaraado dhiigga, ma ahan mid gabi ahaanba xidhmay xiddidka.
3:Xiddidka quudsha wadnaha cidhiidhi noqda. In noqoda ciriir aad u daran xiddidka dhiigga. Guud ahaan halbowlaha waxa uu yeelan karaa dufan ama inuu adkaado xiddidka taasoo ugu wacan sigaarka ama waxyaabo kale u nugleyn kara.
4:Spontaneous coronary artery dissection (SCAD). Waa xaalad keeni karta qatar ah waxay sababeysaa in uu dilaaco halbowlaha wadnaha.
Waxaan u qaybineynaa waxyaahaba kale labo qaybood.
Qaybta 1aad: Waxyaabaha qofka uusan waxba ka qabankarin sida:
Da’da : 5ta qof ee uu ku dhoco wadno xanuun 4ka mid ah ayey da’dooda ka weyntahay 65 sanno jir.
Jinsiga: Xanuunnada wadnaha ku dhaca waxay u badan yihiin ragga marka la barbardhigo haweenka. Ragga waxaa dhici karta inuu wadno xanuun qaado ka hor inta uusan gaarin 65 sanno jir. Guud ahaan, ragga ayaa boqolkiiba 60% ka badan dumarka innay u dhinta wadno xanuun.
Dhalashadaada/Qoladaada: Wadna xanuunka waa sababta kowaad ee loo dhinto Mareykanka. Boqolkiiba 30 (30%) dadka madow ayuu u badanyahay marka la barbardhigo dadka caddaanka ah. Wadna xanuunka wuxuu ku yaryahay dadka Mareykanka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda India (Cali beesteenka), Aasiya iyo Mareykanka Laatinaha ah.
Taariikhda Qoyskaaga: Dhowr cilmibaaris ayaa tusaleeyey in khatarta uu qofka ugu jiro inuu qaado wadno xanuun kor ayey u kacdaa marka qoyskaaga dad ka mid ah ay wadna xanuun qabaan.
Qaybta 2aad: Waxyaabaha qofka uu waxba ka qabankaro si uu oga nabadgalo wadno xanuunka sida:
Dhiigga oo Subag Badan Xambaarsan (Kolestarool): Marka uu subaga dhiigga ku jira uu kor u koco wuxuu sababaa inay xirmaan dhuumaha dhiigga qaada taas oo keeni karta inuu qofka wadnaha istaago.
Dhiig kar: Dadka qaba dhiig karka waxay khatar ugu jiraan inay qadaan wadno xanuun.
Cabitaanka Sigaarka: Cabitaanka sigaarka wuxuu labalaaba ama seddexlabaaba khatarka uu qofka sigaarka cabba ugu jiro inuu u dhinto wadno xanuun. Waxa u dhinta wadno xanuun sannadkiiba dad ka badan 35,000 oo aan iyaga sigaar cabbin lakiinse si dadban ugu neefsada hawo qiiqa sigaarka xambaarsan. Taas waxay dhacdaa marka qofka sigaarka lagu ag cabbo. Ka fogow meelaha sigaarka lagu cabbo.
Dhaqdhaqaaq La’aan/Fadhi Badan: Fadhiga badan ama dhaqdhaqaaq la’aanta waxay kor u qadaa khatarta inuu qofka qaado wadno xanuun. Khatarta dhaqdhaqaaq la’aanta ka imankarta waxay ka badan tahay 1.5 ilaa iyo 2.4 goor tan ka imankarta kolestoroolka, dhiig karka iyo sigaarka.
Cayilka : Cilmibaaris badan ayaa caddeysay in qofka cayilan uu khatar ugu jiro inuu qaado wadno xanuun.
Sokorowga: Qofka qaba cudurka sokorowga khatarta inuu qaado wadno xanuun waa ay sareysaa. Marka la barbar dhigo qofka aan sokor qabin, 2 ila 4 laab ayuu sareeya kan sokorta qaba.
Side baad isaga ilaalinkartaa wadno xanuunka iyo wadno istaaga (heart attack)? Samee arrimaha soo socda:
1. Sannadkiiba mar aad sameyso baritaan guud si waqti hore loo ogaado haddii ay jiraan wax xanuuno ah. Marka xanuunka la ogaado waqti hore waxaa sahlanaata daweyntiisa. Haddii aad tahay qof qaba sokorow, dhiig kar ama kolestrool, weydiiso takhtarkaada inuu kugu sameeyo baritaanka wadnaha ee la yiraahdo EKG si loo ogaado haddii aad qabtid wadno xanuun kugu cusub.
2. Cabbitaanka sigaarka jooji haddii aad cabto ama ha bilaawin sigaar cabbid. Qoskaadana ha u ogolaanin in sigaar lagu ag cabbo. Kan sigaarka cabba iyo kan lagu ag cabbo labaduba khatar ayeey ugu jiraan inay qadaan wadno xanuun iyo cuduro badan sida kansarka.
3. Iska ilaali inaad cayisho, cun cunooyinka nafaqada leh ee aan lagu cayilin sida kaluunka, digaaga, khudaarta iyo furuutiska. Dheregta badan iska ilaahi. Cun cunno kugu filan iyo biyo badan. Haddii aad u bahantahay faahfaahin dheraadka ah, la xiriir takhtarkaada.
4. Ugu yaraan 30 daqiiqo maliintii 5 jeer usbuucii samee jimicsi sida socod, dabaal, orod iwm. Jimicsiga jirkaaga oo dhan ayuu u fiicanyahay gaar ahaan wadnaha wuxuuna kaa ilaaliyaa cayilka.
5. Haddii lagaa helo cudurada halista ah ee sababi kara inuu wadnaha istaago ( sokorow, dhiig kar ama kolestroolka) u qaado dawooyinka laguu qoro sidii uu takhtarka kugula taliyey. Cuduradaan lagama bogsado laakiinse wuxuu qofka ahaankaraa sida qof aan cudur qabin marka uu dawooyinkiisa u qaato sidii loogu talagalay.
Baadhitaan
1:Electrocardiogram (ECG or EKG). waa qalab lagu baadho wadnaha. Waxa uu inna tusayaa sida wadnaha u dagdagayo ama gaabinayo garaciisa. Taas ayaa lagu go'aaminayaa haddii jiro wadna qabad.
2:Echocardiogram. hubintani waxa loo siticmaala hirar codeed lagu abuurayo humaaga garaaca wadnaha. Waxa uu hubiyaa shaqada wadnaha iyo muuqaalkiisa. Sidoo kale qalabkani waxa uu inna tusayaa sida uu dhiigga u dhaqaaqayo haniyayaasha wadnaha. Qeybta wadnaha dhaqaaqa dhiigga haddii uu hooseeyo waxay noqon kartaa mid bilaa ogsijiin ama wadna qabad.
3:Heart (cardiac) CT scan. waxa uu innoo muujinayaa qalabkani haddii kaalsiyaamta ka buuxsantay iyo in ay xidhay halbowlaha wadnaha. Haddii ay ka buuxsanto kaalsiyaamta waxay keeneysaa in halbowlaha cidhiidhi noqdo.
4:Cardiac catheterization: waa tubbo markaa la galsho halbowlaha si markaa loogu qiimeeyo ama loogu xaqiijiyo coronary artery disease. Hubbintani waa habka ugu wanaagsan go'aanka looga gaadhi karo coronary artery disease.
Daaweynta
1:Aspirin. waxa hoos u dhigayaa xinjirowga dhiigga. Waxa uu innaga caawinayaa in dhiigga socodkiisa uu wanaagsanaado.
2:Nitroglycerin. daawadani waxay ballaareysaa xiddidka dhiigga. Waxay sare u qaadeysaa qulqulka dhiigga wadnaha. Daawadani waxa lagu daweynayaa laab xanuunka dagdaga ah( angina).
3:Morphine. Daawadani waxa la sii qofka xabbadka xanuunka saa'idka haddii aysan daawadani wax tari kari weysay nitroglycerin.
4:Beta-blockers waxay hoos innooga dhigeysaa garaaca wadnaha, awoodda kogitaanka uu sameynayo wadnaha(force Contraction) dawooyinka waxa kamid ah metoprolol, propranolol, atenolol.
5:Calcium channel blockers: waxat hoos u dhigayaan cadaadiska dhiigga, waxay yareneysaa qalqalka wadnaha. dawooyinka waxa kanid verapamil iyo diltiazam.
6:Xalka ugu dambeyn ee bukaanka waxaa loo sameynayaa qaliin(Coronary angioplasty and stenting,Coronary artery bypass grafting (CABG).
W/D: Indha_caad
Comments
Post a Comment