Casharka 15aad
Casharka 15aad
Myocardial ischemia.....
Myocardial ischemia waxay dhacdaa marka qulqulka dhiigga wadnaha uu yaraado, taasoo ka hortagaysa muruqa wadnaha inay helaan ogsijiin ku filan. Socodka dhiigga oo yaraada badanaa waa natiijada qayb ama gabi ahaanba xidhmaya xididdada wadnahaha (coronary arteries). Taasoo ay ugu wacan tahay isku darka ciriirsanka xiddidka, iyo xirinka xiddidka, hawlgab ku timaada indhosiiliyimka( endothelial dysfunction) waxa dhaceysa in xiddidka si aan habbooneyn u ceejismo( vasoconistriction), waxay keeneysaa isku dheellitir la'aanta ku imaneysa muruqa( wadnaha) hawada iyo dhiigga u baahan yahay. Waxay yareeneysaa awoodda muruqa wadnaha, si uu markaasi dhiigga u buufiyo. Si lama filaan ah ama xiritaan daran inuu ku yimaado mid kamid ah halbawlaha wadnaha waxay keeni kartaa wadna qabad.
Myocardial ischemia waxay kaloo keeni kartaa inay is beddesho korontada wadnaha. Haddii xiddidada noqdaan kuwa xirma waxa ay qaldayaan in wadnaha dhiigga ku yaraado taasoo keeni karta in wadnaha dhinto, sababtaasi waxay ku iman kartaa in wadnaha xiddidka quudsha uu xiro xinjir taasina ay keeneyso in dhiigga la helayo uu yaraado. Waxa imaneysa in xiddidka dhiigga qalqal ku dhaco, qalqalkasi waxa ku xidhan yahay heerka uu ciriiri ka jiro xiddidka wadnaha.
Waxyaabaha keeni kara in dhiigga wadnaha uu waayo waxa kamid ah: in hoos u dhaco dhiigga uu heli lahaa taaso sababeysa in cadaadiska dhiigga hoos u dhaco(hypotension). Wax kale keeni kara in ay aad u hooseyso dhiigga ogsiijiinka ku jira, waxa ugu wacan in dhiigga uu yaraado(anemia), waxa kaloo keeni kara in dhiig ku furma uur ku jirta taasoo keeneysa wadnaha dhiigga uu helayo hoos u dhaco.Inuu ballaaran yahay dilaaca ama ciriiriga heerka xiddidka taasina hoos ayay u dhigeysaa, inuu dhiig ku filan heli waayo uuna yaraado dhex roorka, ama inuu ka jiro iska caabin xooggan.Xaddiga kala bixitaanka oo yaraada, iska caabin gadaaleedka xiddidka(taaso yar awooddeeda qulquleed). Waxyaabaha u nugleyn kara.
Angina pectoris: qofka oo dareema xabbadka dareen aan habbooneyn(xanuun) aagga u dhow taasoo keeneysa wadnaha aan dhiig ku filan helin.
Stable angina: waa xaalad muddo jirta oo qofka xanuuneysa laabta marna imaneysa marna tageysa, waxa ka kicinaya qofka oo shaqo qabta, socod sameeya, ama xaalad dareen isku qasan uu galo, qofka waxa uu nafis dareemayaa daqiiqado yar uu nasto, waa xaalad ku meel gaar ah, laakiin ma aha mid dhaawac joogta ah soo gaaraya muruqa wadnaha.
Variant angina: waa xaalad qofka aanu dareemeyn nafis( Chest pain), badanaa waxay dhacdaa qofka oo nasiinno ku jira, qofka waxa xirmaya xiddidka quudsha wadnaha, waxa siyaadaya baahida wadnaha u qabo dhiig iyo ogsijiin.
Unstable angina: waxa siyaada xaaladda uu qofka xabadka ka dareemayo xanuun ama culaab xitaa xilliga nasiinnada, waxa siyaadaya in muruqa wadnaha uu dhinto haddii aan la daweyn.
Caalamadaha lagu arkayo qofka.
1:Qoorta ama daanka oo xanuuna qofka.
2:Garabka ama cududada oo xanuunta.
3:Wadna garaac dagdag ah.
4:Neefta oo yaraata marka qofka jirkiisu ka shaqeysiinaya.
5:Lallabo iyo matag.
6:Dhiddid
7:Daal.
Maxaa keena.
Myocardial ischemia waxa uu dhacaa marka xiddidka wadnaha quudinaya uu yaraado qulqulka dhiigga uu keenayo ama xidhmo. Socodka dhiigga oo yaradaada waxa uu hoos u dhigayaa ogsijiinta uu heli lahaa muruqa wadnaha. Myocardial ischemia waxay u dhacdaa si tartiib tartiib ah inuu u xirmo xiddidka halbowlayaasha. Ama waxay u dhici kartaa si dhaqsi ah inay xirmaan halwbowlayaasha. Xaaladaha kale ee keeni kara waxa kamid ah.
1: xanuunka ku dhaca xiddid quudiyaha wadnaha. Badanaa dilaaca waxa keenna inay xeydh ka buuxsanto darbiyada hawlbowlaha, sidaasi uu cidhiidhi ku noqdo qulqulka dhiigga. Badanaa waxa keenna xaaladini inuu adkaado xiddidka( arteriosclerosis).
2: dhiig xinjirow. Waxa uu keeni karaa in xiddidka adkaado, taasina ay horseedo inuu dilaaco. Xinjirowga marka uu xidho halbowlaha waxa uu si dagdag u keeni karaa inay dhacdo dhiig yaraansho( ischemia) waxa ka dhallaneysa wadna qabad. Aad ayay u yartahay in xinjirta ay safarto oo ay meel kale gaadho jirka.
3:Xiddid quudiya wadneedka inuu ceejismo. Adkaanshaha ku meel gaara ah waxay hoos u dhiigi kartaa awoodda halbowlaha waxay ka hortageysaa qulqulka dhiigga qeybaha muruqa wadnaha. Xiddid quudiya wadneedka inuu ceejismo waa mid aan shaacsaneyn( uncommon).
4: inuu sameysto xiddid xire.
Haddii jirku ku bato kolostiroolka ama waxyaabo kale waxay sameynayaan kuus ku soo uruuraya darbiyada halbowlaha. Kuuska waxa uu keenayaa inuu xiddidka isku ciriirsamo ama uu xirmo. Tani waxay hoos u dhigeysaa qulqulka dhiigga.
Maxaa u nugleyn kara qofka.
1: sigaarka ama tubaakada caba.
2: qofka qaba macaanka noocyadii kala ah midka koowaad iyo midka labaad.
3: dadka qaba cadaadiska dhiigga( hypertension).
4: dadka ay ku badan tahay kalistoorka dhiigooda.
5:dadka cayilan.
6: jimicsi la'aanta.
Baadhitaan.
1:Qalabka korontada wadnaha ee loo yaqaano "ECG" waxa lagu ogaanayaa sida uu wadnaha dhaqsanayo ama uu hoos ugu dhacay garaaca wadnaha.
2:Qalabka kumbuyuutarka wadnaha ee loo yaqaano "ECHO" cod hirareed lagu ogaanayo garaaca wadnaha. Waxay inna tuseysaa cabbirka iyo qaabdhiska wadnaha iyo haniyaha wadnaha, qulqulka dhiigga.
3: Raajada waa lagu ogaan karaa inuu wadnaha bararan yahay iyo in sambabada biyo ku jiraan.
4:Ejection fraction. Waxa lagu cabbiraa inta dhiig ka baxda wadnaha waqti kasta. Waxa uu innagu hagayaa gabnowga wadnaha( Heart Failure) iyo daweyntiisa.
5:In wadnaha cad laga qaado( cardiac biopsy).
6:Heart (cardiac) CT scan. waxa uu innoo muujinayaa qalabkani haddii kaalsiyaamta ka buuxsantay iyo in ay xidhay halbowlaha wadnaha. Haddii ay ka buuxsanto kaalsiyaamta waxay keeneysaa in halbowlaha cidhiidhi noqdo.
7:Cardiac catheterization: waa tubbo markaa la galsho halbowlaha si markaa loogu qiimeeyo ama loogu xaqiijiyo coronary artery disease. Hubbintani waa habka ugu wanaagsan go'aanka looga gaadhi karo coronary artery disease.
8:Exercise stress test: waxa lagu hubbiyaa sida wadnaha uga falcelinayo marka uu qofka aad u shaqeeyo. Waxa lagu ogaanayaa haddii ay jirto culaab laabta( angina) iyo haddii uu xiddhan yahay halbowlaha wadnaha.
Daaweynta.
1:Aspirin. waxa uu hoos u dhigayaa sameysanka xinjirta. Waxa uu ka hortag u yahay inuu xidhmo xiddid quudiyaha wadnaha. Laakiin qofka waa inuu dhaqtarka u sheegaa haddii uu qabo xanuunada dhiigga ku dhaca.
2:Nitrates: waxay sameyneysaa inay xiddid quudiyaha ay kala bixiso ay siiso nafis.
3:Beta blockers. daawadani waxay ka caawineysaa qofka muruqa wadnaha dabacsanaan inuu galo, garaaca wadnaha uu noqdo mid tartiib ah, waxay hoos u dhigeysaa cadaadiska dhiigga.
4:Calcium channel blockers. waxay keentaa dabacsanaan iyo inuu ballaarto qulqulka dhiigga, ama ay siyaadiso socodka dhiigga wadnaha. Sidoo kale waxay yareyaaa garaaca wadnaha iyo waxay yareysaa inuu wadnaha si xawli ah u garaacmo.
5:Cholesterol-lowering medications. Qofka in la siiyo dawooyinka hoos u dhiga kolistiroolka.
6:Angiotensin-converting enzyme (ACE).
Dawooyinka waxay kala bixiyaan xiddidada dhiigga si ay hoos ugu dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay hagaajiyaan isku socodka dhiigga oo aynna yareeyaan cadaadiska wadnaha.
Tusaalooyinka waxaa ka mid ah enalapril (Vasotec, Epaned), lisinopril (Zestril, Qbrelis) iyo captopril.
7:Ranolazine. daawadani waxay qofka ka caawineysaa xabbad xanuunka.Daawadan waxaa inta badan lala isticmaalaa dawooyin kale (tusaale, ACE inhibitors, angiotensin reseptor blockers, calcium channel blockers, beta-blockers, nitrates, antiplatelet, ama daawooyinka dufanka hoos u dhiga).
8:Percutaneous coronary intervention (PCI): xalka ugu dambeeya in bukaanka qaliin loo sameeyo. Kaasoo la galinayo caag ay ku jirto hawo(balloon) xiddidka xidhan, si markaasi loogu ballaadhiyo, qulqulka dhiigga uu u saxmo. Waxay sahlaysaa markaasi in xiddidka furmo.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment