Casharka 3aad

 Casharka 3aad


HANIYE-BILEEDKA GARKA


Haniye-bileedka garku wuxu ka kooban yahay saddex ba- laq oo leh qaabka bisha oo ku yaala salka garka. Marka ca- loolyarta bidixdu isu-ururiso, dhiiggu wuxu raacaa garka, laa kiin dib uguma soo noqdo caloolyarta, waayo haniyebileedka garka ayaa ooda daloolka u dhexeeya garka iyo calooyarta bidixda.


1. Gar 

2. Aroorayaal sambabeed 

3. Dhegyarta bidixda 

4. Haniye bileedka Garka 

5, Haniye-laba faraarle.

 6. Calool- yarta bidixda 

7. Caloolyarta midigta

 8. Haniye-saddex faraarle 

9. Haniye-bileedka sambabka

 10. Dhegyarta midigta. 

11. Aroore godeedka hoose.

 12. Aroore godeedita sare

 13. Halbowle sambabeedka.


HANIYEBILEEDKA SAMBABKA


Dhiska iyo falka haniye-bileedka sambabku wuxu u dhigmaa dhiska iyo falka haniye bileedka garka, laakiin wuxu ku yaalaa afka halbowle sambabeedka. Marka caloolyarta midigtu isu-ururiso, dhiiggu wuxu maraa halbowie sambabеedka, laakiin dib uguma soo noqdo caloolyarta, waayo haniye bileed ka sambabka ayaa ooda daloolka u dhexeeya halbowle sambabeedka iyo caloolyarta midigta.


XIDIDDADA DHIIGGA EE WADNAHA


Nudaha wadnaha waxa dhiigga u keena halbowle weyn ee la yiraahdo halbowle cimmameed oo ka baxa salka gaara, hoos- na mara gidaarka wadnaha. Halbowle cimmameedku wuxu isu duubaa salka wadnaha. Halbowlahaas waxa ka farcama laamo ku baaha gudaha gidaarka wadnaha.Kaabilaariyadana waxa dhiigga ka soo ururiya aroore qur ah, oo la yiraahdo aroore cimmaameed, Aroore cimmaameedku wuxu dhiigga toos ugu shubaa dalool gaar ah oo ku yaala dheg. yarta midigta, waxana ilaaliya daloolka haniye la yiraahdo ha- niye cimmaameed oo marka dhegyarta midigtu isu-ururiso u diida dhiigga in uu dib u galo aroore cimmaameedka.


JUGLAYNTA WADNAHA


Sida caadiga ah, wadnaha qofka qaangaarkaahi wuxu is garaaca halkii mirirba toddobaatan iyo laba ilaa siddeetan goor, haseyeeshee waxa kordhiya dhakhsaha isgaraaca wadnaha, jimicsiga iyo argagaxa. Isu-ururista iyo hakadka wadnaha waxa ka dha- sha isgaraaca wadnaha oo meerto ah. Marka ugu horreeya waxa isla mar keliya isu-ururisa labada dhegyar, si dhiigga ku jiraa u galo labada caloolyar, kaddib labada caloolyaro ayaa isu-ururi- ya si dhiiggu u galo halbowlayaasha, isla markaas dhegyaroyaa- shu, sidaa darteed wadnuhu wuxu helaa nasasho aad u yar. Muddada nasashadu waxay le'eg tahay muddada caloolyarta iyo

dhegyartu isu-ururiyaan.


 Sidaa darteed muddada juglaynta wadnuhu kala bar waa inta ay is-ururiyaan qolalka wadnuhu, kala barka kalana waa intaa ay nasashada ku jiraan. Isu ururiska qolka waxa la yiraahdaa tuujis kala bixiddana, hakadwadneed. Marka wadnuhu dhakhso isku garaaco waxa yaraata muddada nasashada. Wadnuhu si deg-deg ah ayuu u daalaa haddii ay dheeraato muddada isgaraacu. Wadnuhu wuxu nastaa mar- ka ay buuxsamayaan qolalkiisu. Haddii ay dheeraato mudda da nasashadu waxa hoos u dhaca wareegga dhiigga,waayo dhiig yar ayaa soo gala qolka. Isgaraaca wadnuhu waa mid iswada.


Lasoco qeybta xigta.


W/D: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad