Casharka 4aad

 Casharka 4aad


Muruqa wadnuhu wuxuu awood u leeyahay inuu isu-ururiyo, kalana baxo ilaa inta dhiiggu ku wareegaayo dhexiidsa. Wadnaha waxa yimaada dareenwadayaal badan, waxayna xukumaan dhakhsaha isgaraaca, laakiin ma abuuraan isgaraaca.


Waxa yimaada wadnaha laba qaybood oo dareenwadayaal ah :-


1. Dareen wadayaal faagos oo hoos u dhiga dhakhsaha wad- naha, isla markaana yareeya xoogga isgaraaca.


2. Dareen wadayaal naxariiseed, oo dedejiya, kordhiyana Xoogga isgaraaca. Waxa la maqlaa shanqad haddii dhegta ama boodmitar la dul dhigo laabta, meesha ku toosan wadnaha, waxaana ugu wacan isgaraaca wadnaha. Jabaqda caadiga ahi waa lub...... dub, u ku xigo joojis, waxana ugu wacan dhaqdhaqaaqa ay sameeyaan haniyayaasha.


Dhakhsaha isgaraaca wadnuhu wuxuu isla beddelaa :-


1. Nasashada iyo jimicsiga, waayo jimicsigu wuxu kordhiyaa dhakhsaha isgaraaca, nasashaduna hoos ayey u dhigtaa.


2. Da'da, dhakhsaha isgaraacu aad ayuu u kordhaa ama u badan yahay, marka la yaryahay, laakiin dhakhsaha isgaraacu wuu yaraadaa marka u weynaado qofku.


3. Jinsiga, dhakhsaha isgaraaca ee wadnaha jinsiga dhiddig ayaa ka badan ka labka.


4: Baaxadda,  waxa kordha dhakhsaha isgaraaca wadnaha  marka xayawaanka baxaadiisa weynaato. 


XIDIDDADA DHIIGGA


Xididdada dhiiggu waa dhuumo dalool oo ku baahsan dhammaan jirka gudihiisa. Dhiigga kama baxo xididdada haddii aanu dhaawac gaarin.


Xididdada dhiiggu waxay u kala baxaan saddex nooc :-


1. Halbowleyaal


2. Arooreyaal


3. Kaabilaariyo


HALBOWLAYAASHA


Halbowlayaashu waa xididdada dhiigga ka qaada wadnaha, geeyana nudaha jirka. Dhammaan hal bowlayaashu waxay qaadaan dhiigga ogsijiinta leh, halbowlayaal sambabeedka mooyaane, oo sida dhiig aan ogsijiin lahayn, geeyana sambaba- da si loogu soo daro ogsijiin. Garku waa halbowlaha ugu weyn ee jirka, wuxuuna ka baxaa wadnaha.Garku wuxu leeyayay laamo yar-yar oo halbowleyaal ah oo taga qay baxa halbowlayaal aad iyo aad u yar-yar oo la yiraahdo bowleyaroyaal Halbowleyarayaashuna waxay kaabilaariyo.


Gidaarka halbowlayaashu aad ayuu u adag yahay si uu u xammilo xoogga dhiiggu ku dhex maro.


AROOREYAASHA


Arooreyaashu waa xididdada dhiigga ka soo celiya nudaha, keenana wadnaha. Gidaarka aroorayaashu waa khafiif, waa yo dhiigga dhex maraa malaha xoog badan.Dhammaan aroorayaashu waxay qaadaan dhiigga aan ogsijlinta lahayn, waxan ahayn aroorayaal sambabeedka, oo dhiigga ka soo celiya sambabada. Kaabilaariyadu way isu tagaan si ay u sameeyaan arooreyaal yar-yar oo la yiraahdo aroo- reyaroyaal,


Arooreyaroyaashani waxay ku darsamaan aroore kale oo yar-yar, si ay u sameeyaan arooreyaal aad u weyn, kuwaas oo ugu dambayntii isu yimaada si ay u sameeyaan labada aroore ee ugu weyn jirka. Labada aroore waxa la yiraahdaa aroore yaal godeedka sare iyo kan hoose. Labadan aroore waxay dhiigga keenaan dhegyarta midigta ee wadnaha.


La soco qeyba 5aad.


W/D: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad