Casharka 5aad
Casharka 5aad
KAABILAARIYADA
Kaabilaariyadu waa xididdada dhiigga ee ugu yar-yar, waxaana lagu arki karaa weyneeyahay oo qura. Kaabilaariyadu waxay isku xiraan halbowleyarayaasha iyo arooreyarayaasha. Kaabilaariyada waxa dhiigga keena halbowleyar yaasha, waxayna isu dhaafiyaan arooreyaroyaasha.Gidaarrada kaabilariyadu waxay leeyihiin daloolo badan. Daloolada waxa ka liiga cuntada, ogsijiinta iyo biyaha la socda dhiigga, si ay u tagaan unugyada nudaha. Kaarboon laba ogsaydh iyo biyaha ku jira nuduhu waxay dib uga soo dusaan daloolada si ay u soo galaan durdurka dhiigga, sidaa darteed, kaabilaariyadu way ka duwan yihiin labada xidid ee kale, waayo halbow'eyaroyaashu waxay dhiigga geeyaan nudaha waxana ka sooceliya arooreeyaasha. Halbowleyaroyaasha iyo arooreyaashu waxay leeyihiin kaabilaariyo nafaqeeya gidaarradooda, waayo dhiigga mara labadan xidid ma siiyo nafaqo gidaarrada halbowleyaasha iyo arooreyaasha haddii aanay jirin kaabilaariya. Kaabilaariyadu waxay nafaqada geeyaan dhammaan nudaha jirka waxaan ahayn dubka sare ama maqaar dibadeedka, kaasoo nafaqada ka hela xididdad dhiigga ee dubka.
BOODBOODKA
Marka garku fido ama debco waxa abuurma hir dhex mara, dhammaan halbowleyaasha laastiiga ah ee waaweyn, wuxuna keenaa boodboodka. Boodboodku ma aha hir dhiig oo dhexma ra halbowleyaasha, ee waa hir keliya oo dulmara dhiigga.
Dhammaan halbowleyaasha waaweyni way boodboodaan, hase yeeshee waxa aad loo dareemaa boodboodka, halbowlayaasha dul mara lafaha u dhow maqaarka hoostiisa.Haddii la qiyaaso boodboodka waxa la garan karaa abuurka iyo inta wadnuhu jugleeyo, waayo juglaynta wadnaha ayaa keenta boodboodka. Boodboodku wuxu isla beddelaa isgaraaca wadnaha.
WAREEGGA DHIIGGA
Dhiiggu si joogta ah ayuu ugu wareegaa dhammaan xi- diddada dhiigga gudahooda. Marka u wanaagsan yahay caafi- maadka jirku, dhiiggu kama baxo xididdada ilaa dhaawac gaaro.Dhiigga ogsijiinta lihi wuxu ka baxaa dhinaca bidixda ee wadnaha, waxana qaada halbowleyaasha si ay u geeyaan nudaha jirka. Daloolada kaabilaariyada waxa ka baxa cuntada, ogsijlinta iyo biyaha, waxayna tagaan unugyada nudaha, mar- ka dhiiggu gaaro kaabilaariyada nudaha.
Kaabilaariyadu waxay unugyada ka soo qaadaan qashin, si- daa darteed, midabka dhiiggu wuu isbeddelaa, wuxuna noqdaa guduud casuus badan, waayo waxa ka baxay qayb ka mid ah ogstintii ku jirtay sidaa darteed dhiigga ka yimaada nudaha waxa la yiraahdaa dhiigga aan saafiga ahayn ama lahayn ogsijiin.
Dhiigga aan lahayn ogsijiinta waxa dib u soo qaada aroo- reyaasha, waxayna keenaan dhinaca midigta ee wadnaha. Dhiiggu isla markaa wuxu u dhaafaa sambabada si uu u soo qaado ogsijiin. Dhiigga ogsijiinta leh ee ka soo noqda sambabada wuxu yimaadaa dhinaca bidixda ee wadnaha, si markale dib loogu qaybiyo jirka.
La soco qeybta xigta.
W/D: Indha_caad
Comments
Post a Comment