Casharka 6aad
Casharka 6aad
Wareeggu dhiigga wuxu u qaybsamaa afar (4) qaybood :-
1. Wareeg guud.
2. Wareeg sambabeed
3. Wareeg albaabeed
4. Wareeg wadneed
WAREEGGA GUUD
Wareegga guud waa habka dhiigga ogsijiinta leh loo geeyo nudaha ka aan ogsijiinta lahayna loogu soo celiyo wadnaha.
Garku wuxu ka tagaa caloolyarta bidixda ee wadnaha, wuxuna u kala baxaa laamo dhiig oo gaara dhammaan xubnnaha(oorgannada) jirka, waxana dhiigga ka soo celiya jirka arooreyaasha. Marka u dambaysa dhammaan arooreyaashu way isu yimaadaan waxayna sameeyaan aroore godeedka sare iyo kan hoose. Labadan aroore waxay dhiigga ku soo celiyaan dheg- yarta midigta ee wadnaha.
WAREEG SAMBABEED
Wareeg sambabeedku waa habka dhiigga aan ogsijiinta lahayn ee ka taga caloolyarta midigta si loo geeyo samba bada, dhiigga ogsijiinta lehna loogu soo celiyo dhegyarta bidixda ee wadnaha. Halbowleyaal sambabeedka midigta iyo ka bidixdu waxay qaadaan dhiigga aan lahayn ogsijiinta, waxayna geeyaan sambabada. Halbowleyaroyaashuna way sii qaybsamaan si ay u sameeyaan kaabilaariyo.
Dhiiggu wuxu noqdaa saafi marka uu dhex maro kaabilaariyada sambabada, waayo wuxu soo qaataa ogsijiin, wuxuna bi- xiyaa kaarboon laba ogsaydh. Dhiigga ogsijiinta leh waxa sambabada ka soo qaada afar aroore sambabeed., waxayna keenaan dhegyarta bidixda ee wadnaha.
WAREEG ALBAABEED
Wareeg albaabeedku waa laan ka mid ah wareegga guud, waxayna qaadaa dhiigga sida cuntada ee aan ogsijiinta la- hayn kana yimaada oorgannada ubucda.
Dhiigga caloosha, mindhicirka, beeryarada iyo gacana( baankirisku) waxay isugu yimaadaan aroore weyn oo la yiraahdo aroore albaabeedka, oo taga beerka, halkaas oo uu abuuro qayb la baad oo kaabilaariyo ah. Cuntada dheeraadka ah ee aan - ku u baahnayn, waxay ka baxdaa daloolada kaabilaariyada,, si loogu kaydiyo unugyada beerka ilaa inta loo baahan doonno. Dhiigga waxa beerka ka soo qaada saddex aroore beereed oo waaweyn, waxayna soo gaarsiiyaan aroore godeedka hoose ee sidda cuntada jirku deg-deg ugu baahan yahay. Arooreyaal beereedku waxay soo celiyaan oo kale dhiigga halbowle beereedku keeno beerka si uu ogsijiin u siiyo unugyada beerka.
WAREEGGA WADNEEDKA
Wareeg wadneedka waa laan ka mid ah wareegga guud, oo dhiigga gaysa gidaarka wadnana.
Halbowleyaal wadneedka midigta iyo ka bidixdu waxay ka baxaan salka garka, waxayna hoos maraan gidaarka wåd. naha dhexdiisa si ay u sameeyaan kaabilariyo, nafaqeeya gi- daarka wadnaha. Kaabilaariyada waxa dhiigga ka soo celiya aroore qur ah oo la yiraahdo aroore wadneedka, xidid kaasi wadnaha wuxu ka galaa dalool gaar ah oo uu inaaliyo haniye, lana yiraahdo haniye wadneedka. Haniye wadneedku wuxu xididdada wadnaha ka ilaaliyaa inuu marka dhegyarta isu-ururiso dhiigga aan saafi ahayn soo galo.
1. Madaxa, qoorta iyo addimaha sare 2. Sambabada 3. Wad naha. 4. Aroore albaabeed 5. Beerka 6. Marinka cunta da 7. Halbowle beereedka 8. Qaybaha hoose ee jirka.
CADAADISKA DHIIGGA'
Cadaadiska dhiiggu waa xoog dhiiggu ku abbaaro gidaarrada xididdada dhiigga. Teeda kale juglaynta wadnuhu xay beddeshaa cadaadiska. Cadaadisku wuxu ugu weyn ya hay halbowleyaroyaasha yar-yar laakiin wuxu aad iyo aad ugu yar yahay kaabilaariyada. Cadaadisku wuxu ugu sii wada yar yahay arooreyaasha ku dhow wadnaha, halkaas oo cadaadiskooda uu noqdo cadaadis taban, waxaana ugu wacan wadnaha oo soo nuuga dhiigga ku jira arooreyaasha marka ay kala baxayaan qolalkiisa.
Cadaadiska halbowleyaasha waaweyni wuxu isla beddelaan juglaynta wadnaha. Wuxuuna ugu badan yahay marka calool yartu isu-ururiso, waxaana la yiraahda cadaadis tuujiseed, isla markaas wuxuu ugu yaryahay marka caloolyartu ay kala baxdo, waxaana la yiraahdaa cadaadis hakad wadneed. Cadaadiska halbowlaha waxa lagu qiyaasaa inuu yahay 100 ilaa 120 millimitar waxana la yiraahdaa cadaadis tuujiseed, iyo 65 ilaa 75 millimitir oo ah cadaadis hakad wadneed.
La soco qeybta xigta..
W/D:Indha_caad
Comments
Post a Comment