Casharka 8aad

Casharka 8aad


Fashilanka wadnaha(Heart Failure).


Fashilanka wadnaha  wuxuu dhacaa marka muruqa wadnuhu aanu u awooddin dhiigga sidii la rabay inuu u tuuro.  Haddii ay dhacdo marxaladani dhiigga gadaal ayuu u soo noqdaa, iyo dareere ayaa ku soo ururi kara sambabada waxay keeneysaa in  neefsashadu yaraato.

Socodka dhiigga ayaa hoos u dhaca ka dibna dheecaan ayaa ku urura sambabada ama qaybaha kale ee jidhka.  Xaaladahaan waxaa ka mid ah xididdada wadnaha oo cidhiidhi ah iyo cadaadiska dhiigga sare oo kacsan. Laakiin  wadna fashilanka waxa uu qatarka galin karaa nolosha qofka, haddii uu yahay mid daran calaamadiisa.   Qaarkood waxay u bahdaan in   wadnaha loo beddelo, qaarka kalana loo galsho aalad ka caawisa in dhiigga la buufiyo.


Sidee ku dhacaa fashilanka wadnaha.


Waa in ay ku timaado awooddo wadnaha muruqa iyadoo uu soo gaadhayo dhaawac ama  culeys awood leh inuu fuulo. Waxa keeni kara xaalado tira badan oo ay ka midyihiin  in muruqyada wadnaha dhintaan (  muruqa wadnaha oo aan helin ogsijiin ku filan sidaasna ku dhinta), caddaadiska dhiigga oo siyaadiya isku soo ururka wadnaha si dhiigga u buufiyo iyo borotiinka wadnaha oo qaldama,  kana buuxsama murqaha wadnaha taas oo sababta in muruqa adkaato. Haddii shaqada wadnaha ay siyaado waxay keeneysaa isbeddelo ku yimaada wadnaha qudhiisa.Fashilanka wadnaha qofka waxa laga yaabaa inay hoos u dhacdo  awooddo isku soo ururka taaso ugu wacan in culeys xoog leh soo  fuulo dhag yaraha(ventricle). Wadnaha caafimaadka qaba buuxinta dhag yaraha  ayaa korodha, haddii ay korodho waxa siyaadada awoodda  isku ururka, haddii ay taasi siyaado waxa kordhaya   dhiigga wadnaha uu tuurayo(  cardiac output).


Wadna fashilanka hannaankani, haddii uu fashilmo dhag yaraha dhiig ayaa ka buuxsama, halka muruqa wadnaha  isku ururayo waxa uu noqonayaa  mid aan awood lahayn ama wax  qabad lahay. Tani waa waxa ugu wacan  yaraansho ku timaada awoodda muruqa wadnaha uu ku kala bixi lahaa.Hoos u dhaca mugga istarooga( stroke volume)  ayaa keeneysa inuu fashilmo tuujinta(systole) ama    hakad wadneedka (diastolic). Kordhinta dhammaadka  tuujinta badanaa waxay keentaa inuu yaraado isku urursanka( contractility).Hoos u dhaca dhammaadka  hakad wadneed natiijada ka imaan karta waa qalqal ku yimaada dhag yaraha dhiigga soo galaya,  tani waxay dhacdaa marka carqalad ku timaado dhagyaraha(  marka ay adkaadaan darbiyada.) Haddii  dhiigga la tuurayo uu bato waxaa badanaya ogsijiinta loo baahanayo. Tusaale ahaan haddii qofka uu sameeyo jimicsi. Uma dulqaadan karo wadnaha jimicsiga  badanaa waxay caan ku tahay dadka qaba wadna fashilanka. 


Isbeddelka ku imanaya ciriqa dareenka { neurohormonal} .

Marxaladani waxay dhacdaa inta lagu gudda jiro fashilanka wadnaha.  Waxa kamid ah: in la kiciyo hannaanka dareenka{ sympathetic} iyo hannaanka loo yaqaan{  renin-angiotensin system}  in la kordhiyo lidiga ciriqa kaadi badiyaasha{ vasopressin}. Saameeynta ay ku yeelanayaan  ciriqa dareenka waa in ceejiyaan halbowlaha{ arterial vasoconistriction}  iyo  xiddidka inuu xirmo uu siyaado cadaadiska xiddidka, waxa siyaadaya mugga dhiigga,waxa siyaadaya dhagyaraha dhiigga soo galaya. Firfircoonida { neurohormanal activation}  waa jawaab celin muhiim ah,  laakiin sidoo kale  waxay xumaansho ku keeni kartaa fashilanka wadnaha waxay siyaadineysaa culeyska dhagyraha[ ventricular afterload}. 


Mugga dhiigga.


Wadna fashilanka  waxa siyaadaya mugga dhiigga, waxaa kordhaya dhagyaraha rarka kahor, sidaa awgeeda waxa sare noqonaya mugga istaroogga{ stroke valume}  waxa loo yaqaan { frank-starlin machanesim}.  Mugga waxa kordhiya dhowr arrimood . Cadaadiska kalyaha oo hoos u dhaca, natiijada ka dhaleysa waa  in uu yaraado kaadida saaritaankeeda, iyo in  dib loo soo celsho  dareeraha. Isku darka yaraanshaha kalyaha cadaadiskooda iyo kicinta hannaanka dareenka{ sympathetic nerve}  ee kalyaha  waxay kicinayaan in la soo daayo hannaanka{ renin}  waxay carineysaa nidaamka kale  { renin- angiotensin system}  si ay  sare ugu qaadaan soo deynta aldesteron . Waxay ka qeyb qaadanayaan in jirka biyaha dib loogu soo celsho. Natiijada ka dhalleynsa kicinta hormoonnada  waa in dib u soo nuugaan kalyaha cusbada iyo biyaha, waxay siyaadineysaa  mugga dhiigga si ay markaa iskugu dheellitirto dhiigga baxaya.  Haddii mugga dhiigga siyaado waxa badanaya cadaadiska xiddidka kaasoo keenaya in aroore sambabeedka{ pulmonary}  si guud ugu yimaadi barar. Qofka waxa lagu arkayaa neefta oo ku yaraata{ dysnepea} barar, qofkaasi waxa daawo ahaan loo siinayaa  dawooyinka kaadi badiyaasha si hoos loogu dhigo mugga dhiigga iyo cadaadiska xiddidka. Intaasi waxay ahayd sida uu ku yimaado fashilanka wadnaha. Haddana waxan galeynaa waxa sababa.


Maxaa keenna.?


Wadna fashilanka waxa keeni kara waxyaabo badan.

 Haddii wadnaha uu dhaawac soo gaaro ama  uu daciifo,  haniyaha wadnaha haddii ay kala bixi waayan  oo weynaadaan.  Haddii wadnaha uu buufin kari waayo dhiigga loo baahnaa. Ama in ay adkaadaan murqaha wadnaha. 

Haniyaha wadnaha kuwa waawayn ee buufiya wadnaha waxa loo yaqaan dhagyaryaal, adeyg ayay noqonayaan mana buufin karaan dhiig ku filan  inta u dhexeysa garaaca. Waxa jira waxyaabo kale oo keeni kara in muruqa wadnaha dhaawacmo sida:  qeybo kamid ah caabuqyada,  khamriga badan,  dawooyinka la iska cunno.


Waxa jira xaalado kale oo keena.


1:  xiddidka quudiya wadnaha xanuun ku dhaca:  waa midka ugu caansan ee keena wadna fashilanka.  Natiijada ka dhalaneysaa waxay tahay in dux{ fattay} ka buuxsanto halbowlaha.  Ka buuxsamidaasi waxay keeneysaa in ciriiri ka dhigto halbowlaha.  Waxay yareeneysaa qulqulka dhiigga, waxay horseedeysaa xaalad wadna qabad ah. Wadna qabadka dagdaga ah  waa marka uu xirmo halbowlaha quudiya wadnaha. Dhaawaca soo gaaraya muruqyada wadnaha waxay ka iminayaan wadna qabadka, taasoo macnaheedu yahay in wadnaha wax badan aanu buufin karin si wanaagsan. 


2: Cadaadiska dhiigga oo sareeya:  waxay keeneysaa in wadnaha  u shaqeeyo kaddib uu buufiyo dhiigga si uu gaaro jirka.   Xaddiga shaqada badan waxay ku keeneysaa in muruqa wadnaha adkaado ama inuu daciifo, si qumman  uu dhiigga u tuuri waayo.


3: Cuddurada ku dhaca haniyaha:  haniyaasha  wadnaha waxay ilaalshaan ququlka dhiigga sida ugu saxsan, haddii haniyaha uu si wanaagsan u shqeyn waayo,  waxa adkaaneysa in dhiigga la buufin waayo.  


4: ololka ku dhaca wadnaha{ myocarditis}  waxa keena ilmaragte sida civid 19  waxay  horseedeysaa in ay shaqo gabto dhanka bidix ee wadnaha.


5: Cuddurada lagu dhasho: In aysan sifiican u sameysmin haniyaha wadnaha iyo qeybaha kale ee wadnaha waxa adkaanaya in dhiigga la buufiyo. Waxay keeneysaa fashilanka wadnaha.


6:  waxa kaloo keeni kara in  xinjir isku xirta sambabada.


7: Waxa kale oo keeni kara  caabuq daran.


Wadne-fashilanka wuxuu caadi ahaan ka bilaabmaa qolka wadnaha ee bidix ee hoose oo loo yaqaan dhagyaraha bidix( left ventricle). Tani waa qeybta ugu weyn dhiigga laga buufinayo. Laakiin  wadna-fashilanka  sidoo kale waxa uu saameyn karaa   dhinaca midig.  Qeybta midig ee hoose wadnaha waxa loo yaqaan dhagyraha midig(  right ventricle) wadna-fashilanka waxa uu sameyn karaa labada dhinac ee wadnaha.


 Fashilanka  wadnaha dhanka middig.


Waxay saameyn ku yeelaneysaa qeybta hoose midig wadnaha.   Dheecaanka ayaa dib ugu soo laabanaya caloosha,  lugaha iyo cagaha waxay sababeysaa in barar  lagu arko. Fashilanka dhanka bidix wadnaha.Waxay saameyn ku yeelaneysaa qeybta hoose ee bidix. Dheecaanka  waxa uu sameyn doonaa in dib ugu soo laabto sambabka waxa uu keenayaa in   ay yaraato neefsashada.


Calaamadaha.


1:Neef-tuur iyo daal jirka dhan ah

2:Cagaha inay bararaan.

3:Jaranjarada oo aadan si raaxo leh ku fuuli karin

4:Habeenkii oo naqaska kugu dhago

5: Adigoo meel siman ama barkin la'aan jiifsan karin

6: Qufac wata candhuuf ubur leh

7: Wadna gariir ama wadne garaac

8:Miisaankaaga oo kordhaya biyaha jirka ku aruuray dartiis

9:Cunno xumo iyo caloosha oo fadhiso

10:Caloosha ma qooraha oo bararka laga dareemo.

11: Daal iyo Tabardarro.


Baadhitaan.


1:Hubbinta dhiigga( blood test).


Hubbinta dhiigga waxay innaga caawineysaa  in la ogaado cuddurada saameeyay wadnaha.  Hubbintani  waxa lagu oggaanayaa borotiinno gaar ah oo saameeya wadnaha iyo xiddidda.  Fashilanka wadnaha iyo heerka borotiinka uu kacsan yahay.  Laga baadho faldajiyayaasha wadnaha,  iyo shaqada tayroodhka. (BNP or N-terminal portion of proBNF (NproBNP), thyroid function.)


2:Qalabka korontada wadnaha ee loo yaqaano "ECG" waxa lagu ogaanayaa sida uu wadnaha dhaqsanayo ama uu hoos ugu dhacay garaaca wadnaha. 


3:Qalabka kumbuyuutarka wadnaha ee loo yaqaano "ECHO" cod hirareed lagu ogaanayo garaaca wadnaha. Waxay inna tuseysaa cabbirka iyo qaabdhiska wadnaha iyo haniyaha wadnaha,  qulqulka dhiigga.


4: Raajada waa lagu ogaan karaa inuu wadnaha bararan yahay iyo in sambabada biyo ku jiraan.


5:Ejection fraction. Waxa lagu cabbiraa inta dhiig ka baxda wadnaha waqti kasta.  Waxa uu innagu hagayaa gabnowga wadnaha( Heart Failure) iyo daweyntiisa.


6:In wadnaha cad laga qaado( cardiac biopsy).


7: Cardiac catheterization:  waxa loo isticmalaa haddii uu jiro xanuunka ku dhaca xiddidka quudsha wadnaha( coronary artery disease)  waxa ugu wacan  naafanimada ku timaada dhagyaraha shaqadiisa(impairment venticular fucntion)


Daaweynta.


1:Angiotensin-converting enzyme (ACE).


Dawooyinka waxay  kala bixiyaan xiddidada  dhiigga  si ay hoos ugu dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay hagaajiyaan isku socodka dhiigga oo aynna yareeyaan cadaadiska wadnaha.

 Tusaalooyinka waxaa ka mid ah enalapril (Vasotec, Epaned), lisinopril (Zestril, Qbrelis) iyo captopril.


2:Angiotensin II receptor blockers (ARBs). 


Dawooyinka waxay leeyihiin faa'iido badan oo lamid ah kuwa aynnu kor ku soo xusnay ACE.Waxaa ka mid ah losartan (Cozaar), valsartan (Diovan) iyo candesartan (Atacand).


3:Beta-blockers. Daawooyinkani waxay yareeyaan garaaca wadnaha waxayna hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay yareeyaan calaamadaha wadne-fashilanka waxayna caawiyaan wadnuhu inuu si fiican u shaqeeyo.  Tusaale waxaa ka mid ah carvedilol (Coreg), metoprolol (Lopressor, Toprol-XL, Kapspargo Sprinkle) iyo bisoprolol


4:Diuretics. Badanaa waxaa loo yaqaan daadi badiyaasha, daawooyinkani waxay ka dhigayaan qofka inuu  si joogto ah u kaadsho.  Waxay ka hortageysaa dareeraha jirka ku ururaya. Tusaale waxa ka mid ah, sida furosemide (Lasix, Furoscix), waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dareeraha ku jira sambabada,

Waxa fududaanayo in qofka neefsado.


 5:Digoxin (Lanoxin). dawadan, oo sidoo kale loo yaqaan digitalis,  waxay ka caawineysaa qofka  in wadnaha dhiigga sifiican  u tuujiyo. Waxay hoos u dhigeysaa garaaca wadnaha. Digoxin  waxay hoos u dhigeysaa calaamadaha wadna-fashilanka dadka qaba.  


Haddii aad isku aragtay calaamadaha aan kor ku soo xusnay,  la xidhiidh dhaqtar.  Dawooyinka ha isticmaalin adigoo aan la tashan  dhaqtar ku taqasusay(  cardiologist)


La soco qeybta xigta.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad