Casharka 9aad

 Casharka 9aad


Cadaadiska dhiigga sare(hypertension).


Cudurka dhiig-karka(hypertension) waa cudur joogta ah oo kamid ah cudurada u gogol xaadha xaaladaha caafimaad ee dilaaga ah sida wadna istaga (heart attack), maskax oo dhiig-furmo (stroke), kelya oo fadhiista(kidney failure), cudurada xididada dhiiga sameeya (vascular diseases), iyo sidoo kale xaalado kale oo cul-culus, haddaba qeybta koobaad ee maqaalkan waxaan ku eegi doonaa waxa uu yahay cudurkan, calaamadihiisa, iyo waxyaabaha sababa ama keeni kara. sidoo kale haduu alle idmo qeybta labaad waxaan ku eegi doonnaa habka loo daweeyo iyo talooyin muhiim ah oo ku socda bukaanka qaba cudurkan, talooyinkaas oo khuseeya nolol maalmeedkooda.


WAA MAXAY DHIIG-KARKU?


Cadaadiska dhiiga ama caadaadiska(pressure)-ka dhiiggu waxa uu ku xidhan yahay hadba awoodda uu wadnuhu ku shaqaynayo, haddii si kale aan u sharaxanno waa marka dhiigga wadnuhu tuurayo ama ka imanayaa ee waraabinya dhammaan xubnaha jidhka intiisa kale uu cadaadis badan oo aan caadi ahayn kusoo tuurayo dhiigga sidoo kale waxa dhiigarka lagu qeexi karaa marka cadaadiska dhiigga ee halbowlaha wadnuhu  (arterial blood pressure)  ay ka sareeyaan heerka caadiga ah ama la aqbali karo ee u dhaxeeya 120—140 mmHg oo kor ah (systolic), iyo 80-90 mmHg oo hoos ah (diastolic), kor iyo hoos ama systolic iyo diastolic waxey ka tarjumayaan labada xaaladood ee uu wadnuhu maro had iyo jeer, oo kala ah marka uu wadnuhu isku soo ururayo si uu u saaro ama u tuuro dhiig, xaaladaas soomaalidu waxey u taqanaa sarre ama “kor” cadaadiskeeduna waa 120, halka  marka uu kala baxo wadnuhu ee dhiiggu soo galayao iyadna soomaalidu waxay u taqaana “hoos”, cadaadiskeeduna waa 80. eray bixinta kor/hoos waxey ka timid akhrinta  nambarada, laakin xidhiidh  lama laha  eray bixinta saxda ah. Haddaba heer-korka dhiigga waxaa loo qeybiyaa afar qeybood oo kala ah  innagoo ka qiyaas qadanayna laba qaybood oo kala ah.


Tuusjis cadaadis dhiigeed(Systolic blood pressure ) Cadaadiska sare oo ah marka wadnuhu isku soo ururo ama jiidmo ee isla markaana dhiigga tuurayo.


Hakad caadis dhiigeed(Diastolic blood pressure) Cadaadiska Hoose waa marka uu wadnuhu soo karaar qaadanayo, ama nasanayo ee dhiig cusub qaadanayo si uu buufiyo dhiigga.


 CAADI (NORMAL): oo ah 120 kor ah, iyo 80 hoos ah.


DHIIG-KARKA HOREEYE (PREHYPERTENSION): oo ah 120-140 kor ah, iyo 80-90 hoos ah, caadaadiska noocan ahi ma aha dhiig kar, gaar ahaan dadka dhallin yarada ah waa wax caadi ah, laakin dadka waa weyn marka cadaadiska dhiiggooda uu heerkan yimaado waxaa looga baqaa dhiigkar, waxaana loo yaqaanaa  marxalada dhiig-kar ka horeysa(pre-hypertension stage).


MARXALADA 1-AAD EE DHIIG-KARKA: oo ah marka cadaadis dhiiggu uu ka sareeyo 140-160 kor ah, iyo 90-100 hoos ah


MARXALADA 2-AAD EE DHIIG-KARKA: oo ah wixii ka badan 160 kor ah, iyo 100 hoos ah, xaladani waa xaalad digniin ah, haddii aan cadaadiska dhiigga bukaankana hoos loo soo celin wuxuu halis ugu jiraa xaalado kale oo cul-culus.Dhiig-karka waxaa loo kala qeybiyaa laba qeybood oo kala ah mid bilaw ah oo ka dhashay sababo dhaxal ah ama deeganka uu ku nool yahay waxyaabo ay ku sababeen oo anay jirin wax la’og yahay oo sababay waxana loo yaqana (primary hypertension), waa kan ugu badan qiyaast ahaan xanuunka dhiigkarka waxaana lagu qiyaasa 90%, halka nooca labaad sababtaan xaalado caafimaad oo kale sida buurnida cuntooyinka iyo jimicsi la’aanta iyo sigaarka (secondary hypertension) ama xaalado kale oo ku dhaca kelyaha xididdada, wadnaha, iyo hab-maamulka dheecanada  jidhka.

Hadaba waa maxay sababta uu xanuunkani halista weyn ugu yahay aadamaha  sida la og yahay dhiig-karku waa cudur culus marka cadaadiska dhiiggu sareeyo ama dhiig kar jirto, wadnahaagu waa inuu u shaqeeyo si ka xoog badan intii caadiga ahayd si uu dhiigga u dhaqaajiyo oo u gaadhsiiyo dhammaan xubnaha jidhka oo dhan.


 CALAAMADAHA DHIIG-KARKA


Inta badan dhiig-karku waa cudur shibane ah waana sababta keentay in laguba naaneyso “Dilaaga aamusan” (silent killer)  bukaanada qaar waxay qabaan sannado badan iyagoon dareensaneyn, in badan oo kalena waxay ka war helaan iyagoo maraya baadhitaanno guud halka qaarkoodna  kuba waabariistaan wadno xanuun iyo wixii la mid ah iyagoon ogeyn waxa sababay in uu yahay dhiig-kar, balse waxaa jira calaamado mararka qaar la arko  waxaana kamid ah madax-xanuun gaar ahaan qeybta dambe ee madaxa, warareer, araga oo wax iska beddelaan, barar, iyo mararka qaar suuxdin. laakin calaamadahaas ma aha kuwo dhammaantood lala xidhiidhiyo dhiig-karka waxaana la sheegaa in qaarkood ay yihiin xaalado nafsiyan (psychological) ugu dhaca dadka ogaaday in ay dhiig-kar qabaan. Dhanka kale dhiig-karku haddii uu yahay kan labaad( secondary )oo uu la xadhiidho xaalad kale oo caafimaad waxaa la socon kara caalamado kale oo la xidhiidha hadba nooca xanuun ee   ku sababay dhiig-karka sida:


Madax xanuun


Daal


Dareenka gacmaha ama lugaha oo taga ama lawaayo ( numbness)


Dhiig sanka ka yimaada ama qufac dhiig wata (epistaxis. Hymoptysis)


Neef qabatin.


MAXAA SABABA DHIIG-KARKA?


Marka laga tago dhiigkar labaad(secondary hypertension) oo ay sababaan cuduro kale, boqolkiiba sagaashan (90%) lama oga waxyaabaha sababa dhiig-karka, balse waxaa jira dhaxal-sidayaal (genetic) iyo xalado deeganka  la xidhiidha (environmental factors) oo isku tagay ayaa loo aaneeyaa sababahan :


 Dhaxal: qoyskaaga haddii uu dhiig-karku ku jiro, fursada in uu kugu dhoco waa laba jibaar marka loo eego dadka kale ee aan asal u laheyn cudurkan, (sababtuna ma cada).


Isir: dhiig-karku wuxuu ku badan yahay dadka madowga ah marka loo barbar dhigo dadka cadaanka ah, (sababtuna ma cada)


Da’da: dhiig-karka wuxuu ku badan yahay dadka da’da ah,wuxuuna si gaar ah ugu badan yahay ragga.


Buurnida: mar kasta oo misaankaga baruureed badan yahay, wadnahaagu wuxuu u baahanayaa in uu awood dheeraad ah u isticmaalo sidii uu jirka ku wada gaadhsiin lahaa dhiig taasina waxay kordhisaa kor u kaca cadaadiska dhiigaaga.


Jimicsi La’aanta: jimicsi la’aanta waxaa lala xidhiidhiyaa sababaha dhaliya ama uga dara dhiig-karka.


Sigaarka ama Tubakada: kaliya ma aha in maadooyinka ku jira ay kor u qaadayaan cadaadiska dhiigga balse sidoo kale waxay dhaawacayaan xididada taasoo keeneysa in ay adkaadaan islamarkaane yaraadaan.


CUSBADA: Sida caadiga ah cusbada iyo biyaha ku dheeraadka ah jidhka waxa saara kelyaha oo kaadida ku dara, balse qofku haddii uu qaato milix badan oo anay kelyuhu saari karin, wuxuu jidhku u baahdaa in uu sidoo kale biyaha dib uga soo nuugo kelyaha si uu u saxo dheelli-tirka milixda iyo biyaha, taasoo sababta in biyo badan iyo milix ay aheyd in jidhka laga saara ay dib ugu soo noqoto, taasoo sababta in dheecaanka ku jira gudaha xididdada ay ka bataan sidii caadiga aheyd, waxaana ka dhalanaya arrimahaasoo idil in uu kor u koco cadaadiska dhiigga.


AlCOHOL /KHAMRADA: khamrigu waxay dhaawaceysaa xididada, waxayna kor u qaadeysaa heer dhiiga.


WALWALKA: Bini’aamku marka uu walwalsan yahay jdhkiisu wuxuu ku jiraa xaalad heegan ah, taasoo macnaheedu yahay in garaaca wadnuhu kor u kaca dhiig badana uu tuuro wadnuhu xididada jidhka ee dhiigga qadana ay cidhiidhi noqdaan, arrimahan waxaa sababa hormoonno uu jidhku soo daayo waqtiga walwalka, haddaba lama hubo in walwalku abuuro dhiigkarka joogta ah, balse waxaa la hubaa in uu kor u qaado cadaadiska dhiigga si ku meel gaadh ah, isla markaana uu ku kiciyo qofkii hore u qabay, balse haddii uu bato ama uu soo laalaabto wuxuu isku beddeli karaa mid joogta ah.


CUDURADA QAAR: sida sonkorta ama macaanka,  Cudurrada ku dhaca xagga kalyaha, xanuunnada ku dhaca xiddada kalyaha. Khalkhal xaga dheecamada jidhka(    Hormonal dis orders ), fiixaha ama buroyinka kansarka(Tumors)


UURKA: dhiig-karka ku dhaca haweenka uurka leh aad ayuu u badan yahay, waana mowduuc weyn oo mudan in gaar looga hadlo. Sidoo kale marka la garanayo waxa sababa xanuunkan waxa kale oo loo sababayn karaa sababahan. Haddaba aynnu is weydiinno cudurkan sida loo maareeyo ? 

 


HABKA LOO CABIRO DHIIG KARKA AMA DHIIGABA


Dhiigkarka waxaa in ta badan lagu cabiraa cabirka (millimeters of  mercury mm).


Inta badan waxaa laysku raacsan yahay in 120/80 yahay caadiga,


Haddii cabirka dhiigu dhawr jeer oo kala duwan uu noqodo ama ku dhawaado


140/90  waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xidhiidhid.


Ama shaybaadho caafimaad oo ay ka mid yihiin, iyo qalabka caafimaad ee ay ka mid yihiin:


Dhiiga kalyaha Kidney function test (urea.creatinine),


kaadi (Urine analysis),


Cabirka wadnaha (ECG AMA EKG) IWM.


 Talooyinkan Raac haddii aad Dhiig kar leedahay


Ha lagaa soo cabbiro cadaadiska dhiigga. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona haddii aad qabtid dhiig kar ama cadaadis dhiig oo sareeya. Cadaadiska dhiig ee la rabo waa 120/80. xitaa haddii cadaadiska dhiigaagu ku siman yahay tirada la rabo, ha lagaa cabbiro ugu yaraan hal mar sannadkii.


Xukunka la wareeg: raac talaabooyinka lagu yareynayo cadaadiska dhiiggaaga haddii uu aad u sareeyo qaad imika talaabooyinka aad caafimaad ku heli karto, si hadhow aanuu kuugu dhicin dhiig kar ama cadaadis dhiig oo sareeya. si aad uga badbaadid dhiig kar:


Higso miisaan caafimaad leh : Isku day inaanuu kugu soo kordhin miisaan dheeraad ahi. Iska yaree miisaanka haddii miisaankaagu sareeyo. Isku day inaad si tartiib ah miisaanka u lumisid, qiyaastii nus rodol ilaa 1 rodol todobaad kasta ilaa aad ka gaadheysid miisaan caafimaad leh.


Noqo qof firfircoon maalin kasta. Waa aad socon karta, ciyaari kartaa ha ahaate kubad ciyaar dhaqameed iyo ciyaraha kaleba, waxaad kale oo isticmaali kartaa salaanka ama jaranjarada dhismayaasha ama waxa kale oo aad sameyn kartaa firfircooni kasta oo aad jeceshahay.


Yaree milixda iyo soodhiyamka aad ku isticmaashid karinta cuntada, iibso cuntooyinka lagu dul qoray “ma laha soodhiyam” (sodium free), “soodhiyam yar” (low sodium) ama “soodhiyam la yareeyay” (reduced sodium). Miiska cuntada ka qaad weelka milixda. – jooji khamriga iyo balwadaha xun ee diintu xarantinimaysay sidoo kale dumarka uurka lihi waa inaanay cabbin wax alcohol ah . Haddii aad leedahay cadaadis dhiig oo sareeya ama dhiig kar, ha joojin halganka wax-ka-qabashada qaad talaabooyin waxana suurogal ah inaad xakameysid ama yareysid cadaadiska dhiigga ee sareeya ama dhiig karka aad qabtid. 


Halisaha uu sababi karo xanuunka dhiig karku haddaan la daweyn


Xanuunka dhiig karka haddii aan la daweyn ama aan la kantaroolin waxa uu korrdhin karaa suurtogalnimada ah inuu kugu dhaco:xidid dhiig oo maskaxda ka xidhma sababana faalig ama qalal

dhibaatooyin kelyaha ku dhaca sida kelyaha oo shaqada gaba, dhibaatooyin indhaha ku dhaca indhaha oo aad beesho,dhimasho – wadne istaag

Iyo dhibaatooyin kale oo badan


Daawayn.


Dhakhtarku waxa uu ku siinayaa hadafka ah in la xaqiijiyo tusaale ahaan heerka cadaadiska dhiigga ee loo baahanyahay in la gaadho si uu uga hooseeyo 140/90 mmHg. Hannaanka nolosha qofka oo wax laga beddelo.Dadka qaar waxa ku filan oo kaliya inay nolosha ay wax ka beddelaan waxayna ku xidhantahay heerka dhiig karku marayo iyo haddaad leedahay xanuunno kale sida macaanka, kalyo xanuun ama wadne xanuun.


Daawooyinka aad qaadanaysid waxay ku xidhantahay heerka uu marayo dhiig karku, iyo hadafka la doonayo in la xaqiijiyo. Sidoo kale waxay ku xidhantahay haddii aad qabto xanuunno kale sida macaanka, kalyo xanuun ama wadne xanuun. Dhakhtarku waxa uu ku qorayaa marka hore dawooyin khafiif ah iyo qadar yar balse haddii ay ku caawinwaydo waxa uu kuu qorayaa dawo culus ama qadar badan ah, dawooyinka waxa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:-


1. Diuretics:- waxay leedahay noocyo badan sida Thiazide(    hydrochlorothiazide,  chlorthalidone),    Loop(furosemide ama bumetanide),   Potassium-sparing(  as triamterene am amiloride), iyo Quinazoline. Dawadan waxay sababtaa in kalyuhu sii daayaan milix badan iyo biyo, tasoo caawinaysa in gidaarka xididdidu waynaado oo ay nastaan. Daawooyinka waxa  ka mid 


2. ACE inhibitors:- Daawadani waxay xakamaysaa hormoono cidhiidhiya gidaarka xidididada, tasoo sahasha in dhiig karku hoos u dhaco. Waxa ka mid ah:Benazepril.


Captopril.


Enalapril.


Fosinopril.


Lisinopril.


3. Angiotensin II receptor blockers (ARBs):- waxay xakamaysaa shaqada hormoonnada cidhiidhiya gidaarka xididada. Dawooyinkan waxa ka mid ah:Azilsartan medoxomil (Edarbi®).


Candesartan (Atacand®).


Eprosartan mesylate (Teveten®).


Irbesartan (Avapro®).


Losartan potassium (


4. Beta-blockers:- waxay yaraysaa garaaca wadnaha iyo dhiigga kasoo burqada wadnaha,waxaana inta badana loo qoraa dadka wadno xanuunka leh. Dawooyinkan waxa ka mid ah atenolol (Tenormin)


bisoprolol (Cardicor, Emcor)


carvedilol.


metoprolol (Betaloc, Lopresor)


nebivolol (Nebilet)


propranolol (Inderal)


5. Calcium channel blockers:- waxay sababtaa in gidaarada xididadu waynaadaan, dhiiguna si sahlan u socdo. Dawooyinkan waxa ka mid ah:


Amlodipine (Norvasc).


Diltiazem (Cardizem, Tiazac, others).


Felodipine.


Isradipine.


Nicardipine.


Nifedipine (Procardia).


Nisoldipine (Sular).


Verapamil (Verelan).


6. Direct renin inhibitors:- waxay xakamaysaa shaqada hormoonnada dhiig karka.


Dheegasho.


La soco qeybta xigta.


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad