MAXAY DADKA MIDABYADOODU U KALA DUWAN YIHIIN?
MAXAY DADKA MIDABYADOODU U KALA DUWAN YIHIIN?
Maqaarkeenna waxaa laga helaa maaddo lagu magacaabo melanin, waa maaddada masuulka ka ah midabka uu leeyahay qofku, haddii ay badan tahay melaninta uu soo saaro maqaarka qofku, wuxuu qofkaas midabka maqaarkiisu noqonayaan madow, haddii ay melanintiisu yar tahayna wuxuu noqonayaa caddaan, shaqada maaddadan ay u qabato maqaarka waa in ay ka difaacdo fallaaraha qorraxda.
Fallaaraha qorraxdu faa'ido ayey u leeyihiin jirka oo wuxuu maqaarku ugaga faa'idaystaa inuu sameeyo Vitamin D kaas oo muhiim u ah samaysanka lafaha, Vitaminkan ayaa haddii uu jirka ku yaraado waxaa ka dhasha in lafuhu jilcaan oo ay si fudud ku jabaan dadka waawayni halka kuwa yaryarna ay luguhu qalloocaan. Dhanka kale haddii fallaaraha qorraxdu gaar ahaan kuwa loo yaqaan fiyoore-dhaafku (ultraviolet) ay aad u xooggan yihiin waxay jirka u keeni karaan dhibaatooyin uu ka mid yahay kansarka maqaarku.
Dadyowga dunidu waa ku kala duwan yihiin inta ay la egtahay melanin-ta uu soo saaro jirkoodu, waana mid la xiriirta hiddasidaha oo la kala dhaxlo, dadka abkoodii hore ay ku noolaan jireen meelaha ay fallaaraha cadceeddu aadka ugu xooggan yihiin sida qaaradaha Ustareeliya, Afrika iyo Ameerikada laatiinka maqaarkoodu wuxuu soo saaraa melanin aad u badan si uu fallaaraha xooggan ugaga difaaco jirka, sidaas awgeed dadyowgaas midabka maqaarkoodu waa madow ama maarriin.
Dhinaca kale dadka awoowayaashood ku noolaayeen meelaha fallaaraha qorraxdu ku liitaan sida qaaradaha Yurub iyo Aasiya si uu maqaarku ugaga faa'idaysto fallaarahaas oo uu ugu samaysto Vitamin D wuxuu maqaarkoodu yareeyey soo saarista melaninta, sidaa awgeed dadkaas midabka maqaarkoodu waa mid furan ama cad.
Ustareeliya iyo New Zealand waa labada dal ee uu ugu badan yahay kansarka maqaarku dunida, sababtuna waxay tahay in dalalkaas ay ku nool yihiin caddaan aan asal ahaan u dhalan dhulkaas, kuwaas oo ka yimi Yurub, maadaama melaninta maqaarkoodu yar tahay kuma aysan filna inay ka celiso fallaaraha cadceedda oo aad ugu xooggan dhulkaas, sidoo kale caddaanka ku nool Koonfur Afrika ayuu iyagana aad ugu badan yahay kansarka maqaarku.
Dhanka kale dadka madow ee ku nool dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika waxay u nugul yihiin Vitamin D la'aan, sababtuna waxay tahay in melaninta oo aad ugu badan dadkaas ay maqaarka ka celiso fallaaraha aan aadka u xoogganayn ee uu helo maqaarkoodu, taasina waxay keentaa in uu yaraado vitamin D-gii lagu samaynayey maqaarka, sidaa awgeed dadkaasu waxay qaataan kaniiniyo Vitamin D ah.
Dawooyinka la isku caddeeyo qaarkood sida kuwa ka samaysan glycolic acid iyo lactid acid waxay murxiyaan ama diiraan dubka sare ee maqaarka halkaas oo ah meesha ay melanintu ku jirto, halka dawooyin kale oo laga sameeyo maaddooyinka hydroquinone iyo mercury ay yareeyaan melaninta uu soo saarayo maqaarku, si midabka maqaarku u noqdo mid furan.
Dawooyinkan waxay maqaarka iyo jirka intiisa kaleba u geystaan dhibaatooyin kala duwan, dawooyinka murxiya maqaarka waxay sababaan in maqaarku noqdo mid daciif ah oo aan xammili karin ilayska qorraxda iyo waxyaabaha kale ee soo wajahaba, sidoo kale bakteeriyada iyo jeermisyada kaleba si fudud ayey ku gali karaan maqaarka oo sababi karaan caabuqyo kala duwan.
Dhanka kale dawooyinka kale ee iyagu yareeya soo saarista melaninta sida hydroquinone iyo mercury iyaga saamayntoodu keliya kuma ekaato maqaarka ee waxay u dusaan xididdada dhiigga, waxayna raacaan dhiiga iyaga oo taga dhammaan qaybaha kala duwan ee jirka, waxayna sababaan dhibaatooyin kala duwan.
Tusaale ahaan haddii muddo badan la isticmaalo dawooyinka ka samaysan mercury-ga waxaa ka dhalata waxyeello iyo dhaawac gaara kelyaha, sidoo kale waxay waxyeelleeyaan habdhiska dareenwadka sida maskaxda iyo indhaha, waxyeelladanna kuma ekaato qofka dawada isticmaala oo keliya ee sidoo kalena waxay saamaysaa ilmaha uurka ku jira ama midka nuugaya iyo xataa dadka ka ag dhow ee la nool qofka dawooyinkan marsada.
Dawooyinka iyo dhammaan waxyaabaha lagu dhaashto ee ka samaysan hydroquinone iyo mercury maadaama waxyeelladoodu xooggan tahay waa laga mamnuucay dalalka Yurub iyo Maraykanka iyo sidoo kale ilaa tobaneeyo dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya iyo Ruwaanda.
Waxaa iyaduna jitra dawo ka samaysan maaddo lagu magacaabo glutathione taas oo leh qaabab kala duwan sida mid afka laga qaato, mid la marsado iyo mid xididka laga qaato oo faleenbo ah, dawadan waxay iyaduna yaraysaa soo saarista melaninta, waxaana lagu daweeyaa haaraha madow ee ka dhasha melanin ku badatay maqaarka, sida haaraha ay wajiga ku yeeshaan dumarka uurka leh.
Balse dumarka qaar baa dawadan u adeegsada inay isku caddeeyaan weliba muddooyinkan oo baraha bulshada lagu arkayey gabdho Soomaali ah oo ay ku xiran yihiin faleenbooyin dawadan ah.
Ma jiraan daraasado waafi ah oo lagu sameeyey dawadan glutathione-ta si loo ogaado dhibaatooyinka ka dhalan kara haddii muddo dheer si joogto ah loo adeegsado si la isugu caddeeyo, hase ahaatee daraasado kooban oo lagu sameeyey ayaa lagu sheegay in dawadan glutathione haddii afka laga qaato ama maqaarka la marsado ay ka waxtar iyo badqab fiican tahay midda xididka laga qaato.
Caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba waxaa wanaagsan in uusan qofku doorin midabka maqaarkiisa, haddii uuse ka maarmi waayo waa inuu iska eego dawooyinka uu marsanayo wax ay yihiin iyo sida ay u shaqeeyaan, weliba waa in uu il gaar ah iskaga eego oo iska ilaaliyo dawooyinka ka samaysan maaddooyinka mamnuuca ka ah dunida ee kala ah hydroquinone, mercury iyo kojic acid, inta badan dawada dusheeda ayey ku qoran yihiin waxyaabaha ay ka samaysan tahay, sidoo kale waxaa wanaagsan in uu qofku dawooyinka adeegsigooda la kaashado dhaqtar, gaar ahaan mid ku takhasusay maqaarka.
Qore:Saeed
Comments
Post a Comment