Casharka 17aad
Awdan halbowleed(Atherosclerosis).
Waa marka ay xiddidada hawlbawlayaasha ah ee dhiigga qaada ay adkaadaan, qul-qulka dhiigguna uu yaraado, sababtoo ah waxa marinkii dhiigga ku urura walxo (plaque).Waa xaalad si tartiib ah ugu dhismayaan walxo xiddidka darbiyadiisa. Halbowlaha waa xiddido dhiigeed kaasoo qaada ogsijiinta iyo nafaqada si markaasi u gaarsiiyo xubnaha iyo cadadka. Walaxda( plaque) waa mid qatar ah sameyneysa dufan,kalistarool kaalsiyam waxyaabo kale si markaasi u xirmo halbowlaha(arteries).Ururka ay walxuhu ku ururaan xiddidada waxa ay joojiyaan ama culays ku keenaan hab-socodkii dhiigga ee uu dhex marayay halbowlayaasha.
Walxuhu waxa ay ku samaysmi karaan qaybaha kala duwan ee halbowlayaasha sida kuwa, Kelyaha, Lugaha ama Wadnaha. Saamaynta ay walxahaa dhiigga joojiyay ay ku yeeshaan caafimaadka waa in ogsijiinta ay hoos u dhacdo kuna yaraato qaybo badan oo jidhka ka mid ah.Walxuhu waxa ay sababaan in ay xinjiro samaysmaan (blood clot). Haddii aan wakhti hore wax laga qaban waxa ay sababi karaan wadno istaag, faalig ama wadno fashilan.Walxahaasi ku sameymay halbowlaha waxay keenayaa in uu adkaado, waxay horseedi karaan inuu halbowlaha qarxo maadaama uu cadaadis fuulayo. Awdanka halbowlaha waa sida waddo jaam ah, marba marka ka dameysa sii xidhmeysa haddii aan la helin taraafiko, hadba meesha yara furan waxa isku ciriirinaya gaari kale, qofka waxa uu kaga badbaadi karaa isagoo hab-noleedkiisa wax ka beddela.
Maxaa ka dhallan oo dhibaato ah haddii qofka aanu waxba ka beddelin hab-nololeedkiisa?
Waxa uu saameyn ku yeelanayaa habadhiska wadnaha. Haddii uu xaddidan yahay xiranka ama uu xidhmay waxa uu saameynayaa qeybo badan oo jirka kamid ah wadnaha iyo maskaxda, taasina waxay hoos u dhigeysaa dhiigga ay helayaan. Saameynta uu yeelan karo waxa mid ah: in xiddidka quudiya wadnaha uu xidhmo(coronary artery blockage), wadna qabad(heart attack), inuu heli waayo dhiig ku filan habdhiska dheefshiidka( mesenteric ischemia), xanuunnada ku dhaca dibada xiddidka(peripheral artery disease), kelyaha oo heli waayo dhiig ku filan, istaroog(stroke), intaasoo saameyn ayuu yeelan karaa midba midda kale ay ka halis badan tahay. Mararka qaar waxa uu keenni karaa awdanka xiddidka in uu daciifiyo darbiyada halbowlaha kaddib uu horseed u noqdo in xiddidka u sameyso dilaac( anuersyma), haddii waqti hore daaweyn loo sameeyo waxa la baajin jaraa xaaladan qatarteeda.
Calaamadaha.
Caalamadaha xanuunka waxay soo muuqan karaan marka xiddidka xidhmo. Dadka qaar iyagoon ogeyn ayaa la keenaa qeybta gar gaarka dagdaga iyagoo ka cabbanaya wadna qabad ama istaroog ama lagu arkay.
Calaamadaha haddii uu xidhmo xiddidka wadnaha quudsha.
1:Laab xanuun.
2: Neefta oo yaraata( xilliga qofka shaqo qabto).
3:Mararka qaar qofka waxa uu isku arkayaa wadna qabad.
Caalamadaha wadna qabadka.
1:Xabbad xanuun
2: Xanuun qofka uu ka dareemo dhabarka, garabka, qoorta iyo cuddudaha.
3: neefta oo adkaata.
4: Daal.
5:Garaaca wadnaha kordha.
6:Lallabo iyo matag.
Xanuunnada dibad ubaxa xiddidka(Peripheral artery disease ).
1:Qofka lugta oo xanuunta ama uu ka dareemo xanuun marka uu talaabo qaado.
2:Gubasho ama cuncun laga dareeno cagta iyo faraha marka qofka nasiino ku jira.
3:Haraga oo isbeddela.
4:Haraga cagaha qaboob noqda.
5:Dhaawacyada lugaha soo gaadha oo aan reysan.
Halbowlaha kelida dhiigga ma istaaga (Renal artery stenosis
1:Barar(Edema)
2:Dawaqaad.
3:Haraga oo noqda mid qalalan
4:Madax xanuun.
5:Cadaadiska dhiigga oo kaca.
6:Miisaanka oo yaraada iyo hab loo sheego aan la aqoon.
Maxaa keenna?
1:Inuu dhaawac soo gaadho hawlbowlaha dahaarkiisa gudeed(endothelium) taas ayaa keeneysa awdanka xiddidka. Dhaawaca waxa uu ku bilowdaa si tartiib ah.Daawaca soo gaadha dahaarka guddaha halbowlaha, waxyaabo badan ayaa keenna daawac soo gaadho indhosiiliyamka waxa ka mid ah, kolistiroolka(LDL) oo kordha iyo sumooyinka ka yimaada tubbaakada.
2:Plaque rupture or erosion. Xaaladdani waxa sameysmaya xinjidh halbowlaha dhexdiisa taasina ay ugu wacan tahay walxaha ku sameymay halbowlaha. Walxahaasi ku urursamay halbowlaha dhexdiisa waxay keeneysaa in uu dhaawac soo gaadho unugyada indhosiiliyamka. Waxyaabahan oo dhammi waxay horseed u noqonayaan inay sameysmaan xinjidh. Xinjidhtaasi waxay keeneysaa in qofka ka xidhmaan dhiigga, waxay ku keeneysaa in wadna qabad ku yimaado(heart attack).
3:Marka uu qofku duqoobo, wadnihii dhiigga qabanayay sidoo kalena tuurayay marka uu daalo, waxa ay keentaa in ay xiddadii dhiiggu ay daciifaan. Halbowlayaashu waxa ay lumiyaan awooddii ay ku kala baxayeen, waxa aynna u nuglaadaan in walxo ku samaysmaan marinkii qul-qulka dhiigga.
Xaaladan waxa u nugul ragga ka wayn 45sanno jir iyo dumarka da’doodu ka sarayso 55sanno jir.
๐๐๐๐ค๐ ๐ฎ ๐ง๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฅ ๐ฑ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ง.
๐. Dad qoyska ka mid ah oo leh wadno xanuun.Haddii wadno xanuun ku dhaco Aabbe ama walaal inta aanu gaadhin da’da 55jir, dadka kalee qoyskuna waxa ay halis ugu jiraan in iyagana sidoo kale ay ku timaado xaaladan atheresclerosis.
Sidoo kale waxa aad halis ugu jirtaa xaaladan, haddii hooyo ama walaashaa ay la kulanto wadno xanuun ama wadno istaag inta ka horaysa da’da 65jir.
Inkastoo da’da qofku iyo dhacdo ku dhacday qoykaba ay tahay mid kuu nuglaynaysa xaaladan haddana lama xaqiijin oo hubaal ma aha in adigana xaaladani ku haleeli doonto.
๐. Jimicsi la’aanta
Joogtaynta jimicsigu waa caafimaadka wadnaha. Jimicsigu waxa uu joogteeyaa oo uu xoojiyaa muruqyada wadnaha iyo qul-qulka dhiigga ee xiddidada. Ka fogow fadhiga badan, waxa uu kugu keeni karaa caafimaad darrooyin badan sida wadno xanuun.
๐. Buurnida xad dhaafka ah.
Buurnida xad-dhaafka ahi waxa ay khatar ku tahay caafimaadkaaga waxa ay kuu horseedi kartaa in baruurta badani ay joojiso qul-qulkii dhiigga taasina ay sababto xinjirow ku samaysma qaybo ka mid halbowlayaasha dhiigga.
๐ .Macaanka (diabetes)
Haddii sonkortu ku badantahay dhiigga, jidhkuna aanu soo saarayn insulin ku filan waxa aad khatar ugu jirtaa xanuunka ku dhaca xididada halbowlayaasha ee wadnaha (coronary artery disease)
๐. Cabista sigaarka
Cabista sigaarka ama tubaakadu waxa ay wax-yeeshaa wadnaha sidoo kalena waxa ay sababtaa in xiddidada dhiiggu ay daciifaan ama qaro-yaraadaan. Sidoo kalena waxa ay kor uqaadaa heer cadaadiska dhiigga iyo cholestrol-ka ku jira jidhka. Cabista sigaarku waxay kaloo yaraystaa oxygen-ta uu jidhku helayo.
๐. Alcohol ama maandooriyaha
Maandooriyuhu waxa uu sababaa in ay muruqyada wadnuhu ay daciifaan taasi oo sahlaysa in xiddidada halbowlayaasha ee dhiigga ku samaysmaan walxo (plaque)
๐. Isku buuq (stress)
Cadhada iyo isku buuqu waxa ay keenaan xaalado wadno qabad ah (heart attack)
Baadhitaan.
1:Angiography. Waa hubbin la isticmaalo raajo qaas ah si loo ogaado loonna cabbiro halka uu xirranka ka jiro.
2:CT scan:Waa sawir qaadee guddaha jirka, waxa uu inna tusinayaa halka uu ka adkaaday ama uu ka ciriirsan yahay halbowlaha wayn.
3:Echocardiogram (echo). Waxa sawir laga qaadayaa haniya( valves) iyo qolalka wadnaha si loo cabbiro inta ay dhiigga bixinayaan ama caafimaad qabaan.
4:Electrocardiogram (EKG). Waxa lagu hubbiyaa korontada wadnaha, garaaca.
5: Exercise stress test. Hubbintani waa cabbiraad lagu ogaanayo shaqada wadnaha.
6:Carotid ultrasound. Hubbin laga qaadayo halbowlaha qoorta( carotid artery), waxa la fiirinaya haddii uu jiro adkaansho ama ciriiri, xiddidkani waxa uu dhiigga gaarsiiyaa maskaxda.
7:Abdominal ultrasound. Hibbinta waxa laga qaadayaa ubuc halbowleedka( abdominal aorta) si markaasi loo hubbiyo inuu jiro xiddid qarxay ama dilaac ku yimid.
Daaweynta.
1:Diuretics:- waxay leedahay noocyo badan sida Thiazide( hydrochlorothiazide, chlorthalidone), Loop(furosemide ama bumetanide), Potassium-sparing( as triamterene am amiloride), iyo Quinazoline. Dawadan waxay sababtaa in kalyuhu sii daayaan milix badan iyo biyo, tasoo caawinaysa in gidaarka xididdidu waynaado oo ay nastaan.
2. ACE inhibitors:- Daawadani waxay xakamaysaa hormoono cidhiidhiya gidaarka xidididada, tasoo sahasha in dhiig karku hoos u dhaco. Waxa ka mid ah:Benazepril,Captopril.Enalapril.
3. Beta-blockers:- waxay yaraysaa garaaca wadnaha iyo dhiigga kasoo burqada wadnaha,waxaana inta badana loo qoraa dadka wadno xanuunka leh. Dawooyinkan waxa ka mid ah atenolol (Tenormin) bisoprolol,
carvedilol.metoprolol.
4. Calcium channel blockers:- waxay sababtaa in gidaarada xididadu waynaadaan, dhiiguna si sahlan u socdo. Dawooyinkan waxa ka mid ah: Amlodipine, Diltiazem.Verapamil.
5:Statins and other cholesterol drugs. Waxay ka hortagayaan in ay ku ururaan dufan xiddidka dhexdiisa. Waxay hoos u dhigayaan awdanka xiddidka. Dawooyinkaas waxa ka mid ah niacin, fibrates.
6:Aspirin. waxa uu innaga caawinayaa in dhiigga aanu noqon mid xinjiroowa. Waxa lagu taliyaa in qofka uu qaato xaddi yar( low dose) 75mg. Waana waxa ugu horeeya looga hortago wadna qabadka.
7:Waxa jira dawooyin kale bukaanka la siiyo. Sida dawooyinka macaanka. Macaanka waxa sarre u qaadayaa qatarta awdanka halbowlaha. Qofka waxa dawooyinkan la siin karaa goorta lagu arko calaamado gaar ah sida qofka lugta xanuunta xilliga uu sameynayo jimicsiga.
8: Qaliin: Haddii xididku uu xidhmo sidoo kalena uu dhaawac soo gaadho murqaha iyo baruurta uu xididku gaadhsiin waayay dhiigga markan oo kale waxa la samaynayaa qaliin.
Noocyada qaliinka ee la sameeyo waxaa ka mid ah atherectomy, endarterectomy, angioplasty, thrombolytic therapy iyo bypass surgery.
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment