Casharka 21aad
Angina waa laab xanuun ku meel gaar ah ama dareen cadaadis ah oo dhaca marka baahida wadnaha ee ogsijiinta aysan ku filneyn cadadka dhiigga wadnaha.
Qulqulka dhiigga waxa uu noqdaa mid xaddidan, goorta uu xididka noqdo mid ciriiri ah waxa keeni kara awdanka xididka, ama halbowlaha quudiya wadnaha ceejisma. In laab xanuunka bilowdo waxa u sabab ah awdanka xididka badanaa qofka waxa uu dareemayaa marka socod sameeyo ama dareenkiisa uu qalqalo. Haddii uu xidhan yahay halbowla yaraha 70% waxa uu dareemayaa laab xanuun.
Maxaa keenna.
Muruqa wadnaha waxa uu u baahan yahay cadad quud oo ogsijiin ah. Ogsijiinka waxa qaada halbowlaha quudsha wadnaha.Marka muruqa wadnaha uu u shaqeeyo si adag waxa u baahanayaa ogsijiin aad u badan. Caalamadaha laab( angina) xanuunka waxa bilowdaa marka uu ku yaraado dhiigga muruqa wadnaha. Waxay dhacaa marka halbowlaha quudiya wadnaha uu noqdo mid cariirsan ama xirmay sababteeda ay tahay awdanka ama xinjir. Waxa ugu badan ee kaana waa xirranka hawlbowlaha quudiya wadnaha.
Sababta ugu weyn ee calaamadaan ayaa ah in xididada dhiigga u qaada wadnaha ay gufeyaan ama xiraan waxyaabo ka sameysan dufan taaso keenta in muruqa wadnaha uu san helin hawo ku filan muruqu wuxu sii shaqeeyaa isago helaya dhiig yar taas ayana ah sababta lo daremayo culeys saaran xabadka xanunno kale oo wadnaha ku dhaca ayaa sido kale keeni kara calaamadan
Waxaa laga yaabaa innay dadka kula dhacdo:
Shaqada ama jir dhiska
Cunidda cunto fara badan
Sigaar cabidda ama tubaako isticmaalidda
Heerkul aad u kulul ama aad u qabow
Dhacdooyin dareen xooggan ama diiqad leh
Calaamadaha Angina
Xanuun ama cadaadis feeraha, gacmaha, daanka, garbaha ama qoorta ah.
Waxaa laga yaabaa in uu meel jirka ka mid ah ka tago oo meelo kale ku faafo.
Dareemidda in feeruhu jiq ku yihiin, culeys, in lagu majiirayo ama aad gubanayso.Dhidid.Neefta oo kugu adkaata. Lalabbo.Dareemidda in aad u daallan tahay, war-wareerid ama miyir beelid.Qofka xanuunka waxa uu dareemayaa 15 minit.
Baaritaannada.
1:ECG waxa uu inna tusayaa haddii wadnuhu si aad ah u garaacmayo, aad uu gaabis yahay. Waxa kaloo la fiirinayaa socodka dhiigga haddii uu yar yahay ama jiraan carqaladeynaya
2:Echocardiogram (echo). Waxa sawir laga qaadayaa wadnaha iyo qolalka wadnaha si loo cabbiro inta ay dhiigga bixinayaan ama caafimaad qabaan.
3:Exercise stress test. Hubbintani waa cabbiraad lagu ogaanayo shaqada wadnaha.
4:coronary Angiography. Waa hubbin la isticmaalo raajo qaas ah si loo ogaado loonna cabbiro halka uu xirranka ka jiro.
5:Blood tests. waxa laga baarayaa qeybo faldajiyayaal ah ku jira qulqulka dhiigga, marka uu soo garo muruqa wadnaha dhaawac.
6:Raajada xabbadka{ chest x-ray} waxa ay inna tuseysaa cabbirka iyo qaabka wadnaha, waxay innaga caawineysaa inuu weynaaday wadnaha iyo in kale.
Daaweynta.
Waxa loo sheegayaa in nasiinno galo.
Waxa kaloo la siinayaa nitroglycerin. Daawadani waxay ballaarineysaa xiddidka. Waxay siyaadineysaa in wadnaha dhiig ku filan iyo ogsijiin helo. Garaaca saaidkana hoos ayay u dhigeysaa.
Waxa jira dhowr qeybood loo qeybiyo midba mida kale uu ka halis badan yahay mid mid ayaan uga hadleynaa.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment