Casharka 22aad
Unstable angina waa laab xanuun dhaca xilliga qofka nasiinnada ku jiro. Badanaa waxa ugu wacan dilaac uu keenno ama xiran ku yimaada xiddidka quudiya wadnaha, xirrankaasoo aan ahayn mid markaasi u xiraya si dhammeytiran. Ma jiraan dhimasho xagga muruqa wadnaha uu dhintay. Wadnaha ma ahan mid dhiig ku filan iyo igsijiin helaya, taasoo ugu wacan xirranka ay xirto xinjirta xiddidka quudinaya wadnaha. Waa nooc kamid ah laab xanuunnada qatarta ah kaasoo keenni kara in muruqa wadnaha uu dhaawacmo, kaddib ay horseedo wadna istaag haddii aan si dagdag lagu daaweyn. Laab xanuunkani waxa uu leeyahay darnaansho dagdag uu qofka dareemayo.
Maxaa keenna
Waxa ugu muhiimsan keenna xanuunka ku dhaca xiddidka quudiya wadnaha taasoo sababeysa in wax isku xiraan darbiyada hawlbowla yarayaasha( dufan). Xirrankaasi waxa uu sababayaa in hawlbowlaha uu noqdo mid ciriiri ah kaddibna uu noqdo mid adag. Waxa yaraanaya qulqulka dhiigga muruqa wadnaha. Marka muruqa wadnaha aanu helin dhiig iyo ogsijiin ku filan qofka waxa uu dareemayaa laab xanuun. Waxyaabaha kale ee nugleyn kara, cadaadiska dhiigga sare kacsan, haddii uu jiro Kolostirool, haddii ay qoyska leeyihiin xanuunnada wadnaha ku dhaca, qofka inuu qabo xanuunka macaanka, qofka sigaar cabka ah, qofka miisaankiisa uu saa'idka yahay.
Calaamadaha.
Calaamadaha ugu waa wayn laab xanuunka waa in aanu laabta ka dareemin nafis. Qofka waxa uu dareemayaa laab xanuun, isagoo dareemaya in laabta wax ka saaran yihiin, ama laga ma jiirayo,ama wax looga mudayo. Xanuunka waxa uu ku faafayaa addimaha sare dhanka midig( garabka, gacanta, qoorta, iyo dhabarka).
Qofka waxyaabaha kale lagu arkayo ka mid ah lallabo, isku buuq, dhidid, naafsashado oo adkaata, wareer, daal aan jirin qaab loo sheego.
Baaritaanka
Bukaanka in la fiiriyo cadaadiska dhiigga,
1:Hubbinta dhiigga, waxa la hubbinayaa borotiinnada( troponins, creatine kinase ) haddii ay kacsan yihiin, kuwaasoo ka dhex baxayaan muruqa wadnaha, taasoo keeneysa dhaawac soo gaara muruqa.
2:Electrocardiogram. Waxaan lagu hubbinayaa garacaa wadnaha, taasoo muujineysa yaraanshaha socodka dhiigga.
3:Echocardiogram (echo). Waxa sawir laga qaadayaa haniya( valves) iyo qolalka wadnaha si loo cabbiro inta ay dhiigga bixinayaan ama caafimaad qabaan.
4:Angiography. Waa hubbin la isticmaalo raajo qaas ah si loo ogaado loonna cabbiro halka uu xirranka ka jiro.
5:CT scan:Waa sawir qaadee guddaha jirka, waxa uu inna tusinayaa halka uu ka adkaaday ama uu ka ciriirsan yahay halbowlaha wayn.
6:Cardiac catheterization: waa tubbo markaa la galsho halbowlaha si markaa loogu qiimeeyo ama loogu xaqiijiyo coronary artery disease. Hubbintani waa habka ugu wanaagsan go'aanka looga gaadhi karo coronary artery disease.
Daaweynta.
Daaweynta waxay ku xiran tahay heerka darnaanshaha xaaladani.
1:Daweynta ugu horreysa la siiyaa waa dawooyinka dhiigga furfura sida asprin, heparin, clopidogrel, waxa la isticmaalayaa marka dhiigga adkaado aanu xiddidka ku socon karin
2:Waxa kaloo la siinayaa dawooyinka
*Dawooyinka dufanka hoos u dhigga,(Lipid-lowering statin agents eg, simvastatin, atorvastatin, pitavastatin, and pravastatin)
*Dawooyinka cadaadiska dhiigga hoos u dhigga.(Beta blockers tusaale, atenolol, metoprolol, esmolol, nadolol, and propranolol)
*Dawooyinka lid- diigga(Anticoagulants tusaale,( heparin or low-molecular-weight heparins [LMWHs] [eg, enoxaparin, dalteparin, and tinzaparin])
*Nitrates (eg, nitroglycerin IV)
*Calcium channel blockers (diltiazem, verapamil, or nifedipine)
*Angiotensin-converting enzyme inhibitors (ACEIs) (eg, captopril, lisinopril, enalapril, and ramipril).
3:Qaliin: Haddii xididku uu xidhmo sidoo kalena uu dhaawac soo gaadho murqaha iyo baruurta uu xididku gaadhsiin waayay dhiigga markan oo kale waxa la samaynayaa qaliin.Noocyada qaliinka ee la sameeyo waxaa ka mid ah,angioplasty, bypass surgery.
Qaabka u xiran yahay xiddidka sawirka hoose fiiri.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment