Casharka 16aad

 Casharka 16aad


Restrictive cardiomyopathy (RCM).


 Waa xalaad  ku timaada nudaha muruqa wadnaha ee dhegyaraha hoose kuwaasoo noqonaya  kuwa adkaada,  iyo  aanu dhiig  soo galin  dhegyarayaasha.  Tani waxay horseedeysaa in uu yaraado  qulqulka dhiigga wadnaha. Wadnaha waxa uu leeyahay  afar qol kaasoo ka sameysan muruq, muruqaasi waxa u ogolaanayaa in dhiigga la buufiyo.  Labada  dhegyare ee sare waxa u dhexeeya hibaaq, labada hoose waxa u dhexeeya dhagyare,  xanuunkani waxa uu sababayaa in ay adkaadaan  dhegyarayaasha( ventricles) aynna awooddi waayaan in ay dhiigga si dhammeystiran u tuuraan.  Waxa siyaadaya adkaansha muruqa wadnaha taasoo keeneysa cadaadiska dhegyaraha inuu kordho. Waxa uu dhacayaa marka dhiigga soo galayo hakad wadneedka taasoo carqaladeyn ku imaaneysa dhammaadka dhiigga soo galaya,  waxay abuureysaa ciriirsan.  


Haddii uu xumaado dhegyraha ama uu adkaado  taasi waxay  sare u qaadeysaa  cadaadiska hagad wadneedka.   Labo xaaladoo ayaa ugu wayn.  1 inuu kaco habka ama xiddida sambabeedka cadaadiskooda waxa lagu arkayaa qofka dhagyraha bidix ama midig inay noqdaan kuwa ciriirsama.  2:  waxa yaraanaya cabirka dhegyaraha waxa hoos u dhacaya mugga istaroogga iyo dhiigga la tuurayo. Calaamadaha qofka ka soo muuqanaya waxay ku imanayaan adkaanshaha muruqa, haddii muruqa adkaado uu kordho hadkad wadneedka cadaadiskiisa  waxa kordhaya ciriirsanka xiddidka,  haddii ay taasi dhacdo waxa badanaya xiddid sureedka( jugular vein) inuu ballaarto,waxa kaloo imaneysa in beerka uu weynaado, ama  ubucda ay bararto( abdominal ascites).  Haddii dhiigga soo galayaa dhegyraha uu hoos u dhaco waxa yaraanaya dhiigga la tuurayo taasina waxa keeneysaa, in qofka daal dareemo, tabardarro. Badanaa lama yaqaanno waxa sida rasmiga u keenay,  waxaa xaalad  hidda dhaxaleed.  Waxa jiro waxyaabo loo aaneeyo inay keenaan, kooxo xanuunno ah.


Maxaa sababa.


1:Amyloidosis  waa xaalad ku dhacda unugyada balaasmaha kuwaasoo ku dhex jira dhuuxa lafta,  iyagoo soo saaraya borootiin  aan caadi ahayn( abnormal) kuwaasoo noqonaya kuwa beddelan ama  qaldan markaas ayay saameynayaan xubbin ama nude.  amyloidosis waa borotiin beddelmay waxa uu ahaa silsiald isku xidhan.  Silsiladaa isku xidhan waxay la dagaalmeysaa caabuqa,  waxa uu saameyn ku yeelanayaa wadnaha.  Isagoo ka soo buuxsamaya muruqyada wadnaha kaddib  sidaasi ayuu ku dhallinayaa in wadnaha  giigsamo uuna awooddi waayo inuu dhiigga tuuro,  borotiinkaas sida qaldan u soo galay aawadiisa.  Ka buux sankaasi waxa keenayaa inuu wadnaha adkaado muruqyadiisa. Borotiinka wadnaha muruqyadiisa ku ururay waxa uu keenayaa in ay qaldanto korontada wadnaha( (arrhythmias) ama ay daciifto.  Waxay ku keeneysaa nooc ka mid ah  korontada wadnaha qaldan, garaaca wadnaha sidii la rabbay u garaacmi waayo waliba qeybta sare( atrial fibrillation). Taasina waxay keeni kartaa restrictive cardiomyopathy. 


2:Wax yaabaha kale ee keeni kara waxa kamid ah in birta( iron)si aan xad lahayn ugu ururto wadnaha, taasina ay keeneyso in wadnaha adkaado ama  wadnaha uu talax gabo ay ku sababeyso(hemochromatosis) waxa ay qaldeysaa korontada wadnaha, ama wadnaha gabi ahaanba inuu shaqo gabo ayay abuureysaa. Waxa ay saameyn ballaadhan ku yeelaa xubna badan oo jirka ka mid ah.


3:Sarcoidosis waa  xaalad dhif ah in la arko waa olol saameeya jirkeenna  qeybo kala duwan( inflammation).      Marka jirkeenna uu ka falcelsho ololka(inflammation) xaaladan timid  waxa uu sameysanaya kuus.  Waxa uu dhaawac gaarsiinayaa muruqa wadnaha iyo qeybaha kale ee wadnaha.  Waxay sababeysaa korontada wadnaha  carqalad ku timaada ama  garaaca wadnaha  ay saameyn ku yeelaneyso, wadnaha horseedna u noqon karta inuu  talax gabo( heart failure).


Calaamadaha. 


1:  lallabo.

2: laab xanuun(  xilliga nasiinada ama jimicsiga)

3:Wareer.

4:Lugaha oo barara.

5: Daal

6: Garaaca wadnaha

7: Neefta oo adkaata(dysnpea).

8:Miisaanka oo kordha.

9: Qufac. 

10: Cunno xumo.

11: Kaadida oo yar.


Baadhitaan 


1:Raajada xabbadka(Chest x-ray) waxaan ku arkeynaa haddii wadnaha uu weynaaday ama haniyaasha wadnaha( Chambers) ama haddii ay sambabada ay dheecaan ku jiraan(pleural effusion).


2: Kombuyuutarka wadnaha (ECG) waxaa lagu ogaanayaa korontada wadnaha shaqadeeda.  Waxa kaloo lagu ogaanayaa garaaca  wadnaha haddii uu yahay mid dagdagaya ama tartiib ah. In lagu ogaado dhakhsashada wadnaha aan caadi ahayn( atrial fibrillation)


3:Echocardiogram sawira humaageed( ultrasound)  lagu hubiyo qaabdhiska wadnaha iyo shaqadiisa. Si markaa loogu ogaado in ay weynaadeen  qolalka wadnaha ama inuu yaraaday 


4: In wadnaha laga qaado cad( biopsy). Si loo baaro waxa keenay. 


5: Hubsashada dhiigga( Blood test).


Hubsasho kala duwan  oo dhiig ayaa la sameynayaa si markaa loo hubiyo haddii caabuq jiro,  waxyaabo kale sida borotiinka( amyloidosis), ama kororka birta (hemochromatosis)  taasoo keeneyso restrictive cardiomyopathy. 


8:In cad laga qaado muruqa wadnaha(  myocardial biopsy).


9: In la saaro MRI, ama la saaro CT SCAN.


10: Cadaadiska dhiigga in laga cabbiro. 


Daaweynta.


Ma jirto dawo sax lagu daweeyo xanuunkan. Waxa jira  dawooyin qofka la siiyo  si xanuunka qatartiisa loo yareeyo.


1: Sarcoidosis haddii qofka qabo waxa la siinayaa dawooyinka corticosteroids,  si ay markaasi hoos ugu dhiggaan ololka ( inflammation) waxa mid ah:methotrexate, azathioprine, and leflunomide.


2: Diuretics in la siiyo bukaanka dawooyinka  kaadi badiyaasha. Sida Aldactone (spironolactone)

bumetanide)

(torsemide),Esidrix (hydrochlorothiazide),Lasix (furosemide)


3:Beta-blockers  waxay hoos innooga dhigeysaa garaaca wadnaha,  awoodda  kogitaanka uu sameynayo wadnaha(force Contraction) dawooyinka waxa kamid ah metoprolol,  propranolol,  atenolol. 


4:Calcium channel blockers: dawooyinka waxa kanid  verapamil iyo diltiazam. 


5:Waxa la siinayaa dawooyinka lidka ku ah korontada wadnaha(Anti-arrhythmia drugs) waxay muhiim u yihiin in in aysan dhicin korantada wadnaha aan hablaneyn( atrial fibrillation) dawooyinka waxa ka mid ah amiodarone iyo disopyramide. 


6:Dawooyinka  qofka la siinayo amyloidosis 

cyclophosphamide,melphalan,steroids


7: Dhiigga in laga saaro birta ku jirta loo sameeyo qofka hannaanka dhiig ka saarista(phlebotomy).


8:Daawada ugu dambeyso in qofka loo sameeyo wadnaha in loo beddelo( heart Transplant).


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad