Casharka 18aad
Casharka 18aad
Pericarditis.
Waa olol(inflammation)ku dhaca xuub wadneedka { pericardium} waa kiish jilicsan ku wareegsan wadnaha. Xuub wadneedka waxa uu leeyahay lakab hoose iyo mid kore waxa uu noqonayaa mid olola haddii uu dilaaco dhiig ama dheecaan ay galaan labada lakab. Ololka xuubwadneedka waxa uu la xidhiidhaa in xuub wadneedka galo dheecaan, ololka xuub wadneedka waxa uu keenayaa in qofka dareemo laab xanuun, qandho aad u sarreysa. Xuub wadneedka waxa uu noqonaya mid guduuta, barara.
Xuub wadneedka waa difaac, waa meel ay ku jiraan dheecaan, waxa uu caawinayaa in shaqada wadnaha sidii la rabbay in ay u kala socoto. Waxa uu innoo qabtaa in wadnaha booskiisa ku hayo, inuu ilaalsho marka wadnaha uu kala baxayo saa’id iyo marka dhiigga soo galayo. Waaxa uu ka difaacaa caabuqa wadnaha. Waxa ku jira dheecaan gaaraya 15 ilaa 50 ml.Waxa uu wadnaha siiyaa garaaseyn si aanu isku xoqin wadnaha iyo nudaha ku wareegsaan. Waxa uu ku yaalaa laabta halka u wareegsan yahay wadnaha. Lakabyada xuub wadneedka;
1: Xuub wadneedka miiqan(fibrous pericardium): waa mid adag waana lakabka kore ee xuub wadneedka, waxa uu ka sameysan yahay cadka isku xiraha{ connective tissue} waxa uu difaacaa wadnaha. Waxa ku dhagan xiddida waa wayn.
2: serous pericardium: waa lakabka guddaha xuub wadneedka. Waxa uu ka sameysan yahay labo lakab. Waxa uu soo saaraa dheecaan ka ilaalinaya is qoxida wadnaha iyo nudaha si markaasi u garaacmo. Labada lakab uu ka sameysan yahay waa: lakab kood(Parietal layer of serous pericardium): waa lakab kore kaasoo ku dhagan miiqyo xuub wadneedka wax fogaan uma dhexeyso.
Lakabka ku dhaganaha(Visceral layer): waa lakabka hoose ee xuub wadneedka. Si toos ayuu u dahaaraa wadnaha iyo xiddidadiisa ee dhiigga.
Waxa loo qeybiyaa dhowr jaad.
1: acute pericarditis: waa olol{ inflammation} si dagdag ah u saameynaya xuub wadneedka.
2: chronic pericarditis : waa olol qofka muddo la soo noolaa ilaa seddex bil ka badan taasoo ku keeneysa xaalad dagdag qabasho ah.
3: constrictive pericardatitis: waa xaalad daran oo saameyneysa ololka xuubwadneedka kuwaasoo olol noqonaya lakabyada xuub-wadneedka, waxa uu yeelanayaa nabar(scar), inay adkaadaan, xaaladani waxay carqaladeyneysaa in wadnaha shaqadiisa wax iska beddelaan.
4: infectious pericarditis : waxa keena fayras, bakteeriya, iyo fangaay, barasaayt.
5: idiopathic pericarditis : lama yaqaanno waxa keenay.
6: trauma pericarditis: waxa keenaya dhaawac soo gaadha laabta, sida in qofka shil galo.
7: uremic pericarditis : waxa keenaya natiijo ka dhalata fashilanka kelyaha.
8: malignant pericarditis: waa natiijo ka dhalata Kansar.
Maxaa keena?
Boqorkiiba 90% waxa keena lama yaqaano, laakiin waxa jira waxyaabo badan keeni kara.
1:Dhibaato ka dhalata cuubaqa fayruska badanaa habdhiska uur ku jirta fayrasyada ku dhaca ayaa keenna ololka xuub wadneedka.
2: Waxa kaloo keena bakteeriya waxa kamid ah tiibeyda, waxay keentaa ololka xuub wadneedka.
3:Fangaay waxa uu keenaa ololka xuub wadneedka.
4:Waxa kaloo keeni kara xanuunnada is weerarka difaaca jirka sida rheumatoid arthritis slecaroderma waxa ay keenayaan ololka xuub wadneedka.
5:Laabta oo dhaawac soo gaadha, sida shil ama jug ku dhacday, waxay keeeneysaa ololka xuub wadneedka.
6: Dhibaato ka timaaaday qaliin wadnaha ayaa keeni karta{ complication heart surgery}.
7:Waxa kaloo keeni kara kaankaro{mestastatic cancer} kaasoo ku faafaya horaadada,tubooyinka liinfaha{ lympho node}.
8:Waxa jira dawooyin keenaya ololka xuub wadneedka sida dawooyinka lidka ku korontada wadnaha{ anti arrhythmic} iyo dawooyinka xiddidka balaariya hydralazine.
Calaamadaha
Caalamada ugu caansan lagu yaqaan waa qofka laab xanuun. Qofka waxa uu dareemayaa in waxa lagu mudayo, miinshaar looga jeexayo xabbadka.
Dadka qaar waxay dareemaan in laabta uu cadaadis ka fuulo. In uu ku faafo garabka bidix iyo qoorta xanuunka.
Qufac marka uu qofka u seexdo dhacdiid ama uu neef xooggan qaato.Daal ama qofka oo dareema tabbar darro.
Lugta oo bararta.Qandho iska hooseysa.
Garaaca wadnaha oo siyaada.Neefta oo adkaata.Barar xagga ubucda(abdominal).
Baritaan
1:Hubbin dhiigga si loo ogaado waxa keenay inay yihiin fayras ama bacteriya.
2:Electrocardiogram: waxa lagu ogaanayaa korontada wadnaha, markaasi si loo ogaado garaaca wadnaha.
3:Raajada xabbadka{ chest x-ray} waxa ay inna tuseysaa cabbirka iyo qaabka wadnaha, waxay innaga caawineysaa inuu weynaaday wadnaha iyo in kale.
4:Echocardiogram: waa hirar codeed lagu abuurayo humaag si loo ogaado wadnaha inuu wanaagsan yahay, dhiiggana sidii la rabbay u buufinaya haddii markaasi ku jiraan dheecaan.
5:CT scan: waxaan ku ogaaneynaa in wadnaha adkaaday.
Daaweynta
Bukaanka waxa la siinayaa dawooyinka yareynaya ololka iyo bararka .Waxa ka mid ah.
1: Xanuun baabi;iye in la siiyo bukaanka Aspirin ama ibuprofen.
2: Colchicine daawadani waxay hoos u dhigeysaa ololka( inflammation). Waxa loo isticmaalaa ololka xuub wadneedka dagdaga ah{ acute pericarditis}. Qofka ma qaadan karo haddii uu qabo xanuunnada kelyaha iyo beerka. Dawadani sidoo kale waxay qarqaladeyneysaa dawooyinka kale.
3: Corticosteroids waa dawooyin aad u xooggan loona isticmaalo ololka sida prednisone.
4: Bukaanka waxa la siinayaa antibiotic ama anti fungal hadba waxa keenay ololka xuubwadneedka ayay ku xidhan tahay.
5: Waxa kaloo la siinayaa dawooyinka kaadi badiyaasha{diuretic} waxay innaga caawinayaan dheecaanka badan inuu yaraado.
4: Daaweynta ugu dambeysa waa qaliin. In loo sameeyo bukaanka in dheecaanka laga soo nuugga xuub wadneedka pericardiocentesis} ama in laga saaro bukaanka xuub wadneedka { pericardiectomy}
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment