Casharka 20aad
Casharka 20aad
Ololka Gudawadneed(Endocarditis)
Waa olol keeni kara xaalad qatar ah, waxa ku dhacaa qeybta hoose wadnaha, qolalka iyo haniyaasha(VALVES). Badanaa waxa keenna caabuq. Sida bakteeriya, fangay, ama jeermis kaasoo soo raacaya qulqulka dhiigga kuwaasoo dhaawac gaarsiinaya wadnaha. Waxa ku dhici karaa dadka loo galsho haniyaha macmalka. Haddii aan la daweyn waxa ay keeni kartaa in dhaawac xooggan uu soo gaaro ama uu burburo haniyaha wadnaha.
Ololka guda wadneedka(Endocarditis) waxa uu dhacaa marka bakteeriyda ama jeermis uu soo galo qulqulka dhiigga, waxa u soo safrayaa wadnaha. Jeermiskaas waxa uu dhaawacayaa haniyaha wadnaha ama cadka wadnaha. Sunta ka timaada ama faldajiya kuwaasoo dilaya ama burburinaya nudaha taasoo keeneysa inuu dhibaateeyo haniyaha kuna faafo bannaanka wadnaha iyo xiddida dhiigga.
Guda wadneedka( Endocardium)
waa xuub aad u jilicsan oo kasoo farcama xubnaha salka u ah wadnaha kaasoo ku fidsan hoosta wadnaha ilaa xididada iyo halbowlayaasha, markey daloolada wadnaha furmaan, xuubkaan gadaal ayuu isku laabaa si uu ugu ogalaado daloolada wadnaha in uu dhiig ku qulqulo.
Waa cad dahaara gudaha wadnaha, gudawadneedka waxa innuu ilaalshaa socodka dhiigga isagoo kala saaraya muruqa wadnaha. Waa hab isku xidhe. Waxa uu qabtaa in wadnaha firfircoonaado, korontadiisa ay noqoto mid nidaamsan. Dareen wadaha waa isku xirka muruqu sameeyo kogitaan iyo kala bax, sida markaasi dhiigga loogu buufiyo jirka intiisa kale.
Calaamadaha.
1: Qandho(38.4°C).
2: Dhidid ama jareys gaar ahaan habbeenkii.
3:maqaarka oo nabro yeesha.
4: xanuun, danqasho, barar.
5: Dhuun xanuun ama goorta qofka wax liqayo inuu dareemo xanuun.
6: Laab xanuun goorta qofka neefsanayo.
7:Daal.
8: Neefsashada oo adkaata.
9:Lugaha oo barara ama cagaha
10: Madax xanuun.
11: kala goys xanuun.
12: Qufac qallan ama qufac uu la socdo qoyaan.
13: Matag iyo lallabo.
14: Cunna xumo iyo miisaanka hoos u dhaca.
Maxaa keenna
Badanaa waxa keenna bakteeriya. Dadka ilka laga beddelo ama loo xidho ayaa ugu badan dadka uu saameeyo. Ama dadka loo saameyo baaritaanka indhoskoobiga) endoscopi) kaasoo ay bakteeriyada raaceyso dhiigga.Caadiyan, habka difaaca jidhku waxa uu baabi’iyaa bakteeriya kasta oo waxyeelada leh ee soo gasha dhiigga. Maradka qaar bakteeriyada waxay ka imaan kartaa afka magaaqarka ama mindhiciraha, habadhiska neefsashada ama kaadi mareenka waxa ay awooddaan in ay soo raacaan qulqulka dhiigga. Waxyaabaha kale ee nugleyn waxa kamid ah xanuunnada ku dhaca haniyaha wadnaha( valves). Haddii loo beddelo haniya waxa uu sabab u noqon karaa inuu keenno xaaladan.
Baaritaanka.
1:Blood culture test. waxa uu innaga caawinayaa haddii qulqulka dhiigga ka jiro caabuq, natiijada waxay innaga caawineysaa in aan siinno qalajiyaha ugu fiican lagu daweyn karo.
2:Complete blood count. waxa uu innaga caawinayaa in aynnu ogaanno haddii uu jiro kacsanaan unugyada dhiigga cad.. ama haddii ay jirto caalamad caabuq ah. Sidoo kale waxa uu innaga caawinayaa in ay jirto dhiigyaraan taaso muujineysa haddii uu jiro ololka gudawadneedka( endocarditis).
3:Chest X-ray. raajada xabbadka waxay inna tuseysaa haddii ay wadnaha ama sambabada ay wax ka jiraam. Waxa uu innaga caawinayaa ololka gudawadneedka kaasoo keenaya barar ama caabuq kaasoo ku faafaya sambabada.
4:Computerized tomography (CT) waxa ku ogaaneynaa haddii caabuqa uu ku faafay meela kale.
5:Echocardiogram: waa hirar codeed lagu abuurayo humaag si loo ogaado wadnaha inuu wanaagsan yahay, dhiiggana sidii la rabbay u buufinaya haddii markaasi ku jiraan dheecaan.
6:Electrocardiogram: waxa lagu ogaanayaa korontada wadnaha, markaasi si loo ogaado garaaca wadnaha.
Daaweynta.
1: Nooca daawada bukaanka la siinayo waxay ku xidhan tahay waxa keennay ololka gudawadneedka. Bukaanka waxa la sinayaa xaddi badan qaliajiye ah waxa loo istimaalayaa si xaaladani loogu daweeyo taasoo keentay bakteeriya.
Haddii uu sababay caabuqan fangaayga waxa la siinayaa dawooyinka lidiga fangaayga ( anti fungal), dadka qaar waxay u baahanaayaan in waqti dheer ay u baahdaan.
2: Dawada ugu dambeysa waa qaliin. Haddii loo baahdo in la beddelo haniyaha wadnaha.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment