Casharka 23aad
Casharka 23aad
Prinzmetal angina.
Waa xaalad dhif ah. Waa nooc ka mid ah laab xanuunka. Badanaa waxa uu dhacaa inta u dhexeysa saqda dhexe iyo aroorta, qofka haddii uu jiifo iyo haddii uu nasiinno ku jiro waxa uu dareemayaa laab xanuun. Laab xanuunka waxa keenna dhiig ku filan aanu helin muruqa wadnaha. Badana waxa keenna xiddidka wadnaha oo si dhammeytiran u xirma. Xiddidka wadnaha quudiya oo koga ayaa ka masuul ah in xiddidka si dhammeystiran u xirmo.
Kogitaanka(construction) waxa uu sameynayaa in dhex roorka halbowlaha uu yaraado, waxa ciriirsamaya socodka dhiigga iyo ogsijiinta ee wadnaha, taasina waxay keeneysaa in qofka laabtu xanuunto. Badanka dadka xaaladan( prizemental angina)qaba waxay leeyihiin xanuunka ku dhaca xiddidka ama awdanka xiddinka taasina waxay keeneysaa in wadnaha uu istaago.
Maxaa keenna kogitaanka muruqa(coronary spasms)?
Lama yaqaanno waxa saxda ee keenna kogitaanka xiddidka. Waxa ugu wacan keenna waa in xiddidka dhexroorkiisa inuu yaraado( endothelium). Badanaa hawlbowlaha dhexroorkiisa waxa uu soo saaraa kiimikaal( nitric oxide) taasoo ballaarineyso xiddidka dhiigga, taaso ogolaaneyso socodka dhiigga si fudud ku socdo. Haddii xididka dhexroorkiisa dhaawacmo ama aanu si habboon u shaqeyn xiddidka dhiigga waxa uu noqonayaa mid cariirsan taasina waxa keenaya kogitaanka xiddidka quudsha wadnaha. Laab xanuunkani waa mid soo noqnoqda 15 minitba.
Maxaa keena.
Prinzmetal angina waxa keenna kogitaanka xiddidka quudsha wadnaha ama xiddidka u keenna dhiigga iyo ogsijiinta ee wadnaha. Ogsijiin la'aanta waxay keeneysaa xanuun qofka dareemo. Haddii uu dheeraado xirrinkaasi waxa uu sababayaa dhaawac soo gaara muruqa wadnaha. Waxa jira siyaalo badan uu ku keeni karo inuu xidddka kogogo.
1: Daawooyinka keenna inuu xiddidka kogo sida dawooyina loo qaato goonjabka( migraine) sida sumatriptan.
2:Sigaarka ama tubaakada.
3: isku buuqa.
4:xilliyada qabowga.
5: Dawooyinka sida:marijuana
6: Waxaa kaloo keeni kara dadka isticmaala coccine.
7: waxyaabaha kale een keeni kara waxa ka mid ah ololka ku dhaca halbowlaha quudsha wadnaha(inflammation coronary artery).
8: Waxa kaloo saameyn ama keeni kara dadka qaba kalistaroolka iyo caddaadiska dhiigga sare kacsan( dhiikarka).
Calaamadaha.
1:Laab xanuun, haddii qofka ku jiro xitaa nasiinno, badana waxay u dhexeysaa saqda-dhexe iyo aroorta. Xanuunka waxa uu ku faafayaa gacanta, madaxa, ama garabka.
2: lallabo, dhidid, wareer.
3: Xanuunka soo laa laabta, 15 minit walba qofka in uu xanuunka qabto 15 minit.
Baadhitaan
1:coronary Angiography. Waa hubbin la isticmaalo raajo qaas ah si loo ogaado loo xiranka xiddidka.
2:Electrocardiogram (ECG or EKG). waa qalab lagu baadho wadnaha. Waxa uu inna tusayaa sida wadnaha u dagdagayo ama gaabinayo garaciisa. Taas ayaa lagu go'aaminayaa haddii jiro xirran.
Sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaysan jirin wax caddayn ah dhibaatooyinka wadnaha sida halbowlayaasha xiran, bixiyahaaga waxaa laga yaabaa inuu isku dayo inuu kiciyo (angina Prinzmetal) isagoo isticmaalaya walxaha sida acetylcholine ama ergonovine. Kaddibna waxay arki karaan waxa dhacaya inta lagu guda jiro xaaladani ( Prinzmetal angina)
Halbowlaha ayaa tuujismaya si ku meel gaar ah ayay u xirmayaan, marka uu xirmo waxa la eegayaa sida uu bukaanka noqon doonno.
Daaweynta.
1:Calcium channel blockers (diltiazem, verapamil, or nifedipine)
2:Nitrates (eg, nitroglycerin IV)
3:Dawooyinka dufanka hoos u dhigga,(Lipid-lowering statin agents eg, simvastatin, atorvastatin, pitavastatin, and pravastatin).
4:Qaliin: Haddii xididku uu xidhmo sidoo kalena uu dhaawac soo gaadho murqaha iyo baruurta uu xididku gaadhsiin waayay dhiigga markan oo kale waxa la samaynayaa qaliin.Noocyada qaliinka ee la sameeyo waxaa ka mid ah,angioplasty, bypass surgery.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment