Casharka 24aad
Casharka 24aad
Dilaaca halbowlaha(aorta dissection)
Halbowlaha waa midka ugu ee jirka dhiigga gaarsiiya. Waxa uu leeyahay laammo ka soo baxa waxa uu qaadaa dhiigga agsijiinta leh. Halbowlaha waxa uu leeyahay seddex lakab oo adag. Marka uu dilaaco lakabka hoose, dhiigga waxa uu u dhaqaaqayaa inta u dhexeysa lakabka dhexe iyo midka hoose ee halbowlaha. Waxa loo kala saaraa labo qeybood. Dhiigga waxa uu keenayaa dilaacaa lakabka hoose, waxa uu sababayaa kuus iyo in ku keeno daciifnimo meesha hawlbowlaha ka dilaaco.
Nooca koowaad waxa uu caan ku yahay dilaaca gar fanta(aorta ascending) ka imaya wadnaha. Jaadkan dilaacan waa mid qatar ah maxaa yeelay waxa uu dhacaa xirranka wadnaha.
Nooca labaad. Dilaacan waxa uu ka dhacaa qeybta hoose ee garka hoorka wadnaha(descends) dhanka ubucda.
Sidee u shaqeeyaa halbowlaha?
Xididka ugu weyn ee halbowllaha waxaa loo yaqaannaa garka wadnaha(aorta), waa xiddidka ugu weyn ee jirka kaasoo ay kasoo farcammaan dhammaan xiddidada jirka oo idil, wuxuuna kasoo billaabmaa wadnaha dhankiisa bidix kasoo gaaraa laf dhabarka halka ugu dambeysa isla markaana qaybiya xiddid weyn iyo mid yarba.Xididdada halbowlaha waxay noqdaan kuwa sii yar yaraada marka ay
kasoo farcamaan qeybta bidix ee wadnaha waxayna noqdaan kuwa aad u
yar yar oo lagu magacaabo halbowle yarayaal(arteriole) waana gacan kamid ah halbowlaha ugu weyn ee xididada jirka kuwaas oo u kala baxa xididado yar yar oo qaab dalool ah leh ayagoo ka amar qaata dareenwadeyaalka ka yimaada
maskaxda shaqadoodna waxay tahay koontaroolka qulqulka dhiigga iyo
dhiig karka.
Dhiig karka waa cadaadiska dhiigga ka yimaada wadnaha kaasoo ku
dhaca gidaarada halbowleyaalka waaweyn, cadaadiskaan wuxuu ugu
daran yahay waqtiga dhiigga jirka ku wareego kaasoo ka yimaada
gudaha daloolka wadnaha, wuxuuna aad u yar yahay markuu degan yahay uuna nasasho ku jiro wadnaha.Cadaadiska dhiigga waxaa lagu cabiraa habka milimitirka mugiisa ah
ayadoo la isticmaalayo qalab loogu talagalay oo lagu cabbiro dhiigga
kaasoo lagu xiro xidida halbowleyaasha dhiigga.Halbowlaha ugu weyn ee jirka wuxuu u kala baxaa seddex qeyb oo kala
ah qeyb sare oo lagu magacaabo gar fanta(ascending aorta), qeyb xoodan oo lagu magaacbo garka wadnaha( aortic arch) iyo qeyb hoose oo lagu magacaabo hoorsanka daga( descending
aorta). Qeybta sare ee halbowlaha ugu weyn jirka wuxuu qeybiyaa dhiig ay ku
badan tahay hawada (oxygen) iyo sidoo kale waxyaabaha nafaqada ah waxayna geeyaan wadnaha ayagoo u soo marsiinaya halbowlaha loo
yaqaanno quudiyaha wadnaha(coronary arteries)
Coronary arteries waa xididada dhiigga gaarsiiya wadnaha waana laba
xidid oo midig iyo bidix ka jira wadnaha kuwaas oo kasoo baxa
halbowlaha weyn ee ku yaala bartamaha jirka waxayna quudiyaan
wadnaha qeybahiisa kala duwan sida xuubabka uu leeyahay wadnaha.
Qeybta goddan ama xoodan ee halbowlaha kaasoo loo yaqaano garka wadaha( aorta arch) wuxuu u qeybsamaa ilaa iyo seddex qeyb oo kala ah halbowle sureed( carotid artery,) halbowle kalxameed( subclavian artery) iyo sidoo kale halbowle cudud-madaxeed( brachiocephalic
trunk),dhammaantood waxay dhiig siiyaan qeybaha sare ee jirka sida
madaxa, qoorta iyo gacmaha.
Carotid artery: waa halbowle mara labada dhinnac ee qoorta wuxuuna dhiig siiyaa qeybaha sare ee jirka sida madaxa wuxuuna kasoo farcammaa qebyta xoodan ee halbowlaha kaasoo loo yaqaanno garka wadnaha (aorta
arch).Subclavian artery: waa laba xidid oo dhiigga gaarsiiya qoorta iyo
gacanta waxayna xiriir la leeyihiin gacanka halbowlaha weyn (brachiocephalic trunk).
Brachiocephalic trunk waa laammo ay kasoo farcamaan halbowlayaasha mara gacanta midig iyo halbowlaha mara dhanka sare ee qoorta.Halbowlayaasha mara dhanka midig ee gacanta waxaa kamid ah:
Branchial artey waa xidid weyn oo kasoo fidsama kilkisha islamarkaana ku wareegta unugyada gacanta oo idil.
Axilliary artery waa xidid halbowleedka mara kilkisha ama shakhfalaha kasoo dhiigga soo gaarsiiya kilkisha.
Radial artery waa xidid halbowleedka mara lafta gaaban ee gacanta
taasoo u dhaxeeysa garabka iyo jalaqyada.
Ulnar artery waa xidid halbowleedka mara lafta dheer ee gacanta
taasoo u dhaxeeysa curcurka iyo xusulka.Qeybta loo yaqaano hoorka daga(descending arorta) oo ah halbowlaha qebytiisa hoose wuxuu dhiigga gaarsiiya qeybaha hoose ee jirka sida ubucda caloosha oo ah jirka qeybta ka hooseysa xabadka ilaa iyo xudunta.
Ubucda waxay ka kooban tahay unugyada caloosha, dheefshiidka, beerka, mindhicirka, keliyaha kaadi haysta sidoo kale dumarka waxaa u sii dheer ugxaan sidaha iyo ilma galeenka dhammaan xubnahaan waxaa dhiigga soo gaarsiiya halbowlaha loo yaqaanno halbowle ubuceed(abdominal arorta.)
Maxaa keenna?
Dilaaca halbowlaha waxa jira waxyaabo keeni kara inuu xanuunkan yimaado. Si tartiib ah ayay u burburayaan unugyada kuwaasoo sameysmaya darbiyada halbowlaha. Burburintaas waxay qaadaneysaa muddo sannooyin ah ka hor inta aanu daciifin badka halbowlaha darbiyadiisa, ugu dambeyn waxa ka dhallaneysa dilaac. Taasoo keeneysa in halbowlaha dilaaco. Dilaacsanka halbowlaha gar fant( ascending aorta) waxa uu xidhayaa qeyb wadnaha, halkaasoo cadaadis badan uu fuulayo, cadaadiskaas ayaa keenaya in uu dilaacmo halbowlaha, dhiigga halkii la rabbay inuu xiddidka u dhex maro sidii la rabbay, waxa sameysanayaa marrin kale oo qaldan ama meel xiddidka ka baxsan ayuu ku ururayaa.
Waxbaaha nugleyn kara dilaaca halbowlaha
1: dhiigkarka waa midka ugu caansan ee keenna dilaaca xiddidka. Waxa uu si toos ah u saameynayaa ama u dhaawacayaa lakabyada nudaha halbowlaha, taaso keeneysa in xiddidka inuu lumo miiqsanka loodsan(elastic fiber) waxa burburaya qaabdhiska xiddidka darbiyadiisa iyo waxa siyaadaya adkaanshaha darbiyada.
2: awdanka xiddidka(Atherosclerosis) waa in ay xiddidka ku ururaan walxo dufan ah taasoo keeneysa in xiddidka dilaaco, iyo wax kaloo keeni kara sigaarka.
3:Aortic aneurysm. Waa xaalad aan caadi ahayd inuu weynaado ama kuus uu yeesho darbiyada hawlbowlaha.
4:Xanuunnada lagu dhasho wadnaha.
5: Turner syndrome: waa xaalad lagu dhasho waxay saameysaa iyana dumarka.
6:Xanuunnada ku dhaca cadka isku xiraha(marfan syndrome iyo Ehlers-danlos syndrome) waa kuwa ku yimado dhaxal la iska hiddeysto.
7: Ololka ku dhaca xiddidada( vasculatitis) gaar ahaan ololka ku dhaca halbowlaha. Waxa uu saameynayaa xiddidada dhiigga ee jirka.
8:Jug ka soo gaadha qofka laabta( Chest) tusaale ahaan qofka oo gaari si xawli ah shil ugu galay.
9:Waxa kaloo nugleyn kara in halbowlaha uu noqdo mid cariirsan xilliga ilmaha uu dhasho( aortic coarctation).
10:Waxa uu ku badan yahay da'da wayn( 60 sanno) .
11:Dadka isticmaala dawooyinka coccine waxay keenayaa inuu dhiigga sare uu kaco.
Waxyaabaha kale dumarka ku keeni karo in dilaaco halbowlaha waa dhiikarka xilliga uurka.
Calaamadaha
1:Xanuun dagdag ah, qofka laabta uu ka dareema xanuun mudaal ah ama qeybta sare ee gadaal.
2:Neefta oo yaraata.
3:Qofka dawaqaad dareema
4:Cadaadiska dhiigga hoos noqda. Cadaadiska labada gacmood oo isbeddel beddela.
5:Garaaca oo daciifa.
6:Dhidid badan.
7:Wareer.
8:Aragtida oo yaraata.
9:Calaamadaha istarooga waxa ka mid ah daciifnimada ama faalij(paralysis)qeyb kamid ah jirka in uu noqdo. Hadalka oo adkaada, dhaqaaqa oo dhuma.
10:Socodka oo adkaada.
11:Lug xanuun.
Baaritaan.
1:Chest X-ray: waa hubbin loo isticmaalo, waa cadad yar shucaac ah si markaasi loo ogaado qaab dhiska laabta. In lagu ogaado wadnaha, sambabada, xiddida dhiigga( halbowlaha) iyo lafaha. Ma aha mid aad muhiim u ah hubbintani.
2:Computed tomography (CT) scan: waa hubbinta ugu fiican lagu arko halbowlaha taasoo lagu ogaanayo dilaaca halbowlaha.
3:Magnetic resonance imaging (MRI): hubbin loo isticmaalo in lagu faah faahiyo xubnaha iyo qaabdhiskooda gudaha jirka sida halbowlaha. Waxa uu inna tusinayaa haniyaha wadnaha iyo qololka iyo qulqulka dhiigga ee halbowlaha.
4:Transesophageal echocardiogram (TEE): waa hubbin inna tusineysa qaabdhiska haniyaha wadnaha iyo qololka . Waxa uu ku fiican yahay in lagu arko halbowlo saabeedka( thoracic aorta). Waa humaag muujiye( ultrasound probe) waxa la dhigaa afka ilaa hunguri mareenka, kaasoo si toos loogu ogaanayo gadaasha wadnaha horsanaanta halbowlaha ( descending aorta).
Daweynta.
Dilaaca halbowlaha waxa u baahan yahay daweyn dagdag. Daweynta waxay iskugu jiraan qaliin iyo dawooyin. Taasoo ku xidhan heerka dilaaca.
Nooca koowaad dilaaca halbowlaha.
Qaliin. Qaliinka waa in laga saar sameysanka halbowlaha u sameystay kuuska dilaaca, dhiigga aadaya meel ka baxsan halbowlaha. Waxa loo galinayaa tubbo loo isticmaalayo in lagu xidho dilaaca halbowlaha. Hani halbowleedka dilaacay waxa ka dhallanaya dhaawaca halbowlaha waxa u baahanayaa in la beddelo. Oo loo xidho haniye macmal ah.
Daawada la siinayaa dawooyinka hoos u dhiiga,garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga. Waxay ka hortagayaan dilaaca halbowlaha. Waxaana la siiyaa nooca koowaad qofka qaba si markaasi loo xakameeyo cadaadiska dhiigga.
Nooca labaad.
Daawada la siinayaa dawooyinka hoos u dhiga garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga. Waxay ka hortagayaan dilaaca halbowlaha. Waxaana la siiyaa nooca koowaad qofka qaba si markaasi loo xakameeyo cadaadiska dhiigga.
Qaliin. Waxa loo saxayaa sida midka koowaad. Waxa la dhigayaa xiddidka dhexdiisa fiilo miiq ah(stents).
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment