Casharka 25aad

 Casharka 25aad


Cardiac tamponade


Waa xaalad  dag dag ah  taasoo  dareere  uu ku ururo  xuub wadneedka( pericardium)  kaasoo cadaadis saaraya  wadnaha,  waxa uu keenayaa in uu awooddi waayo wadnaha inuu dhiig tuuro. Marka wadnaha aanu dhiig ku fillan  u buufin si qumman,  waxa hoos u dhacaya cadaadiska dhiigga.  Garaaca wadnaha  waxa uu noqonayaa mid aad u siyaada. Si markaasi iskugu dayo  inuu dhiigga buufiyo. Gudaha laabta ( wadnaha)  waxa ku jira kiish  loo yaqaan xuub wadneed ku hareeysan wadnaha. Waxa  uu leeyahay   labo lakab iyo xuub wadneed hoore ku jira kaasoo ilaalinaya  wadnaha.Hooraha(  cardiac tamponade) wadnaha gala waa dheecaan ama dhiig, maxaa yeelay  hooraha ku urura wadnaha ma jiro meel uu ka baxo,   wadnaha ma awooddayo inuu kala baxo. Hoorkaasi waxa uu ka buuxsamayaa wadnaha iyo muruqa u dhexeeya taasi waxay diideysaa in wadnaha garaacmo. Sida  caadiga ( normally)  hoorka ku jira xuub wadneedka waa mid  ilaalinaya wadnaha inuu is xoqo.


 Natiijada ka dhallaneysa  haddii hoorka ku ururo xuub wadneedka. Wadnaha waxa fuulaya cadaadis , iyo cadaadis hakad wadneedka(diastolic)waxa uu noqonayaa mid siyaada ama la ekaada  cadaadiska xuub wadneedka.  Maxaa yeelay cadaadiska  qolalka wadnaha ma awooddayaan dhiigga caadiga ahaan in dib ugu soo laabta,  cadaadiska guud iyo midka aroore sambabeedka( pulmonary venous). Haddii uu siyaado cadaadiska aroore guudka(systemic venous)   waxa ka dhalaneysa  talax gabka qeybta midig ee wadnaha ( right side heart failure) qofka waxa lagu arkayaa arooro sureedka oo balaarta( jugular venous distention). Haddii uu siyaado  cadaadiska aroore sambabeedka  waxa uu horseedayaa in sambabada ay ciriirsamaan. Hakad wadneedka hoos ayuu dhacayaa dhiigga soo galaya,  tuujis wadneedka( systolic) iyo tuuritaanka dhiigga hoos ayuu dhacayaa.  Kaddib waxa la nashaadinayaa habdhiska dareen wadaha sambaateetik ( sympathetic) waxa uu siyaadinayaa garaaca wadnaha.  Xubnaha waxa ku imanaya  in ay heli waayaan quudin wanaagsan,qofkana sidaas uu shoog ku galo kaddib ay keento dhimasho.


Maxaa keenna


1:In qofka laabta looga muddo(toorey)   ama inuu shil galo.


2:Qofka in  wax lagu duleelsho,  sida  bir ama  rasaas.


3:In halbowlaha dilaaco( Aortic dissection).


4:Kansarka sambabada(  lasts stage lung cancer) kaasoo ku faafaya wadnaha.


5:Wadna qabad dagdag ah taasoo keeneysa in uu yaraado  quudiyaha wadnaha dhiigga siinayay.


6:Tiibbeyda( tuberculosis).


7:Ololka ku dhaca xuub wadneedka. (Pericarditis).


8:Xanuunnada is weerarka difaaca oo dabada dheeraada.


9:Kansarka wadnaha.


10:Fashilka kelyaha.


11:Hoos u dhaca qanjidhka tayroodhka( hypothyroidism).


12:Qaliinka wadnaha la furo taasi waa ay keeneysaa.


13:Waxa kaloo keeni kara  kansarka dhiigga.


14:Shucaaca lagu furo wadnaha ama  meelaha u dhow( pericardium).


Cardiac tamponade  Waa xaalad qatar ah uu wadnaha awooddi kari waayo inuu dhiigga buufiyo.  Waxa yaraanaya  ogsijiinta dhiigga. Waxay keeneysaa in  wadnaha  awooddiisa hoos u dhacdo, haddii ay hoos u dhacdana ay keeneyso dhimasho.


Calaamadaha 


1: xanuun mudaal ah laabta laga dareemo. Xanuunkani waxa uu ku faafayaa meelaha u dhow jirka sida gacanta,  dhabarka, qoorta,  garbaha. Qofka waxa uu dareemayaa marka uu qufaco ama  jeego jeego u seexdo.


2: Neefta  aad u dag dagta.

3: Daal,  dawaqaad. 

4: Isbeddel ku yimaada haraga.

5:Garaaca wadnaha oo kordha.

6: neefta oo yaraata.


Baaritaanka


1:Hubbinta cadaadiska dhiigga.


2:Electrocardiogram:  waxa lagu ogaanayaa korontada wadnaha, markaasi si loo ogaado garaaca wadnaha.


3:Raajada xabbadka{ chest x-ray} waxa ay inna tuseysaa cabbirka iyo qaabka wadnaha, waxay innaga caawineysaa inuu weynaaday wadnaha iyo in kale.


4:Echocardiogram:  waa hirar codeed lagu abuurayo humaag si loo ogaado wadnaha inuu wanaagsan yahay, dhiiggana sidii la rabbay u buufinaya haddii markaasi ku jiraan dheecaan.


5:CT scan: waxaan ku ogaaneynaa in wadnaha adkaaday.


6:Hubbinta neefsashada.


7: Dhageysiga garaaca wadnaha iyo codka neefsashada.


Daaweynta.


Daaweynta ugu muhiimsan waa in laga soo saaro hoorka( fluid)   ku wareegsan wadnaha, hannaankaasoo loo yaqaanno nuugis xuub hoorka( pericardiocentesis). Waxaa kaloo loo baahanayaa in la nidaamsho dhaawacyada uu keenay hoorka. Haddii ay xaaladu daran tahay in loo saameeyo qeyb ka mid ah in la jaro hoorka meesha ku jiro(pericardiectomy).

Waxaa kaloo la siinayaa ogsijiin si bukaanka looga yareeyo shaqada saa'idka wadnaha.  Waxa kaloo muhiim ah in sare loo soo qaado  cadaadiska dhiigga in la siiyo faleenbo  

,dawo.


In la siiyo bukaanka dawooyinka lidka ololka( anti-inflammatory drugs) sida Aspirin,  ibuprofen, steroid, ama colchicine. 


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad