Casharka 26aad

 Casharka 26aad


Ciriirsanka hani labo-faraalaha (Mitral valve  stenosis). 


 Waa ciriirsan ku yimaada ama xirran hani labo-faraalaha( mitral valve).    Haddii ay xaaladani waqti dheer sii jirto waxay keeneysaa korontada wadnaha dhibaato soo gaadha,  waxaa kaloo qofka qatar ugu jiri karaa inuuu dhiig maskaxda kaga furmo,waxa kaloo ay horseedi kartaa  fashilanka wadnaha  ama geeri.Ciriirsanka hani labo-faraalaha waxa uu sameynayaa in  qulqulka dhiigga adkaado

Ka imanayay dhegyarta bidix( left atrium) ee qeybta sare, soo aadayay dhegyaraha bidix qeybta hoose ee wadnaha. Haniyaha  ma ahan mid furmaya si dhiigga u soo baxo sida albaanka oo kale.

Hani labo-faraalaha(mitral valve) albaabkaas oo xidhma marka dhiiggu ogsijiinta waddo u soo dhaafo dhanka dhegyarta bidix(left ventricle) si aanu dhiigu dib ugu noqon dhegyaraha bidix(left atrium),haddana furma marka dhiigga lagu gano gar wadneedka(aorta) sidaana uu ku gaadho jidhka intiisa kale,marka xanuunkani ku dhacana wuu qalafsanaadaa oo siduu marna u furmayay marna u xidhmayay uma shaqeeyo sidaasaana ciriirsan (stenosis) loogu bixiyay oo ah xidhan.


Si aynnu u fahanno hani-labo faraalaha . Waa in aynnu fahanaa sida u shaqeeyo haniyaha( valve). Hani labo-faraalaha (Mitral valve) waa xuub aad u yar oo dabool u ah xididada waa weyn ee 

wadnaha dhiigga ka qaada, daboolkaan wuxuu fududeeyaa dhiigga inuu 

wadnaha dhexmaro islamarkaana u diida in uu wadnaha kusoo laabto 

dhiigga.


Hani labo-faraalaha waa mid furma iyo mid xirma taasina waxay u ogolaaneysaa in dhiigga ka dhaqaaqo meesha uu ka yimid una dhaqaaqo meesha u socday. Haniyaha waxa u shaqeeyaa sida albaabka marna furmaya marna xirmaya inta u dhexeysa qolalka. Codka wadnaha waxa ka abuurmayaa furmashada iyo xirmashada haniya. Haniyaha waxa  xaqiijinayaa qulqulka dhiigga waqtiga saxda iyo jihada saxda ma aaday.   Hani labo-faraalaha waxa uu masuul ka yahay inuu xaqiijiyo qulqulka dhiigga ka imanaya dhegyaraha bidix( left atrium)   aadaya dhegyarta bidix( left ventricle). Sidoo kale waxa uu masuul ka yahay  in aanu dhiigga dib ugu soo laaban  labada qol.

Hani labo faraalaha waxa uu ka mid yahay afarta haniye uu leeyahay wadnaha  kuwaasoo ku ilaaliya qulqulka dhiigga  jihada saxan.Haniya walba waxa uu leeyahay caleen yaro( leaflets) taasoo marna furmaya marna xirmaya marka uu wadnaha garaacmo. Haddii haniyaha  uu xidhmi waayo ama furmi waayo si qumman,  socodka dhiigga wadnaha  waa uu yaraanayaa, taasina waxay keeneysaa in dhiigga socodkiisa adkaado.


Maxaa keenna.


1:Dhaawac ka yimaada caabuq( Rheumatic fever)  waa midda ugu caansan keenta xirranka hani labo faraalaha. Waxa uu difaaca  dhaawac gaarsiinayaa haniyaha.  Waxay ku badan tahay da'aada 50 sanno,  cillada waxay soo muuqaneysaa sannado kaddib marka uu caabuqo saameeyo.  Tani waxay qaadaneysaa  sannado ama tobonaan sanno ka hor in aanu dhaawa soo gaarin haniya wadnaha.Waxa keena badanaa xanuunka loo yaqaan Rheumatic fever kaas oo ah caabuq ku dhaca wadnaha ,diirka iyo maskaxdaba kana sii yimaada marka xanuunada ay keento bacteriayada streptococus aan si fiican loo dawayn.


2:Dilaac taasoo ugu wacan da'da.  Noocan  ciriisanka  waxa uu ku badan yahay dadka da'aada iyo natiijo ku timaado urursanka kaalsiyamta haniya waxa ay keeni kartaa in uu  ciriirsamo ( narrow) haniyaha.Sidoo kalena waxa sabab u noqon kara inuu ilmuhu kuba dhasho. 


3:Radiation therapy.  waa daaweyn lagu daweeyo noocyada kansarka.  Radiation lagu daweeya laabta( cancer) ayaa keeni kara  ciriirsanka hani labo-faraalaha. 


Calaamadaha..


1:Neefsashada oo yaraata.  Waa midda ugu caansan Calaamadaha.   Badanaa waxay dhacdaa  qofka marka shaqo uu qabanayo ama  jimicsi sameynayo, sidoo kale  waxa uu isku arki karaa marka uu dhacdiid u seexdo.


2:Qofka  oo daal dareema.  


3:Cagaha oo barara.


4:Wadnahoo xoog u garaacma.


5:Dhiig uu qofku soo tufo,waa marka ay dilaacaan xidida sambabada cadaadis xoog ah oo dhanka wadnaha kaga noqonaqya awgood.


6:Codka qofka oo xidhma ama xabeeb yeesha.


7: Codka wadnaha isbeddela( heart murmurs).


Baaritaanka


1:Echocardiogram.  waxa lagu xaqiijinayaa haddii uu jiro ciriirsan hani labo faraalaha . Waa hir codeed abuuraya humaag.  Waxa lagu caddeynayaa haddii uu jiro daciifsanaan qulqulka dhiigga iyo dhibaato haniyaha wadnaha( heart valve). Sidoo kale waxa lagu go'aaminayaa darnaanshaha ciriisanka hani labo-faraalaha. 


2:Electrocardiogram.  waxa lagu cabbirayaa danab koronteeda wadnaha siday shaqadiisu tahay. Waxa uu inna tunisayaa haddii ay jirto dagdag garaaca wadnaha ama ay jirto mid tartiib ah.


3:Chest X-ray. Waxay inna tusineysaa xaalada wadnaha iyo sambabada  waxay innoo sheegeysaa haddii wadnaha uu weynaaday.


4:Cardiac catheterization.  Waa qalab la galinayo xidididka dhiigga ilaa wadnaha. Waxa lagu cabirayaa cadaadiska wadnaha iyo hani labo-faraalah

 

Daaweynta.


1:Diuretics:waxay ay yareynayaan hoorka(dareeraha) ku ururay sambabada  ama meelaha kale jirka.


2:Blood thinners. Waxay ka hortagayaa sameysanka xinjirowga, hani labo-faraalaha oo ku sababa korontada wadnaha aan nidaamsaneyn( atrial fibrillation).


3:Beta blockers, calcium channel blockers: Waxay yareynayaan garaaca wadnaha.Wadnaha shaqadiisa si ay hoos ugu dhigaan wakhtina u siiyaan si uu buuxsamo markalena u tuuro dhiigga.


4:Sidoo kale waxa lagu daweeyaa qaliino lagu saxayo hani labo-faraalaha, waxaana lagu taliyaa marka dawooyinku waxba u tari waayaan bukaanka qaliinadaas oo lagu hagaajinayo albabkaas xidhmay (mitral commissurotomy)ama lagu beddelayo albaabkaas adkaaday ama sidiisii u shaqayn waayay(mitral valve replacement).


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad